Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo booqday Xarunta Hay'adda Shifo ee Jigjiga

0
Wednesday April 24, 2019 - 00:11:03 in Wararka by
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo booqday Xarunta Hay'adda Shifo ee Jigjiga

    Madaxwaynaha DDS Mustafa Muxumed Cumar ayaa maanta waxaa uu booqasho ku tagay Xarunta Hay'adda Shifo ee dadka lagu dabiibo, xaruntan oo ay ku xarayssn yihiin bukaan aad u tiro badan ayaa waxay xaruntu bixisaa adeegga Caafimaadka iyo ku daawaynta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha DDS Mustafa Muxumed Cumar ayaa maanta waxaa uu booqasho ku tagay Xarunta Hay'adda Shifo ee dadka lagu dabiibo, xaruntan oo ay ku xarayssn yihiin bukaan aad u tiro badan ayaa waxay xaruntu bixisaa adeegga Caafimaadka iyo ku daawaynta diiniga. iyadoo dhanka kale xaruntu ay leedahay qayb jiif iyo cunto ah oo bukaanka loogu adeego. Madaxwaynaha oo u kuurgalay xaaladda bukaanadan ayaa warbixino ka dhagaystay maamulaha xarunta Hay'adda Shifo wuxuuna maamuluhu uga war bixiyay Madaxwaynaha xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin bukaanka ku xaraysan xarunta iyo dhibaatooyinka ka haysta dhanka adeeg bixinta.


 

Xaruntan ayaa waxaa aasaasay muwaadiniin degaanka u dhashay oo qurbaha ku noolaa, waxayna xaruntani intii la aasaasay ay degaanka ku soo kordhisay wax badan oo wax tar u leh dadka dhimirka wax ka qaba oo waayadii hore dalalka dariska lagayn jiray balse hadda gudaha degaanka wax loogu qabto.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip