Seddex Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Chelsea Iyo Manchester United Kulanka Maanta Ee Stamford Bridge.
Waa ninka kaliya ee ka celin kara xiddiga reer Spain inuu ka dhigo sagaal kulan oo aan Chelsea laga badinin intii uu Hiddink tababare ka ahaa Blue. Inkastoo ay tahay inay kooxda oo dhan il u lahaato Costa, Blind ayaa laga yaabaa inuu si dhow uga caawiyo Smalling shaqadaan adag. Tan kale habdhaqanka Diego Costa ayaa iyadana muhim u noqon doonta kulankaan.
Wayne Rooney vs. John Terry
Cid aan aheyn John Terry ma wajihi doonto howshaan, mana jiro wax diidaya madaama Terry uu yahay qibrada ugu badan ee ciyaartoyda kooxda waxaana la filayaa in kabtanka uu isku dayi doono inuu aamusiyo kabtanka kale ee Man United.
Wayne Rooney sida Costa ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii uu dhashay sannadka cusub, waxaana uu shabaqa ka soo taabtay kulankii ay ka badiyeen Stoke City. Isagoo durbaba dhaliyay 7 gool waxa uu heystaa kalsooni buuxda, mana noqon doonto shaqo aan xanuun laheyn inuu 35 jirka daafaca ah wajaho weeraryahankaan.
Waxaa intaas dheer in John Terry laga yaabo inuu ciyaaro kulankiisii ugu danbeysay ee uu ka horyimaado Man United iyadoo wararka xanta ah ay sheegayaan inuu gabi ahaanba isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan. Sidaasi darteed qaab ciyaareed wacdarro ah oo uu kala hortago Red Devils ayaa u noqon karta xasuus wacan.
Anthony Martial vs. Ivanovic
Nin kale oo dhawaan bilaabay waayihiisa ciyaareed ee Man United ayaa isagana bilaabaya inuu soo jiito taageerayaasha weliba isagoo da’ yar. Waxa uu durbaba dhaliyay gool kulankii uu ka horyimid Stoke waxaana uu heystaa kalsooni uu wacdarro ku dhigo mar kale.
Haddii daafaca Chelsea ay noqdaan kuwa cagajiidaya sida ay haatan yihiin, orodkiisa ayaa markaas waxa uu ku noqon karaa mixnad isagoo awood u yeelan kara inuu goolal dhaliyo.
Ninka wajihi doona waa Ivanovic. Iyadoo uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii ugu danbeysay xiddiga reer Serbia ayaa u muuqda mid badbaadsaday xilli ciyaareedkiisa.
Inuu aamusiyo da’yarkaan reer France ayaa ka dhigeysa in Ivanovic uu ku soo laabto qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa iyadoo isfaham dhexmara Rooney iyo Martial ay natiijo keeni karto.
Seddex Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Chelsea Iyo Manchester United Kulanka Maanta Ee Stamford Bridge.
Diego Costa vs. Chris Smalling Waxa ay u muuqataa sida haddii uu Diego Costa dib u helay qaab ciyaareedkiisii hore inta uu ka hoos ciyaarayay Guus Hiddink, kaasoo si weyn u isticmaalaya isaga, waxaana uu durbaba dhaliyay sideed gool. Costa ayaa ku j