Sarkaal ka tirsan Soomaaliland oo lagu dilay Sanaag

0
Sunday April 21, 2019 - 21:07:50 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsan Soomaaliland oo lagu dilay Sanaag

    Wararka Naga Soo gaaraya deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Taliye urur oo ka tirsan Ciidamada Somaliland ee ka howlgala deegaankaasi. Taliyaha la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay G/dhexe Nayjeeri, waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka Naga Soo gaaraya deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Taliye urur oo ka tirsan Ciidamada Somaliland ee ka howlgala deegaankaasi. Taliyaha la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay G/dhexe Nayjeeri, waxaana dilay askari ka tirsan Ciidankiisa oo muran soo kala dhex galay inkastoo aan weli faahfaahin rasmi ah laga helin waxa ay ku murmeen.

Askariga oo isku dayay in uu goobta ka baxsado ayaa isna waxaa halkaasi ku toogtay ciidamada kadib rasaas mudda socotay oo ay is weydaarsadeen isaga iyo ciidamadii la dagaalamayay.

Dad deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in cabsi xooggan ay soo kala dhex gashay ciidamada soomaaliland eek u sugan deegaanka Yubbe ee Gobalka Sanaag.

Deegaanka Yubbe ee Gobalka Sanaag ayaa waxaa dhawaan fariisin ka sameystay ciidamo ka tirsan Soomaaliland, iyadoona arintaasi ay ka caroodeen Maamulka Puntland.

Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland ayaa xilligan waxaa ay isku horfadhiyaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip