Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

0
Monday April 15, 2019 - 23:57:44 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaas oo ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho. Qaraxa ayaa sida la sheegay waxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso kaas oo lagu aasay afafaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaas oo ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho. Qaraxa ayaa sida la sheegay waxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso kaas oo lagu aasay afafaafka hore ee xero Shiino oo u dhow Xeradii hore ee Shiirkole ee degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Goobjooge ku sugan goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa uu sheegay in laba ruux ay qaraxa ku geeriyoodeen oo ah dhalinyaro goobta ku sugneyd,sidoo kalena laba kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana halkaasi ay ka sameeyeen howlgallo baaritaano ah wallow aysan cid weli ku qaban.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip