KAARAAN BILIC IYO QURUX MA-LAHA LAAKIIN OROD AYAAN LAGU GAAREYN!!!

0
Friday April 05, 2019 - 22:08:03 in Wararka by
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KAARAAN BILIC IYO QURUX MA-LAHA LAAKIIN OROD AYAAN LAGU GAAREYN!!!

    Degmada Kaaraan ee G/Banaadir ayaa saakay wacdarro yaab badan ka dhigtay Maaratoonkii gaabanaa {Mogadishu Mini Marathon} ee lagu qabtay magaalada Muqdisho. Masuuliyiin isugu jitray madaxda Isbortiga, kuwa G/Banaadir iyo hogaamiyaasha Guddiga Olombik

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Kaaraan ee G/Banaadir ayaa saakay wacdarro yaab badan ka dhigtay Maaratoonkii gaabanaa {Mogadishu Mini Marathon} ee lagu qabtay magaalada Muqdisho. Masuuliyiin isugu jitray madaxda Isbortiga, kuwa G/Banaadir iyo hogaamiyaasha Guddiga Olombikada ayaa si weyn waxaa u soo jiitay guusha ay cayaartoydii matalaysay Degmada Kaaraan ka soo hooyeen tartankaasi, la yaab ayay noqotay kadib markii reer Kaaraan ayku kala guuleysteen kaalinta Koowaad iyo tan Labaad ee tartankaasi.

Boqollaalkii qofood ee orodkaasi ka qeyb qaadanayeen ayaa kaaliinta Koowaad waxa ka galay Cabdi-nuur Maxamed Garaad oo ka socday Degmada Kaaraan, halka ay kaalinta 2-aad ee orodkaasi ay ku guuleysatay gabadha lagu magacaabo Ruweyda Cabdi Maxamed oo iyana ka socotay isla Degmada Kaaraan, kuwaasi oo soo bandhigay orod Mucjiso ah oo lala yaabay.

"Dadka reer Kaaraan waa wax kale, waa suurtagal in bilicda iyo quruxda dhismooyinka looga horeeyo laakiin orod laguma gaarayo, Kaaraan orod laguma dhamo, maxaa yeelay waxaa degan dadkii Muufada iyo Macsarada ku caan baxay kuwaasi oo Fardaha ka orod badan jiray” ayuu yiri Taageere aad ula dhacay guusha ay Kaaraan ka gaartay taratankaasi.

WD: C/Laahi Shiikhaalow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip