WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 26-KA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Saturday September 26, 2015 - 08:48:42 in Wararka by
  • Visits: 1529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 26-KA SEPTEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNE XASAN OO BOQOLAAL QOF SALAADDA CIIDDA KULA TUKADAY MASAAJIDKA ISBAHAYSIGA (DAAWO SAWIRADA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soom aaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khmasiitii Salaaddii Ciidda boqolaal qof oo shacab ah kula tukaday Masaajidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN OO BOQOLAAL QOF SALAADDA CIIDDA KULA TUKADAY MASAAJIDKA ISBAHAYSIGA (DAAWO SAWIRADA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soom aaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khmasiitii Salaaddii Ciidda boqolaal qof oo shacab ah kula tukaday Masaajidka Isba haysiga Ee Magaalada Muqdisho.

 

 

Madaxweynaha, ayaa Ummada Somali yeed u diray dhambaal hambalyo ah oo ku aadan Munaasabadda Ciidul Adxaa, is agoona shacabka ugu baaqay inay dhex dooda is kaalmeeyan.

Sidoo kale Masuuliyiin kale oo ka kala tirsan labada gole ee Dowladda, ayaa Ma daxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wehlinaayay Salaadda Ciidda, oo ay ku wada tukadeen Masaajidka weyn ee Isb ahaysiga. Ciidamada Dowladda & Amiso m, ayaa iska kaashaday suggida ammaan ka ee Masaajidka Isbahaysiga, waxayna xireen dhammaan wadooyinka soo gala, oo ay u diidayen gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo lee yahay.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan ba dalka, ayaa dorraad si isu midda looga ciiday, mana jirin wax khilaaf ah oo ka dha shay Ciiddaan, markii Arbacadii dalka la ga wada soomay maalinta 9-aad ee bisha Carafo. Muslimiinta ku dhaqan caalamka oo idil, ayaa dorraad wada ciidaay. Ciidul Adxaa waxay ka mid tahay labada ciidood ee Ummada Muslimiintu lee yihiin.

MADAXDA SARE EE DALKA OO SHACABKA U HAMBAL YEEYAY MAALMAHA CIIDDA CARRAFO

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soo maaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa hambalyo u direy guud ahaan um madda Soomaaliyeedmeel kasta oo ay joogaan munaasabadda ciidul Adxa awg eed, waxaana uuna ku booriyay in ay is cafiyaan. Madxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in maalmahan fadliga leh awge ed loo baahan yahay in la caawiyo

dadka danta yar isla markaana laga farxiyo si dadka kale ula qeybsadaan farxadda mun aasabadda ciida.

Madaxweynaha waxaa uu dadka Soo maaliyeed u rajeeyay in ay ciidan ciideeda ku gaaraan nabad iyo barwaaqo. waxaa uu tacsi u direy ehelada dadkii ku geeriy ooday qaraxii dhowaan ka dhacay magaa lada Muqdisho, isagoo kuwii ku dhaawac mayna ilaahay ugu bariyay in uu caafima ad deg deg ah siiyo.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soom aaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa dha nkiisa waxaa uu hambalyo u direy dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Ad xa awgeed. Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Ci smaan " Jawaari” ayaa waxaa uu ciidul Ad xa awgeed hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay in ay is gacan qabtaan.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in dad ka Soomaaliyeed xilligan la joogo ay ka dhamaanayso is aaminaad la’aantii mud do ka dhexjirtay.

WIIL SOMALI-MARAYKAN AH OO SHEEGAY IN UU YAHAY MUSHARAX MADAXWEYNAHA MARAYKANKA

Yusuf dayur oo ah wiil 12 jir ah oo Somali-Maraykan ah ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka noqdo Madaxweyne dal ka Maraykanka isagoo u jawaabayay siy aasiga Ben Carson oo sheegay in qof Muslim ah inuusan ka noqon karin dalka Maraykanka Madaxweyne.Ka dib markiiuu dhagaystay warka ka soo yeeray Carson ayaa wiilkan yar waxa uu ka codsaday ho oyadii inay taleefankeeda gacan qaadka ah ugaga duubto jawaabta uu ka bixinayo siyaasiga Carson oo ka mid ah siyaas iyiinta u tartamaysa in ay noqdaan mushar ax madaxweyne xisbiga Jamhuuriga.

"Tan waa jawaabta aan siinayo musha rax Ben Carson,” ayuu Yusuf ku bilaabay cod degen oo qafiif ah. 12-jirkaan kula no ol qoyskiisa Eden Prairie waxbarasho dhe xena dhigta ayaa u hadlay si la mid ah siy aasiyiinta kale isagoo u jawaabayay Carson.

Labo daqiiqo iyo 20 seken ayuu Yusuf ugaga hadlay arrimo la xiriira isirka,diinta iyo addoonsiga. Waxana uu sidoo kale ku dhowaaqay in uu yahay mustaqbalka mu sharax madaxweyne dalka Maraykanka,

"Mr. Carson,Bal ka waran haddii qof uu ku u sheego inaadan Madaxweyne noqon ka rin sababo la xiriira midabkaaga?

bal ka waran haddii qof uu kuu sheego inaadan Madaxweyne noqon karin sababo la xiriira isirkaaga ?

bal ka waran haddii qof uu kuu sheego inaadan Madaxweyne noqon karin sababo la xiriira caqiidadaada?

Waa taas tan aad aniga igu sameys ay.”ayuu yiri Yusuf.

Yusuf oo ku dhashay magaalada St.Lo uis Park ayaa ka hadlay sida uu weligiiba u jeclaa inuu noqdo Madaxweyne laga soo bilaabo markii uu 2 sano jir ahaa.

"Dhabtii waxaad dhaawacday riyaday dii,”ayuu u sheegay Carson, "sababtoo ah waxaad tiri qof Muslim ah ma noqon karo Madaxweynaha Maraykanka.”

Yusuf waxa uu tilmaamay in sanadihii lixdamaadkii iyo toddobaatameeyadii iyo xilligii is addoonsiga dadka inay dhihi jir een qof madow madaxweyne kama noqon karo Madaxweyne Maraykanka.

Madaxweyne Obama ayaa jebiyay xa dkaas, Yusufna waxa uu doonayaa in uu jebiyay xadk kale. "Waxaan noqon doo naa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Mus lim ah dalka Maraynkan,”ayuu yiri, "Waxa ad arki doontaan marka aan noqdo Madax weyne inaan tixgeliyo dadka oo dhan caqii do kasta ee ay aaminsan yihiin,midab wal ba ha lahaadeen diin kasta ha aaminsan aadeen.”

Axadii aynu ka soo gudubnay ayuu war eysi uu siiyay taleefishinka NBC Carson waxa uu ku sheegay in uusan aaminsa nayn in qof Muslim ah uu Madaxweyne ka noqon karo dalka Maraykanka. Waxayna taasi sababtay carro badan oo ka timaada dadka Muslimiinta ah iyo dad kalaba.

Shukri Abukar oo ah hooyada Yusuf Dhashay ayaa timid dalka Maraykanka 19 92 waxayna sheegtay in wiilkeeda Yusuf oo u weyn carruurteeda uu jecel yahay in uu daawado wararka lana socdo muuqaa lada siyasiyiinta u tartamaya Madaxtinima da dalka Maraykanka iyo weliba siyaasa da dalka Soomaaliya.

MADAXWEYNAHA: "CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED HORUMAR LA TAABAN KARO AYUU SAMEYNAYA, DOWLADDUNA SI BUUXDA AYAY U GARAB TAAGAN TAHAY''

Madaxweynaha Jamhuriyadda Feder aalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan She ekh Maxamuud ayaa Dorraad hortiisa la gu dhaariyey Taliyaha Cusub ee Ciidam mada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/G aas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaand uulaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Da lka, S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Xafladda dhaarta oo ka dhacdey xaru nta Madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu kula dard aarmey madaxda cusub ee ciidammada inay meesha ka sii wadaan guulaha iyo ho rumarka uu ciidanka sameeyay muddadii ay xilka hayeen madaxdii ka horeysey.

"Ciidammada Xoogga Dalka Soomaal iyeed waxay ku talaabsadeen horumar la taaban karo, dowladduna muhimad gaar ah ayay siineysa inay daboosho baahida ciidanka. Cadowga nabad diidka ah wax aa la gaarsiiyey jab xooggan, taana wax aa abaalkeeda leh ciidammada Xoogga Dalka oo garabsanaya AMISOM. Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka faa’ide ysataan horumarka ay sameeyeen taliyey aasha idinka horeeyay, isla markaana aad ka shaqeysaan tayeynta ciidanka iyo ina ad waddanka u horseeddaan inuu nabad buuxda gaaro’’, ayu yiri Madaxweynaha.

Xafladda dhaarta ayaa waxaa goob jo og ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuum adda, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharm a’arke, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale

GUDDOONKA BAARLAMAANKA OO SHEEGAY IN LA SOO AFJARAY JIRITAANKA MOOSHINKII LAGA KEENAY MADAXWEYNAHA

Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in la soo afjaray maanta jiritaanka Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh 12/08/2015 isla markaana loo gudbay marxalad wadahadal.

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_A16063-BC6DAB-485584-8F8351-1DC963-318F35.jpg&h=210&w=210Qoraal ka soo baxay Guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in guddoonka Baarlamaanka uu hubiyay in ay jiraan tuhunka qiyaano qaran ee ku xusan qodobka 184 ee xeerka ciqaabka qaranka, isla markaana loo gudbayo wadahadal lagu xalinayo arrimaha cabashooyinka

Guddoonka ayaa sheegay in 7da Oktobar la qaban doono kulan ay ka qeybgali doonaan Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxana loogu baaqay dhinacyada ay quseyso in ay ka soo qeybgalaan kulanka.

HALKAN HOOSE KA AQRISO QORAALKA KA SOO BAXAY GUDDOONKA BAARLAMAANKA;-

http://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2015/09/warqada-kowad.png

 

 

 

 

 

 

 

 

http://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2015/09/warqada-2aad.png
































































DHIMASHADA XUJEYDA OO GAARTAY 717 QOF IYO DHAAWACA 863 OO KALE..

Waaxda Difaaca Sacuudiga, ayaa she egtay in dhimashada Xujeyda ay gaartay 717 ruux iyo dhaawaca 863 oo kale. Da dkan waxay ku dhinteen isjiiriddii ka dhac day Mina, oo 5km u jirta Magaalada Ma kka. Isjiiridan, ayaa ka dhalatay markii Xuj ey u socotay dhagaxtuurka ay isku dhac een Xujey kale oo ka soo laabatay dhag axtuurka, waxayna taasi sababtay geerida boqolaal Xujeyda ah. Dadka dhintay, ayaa waxay u badan yihiin dad da’ ah oo isaga kala yimid daafaha kala duwan ee dunida. Dhammaan dadka dhintay waxaa loo sameeyay tirsiyo lagu aqoonsan karo.

Kooxda gurmadka deg-degga, ayaa ga can u fidiyay dadkii ku waxyeeloobay shil ka, waxayna inta badan dhaawacyada u kala qaadeen goobaha caafimaadka ee ku yaala Mina. balse waxaa jira Soomaali badan oo sida la sheegay aan weli ku soo laaban teendhooyinkii, ay dorraad subaxdii ka soo tooseen.

Sheekh Shamsudiin Gobdoon Maka awi oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Boqortooyada Sac uudi Carabiya, ayaa xaqiijiyay inay jiraan dad Soomaali ah oo la la’yahay, balse ays an jirin wax Soomaali ah oo la’ogyahay in shilka ku dhimatay. Waloow shalay oo jimca ahyed ay soo baxday tiro 7 qof ah oo soomaali ah oo ka mid noqtay dadka is buurashada ku geeriyooday iyadoo in kalena ay dhaaca yihiin hase yeeshee laga yaabo in ay sii kordhaan

Madaxda Sacuudiga oo isugu tagey Magaalada Makka, ayaa isha ku haaya wixii dorraad ka dhacay Mina, inkastoo dorraad galab mid caadi ah lagu soo daba alay xaaladda wadadii, ay isbuurista ka dhacday.

Shilkan, ayaa ku soo beegmaya, xilli dorraad loo dabaaldegayo maalinta 1-aad ee Ciidul Adxaa, iyadoo dhammaan Musl imiinta caalamka ku nool ay ciidayaan.

Dhacdadan waxay imanaysa, iyadoo khamiistii ay Xujeyda ku guda jirtay maali ntii ugu dambeysay ee gudashada acmaa sha Xajka.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SHABELAHA DHEXE OO SALAADA CIIDDA LA TUKADAY KUMANAAN RUUX

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa dorraad la tu kaday salaada Ciida al-adxa boqolaal muslimiin ah oo ku nool magaalada Jow har. Guddoomiyaha gobolka ayaa kala qe ybgalay dadweynaha ku nool xaafada Hor seed eemagaalada Jowhar tukashada salaada waxana uu hadal gaaban oo uu jeediyay ugu hambalyeeyay guud ahaan ummada Islaamka ciida Adxaha waxana uu ugu baaqay shacabka inay is cafiyaan isuna gargaaraan.

"Waxaan nahay ummad muslimiin ah in aan isu naxariisano waa inagu waajib cidii Ilaahey wax u dhiibay waa inuu ka farxi yaa masaakiinta, agoonta iyo dadka taa gta daran,”ayaa ka mid ahaa hadaladii uu u jeediyay shacabka ka qeybgalay salaa da Ciida.

Salaada ka dib ayuu guddoomiyaha gob olka waxa uu socod ku soo maray qeybo ka mid ah xaafada Horseed isagoo shac abka salaamayay isla markaana marxabe eynayay. Cali Guudlaawe ayaa ka duwan mas’uuliyiintii hore u soo martay gobolka maadaama uu wax badan howlo kala duw an ka soo qabtay gobolka waxana uu mar walba bulshada kula hadlaa guryahooda iyagoo ku sugan islamarkaana waxa uu marxabeeyaa dhalinyarada wadooyinka ku sugan marka uu magaalada marayo. Wadooyinka magaalada Jowhar ayaa wa xaa shalay isugu soo baxay carruur iyo da dweyne isugu hambalyeyanayay farxada Ciid Adxaha ee sanadkan.

Deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa dorrad waxaa lagu qalay xoolo kala duwan gaar ahaan ariga iyo lo’da iyadoo dad badan oo sabool ah ah aayeen kuwa wejigooda farxad saa'id ah ka muuqatay ka dib markii la gaarsiiyey xoolaha ciidul adxaa oo ay ku iideen si nabad galyo iyo reyn reyn ah .

SOOMAALI KA MID NOQOTAY DADKII KU DHINTAY ISBUURASHADII KA DHACDAY XAJKA

7 ruux oo Soomaali ah ayaa ilaa iyo ha dda la xaqiijiyay inay ku dhinteen Isbuura shadii Dorraad ka dhacday xajka, gaar ah aan meel banaanka ka ah Masaajidka Xa ramka, xilli xujeyda oo gudaneysa waajiba adka xajka, kana soo laabtay sheydaan-tuurka ay isbuurteen.

Ahmed Aadan Digaal (Ahmed Safiina) oo ka mid ah Guddiga Xujeyda Sooma alida oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in todobada ruux ee ku dhimatay shilkaas ay afar ka mid ah ka yimaadeen dalka Kenya, halka saddexda kalena ay dhinaca Soomaaliya ka yimaadeen.

"Tirada aan hadda heyno ee Sooma alida ku dhintay Isbuurashada waa todobo ruux, waana ka badan kartaa tirada”ayuu yiri Axmed Safiina.

In ka badan todobo kun oo Soomaali ay aa ka mid ahaa Xujeydii sanadkan xajiney say, waxaana ay ka kala yimaadeen dalka gudihiisa iyo dibadiisa.Dowladda Sacuudi ga ayaa xaqiijiyay in ilaa 717 ruux ay ku dhinteen isbuurashada, halka sideed boq ol ka badan ku dhaawacmeen, waxaana bilowday baaritaanka shilkan oo guddi u saartay dowladdu.

25-kii sano ee la soo dhaafay ayaa shil al ay ka dhaceen xajka, iyadoo sanadkii 1990 ay aheyd sanadkii ugu badnaa ee ay xujey ku dhintaan, xilligaasoo 1400 xujey ah ay dhimatay.

ABWAAN CALI DAGAAL XAYD OO MUQDI SHO KU GEERIYOODAY

Allah ha u naxariistee waxaa shalay subaxdii hore Xaafada Ex-fiyoore ee Deg mada Warta-nabadda Magaalada Muqdi sho ku Geeriyooday Abwaan Cali Dagaal Xayd oo ka mid ahaa Abwaanada Sooma aliyeed kuwooda sida weyn looga yaqa ano Magaalada Muqdisho.

Abwaan Cali Dagaal Xayd oo ku jiray Da’da Todobaataneeyada ayaa Bishaan oo idil ku Xanuunsanaa Magaalada Muq disho ee Caasimadda Ummadda Soomaa liyeed.

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Abw aanada Soomaaliyeed Xirsi Dhuux Max amed Weheliye ayaa KNN u Xaqiijiyay Geerida Abwaan Cali dagaal,waxaana uu sheegay in shalay isla Muqdisho lagu Aasay. Marxuumka Dorraad ayey aheyd markii Magaalada Muqdisho uu ku Geeri yooday Abwaan Maxamed Warsame Jaamac Taban-taabo oo abwaanadii hore ee dalka soomaaliya ka mid ahaa oo xan uun dhank kaadi macaa nka ugu geeriyo oday magaalada muqdi sho. Sida caadiga ah ayaa waxaa dalka soomaaliya dhibaat ooyinka coolaadaha iyo kala damneyn la’ aanta dalka uu galay muddada fog dhibaa tadu ay taabatay fannaaniinta, ciyaartooy da iyo waliba suxu ufiyiinta dalka soomaal iya oo inta badan wax qabad al;aan daru ufeed ugu geeriy ooday dalka iyo daafaha caalamka iya doo ajashu halkeeda tahay haddana dada alku ma reebbana iyo daba socodka dad ka indhaha bulshada u ah alle ua hanaxriistee intii geeriyootay oo muslim ah Aamiin Aamiin

WASIIRKA AMNIGA OO LA DARDAAR MAY CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYA

Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlayay Ciidamo Boolis ah oo Tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ku Amray Ciidanka in ay Xaqiijiyaan Amaanka Muq disho inta lagu jiro Maalmaha Ciida.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Ama anka Soomaaliya laga doonayo in ay Xaqi ijiyaan amaanka Muwaadiniinta Soomaal iyeed ee u dabaaldagaya Maalmaha Ciida.

"Dolwadda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay Xaqiijiso amaanka Shacab ay Mas’ uulka ka tagay”ayuu sii raaciyay wasiirka.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa shee gay in Ummadda Soomaaliyeed meelkas ta oo ay joogaan looga Baahan yahay in ay Taageeraan oo ay la shaqeeyaan Dowl adda Federaalka ah iyo Ciidamada Qalab ka sida si looga hortago Weerarada Al-shabaab.

QARAXYO ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY MASJID KU YAAL MAGAALADA SANCA DALKA YEMEN

Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku geeriyoo tay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhac ay masjid ay ku tukadaan dadka Shiicada ah caasimada Yemen ee Sanca.

Qaraxyadan oo dhacay shalay subaxdii iyadoo la tukanayay salaadda Ciida al-Adxa ayaa waxa uu ka dhcay masjidka Balilil halkaa oo ay Shiicada Xuutiyiinta ee mucaaradka ku ah xukuumada Sunniga ah ee dalka Yemen ay ku tukadaan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxii hore uu ka dhacay gudaha masj idka hase yeeshee markii dad badan ay banaanka u soo carareen qof kale oo is qarxinayay uu albaabka ku sugayay kadi bna uu isku dhex qarxiyay dadkii ka soo badbaaday qaraxii hore ee ka dhacay gu daha masjidka.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qa raxan hase ahaatee waxaa laga shaki qa baa in ururka IS ama Dowlada Islaamiga ah ay ka dambeysay weerarkan ismiid aaminta ah, hore ayaa dhowr jeer ururkan uu u sheegtay in uu ka dambeeyay weer aro qaraxyo ismiidaamin ah oo lala eegtay Shiicada dalka Yemen.

TALISKA AMISOM OO KU BAAQAY IN LA XOOJIYO TAAGEERADA SOMALIYA, SI AY U XOOGEYSATO DOWLADNIMADA SOMALIYA

Madaxa Ciidamada Amisom Ahna Wak iilka Ururka Midowga Afrika Ee Soomaal iya, Amb. Maman Sidikou, ayaa waxa uu caalamka ugu baaqay in la kordhiyo taa geerada ku aadan dalka Soomaaliya. Wak iilka, ayaa sheegay in taageerada caala mka ay muhiim u tahay Dowladda itaalka yar ee Somaliya, iyadoona ay Somaliya hi igsanayso dib ugu soo laabashada dhab aha xasiloonida. Wuxuu sheegay horumar ka xilligan ka jira dalka Somaliya in lagu gaaray taageerada uu caalamka ku bixin ayo, isla-markaana ay taageeradaasi soo noolleysay rajada ah in Soomaaliya ka soo kaban karto xilligii adkaa. Qoraal uu soo saaray, ayuu ku sheegay inaanay So omaaliya ka quusan doonin kuwo dadala da ku bixinaya, sidii ay u heli laheyd deg anaansho dhameystiran.

DR. FAROOLE: "MADAXWEYNE XASAN SHE EKH SADDEXDII SANO WAXAY UGA DHAMA ATAY BURBURINTA DASTUURKA IYO LA DIRIRKA MAAMULADA JIRA"

Madaxweynihii hore ee dowladda Punt land Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku fashilmay hogaaminta dalka Soomaaliya iyo rajadii laga filayay dowladda federalka. Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo dorraad qudbad ka jeediyay sa laada Ciida ee magaalada Garowe, ayaa sheegay ugu baaqay madaxweyne Xasan haddii uusan dalka doorasho ka hirgalin karin inuu si deg deg isku casilo.

Wuxuuu madaxweynihii hore sheegay inay macquul tahay inuu dalka ku laabto nidaamkii kumeel gaarnimada haddii aan si deg deg wax looga qaban xaalada uu haatan dalka ku sugan yahay.

" Madaxweyne Xasan Sheekh saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxay uga dhama adeen burburinta dastuurka iyo la dirirka maamulada jira, hadana waad aragtaan khilaafka ka dhextaagan isaga iyo barla maanka,” ayuu yiri Dr. Faroole.

xigasho:-somaliweyn.com

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA IYO

DHIIRIGELINTA MAALGASHIGA

TACSI

Innaa Lillaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Iyadoo raali lagu yahay awoodda iyo go’a aminta Allah, ayaa waxa aanu tacsi u dire ynaa Xukuumadda Boqortooyada Saudi Arabia iyo Ummadda Islaamka dhacdada isbuurashada ee xilliga dhagax ganidda Muna, taasoo sababtay boqolaal dhibana yaal ah oo ka mid ah martida Allah oo wa da noqday shuhado iyo dhaawac, waxaan Allah ka baryeynaa inuu Shuhadada hugi yo naxariistiisa, dejiyana Janooyinkiisa, dhammaan eheladda ay ka tageenna Sa mir iyo iimaan, waxaan kale oo Allah ka baryeynaa inuu caafimaad degdeg ah sii yo dhaawacyada .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya waxa ay soo dhoweyney saa soojeedinta qiimaha leh ee Boqor Sal man bin Abdulaziz Al Saud si baaritaan de gdeg ah loogu sameeyo qaabka ay dhacd adani ku dhacday, lana raad-raaco qorsha yaasha lagu hagayo Xilliga Xajka, lana de dejiyo baaritaanka si loo qaado tallaaboo yinka laga maarmaanka ah ee looga gud bayo dhammaan caqabadaha iyo dhibaat ooyinka si ay ugu suuragasho martida All ah gudashada Xajka si raaxo leh oo xasi looni ay ku dheehan tahay,iyadoo aan la eegeyn waxa baaritaanku soo saaro.

Naga gudooma Tacsi murugo iyo tiira anyo xambaarsan

KENYA OO DOONEYSA IN AMINA MOHA MED AY NOQOTO XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

Xukuumada Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii Wasiirka Arrimaha Dibada Amina Mohammed ay u noqon lahaye haweeneydii ugu horeysay ee noqoto Xoghayaha Guud ee QM ka dib ma rkii ay dhamaato mudada uu xilka hayo Ban Ki-Moon oo ku eg dhamaadka sanadka 2016.

Xulashada diblumaasigii noqon lahaa Xogha yaha Guud ee Sagaalaad ayaa bilaabanaya bartamaha sanadka soo socda balse si cad uma shaacindowla da Kenya. Hase ahaatee, ilo ku dhow dowlada iyo diblumaasiy iin ayaa u sheegay warge yska Star Kenya in ay soo dho weynayaan in hawe eneyda 53-jirka ah, soona baratay cilmiga Sha rciga iyo diblumaasiyada.

Haweeneydan ayaa hore u soo qabatay xil al ay ka mid yihiin Madaxa hay’ada caalamiga ah ee soo galootiga iyo weliba Madaxa Gola ha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka.

Amina Mohamed Jibril oo ah haweeney So mali-Kenyan ah ayaa sidoo kale waxa ay soo noqotay kaaliye Xoghayaha Guud ee QM iyo weliba ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’ada QM.u qaabilsan Arrimaha Deegaanka

Haweeneydan waayo-aragnimada dheer leh ayaa ka mid noqotay golaha wasiirada xuk uumada Kenya bishii May 2013. Amina waxa ay muddo saddex sano wakiil ugaga aheyd dalka Kenya Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Gineva dalka Swisserland.

Mudada gaaban ee xilka haysay ayaa wax aa u suurtogashay xukuumada Kenya in dalke eda lagu qabto kulamo caalami ah waxaana sidoo kale la qorsheynayaa in kulamo kale oo heer caalami ah ay ka dhacaan dalka Kenya dhamaadka sanadkan iyo bartamaha sanadka soo socda.

Kofi Annan oo u dhashay dalka Ghana ay aa madax ka noqday Q/Midoobay 1997-2006, xilkan ayaa ah mid aan si rasmi ahayn wada mada dunida loogu wareejiyo. Haddii Amina ay ku guuleysato xilkana waxa ay noqon doon taa qofkii labaad ee ka soo jeeda wadamada ka hooseysa saxaraha ee loo doorto.

Ban Ki-Moon ayaa hore u sheegay in wada mada caalamka ay markan xilka u dhiibaan qof dumar ah. Hase yeeshee waxaa jira ha ween badan oo dunida can ka ah oo xilkan qa ban kara waxaana ka mid ah haweeyneyda haatan madaxda ka ah UNDP oo hore uga soo noqotay dalkeeda New Zealand Ra’iisal Wasaare Helen Clark. Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay ayaa wa xaa magacaaba Golaha Guud ka dib marka ay ka soo talobixiyaan wadamada joogtada ah ee Golaha Ammaanka Britain, China, France, Russia iyo US.

Shanta dal waa inay hal qof isku raacaan balse waxaa ka reeban shantoodaba in uu qof ka soo jeedo madax ka noqdo Q/Midoobay. Magacyada musharixiin ayaa loo gudbiyaa wa damada ku jira Golaha Ammaanka waxayna yeeshaan kulamo albaabada la isku xirto ka hor intaysan u gudbin musharaxa kama damb aysta ah Golaha Guud.

Waxaa jira isfaham ah in qofka xilka qabana ya uu noqdo mid qaaradaha dunida uu midba mar ka yimaado hase ahaatee ma ahan mid sharci ah oo qoran. Haddii sidaas la tixgeliyo waxaa wareegan iska leh wadamada Bariga Yurub balse waxaa ka cagajiidaya wadamada reer galbeedka ah saameynta uu Ruushku ku

yeelan karo.

WARARKA CAALAMKA

MASAAJID WEYN OO DORRAAD LAGA FURAY CAASIMADDA RUUSHKA EE MOSCOW

Magaalada Moscow, ayaa waxaa Dorraad laga furay Masaajid we yn oo ay ku tukan karto toban kun (10,000) oo qof, waxa ana si diiran u soo dhaweysay Muslimiinta Wadanka Ruushka iyo caalamkaba. Mad axweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa Dorr aad xariga ka jaray furitanka Masaajidka, waxaana kala qay bgalay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, Mada xweynaha Falastiin, Mahm oud Abbas iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Turkiga oo Talaadadii gaaray Magaalada Mos cow, ayaa waxaa ku soo dhawee yay dhigiisa Ruushka, ujeed ada ugu weyn ee uu u tageyna waa ka qaybgalka furitanka Mas aajidk aasi. Madaxweynaha Ruushka oo khudbad ka jeediyay fur itanka Masa ajidka, ayaa sheegay tani inay ka turjumayso sida dalka federalka iyo Islaamka isula jaan qaadayan. Wuxuu kaloo sheegay Islaamku in uu ka mid yahay dhaqan ahaan diimaha ay dadka Ruushku aaminsan yih iin.

Madaxweynuhu wuxuu booriyay doorka Muslimiinta kaga aad an la dagaalanka argagaxisada iyo xagjirnimada, isla markaana uu Ruushku ammaanaayo doorkaasi. Madaxweynayaasha Turki ga & Falastiin oo iyana ka hadlay furitanka Masaajidka, ayaa car rabka ku adkeeyay Di inta Islaamka inay tahay diin nabadeed, waxayna ammaanayn Masaa jidka xilligan laga hirgeliyay Magaa lada Moscow.

Masaajidkan waxa uu noqonayaa Masaajidka ugu dheer ugu na weyn ee Qaaradda Yurub, sida uu u sheegay Madaxw eynaha Ruus kha, Vladimir Putin. Furitanka Masaajidkan, ayaa waxaa lagu soo beeg ay sagaalka bisha Carafo, xilli in ka badan laba milyan oo Muslimiin ah ay taagnaayeen yihiin Banka Carrafo, dorraadna ay ahyed maalinta 1-aad ee Ciidul Adxaa.

IIRAAN OO GEERIDII BOQOLLAALKII XAJEYDA AHAA KU EEDEYSAY BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA

Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iiraan, Ayatollah Ali Kham enei ayaa ku eedeeyay Maamulka Saudi Carabiya inay Mas’uul ka yihiin Is buur buurashadii dorraad ka dhacday Xajka ee ay ku dhinteen Boqollaalka Xujeyda ah.

Shilkan ayaa waxaa ku dhintay 717 Xaaji, iyadoo ay ku dha awacmeen 863-xaaji oo kale, ka dib markii ay Dadkan isaga Ho ryimaadeen Dhagax-tuurka Sheydaanka oo ka dhacda Minna.

Xukuumadda Iiraan ayaa sheegtay in 131 Xaaji oo ka mid ah Xuj eyda Geeriyootay ay u dhasheen dalkeeda, sidoo kalena ay shilkan u ga dhaawacmeen in ka badan 60 Xaaji oo Iiraaniyiin ah.

"Tani waxay ku dhacday waa maamul xumada Boqortooyada Sacudi carabiya, iyada ayaana mas’uul ka ah dhibaatadan dhac day,” ayuu Ayatollah Khamenei ku xusay hadal uu jeedayay, isa goo intaas ku daray in dalka Iiraan ay ka bilaabanayso 3-casho oo baroordiiq ah.

Ayatollah Ali Khamenei oo sii hadlayay ayaa wuxuu hadal kiisa ku daray. "Waxaa laga doonayaa boqortooyada Sacudi car abiya inay aq basho mas’uuliyadda khasaarihii ka dhashay musi ibadan.”

Balse, Boqorka Sacudi carabiya Boqor Salmaan ayaa isaguna dhan kiisa amray in lagu sameeyo baaritaanno shilkan dhacay, isla marka ana dib eegis lagu sameeyo Qorshaha Qaabka Xajka.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Sucuudi Carabiya ayaan ka hadlin eed eynta Iiraan ay u soo jeedisay ee ah inay mas’uul ka yihiin Mashaqadii ay Xujeyda badan ku naf-waayeen shalay.

DOWLADDA SACUUDIGA OO ISKA FOGEYSAY MAS’UULI YADDA MUSIIBADII XAJKA KA DHACDAY

Dowladda Sacuudiga ayaa iska fogeysay eedeymaha loogu soo jeediyay ee mas’uuliyada musiibadii ka dhacday Xajka, ka dib markii in ka badan todobo boqol oo ruux ku dhinteen isbuurasho dhacday maa lintii Ciida. War ka soo baxay Wasaaradda Caafim aadka Sacuudiga ay aa lagu sheegay in shilkan uu ku dhacay Xujeyda oo aan tilmaamihii la siiyay raacin, markii dad ka soo noqonayay sheydaan tuurka iyo kuwo u soo socday ay hal wado wada isticmaaleen, taasna ay sabab u aheyd isbuurashada.

Dowladda Iiraan oo ah tirada ugu badan dadkii ku dhintay is buu rashada ayaa ugu baaqday dowladda Sacuudiga inay qaad ato mas ’uuliyadda shilkaas. Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay mas’uul ka yihiin isbuur ashada, wuxuuna xusay in tani ay ku dhacday maamul xumada Sacuudiga.Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa amray in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha xajka, waxaana uu ku baaqay in baar itaan deg deg ah lagu sameeyo shilkan.Mid ka mid ah shirkadaha safarka Xajka oo fadhigeedu yahay Britain, ayaa sheegtay in mas’uuli yiinta Sacuudigu xireen labo waddo ay dadku isticmaalayeen.

Ilaa 717 ruux ayaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay inay ku dhint een isbuurashada ka dhacday Xa jka, halka 863 kalena ku dha awacmeen, dalalka illaa iyo ha da la shaaciyay inay muwaadini intooda ku dhinteen waxaa ka mid ah, Pakistan, Masar, Niger, Chad, India, Indonesia iyo Tur kiga,Soomaaliya waxaana wali socota tirakoo bka guud oo lagu ogaanayo dalalka ay u dha sheen muwaadini inta kale ee aan la aqoonsan.

QARAMADA MIDOOBEY OO SHEEGTAY 8-KUN OO QAXOO TI AH AY MAALIN WALBA GALAAN YURUB

Q/Midoobey ayaa sheegtay in ilaa sideed kun oo qaxooti u dhashay Suuriya iyo Ciraaq ay maalin walba galaan Yurub, iyadoo ka digtay sii socoshada qul qulka muhaajiriinta ee galaya wadamada Yurub. Isku duwaha Gobolka ee Q/Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Amin Awad oo la hadlay wakaal ada wararka ee Reuters ayaa sheegay in maalin wa lba ay shan kun oo qaxooti tagaan dalka Greece oo noqday marinka u gu bad an ee Muhaajiriinta kaga gudbaan Yurub inteeda kale.

Mr Awad ayaa sheegay inay sii kordhi karto tirada muha ajiriinta ee ku qul quleysa Yurub inta lagu guda jiro xilliga qabo obaha, isla mark aana xuduudaha ay yihiin kuwo furan.

Ku dhowaad nus milyan ruux oo badankood ka yimid Suuriya ayaa sanadkan galay Yurub, kuwaasoo ka soo cararay dagaala da iyo rabsh adaha ka socda dalkood. Midowga Yurub ayaa wali isku khilaafsan si da laga yeelayo qul qulka qaxootiga, waxaana dalka Jarmalka uu qaabi lay qaxooti ka badan boqol kun oo ruux.

Wadamada Croatia, Serbiya, Hungry ayaa bilaabay inay xud uuda ka xirtaan qul qulka qaxootiga faraha badan ee soo galaya dalalooda.

SHIRKADDA SOMA OIL & GAS AYAA MAR KALE ISKA DIIDAY EEDEYMO LOOSOO JEEDIYAY OO AH INAYSAN QAANUUNA WAAFAQS ANAYN HESHIISKII AY LA GASHAY DOWLADDA SOMALIA EE DHINACA BARISTA SHIDAALKA AH.

http://www.hiiraan.com/images/2015/sept/Bob_Sheppard_Soma_oil_and_Gas_660.jpg Maareeyaha Guud ee Shirkadda as, Bob Sheppard oo Wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in eedeyntaas aysan ah ayn mid jirta, isagoo sheegay in ay Shirk addooda diyaar u tahay soo dhaweynta wax walba oo lagu xaqiijinayo heshiisk ooda iyo hawlahooda shaqo.

http://www.hiiraan.com/images/2015/sept/Bob_Sheppard_Soma_oil_and_Gas_660.jpg "Eedaha ku jira warbixinta Q/Midoobay, Waxaan Rumeysa nnahay inaanay ahayn kuwo sal leh, SOMA OIL & GAS waxay mar walba u arkaysay howlaheeda shaqo kuwo Sharciga iyo Anshaxa Waafaqsan, Waxaana u muujinnay wada-shaqeyn aad u wanaagsan, waxaan kaloo Weydiisann ay Golaha Amaanka ee Q/M. inaan la fariisanno oo aan u shararxno is-faham heshiiskan la xiriira, gaar ahaan sida kooxda kormeerka QM u ta rjuntay arrinta la xiriirta heshiiska kobcinta Awoodda ee aynu la galnay Dowladda FS,” ayuu yiri Bob Sheppard.

Su’aal la weydiiyay Bob Sheppard oo ahayd sababta Shirkadooda ku kalliftay inay kharash badan siiso Wasaarada Batroolka ee Dowl adda Somalia iyo sidoo kale inay Shaqaaleysiiso Qareen u dhashay dalka Canada, ayuu kaga jawaabay.

"Heshiiskaas Kobcinta Awoodda ah waa wax iska caadi ah oo ay sa meystaan shirkadaha nala midka ah ee shidaalka iyo kuwa kaleba, wa ayo Wasaaradda Batroolka Somalia ma lahan kaabayaashii ay u baa hneyd, si ay u fuliso howsha ay Dowladda u dirsatay, marka heshiiska wuxuu ahaa midaan qarash ku siinnay dowladda Somalia, si Qara shkaas ugu isticmaasho sidii ay u qoran lahayd dad wasaarada kala shaqeeya howlaha maamulka iyo wadista shaqada. Wasaaraddu wa xay sidoo kale shaqaaleysiisay tan iyo sannadkii 2006-dii Qaar ka mid ah Qareennada ugu cad-cad caalamka ee dhinaca shidaalka, waxaana qayb ka ahaa in dowladda ay kaalmmo na-weydiisato sidii ay isaga bi xin lahayd Mushaarka Qareenadaas.”

{Wareysiga uu VOA-da siiyay Maareeyaha Shirkadda SOM OIL & GAS;}

Waxaa kaloo la weydiiyay inay jiraan warar sheegaya in heshiiska Soma Oil & Gas ay la gashay Dowladda Federaalka ay wax badan ka Qaldan yihiin, sidoo kalena aysan Somalia faa’iido badan ka helayn, ayuu kaga jawaabay.

"Waxay ila tahay in Warbixinta aad soo Xigane yso inkastoo aan si toos ah u arag aan ka faaloon karin, waayo ma ahan mid sax ah, wa xaanse qabaa in heshiiskan uu ahaa kii ugu wanaagsanaa oo noociisa ah, oo ay Dowladdu la gasho Shirkad Shidaal, marka intaan ogahay waxaan hayn kama faaloon karo.”

Sidoo kale, waxaa la weydiiyay Warbixinno sheegaya in shirkadda SOMA OIL & GAS ay abuurtay Hay’ado Gaar ah oo dhanka Amaanka ka shaqeeya, ayna macquul tahay Qaar ka mid ah ay ku lug yeeshaan falalka burcadbadeedka, isagoo su’aashaas kaga jawaabay.

"Ammaanku waa muhiim, mar kasta oo aad ka Hawl-galayso meel Soomaaliya oo kale ah, waxaana laga yaabaa in qayb ka mid ah Ha wshaas ammaanka ay ku lug leedahay dhinaca xeebaha, balse inta ba dan halka aan innnagu ka howlgaleyno waa barriga, marka Amaanka Wuxuu ahaa waxa Durbadiiba markii aynu galay Heshiiska aanu diirad da Saarnay. Seddax Shirkaddood ayaana hawsha ammaanka ee heshi iskan ku lug yeeshay kuwaasoo kala ah, Solace, Salama Fikira iyo Pe ace Bossiness Group. Shirkadda Solace waa shirkadda ugu weyn ee dhanka Amniga ka shaqeysa marka la eego badaha.… Adduunka oo dhan. Salama Fikira iyadana waa shirkad ka shaqe ey sa amniga Gobalka, halka Peace Bossiness Group ay tahay shirkad Soomaaliyeed oo gaar loo leeyahay, ga cana naga siinaysa amniga xe ebaha, waana shirkadda hay’adaha Gar-gaarka iyo Q/M kala shaqeysa ilaalinta xeebaha iyo Ammaanka Soomaaliya, marka sid aas ayaan u danaynay inaan la heshi inno shirkadahan si ay inooga caawiyaan ammaanka meelaha aan ka howl-galeyno.”

Shirkada SOMA OIL & GAS waxaa ku socda dacwadda musuq-ma asuq dhan ka heshiiskii ay la gashay Dowladda Fed eraalka Soomaaliya ah,Sidaas awgeed Waxaa Maareeyaha la wey diiyay Qanacsanaanta ay ku qabaan shirkad ahaan in dacwadaas la hakiyo haddii ay ahaan la hayd Britain iyo caalamka intiisa kale, wux uuna ku jawaabay.

"Waxaanu si buuxda wada-shaqeyn ugu muujineynaa xafiiska baaris ta Musuq-maasuqa ee UK, si natiijo deg-deg ah baaristooda uga soo baxdo, waxaanu siinaynaa xog walba oo ay u baahan yihiin si xal looga gaaro dacwaddan.”

Gab-gabadii Sheppard ayaa la weydiiyay faa’iidada ugu jiri karta sha cabka Soomaaliyded howsha baarista ah ee ay wadaan. Wuxuuna su’ aashaas mar kale kaga jawaabay.

"Waxay ila tahay in billaabidda iyo dib u kicinta Qaybta Saliidda iyo Gaaska ee Waddanka Soomaaliya ay siyaabo dhawr ah muhiim u ta hay, midda Koowaad, sida aan meelo kale ka aragnay haddii Qaybta Saliidda iyo Gaaska lagu Guuleysto waxay keenaysaa Dakhli badan oo Soomaaliya soo gala, iyadoo sidoo kale shaqooyin abuuri karta, waxa an u maleynayaa in madaxweynaha Somalia uu yiri Waxyaabaha ugu Waaweyn ee Xasiloonnida keeni kara ay ka mid yihiin dhaqaale iyo shaqooyin la helo. Kani waa ganacsi xilli dheer Qaadanaya, waa ma shruuc 30 illaa 40 sano jiraya, marka waa mid fursad u ah qof walba oo Soomaaliya ah iyo dowladooda.”

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda SOMA OIL & GAS waa Shirkad la ga leeyahay Britain waxaana Shaqadeedu tahay baarista shidaalka, iy adoo horay ula gashay dowladda Somalia heshiis dhanka baarista shidaalka iyo macdanta ah.

Xigasho:- Hiiraan.Com

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN OO HBA EEN HORE CASHO SHARAF LA WADAAG AY DHALINYARO LOO TABABARAY CILMIGA XOOLA HA IYO BEERAHA

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiir aan mudane C/fitaax Xasan Afrax oo how lo shaqo ku jooga dalka Masar ayaa Xalay casho sharaf ku casuumay dhalinyaro dha waan maamulka gobolka Hiiraan uu u dir ay dalka Masar si ay ugu soo qaataan tab abar ku saabsan dhinaca beeraha iyo Xoolaha.Dhalinyaradani oo uu u dhamaaday tab abarka la xiriira horumarinta wax soo sa arka xoolaha iyo beeraha ayaa ujeedada cashada habeen hore uu la wadaagay ay eheyd sidii guddoomiyaha uu wax ugu og aan lahaa casharada ay soo barteen iyo baahiyaha ay qabaan kooxda tababarka qaatay.

Dhalinyaradani ka socday gobolka Hiir aan ee tababarka ku qaatay dalka Masar ayaa warbixin la xiriirta mudadii tababarka uu u socday oo ah 3 bilood waxa ay siiy een guddoomiyaha maamulka gobolka Hii raan, iyadoo warbixintaasi uu u riyaaqay guddoomiyaha oo markii f hore fikirka ah in loo tababaro dhalinyaro lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa ku dhiira galiyay dhaliny arada in ay xoojiyaan ku shaqeynta wixii ay ku barteen dalka Masar maamulkiisuna uu garab taaganyahay wax alaala wixii fududeynaya howlaha laga sugayo.

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip