
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 4-DA ABRIIL 2019-KA
TALISKA CIIDANKA BOOLISKA OO SHAAC IYAY IN MUQDISHO UU SOO GALAY GAARI QARAX SIDA
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xu
seen Axmed oo shalay shir jaraa’id u qa batay Warbaahinta ayaa uga warbix isay
Howlgalada ka socda Muqdisho, kuwaasi oo lagu sugayo Ammaan ka Caasimad a. Waxa
ay sheegtay Zakia Xu seen in Ciid amada a mniga ay ku guuleyst een inay soo
saaraan Miinooyin Alshaba ab ay ku aaseen de egaanka Weeydoow gaar ah aan
dhinaca Wadada ee duledka Muqdisho.ee
laamig
Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa waxa ay sheegtay in Magaalada Mu qdisho uu soo galay Gaari laga soo buu xiyay waxyaabaha qarxa,kaasi noociisu yahay midka ay Soomaalilada u taqaano Brado,isla markaana digniin u dirtay dad ka wata gaadiida nooca raaxada ah.
Sidoo kale Shacabka kunool Gobolka Banaadir ayay ugu baaqay inay ka feejig naadaan gaarigaas,iyadoona ka codsatay inay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.
Hadalka Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed
ayaa waxaa ku soo aadayaa iyadoo Wadooyinka qaar ee M/ Muqdisho ay xiran yihiin,isla markaana aad loo adkeeyay amniga guud ee Muq disho.
SHIRKADDA ISGAARSIINTA DALKA IMAARAAD KA OO MARKII 2AAD MAGACEEDA BEDESHAY
Shirkadda Telefoonadda ee dalka Imaa raadka ee ETISALAT waxay shalay ku dhawaqaday inay bedesjhay magaca Sha bakadeeda, iyadoo xilligan u bixiysay " Gov Games Etisalat”.Bishii la soo dhafa ay ee March 30keedii waxay Shirk addaasi magaceeda u bede shay Earth Hour Etisalat, si ay taageero ugu muujiso Dhacdo Caalami ah.
Halku dhega qoraalka Bannerka ee Shirkadda ayaa ah "One Team, One Spir it”, kaasi oo ay wadar ahaan Kooxo ka ko oban 168 Maxali, Federal iyo kuwa Calaa mi ah ayaa dhamasytiri doona Abaalmari nta Lacageed ee ugu sarreysa oo dhan 1 million oo Dirhamka Imaaraadka.
Sannadkan waxaa ku tartamaya 15 ko ox oo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin, Britain, Mraaykanka, Thailand, Armenia, Sacuudiga, Baxrayn, Masar, Jordan iyo Tunisia
GABADHII SIDA XUN ULA DHAQANTAY DHIB BANE KHADRA OO SHAQADII LAGA ERYEY
Shir ay isugu yimaadeen Maamulka iyo Takhaatiirta isbitaalka xamarjajab ay ay ku go’aamiyeen in ay shaqada ka ery aan Shukri Maxamed Cabdi oo ahayd ho wlwadeenkii caafimaad ee sida xun ula dhaqantay gabadhii foosha u tagtay xar untooda caafimaad ee Xamarjajab.
Maamulka iyo khaqaatiirta ayaa sheegay in isbitaaka u furan yahay dawaynta dad ka dhibaataysan, iyadoo aanay jirin wax lacag ah oo ay dadka caafimaadka u ima anaya ay ku xiraan.
Waxaa ay sheegeen in Khadra oo ah ayd gabar dhibane ah oo mudnayd in la caawiyo uu maamulka Isbitaalku u fidiyay gargaar isla markaana uu geeyay isbitaal kale si loogu baxnaaniyo iyada iyo ilmaha yar ee ay dhashay.
Mas’uul u hadlay Shirka ka dib maam ulka isbitaalka Xamarjajab ayaa sheegay in falka foosha xun ee ay
Shukri Maxam ed kula kacday dhibane Khadra ay tahay mid ka madaxbanaan dhaqanka iyo xeer ka Isbitaalka, waana sababtaas mida ho wlw adeenkaasi caafimaad ay shaqadee dii ku waysay.
DUKAAMMADA ISLII OO ALBAABADA LOO LAABAY
Guddiga ganacsatada ee xaafadda Islii M/Nairobi ayaa ku dhawaaqay mudaaha raad saddex maalmood socon aya oo ay uga cabanayaan canshuurta ay dawladdu kordhisay.
Guddiga shir jaraa’id qabtay ayaa she eg ay in dawladdu ay xad dhaaf ah u kor dhisay canshuurta labadii sano ee u dam bay say.Guddiga ayaa sheegay in koont eenar 8,000 oo doolar lagu canshuuri ji ray had da laga dhigay 120,000 oo dolar.
"Marka ay dawladdu go’aankaas qaa dana yso in ay nagala tashato ayay aha yd,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
"Labadii sano ka hor 9 dal ayaa naga ade egan jiray, faa’iidada dhaqaale ee arrint aas ayaana laga dareemay huteellada, makhaayadaha iyo meelo kale shaqo abu ur ayaana laga helay.”
MUUDEY "ANNIGA MA AAMINSANI DASTUURKA IN UU NOQON KARO DASTUUR SAX AH”
Guddoomiye ku xigeenka G/Shacabka
C/wali Ibraahin Muudd ay ayaa sheegay in warbixinta G. Dastuur ka ee shalay la soo
bandhigay in laga ree bay maamu lka Soma liland, islamarkaana inta Somal iland ay maqan tahay uusan
noqonkarin Mid saxan.
Md.Muudey ayaa sheegay in Caqaba daha haysta Dastuurka Soomaaliya, ay ka mid tahay Somaliland in aan lagu xu sin warbixinta, islamarkaana wax wada ta shi ah aan lala sameynin. "Anniga ma aa minsani Dastuurka in uu noqon karo Das tuur sax ah inta Somaliland maqan tahay” ayuu yiri Guddoomiye Muuday.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeedda degaanada Somaliland ayaa si carro leh u sheegay in dastuurka yahay mid ku eg koonfurta So omaaliya oo kaliya, inta Somaliland maq antahayna uusan noqon doonin Dastuur ka sax ah.
NINKII XAASKIIS KU DILAY MAREYNKANKA OO MAXKAMAD LA SOO TAAGAYO & 5MILLION OO DOOLAR OO LA DUL DHIGAY
C/casiis Keerow oo 45 jir ayaa
waxaa daraad la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadd a City Hei ghts ee M/San
die go ee G.California ee dalkaasi. Eedeys
naaha wax aa lagu so ooogay dilkii Xaaskiisa, Ma rxuumad Muna Salaad Kuri oo 35
jir ah ayd, taasi oo maydkeeda lagahelay Dhis mihii ay wada deganaayeen bishii
la soo dhaafay ee Maarso 2dii .
Maxkamaddu waxay Eedeysanaha dul dhigtay lacag damiin ah oo dhan 5 million oo Dollar, si loo sii daayo, inta ay Maxk amadda dib u dhegeysan doonto dacwad diisa bishan April 12dii. Boliska dalka Maraykanka waxay Eedeysanaha oo bax sad ah ka soo qabteen dalka Panama bi shii la soo dhaafay ee March 20da
GUDDOOMIYE MURSAL OO SHEEGAY IN DHA MEYSTIRKA DASTUURKA UU MUHIIM U YAH AY DALKA
Ugu horeyn hadal jeedinta Guddoomi yaha Golaha Shacabka ee JFS oo lagu bilaabay kulanka guud ee golaha shac abka ayaa hadalkiisa ku bilaabay Xaalad da amni ee dalka iyo dhibaatooyinka ko oxaha Argagaxisada ah ku hayaan sha cabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale sida kooxahan nabad diidka ah looga hortagi karo,sidoo kale G/golaha shacabka ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaa btamo Hay’adaha amaanka ee Dalka. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shaca bka ayaa ka hadlay arrinta dastuurka da lka iyo dhameystirkiisa waxa uuna sheeg ay in dhameystirka dastuurka uu dalka muhiim u yahay si dalka loo gaarsiiyo doo rasho qof iyo cod ah,waxaana dhinaca ka le xukuumadda federaalka Soomaaliya uu sheegay in laga sugaayo soo gudbinta shuruucda dalka muhiimka u ah.
Guddoomiyaha G/Shacabka ayaa dhin aca kale faray guddiga Isgaarsiinta ee golaha shacabka in ay baaritaano samee yaan oo ay warbixin ka keenaan xarumo shirkado ay leeyihiin ganacsato Soomaali yeed oo la burburiyay kuwaasoo ku yaala Qeybo ka mid ah gobolka Gedo.
Sidoo kale Guddiga la socodka,dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ee Baarl amaanka Federaalka Soomaaliya ayaa golaha usoo gudbiyay Warbixin ku saab san hanaanka dib u eegista dastuurka ga ar ahaan cutubyada 15aad ee dasturka, waxaana warbixinta golaha u aqriyay Xil dhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah xubnaha gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sh.Ibraahim Muudey ayaa sheegay in arrinta dastuur ka ay muhiim u tahay in lagu daro arrinta Somaliland oo muhiim u ah dhameystirka dalka.
Kulanka guud ee Golaha Shacabka ay aa sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shac abka waxaa loogu qeybiyay waxka bede lida sharciga furdooyinka,soo gudbin ax diga Q/Midoobay ee xuquuqda dadka naa fada ah,hindise sharciyeedka maamulka dakhliga, miisaaniyadda sanadka 2019ka, warbixinta afar biloodlaha ah ee gu ddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka iyo xeerHoosaadka Golaha Shacabka baarlamaanka 10aad ee JFS ayaa waxaa soo xiray G/Gol aha Shacab ka Soomaaliya.
XILDHIBAAN XUSEEN C CIISE "SIYAASIINTA SOMALILAND KA SOO JEEDA WAA NOQONAY AAN HADII AAN LALA HESHIININ HARGEYSA”
Xil. Xuseen Carab Ciise oo tirsan Xildhibaanada G/Shacabka baarlamaan Soomaaliya ayaa sheegay in meeshii ugu xumeed Abid ay marayaan wadahadal ada Soomaliya iyo Soomaaliland.
Xuseen Carab Ciise oo ah gudoomiya ha gudiga difaaca ee baarlamaanka Soo maaliya oo shalay hadal ka jeediyey Kal afadhiga 5aad kulankiisa 2aad ee (BFS) oo shalay ka dhacay Muqdisho ayaa ku goodiyey in hadii aan laga dhabeyn waa yo arimaha wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ay dib ugu laaban do onan Somaaliland isla markaana ay is ka ga bixi doonaan Koonfurta Soomaaliya.
Meel Xun ayuu marayaa wadahadala da Soomaaliya iyo Soomaaliland waxaa na loo baahan yahay in xalkeeda la helo ama annaga waxaan ku laaban doonaa Soomaaliland” ayuu ka hor sheegay Xildh ibaan Xuseen Carab Ciise oo kati rsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka So omaaliya.
GUDOOMIYE MURSAL OO SHAACIYAY WAQTI GA XILDHIBAANADA AY KA HADLA YAAN AMNIGA
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sh/C/raxmaan oo khudbad ka jeedinayay G/Shacabka Somaliya ,ayaa shaaciyay waqtiga Xildhibaanada ay ka doodayaan xaaladda amniga ee dal ka. Gudoomiyaha ayaa sheegay Shaba ab inay dhibaatooyin kala duwan oo amni ga la xiriira ay u soo maleegaan Shacab ka Somaliyed, wakiilada Shacabkana ay yihiin Xildhibaanada oo loo baahan yahay inay ka hadlaan ammaanka.
Wuxuu sheegay maalinta Sabtida ah ee 7baadka soo socda Xildhibaanada G/Shacabka inay ka doodi doonaan xaal adda guud ee amniga dalka.
"Ka hortagga Dhagartaasi ay soo mal eegaan Alshabaab waxay u baahan tah ay in si dhab ah loola xisaabtamo Hay’ad aha ammaanka u xilsaaran & difaaca, sid aasi awgeed G/Shacabka BFSomaliya isa ga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuur iga, waxaa Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka kulankoodii qabsoomay 142019 ay ku go’aamiyeen Kulanka Golaha Maalinta Sabtida ah oo taariiqda tahay 06042019 Ajandihiisa uu noqon doono ka doodista Xaaladda ammaan ee dalka.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.
Waxaa jiray Xildhibaano badan oo ka hadlaayay xaaladda ammaanka dalka, doonayayna in Ajandaha kulanka Golaha Shacabka lagu soo daro ka hadalka xa aladdaha ammaanka.
QOYSKA HAWEENEY HINDI AH OO LAGA BADBAADIYEY SOMALIA OO SHEEGAY INUU SAYGEDA CIDLEYEY, KANA DHOOFAY
Afreen Begum oo 33jir iyo saddexda carruur ah ayaa waxay dib ugu laabteen Magaalada Haydarabad oo ay qoyskeedu deggan yihin,kadib, markii mudo ku dhow 1sanno afduub loogu haystay M/ Mudi sho. Booliska Somalia ayaa la shegay in ay ku guuleysteen inay Qoyskaasi soo ba dbaadiyeen bishii la soo dhaafay ee Mar ch 28dii, inkastoo aan wax faahfaahin ah laga bixinin qaabka uu u dhacay Hawlg alkaasi sababo la xiriira dhinaca Ammaan ka.
Warbaahinta Hindiya waxay qoreen in qoyskaasi lagu soo badbaadiyey Hawlgal ay iska kaashadeen Boliska Somalia iyo Safaaradda Hindiya ku leedahay Nairobi.
Afreen Begum iyo saddexdeeda gabdho od markii ay dib ugu laabteen dalkodoa hooyo, waxay u mahad celisay Ra’isulwas aaraha Hindiya, Narendra Modi oo ay sheegtay inuu suurtogeliyey in la soo badbadiyo, kadib, markii uu la hadlay Madax ka tirsan Dowladda Somalia.
Wareysi ay siisay Wargeyska caanka ee The Times of India waxay ku sheegtay in ay ku faraxsan yihiin inay dib ugu soo la abtaan qoyskooda ku nool magaalladda Haydarabaad, balse waxay xustay inay khibrad cabsi leh ka baratay muddadii ay iyada iyo gabadheeda ku xayirnaayeen M/ Muqdisho, waa sida ay hadalka u dhig tay.
Waxay kaloo si kooban uga hadashay qaabkii lagu soo badbaadiyey waxayna tiri: "Qolkayga waxa uu lahaa daaqad yar, markii aan helay Calaamadda Baaqa, waxaan bannaanka uga soo baxay guriga”.
Faahfaahin kale kama aysan ka bixinin qaabka uu u dhacay hawlgalka lagu soo badbaadiyey.
Dhinaca kale, Qoyska haweeneydaasi oo iyagana la hadlay Wargeyska The Times of India waxay sheegeen in Saygaay u dhaxdo Afreen Begum oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Ducaale inuu iyada Iiyo carruurteeda ku cidleeyey magaalladda Muqdisho, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Waxayna intaasi ku dareen in Maxamed Xuseen Ducaale oo haysta dhalashadda dalka Canada uu dib ugu laabtay Kan ada, isagoo aan wax sabab iyo caddayn kale u sheegin qoyskiisa.
Lammaanaha Maxamed Xuseen Ducaale iyo Xaakiisa Afreen Begum ee u dhalatay Hindiya ay isguursadeen sannadkii 2013kii, iyadoo uu saygeeda ku noolaa, kana shaqeyn jirey Shirkad Khaas oo ku taalla magaalladda Hydarabaad ilaa sannadkii 2018kii.
GUDDOOMIYAHA G/BANAADIR OO KA HADLAY DHACDO HAWEENEY LOOGU DIIDAY ISBITAAL
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa waxaa uu ka hadlay dhacdo aad u xanuun badan oo ka dhacay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiye yariisow ayaa waxaa uu sheegay in Shalay Isbitaalka Wardi Community Hospital ee ku yaalla Xamar Jajab loo diiday inay ku dhasho Haweeney Xaamilo aheyd,isla markaana ay ku umushay isbitaalka hortiisa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhacdad aas ay tahay mid aad looga xumaado, waxaana Hooyadaas maga ceeda uu ku sheegay Khadra Maxamud.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Hooyo Khadra Maxamud iyo Cunide eda yar Xaaladood Caafimaad haatan ay aad u wanaagsan tahay,
iya goona ku jira Isbitaalka. Hayee shee waxa uu xusay in marnaba aan la aqbali doono in Muwaadin Soomaaliyeed oo xaalad deg deg ah ku jira loo diido goob caafi maad,isagoona falkaas si kulul u Camb aareeyay.
Ugu dambeeyn, Guddoomiye Cabdiraxm aan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa sheegay in Maamulka Isbitaalka Wardi Community Hospital loo gudbin doono Hay’adaha Dembi baarista dowladda,si sharciga loo horgeeyo,isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO DIB UGU LAABTAY MAGAALADA KISMAAYO
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay dib ugu laabtay Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib dhowr maalmood oo howlo shaqo uu u joogay Magaalada Muqdisho ee Caasim ada Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaara daha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xa aji Maxamuud iyo Masuuliyiinta Labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kale.
Axmed Madoobe oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu Muqdisho u tagay howlo la xiriira sidii loo dhamayn lahaa khilaafka iyo mad madowga jiray islamarkaana booqashadiisu ay jawaab u ahayd Safarkii uu dhawaan Ra”iisul Wasaarahu ku yimid Kismaayo isla markana wada hadalo dheer oo la galay si fiican ay kusoo dhamaadeen waxaa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in booqashadiisu ay ahayd mid Tariikhi ah oo loo baahna dhamaan kulamadii dhacyna ay guul kusoo dhamaadeen.
Waxaa uu intaas ku daray in dhinacyada ay saaran tahay masuuliyad ah sidii wixii lagu balamay loo dhaqan galin lahaa wakhti dalku xaalad adag uu ku jiro oo dagaalka argagixisadu uu dabo dheeraaday dadkuna xaalad adag ku sugan yihiin isla markana laga shaqeeyo danta shacabka iyo hormarka dalka.
SHIRKADDA ISGAARSIINTA DALKA IMAARAAD KA OO MARKII 2AAD MAGACEEDA BEDESHAY
Shirkadda Telefoonadda ee dalka Im aaraadaka
ee ETISALAT waxay shalay ku dhawaqaday inay bedesjhay magaca Shabakadeeda,
iyadoo xilligan u bixiysay " Gov Games Etisalat”.
Bishii la soo dhafaay ee March 30keedii waxay Shirkaddaasi magaceeda u bede shay Earth Hour Etisalat, si ay taageero ugu muujiso Dhacdo Caalami ah.
Haldhega qoraalka Bannerka ee Shirkadda ayaa ah "One Team, One Spirit”, kaasi oo ay wadar ahaan Kooxo ka kooban 168 Maxali, Federal iyo kuwa Calaami ah ayaa dhamasytiri doona Abaalmarinta Lacageed ee ugu sarreysa
oo dhan 1 million oo Dirhamkga Imaar aadka.
Sannadkan waxaa ku tartamaya 15 koox oo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin, Britain, Mraaykanka, Thailand, Armenia, Sacuudiga, Baxrayn, Masar, Jordan iyo Tunisia
DOWLADA OO KAHADASHAY ARIMAHA XAJKA & DUULIMAADYADA
Wasaaradda Awqaafta & Arimaha Diinta Xukumada Soomaliya ayaa shalay kahadashay arimaha Acmaasha Xajka ee Sanadkaan.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cisma an Aadan Dhuubow oo Aqrinayey War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay iney dadaal ugu jiraan sidii Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanad kaan loogu fududeyn lahaa Acmaasha Xajka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Shirk adaha Duulimaadka ay tartan furan ugala yaan Duulimaad yada Xujeyda isla mar kaana tar tankaasi uu Socon doono 313, Bishaan Abriil.
Sanadkii hore ee 2018 ayaa lagu xasuu staa in Xujeyda Soomaaliyeed ee doonay ey iney soo Gutaan Acmaasha Xajka ay la kulmeen dib udhac kasoo wajahay dhanka Duulimaadyada.
Waakan wasiir kuxigeenka oo ka hadlaya Arimahaas,
SOMALIA
OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSI
_______________________
OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamad ganacsi:
DHL International GmbH, a German company of Charles-de-Gaulle-Straße 20, 53113 Bonn, Germany
waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:
Boorar-dhaqameedka; gaadiidka; baako iyo kaydinta alaabta; Gaadiidka alaabada, gaar ahaan jajab yada, baakadaha, waraaqaha; macluumaadka gaadiidka; dhexdhexaadinta badeecada; Gaadiidka Gaadiidka; adeegyada boosteejada; macluumaadka kaydinta; raadinta iyo raadinta adeegyada loogu talagalay waraaqaha iyo boorsooyinka; gaadiidka xamuulka ah ee dhulka, hawada iyo biyaha; adeega jumlada; Adeegyada Kaydinta Qashinka; bixinta qashinka; raadinta iyo raadinta adeegyada loogu tala galay waraaqaha; raadinta iyo raadinta adeegyada loogu talagalay bakhaarada; uruurinta alaabta; kee nista alaabta; adeegga qaybinta; raadraaca elektaroonigga ah ee alaabada, gaar ahaan dukumiinti yada, baakadaha, gawaarida, waraaqaha iyo balaashyada, oo lagu daray fasalka 39aad; warqad, adee gyo xawaaladeed iyo caddayn.
OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas
SOOMAALIYA IYO KENYA OO ISKU RAACAY DIB U HOWLGELINTA DANJIRAYAASHOODA
Mar sii horreysay, Milliteriga Pakistan waxay daraad sheegeen in 3 Askari looga dilay iska horimaad ka dhacay Kashmiir.
Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Hindiya, Kolonel Devender Anand waxa uu tilmaamay in hal Sarkaal iyo 2 qof o orayid ah lagu dilay iska horimaad ay Isniintii la galeen Askarta Pakistan ee ku sugan Xuduudka Kashmiir.
Labadaasi dal oo haysta Hubka Nukliyeer ka waxaa horey u dhex maray 3 dagaal sannadihii 1948kii, 1965tii iyo 1971
MAGACII IYO ASTAANTII XISBIGA DOWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA OO LA BADALAY
Waxaa si buuxda loo ansixiyay badalida magaca Xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida , waxaana lagu badalay Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, halka markii hore uu ka ahaa Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya.
Sidoo kale waxaa la badalay Astaantii Xisbiga oo lagu celiyay Astaantii hore oo la badalay xilligii Cabdi Maxamuud Cumar, xilligaas oo guud ahaan Astaamihii Soomaalinimo lawada badalay balse hadda dib loo soo celiyay.
Guud ahaa Shirwaynaha ayaa wax yaabo badan lagaga wada hadlay, iyadoo shalay codadka lasiinayay Odayaal dhaqameedyada degaanka oo runtii hadalo taariikhi ah halkaa kasoo jeediyay.
Shirwaynahan ayaa maalinta bari lasoo gunaanadayaa, iyadoo bari la dooran doono Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeen, iyo sidoo kale Gole dhexe iyo Gudida fulinta ee Xisbiga.
Shacabka degaanka ayaa aad usoo dhaweeyay tallaabooyinka ilaa haatan uu ku socdo Shirwaynuhu, halka dadka qaarkii aysan aaminsanayn in wax is badal ah uusan keenayn Shirwaynuhu, maadaama wali fadaraalku uu gacanta kula jiro hawlaha Xisbiga.
MILLITERIGA PAKISTAN OO DILAY ASKAR U DHALATAY DALKA HINDIYA
Hadalqoraal oo ka soo baxay Waaxda Warfaafinta ugu qaabilsan Milliteriga Pakistan ayaa lagu sheegay inay 7 Askar Hindi ah ku dileen iska horimaad ka dhacay xuduudka lagu murunsan yahay ee Gobalka Kashmiir.
Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in iska horimaadkaasi ku dhaawaceen 19 kale.
JAMAAHIIRTA JUVENTUS OO WARFARXAD LEH KA HELAY DHAAWACA CRISTIANO RONALDO
Juventus ayaa war farxad leh ka heshay dhaawaca Cristiano Ronaldo ka hor kulanka xiisaha badan oo ay la ciyaari doonaan Ajax Amsterdam, labadaan kooxood ayaana ciyaari doona quarter finalka tarta nka horyaalada yurub.
Xiddiga reer Portugal ayaa cabsi badan laga qabay inuu seegi doono lugta hore ee 10ka April labada kooxood ku ciyaari doonaan Johan Cruyff Arena kadib dhaawac soo gaaray isagoo matalaya qarank iisa Portugal kulamadii isreebreebka koobka qaramada yurub.
Turin farxad yar ayaa ka jirta maadaama lambarka 7aad ee Portugal uu sameeysy soo kabsasho laya ab leh isla markaana uu diyaar u noqon karo kulanka lugta hore ee Ajax, sidoo kale waxaa lasoo wari nayaa inuu taam buuxa u noqon karo kulanka Ac Milan balse uusan dooneyn inuu halis galiyo naftiisa.
CR7 oo si aan caadi aheyn Juventus ugu soo saaray wareega quarter finalka Champions League ka dib markii uu sadexley ka dhaliyay lugtii labaad Atletico Madrid ayaa mar kale diyaar u ah inuu kooxdii sa wareegyada xiga geeyo.
Kabtanka Portugal markii lixaad ayuu doonayaa inuu hantiyo koobka Champions League, waxeyna u noqon kartaa markii afaraad oo xiriir ah hadii uu fasalkaan Bianconerri kula guuleysto koobkaan oo ay ugu dambeysay 1996.
XOGTA SUUQA: BARCELONA OO KU FAKAREYSA INEY QORSHE CIYAARTOY ISDHAAFSI AH HORDHIGTO JUVENTUS – YAA LA ISKU BADALANAYAA?
Barcelona ayaa lagu soo warramayaa iney ku fakareyso qorshe cajiib ah oo ay hor dhigeyso dhig eeda Juventus, waxeyna dooneysaa iney xiddiga ku wareeray Camp Nou ee Philippe Coutinho xal u hesho.
Xiddigaan
reer Brazil ayaan ku aflaxin imaatinkiisa Camp Nou, waxaana xusid mudan inuu
January 2018 soo gaaray gobolka isagoo kasoo hayaamay kooxda Liverpool, waxa ana
jira warar xan ah oo ku hareereysan noloshiisa horyaalka La Liga.
Philippe Coutinho wuxuu u muuqdaa mid ku fashilmay inuu kusoo baxo hanaanka tababare Ernesto Valverde, waxaana lasoo jeedinayaa inuu xagaagan isa ga dhaqaaqi doono kooxda, iyadoo ay taasi jirto ayey kooxda boqortooyada keeney saa qorshe ay isagsa direyso.
Warbixino ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in Barcelona ay dooneyso iney Juventus ula tagto qorshe ay isku dhaafsanayaan labada xiddig ee Coutinho iyo Dybala, waana qorshe ay macquul tahay iney aqbasho kooxda marwada.
Barcelona ayaa la aaminsan yahay iney dooneyso 130 Malyan oo Pound iney ku hesho xiddiga reer Brazil, waxaana muuqanaya hoos u dhac ku yimid qiimahii 18bilood ka hor laga soo bixiyay.
Waxa haray ee la sugayo waxey tahay hadii Bianconerri ay ka bixi karto mushaaraadka uu xiddigaan doonayo, iyadoo la xasuusto iney Aaron Ramsey dhawaan beeca xorta ah kula wareegaan.
SOOMAALI MUSHARAXIIN KA AH KANADA
Gobolka
Alberta ee ay ku nool yihiin Soomaalida labaad ee ugu badan dalka Kanada ayaa
waxa ka socdo doorashada gobolka. Inta la ogyahay waxa doorashadaasi usharaxan
dhowr Soomaali ah.
MagaaladaEdmonton ee caasimada u ah gobolkaas, islamarkaasna ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ayaa waxa ka tartamaya labo qof oo Soomaali ah. Cabdika riin Bakaal iyo shaadiya Xussen waxa ku tartamayaan magaca xisbiga Alberta Liberal.
Maxamed CabdiXassan ayaa qadka telef oonka kula xariirey, ugu horey Shaa diya Xuseen weydiiyey sababta ay xisbigan ku dooratay.
MAS’UULIYIINTA HAY’ADAHA AMNIGA OO LOOGA YAARAY GOLAHA SHACABKA
Qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa laga dalbaday Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga & Taliyeyaasha Ciidamada inay Maalinta Sabtida ah ee soo socota horyimaadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada Amni ee dalka oo maalmihii la soo dhaafay aheyd mid aad u xun, iyada oo sidoo kale ay socdaan howlgallo baaritaano ah.
Dhawaan ayaa waxaa khilaaf ka taaganaa ka hadlida ajendaha ku saabsan Amniga dalka, hayeeshee Isniintii ay go’aamiyeen guddiga joogtada in Maalinta Sabtida ah lag hadlo,isla markaana Xildhibaanada ay horyimaadaan Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga.
NIN ASAGOO 6 JIR AH QOYSKOODA DHUL LAGA
DHACAY OO INTA GARYAQAAN NOQDAY DHULKII USOO DHICIYEY
Nin reer Uganda ah, oo markuu lix jir ahaa aabbihiis dhul laga dhacay, ayaa ugu dambayntii ku guulaystay in uu dhulkii dib usoo celiyo 23 sano kadib, kadib markii uu noqday gar yaqaan ama qareen.
Jordan Kinyera ayaa dhammaystay 18 sano oo waxbarasho ah iyo tababarro dhanka sharciga ah kahor inta aanu galin hawsha soo celinta dhulka.
Maxkamadda sare ayaa Isniintii qoyskiisa u xukuntay dhulkii laga dhacay.
Mr Kinyera ayaa BBCda u sheegay in dhulkii qoyskiisa laga dhacay markii uu lix jirka ahaa uu noloshiisa wax badan ka baddalay.
"Waxaan go'aan ku gaaray in aan noqdo gar yaqaan waxaana arrintaas igu dhiirri galiyey dhacdooyin aan usoo joogay markii aan yaraa, iyo sidii ay duruufihii gallafsanaa u saameeyeen qoyskeena intii ay maxkamaddu socotay" ayuu yiri Mr Kinyera.
Aabihiis ayaa waxaa maxkamadda ka dacweeyey dad ay daris ahaayeen kadib markii ay dhul isku qabsadeen sanadkii 1996dii waxa uuna kiiskaasi jiitameyey in ka badan labaatan sano.
"Aabbahay waxa uu ahaa hawlgab, mana aanu haysan wax dhaqaale ah. Wax dhaqaala ahna masoo gali jirin xilligaas. Waxa uu ku jiray xaalad adag waana midda aniga I dhiirri galisay".
Mr Kinyera ayaa BBCda u sheegay in uu ku faraxsan yahay aabbihiis, oo muddo 23 sano ah aan dhiil dhacday toosin.
"Aabbahay waa 82 jir waxba kama uu qaban karo arrinta dhulka. Arrintu annaga caruurta ah ayay noo taal in aan kasii wadno halkii uu uga tagay."
Muranka dhanka dhulka ah ayaa aad uga jira dalka Uganda. Sida ay sheegeen kooxaha wax u qareema waxay arrintaasi saamayn ku yeelatay 3350% oo ah mulkiilayaasha dhulka.
Sida uu BBCda u sheegay Mr Kinyera, dad badan oo reer Uganda ah oo gudaha dalkaas ku barakacay ayaa markii ay guryahoodii dib ugu laabteen waxay la kulmeen muran dhanka dhulka ah.
AXMED MADOOBE OO SHEEGAY IN SHACABKA AY HAYSTAAN DHIBAATOOYIN BADAN OO DHANKA NOLASHA AH.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatada xillagan haysata Shacabka soomaaliyeed, taasi oo ay ka mid tahay Maciishada iyo dagaalka lagula jiro AlShabaab.
Axmed Madoobe ayaa waxaa uu tilmaamay in muhiim tahay in siyaasiyiinta ay u taasulaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana aan kuraasta la isku qabsan sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in xilligan laga shaqeeyo Horumarka Shacabka Soomaaliyeed.
Hadalkan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya kadib markii mudooyinkii dambe uu wadahadal magaalada Muqdisho ugu socday Madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya, iyagoona ka wadahadlay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo maamulka Jubbaland, iyagoona xal arimahaasi ka gaaray,
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 4-DA ABRIIL 2019-KA
MAXAY YIHIIN CAQABADAHA HORTAAGAN DHAMEYSTIRKA DASTUURKA? Gudoomiyaha Guddiga dastuurka 2a da aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Ca bdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa faahfa ahin ka bixiyay Caqabaddaha hortaagan in si deg deg ah loo dhameystiro Dastuur