Barcelona Oo Toban Ciyaartoy Oo Kooxda Valencia Ah Si Arxan Daro Ah Ugu Xasuuqday Camp Nou, Luis Suarez Oo Afar Gool Dhaliyay, Lionel Messi Oo Saddexley Ugu Jawaabay Iyo Barca Oo Labada Lugoodba La Sii Gashay Finalka Copa Del Rey

0
Thursday February 04, 2016 - 10:18:40 in Sports News by
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Toban Ciyaartoy Oo Kooxda Valencia Ah Si Arxan Daro Ah Ugu Xasuuqday Camp Nou, Luis Suarez Oo Afar Gool Dhaliyay, Lionel Messi Oo Saddexley Ugu Jawaabay Iyo Barca Oo Labada Lugoodba La Sii Gashay Finalka Copa Del Rey

    Barcelona ayaa si aan naxariis lahayn Camp Nou ugu xasuuqday kooxda Valencia kulanka lugta hore ee Copa Del Rey, waxayna Barcelona kooxdaGary Neville ee Valencia ay ku gumaaday 7:0, waxaana gooashan dhamaantood dhaliyay Luis Suarez iyo Lionel Messi i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa si aan naxariis lahayn Camp Nou ugu xasuuqday kooxda Valencia kulanka lugta hore ee Copa Del Rey, waxayna Barcelona kooxdaGary Neville ee Valencia ay ku gumaaday 7:0, waxaana gooashan dhamaantood dhaliyay Luis Suarez iyo Lionel Messi iyada oo Suarez uu afar gool dhaliyay

halka Lionel Messi uu isaguna saddexley dhaliyay. Barceona ayaa haddaba umuuqata in ay joogto finalka Copa Del Rey oo ay koobkiisa difaacanayso inkasta oo ay Mestalla Stadium ku booqan doonto Valancia balse xili horeba kooxda Enrique ayaa dhaawac aan dhamaymo lahayn u gaysatay Valencia.

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaysay kooxda Valencia kulankan ayaana ka tirsanaa lugta hore ee afar dhamaadka Copa Del Rey. Barca ayaa maanka ku haysay halsita ay leedahay kooxda Valencia iyo waliba dhibta uu yeelan doono kulanka lugta labaad ee Metalla Stadium ay booqan doonto, sidaa daraadeed Luis Enrique ayaa wiilashiisa ka doonayayin ay shaqada ugu badan qabtaan kulankan Camp Nou.MSN Vs Valencia


Barcelona ayaa dariiq adag u soo martay in ay soo gaadho afar dhamaadka Copa Del Rey, iyada oo kulamo laba lugoodle ahaa kaga soo gudubtay kooxada ay sida wayn u xifiltamaan ee Espanyol iyo Athletic Bilbao oo ay xili ciyaareedkan lix kulan wada ciyaareen.

Shixihii labada kooxood ee kulankan:-

BARCELONA (4-3-3): Ter Stegen; Vidal, Pique, Mathieu, Alba; Turan, Busquets, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar.

Kaydka:Masip, Bartra, Vermaelen, Adriano, Rakitic, Sergi Roberto, Munir.

VALENCIA (4-3-3): Ryan; Barragan, Mustafi, Aderlan Santos, Siqueira; Barbosa, Parejo, Andre Gomes; Cancelo, Rodrigo, Gaya

Kaydka: Domenech, Ruben Vezo, Zahibo, Cheryshev, Feghouli, Mina, Negredo.

Barcelona ayaa qaybta hore ee kulankan samaysay qaab ciyaareed aan qoraal lagu soo koobi karin, waxayna si buuxda u kala dhantaashay kooxda martida ahayd ee Valencia oo aan qaybta hore qaban waxaan difaac ka ahayn. Barcelona ayaa qaybta hore ahayd kooxda wax kasta garoonka ka samaysay, iyada oo Valencia u diiday in ay madax sare u qaado.

Daqiiqadii 7 aad ee bilawgii ciyaartaba Luis Alberto Suárez ayaa Barcelona hogaanka u dhiibay kadib markii uu kubbad aan caadi ahayn oo uu shaqo fiican ka soo qabtay uu ka helay Neymar Jr, wuxuuna Suarez xili horeba niyadjabiyay kooxda martida ahayd ee Valencia, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Barcelona hogaanka kula wareegtay.Suarezz

Haddii uu Gary Neville markii uu khabiirka kubbada cagta ahaa wax badan shaashada TV-ga ka falanqeeyay dhaqdhaqaaqa Luis Suarez, ayuu haddana kulan awoodi waayay in uu ciyaartoyda kooxdiisa ka caawiyo qaabkii lagu joojin lahaa xidiga ree Uruguay oo uu goolkani ahaa goolkiisii 32 aad ee xili ciyaareedkan uu ka dhaliyay tartamada oo dhan.

Markale Luis Alberto Suárez ayaa daqiiqadii 12 aad kala dhantaalay kooxda Valencia kadib markii goolkiisa labaad ku dhaliyay kubbad qurux badan oo uu ka darbeeyay xerada ganaaxa Velancia balse waxaa markale kubbad amaan ku lahaa Aleix Vidal Parreu oo kubbad fiican soo daba dhigay difaaca Valencia, waxayna ciyaartu markan noqotay 2:0 ay Barcelona hogaanka ugu dheeraysatay.Suarez

Daqiiqad kasta waxaa la sugayay goolka saddexaad ee Barcelona waxayna Valencia ay bilawday in ay si buuxda difaaca u xidhato, laakiin Barca ayaan shaqo kale lahayn waxayna raadinaysay goolkeeda saddexaad. Kadib markii ay Barca lumisay fursado aan tiro lahayn ayay ugu danbayn heshay goolkeeda saddexaad, waxaana goolkan daqiiqadii 29 aad u saxiixayLionel Andrés Messi kaas oo markiisa ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Barca hogaanka ugu raaxaysanayso.Messiii

Ma rumaysan kartid qaabka laxamaysan ee ay Barcelona kubbada u soo dhistay ka hor goolka Messi, waxaana jiibta iyo jaanta isla soo helay Iniesta, Suarez iyo ugu danbaynNeymar da Silva Santos oo cidhib qurux badan goolka Messi ku caawiyay, waxayna ciyaatu noqtay mid dhinaca kaliya ka socota. Barcelona oo weerar ah iyo Valencia oo la wararsan kubbad aan kala joogsiga lahayn.

Daqiiqadii 45 aad jamaahiirta Barcelona aya isku taagay goolka labaad ee Messi kadib markii uu Suarez soo jabiyay dhinaca bidix isla markaana uu Messi kubbad u hordhigay goolka Valencia oo banaan ah laakiin inkasta oo uu Messi si fiican u garaacay goolhayaha Valancia birta ayaa si lama filaan ah u beenisay wax u muuqday goolka afaraad ee Barcelona.Barca

Laakiin intii lagu jiray daqiiqado dheeraad ah oo ciyaarta lagu daray qaybteeda hore ayuu Lionel Messi helay fursad aan la rumaysan karin kadib markii uu Messi ka daba baxay difaaca Valencia isla markaana uu kubbad dheer ku maamulay xerada ganaaxa Valencia laakiin kabtanka kooxda martida ahayd eeShkodran Mustafi oo ahaa difaaca ugu danbeeyay ayaa sameeyay naftii huranimo, laakiin qalad uu ku galay Messi ayaa keenay in Mustafi kaadhka cas oo toos ah loo taago, garsooraha ayaan wax doorasho kale haysan wuxuuna sidoo kale dhigay rekoodhe.Mustafi

Neymar Jr oo aan shabaqa soo taaban MSN ayaa kubbada qaatay, wuxuuna rajaynayay in uu markiisa galo warqada gool dhalinta Barcelona balse xidiga ree Brazil ayaa sii waday caadadiisa xun ee uu rekoodhada bariyihii ugu danbeeyay ku luminayay, waxaana gool ku laagan ka beenisay birta goolka, qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3:0 ay Barcelona awooda sare ku lahayd natiijo ahaan iyo ciyaar ahaanba.Laakiin Messi iyo Suarez ayaa laba cad u kala gooyay Valancia.Messi and Suarez

Markii layskugu soo laabtay qaybta danbe Barcelona ayaa halkeeda ka sii waday shaqadii ay qabyada kaga tagtay qaybta hore ee ciyaarta, waxayna markiiba iska lumisay dhawr fursadood oo goolal lagu dhalin karayay, laakiin fursad abuuris joogta ah kadib daqiqiiqadii 58 aad goolkiisa labaad iyo goolka afaraad ee Barcelona dhaliyay Lionel Andrés Messi kaas oo markale caawin qurux badan ka helay Luis Suarez oo cidhib fiican Messi goolkan kaga caawiyay. Ciyaarta ayaa isku badashay 4:0 ay Barcelona ku xaaqayso Valancia.Messii

Intaa wixii ka danbasyay Barcelona ayaa bilawday in ay ceebayso kooxda martida u ahayd ee Valencia isla markaana ay labada lugoodba la sii gasho finalka Copa Del Rey. Mathieu iyo Arda Turan ayaa iska lumiyay fursado fiican laakiin daqiiqadii 68 aad ayay Valencia gaadhay shabaqa Barcelona waxaana gool u dhaliyayCheryshev balse xidiga Real Madrid amaahda kaga bixay maalintii suuqa ugu danbaysay ayaa offside ku jiray.

Daqiiqadii 74 aad Lionel Andrés Messi ayaa dhamaystirtay saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay wuxuuna markan kubbad ka qaaday difaaca Valencia oo xerada ganaaxa kooxdiisa ku jiray, wuxuuna Messi sidaa ku dhaliyay goolka shanaad ee Barceloa isaga oo jamaahiirta Camp Nou farxada ka badiyay, waxayna ciyaartu noqotay 5:0 ay Barcelona ugu awood sheeganayso Valencia oo xili horeba ciida Camp Nou lagu rogay.Messi

Waxay noqotay habeenkii Luis Alberto Suárez kaas oo inta uu kala daadiyay Valencia sida uu doono ka yeelay, wuxuuna saddexleydiisa dhamaystirtay daqiiqadii 83 aad kadib markii uu kubbad qurux badan ka helay Adriano Correia Claro, wuxuna ciyaarta ka dhigay 6:0 ay Barcelona tahay kooxda aan wax naxiir ah u muujinayn Valencia.Barcelona

Shan daqiiqo oo kaliya kadibLuis Alberto Suárez ayaa wixii Valencia ka hadhay cawka Nou Camp cunsiiyay, wuxuuna markan goolka uu ciyaarta ku soo gabagabeeyay uu ku dhaliyay kubbad qurux badan oo uu ka helay Arda Turan, wuuxuna sidaa ku dhaliyay goolkiisii afaraad iyo goolkiisii 35 aad ee xili ciyaareedkan.Suarez2

Barcelona ayaa haddaba labada lugood la sii gaashay finalka koobk ay difaacanayso ee Copa Del Rey basle Valencia oo Mestalla Stadium ku soo dhawayn doonta Barcelona ayaa laga sugayaa jawaabta ay bixin doonto.Neymar oo aan kulankan wax gool ah ka dhalin ayaa ahaa xidigaha sida gaarka ah ciyaarta u ifinayay balse xidiga ree Brazil ayaa asxaabtiisa Messi iyo Suarez ay la doonayeen in uu gool dhaliyo balse taasi may suurtogalin.MSN

Haddii ay laba ciyaartoy hal kulan saddexley ka dhaliyaan maxaa dhaca? Luis Suarez ayaa afarley dhaliyay halka uu Lionel Messi saddexley ugu jawaabay laakiin midkee ayaa qaadanaya kubbada uu xaqa ugu yeeshay saddexleydiisa?Dabcan midkastaaba kubbadiisa ayuu gaystaa gurigiisa.Messi and Suarez2
Messi and Suarezz



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip