
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 28-KA MAARSO 2019-KA
DAGAAL CULUS OO KA DHACAY DEEGAANO KA TIRSAN SHABEELLAHA HOOSE
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinaca ah iyo Xubno ka tirsan Ururka AlShabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii AlShabaab xalay weerareen Saldhigyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay.
Dad ku sugan Buulo Mareer ayaa sheegeen inay xalay maqlayeen rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan weli cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.
Wararka ay heleyso Risaala ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas uu ku geeriyooday askari ka tirsan Ciidamada Dowladda mid kalena uu ku dhaawacmay, balse weli dhankooda khasaaraha gaaray lama oga AlShabaab.
Wararka saakay la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan
KHUDBADDII MADAXWEYNE FARMAAJO KA JEEDIYAY KALFADHIGGA SHANAAD EE GOLAHA SHACABKA
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 28-KA MAARSO 2019-KA
DAGAAL CULUS OO KA DHACAY DEEGAANO KA TIRSAN SHABEELLAHA HOOSE Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinaca ah iyo Xubno ka