HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 27-KA MAARSO 2019-KA

0
Wednesday March 27, 2019 - 09:45:14 in Wararka by
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 27-KA MAARSO 2019-KA

    WADDOOYINKA QAAR EE MUQDISHO OO MAANTA XIRAN Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xireen wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo u diidaya inay isticmaalaan Gaadiidka dadka Shacabka a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WADDOOYINKA QAAR EE MUQDISHO OO MAANTA XIRAN Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xireen wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo u diidaya inay isticmaalaan Gaadiidka dadka Shacabka ah ay wataan.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah wadada Wadnaha iyo dhamaan wadooyin ka ku teedsan Xarunta Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho,halkaas oo Maanta lagu qabanayo Munaasabad lagu furayo kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.

Ciidamada ayaa taagan Isgoysyada waaweyn ee Magalada muqdi sho,waxaana ujeedada wadooyinka loo xiray lagu sheegay in Mun aasabada furitaanka kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ay ka qeyb galayaan madax uu ka mid yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



 

wadooyin-3 (1)

Ammanka Guud ee Magalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey,waxana la arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo dib u celinaya Gaadiidka dhinaca wadada ku teedsan wadnaha kasoo galgudbaya,waxaana dadka badi ay yihiin kuwo lupgeynaya.

 

MADAX KA QEYB GALEYSA FURITAANKA KALFADHIGA 5AAD EE GOLAHA SHACABKA..

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu furmo kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka

Federaalka Soomaaliya, akdib Xildhibaanada oo fasax ku jiray in ka badan laba bilood.

Munaasabad lagu furayo kalfadhiga 5aad oo lagu qaban doono xarunta Jeneraal Kaahiye (Iskool Buluusiya) ayaa waxaa

ka qeyb geli doona Madax ka socota baarlamaanada dowlad goboleedyada, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Waxaa aad loo adkeeyey Amniga Wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa xarunta Jeneraal Kaahiye, iyada oo xalay Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray Farriimo lagu ogeysiinayo

Xildhibaanada-1in Maanta uu furmayo kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.

Wadooyinka ku teedsan Xarunta Janeraal Kaahiye ayaa sidoo kale waxaa la dhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soom aaliya,kuwaas oo amniga xaqiijinaya, waxaana la filayaa in Madaxda ka qeyb galeysa ay khudbado ka jeediyaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xilligaan waxaa horyaalla Ajenda yaal dhowr ah oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiy aan ama ay diidaan.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO LA KULMAY BOQOR BURHAAN

Ra’iisul Wasaaraha (XFS), Md. Xasan Cali Khayre, ayaa habeeb hore hoygiiga ku qaa bilay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Ra’ iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mah adceliyay soo dhaw aynta uu hoygii sa ugu sameeyay, ayaa bogaadiyay dada alka ay hoggaanka dalku uu ugu jiro soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, isaga oo ballan qaaday in dhaqanku ay ku garab taagan yihiin dada alka ballaaran ee ay ugu jiraan horum arka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

bb Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula nka uu boqor Burhaan la qaatay ka shee gay in dhaqanka Soomaaliyeed ay dowr muhiim ah ku leeyihiin horuma rinta buls hada, xasiloonida, nabadaynta iyo arrim aha dhabuheshiinta, ayna muhiim u tahay umadda Soomaaliyeed in dhaqan ku ay xoojiyaan dawrkaas wanaagsan ee lafdhabarta u ah nolosha ummadda Soomaaliyeed. Ugu damb eyn wuxuu ka codsanayaa dhaqanka Somaliyed inay door muuqda ka qaataan sidii dalka & dadka u heli laha ayeen nabad buuxda oo shacabka ay ku naalood aan.

WASAARADDA DASTUURKA OO SOO SAARTAY NUQUL CARABI AH OO TASTUURKA DALKA AHNUQULKA CARABIGA EE DASTUURKA KMG DALKA OO LASOO SAAREY

Kulan lagu soo bandhigayay islamarka ana lagu faafinayay nuqulka carabiga ee dastuurka ku meel gaarka ah ee soomaal iya ayaa shalay lagu qabtay xarunta was aaradda dastuurka ee magaalada Muqd isho.Kulanka waxaa ka soo qayb galay safiiirka Jaamacadda carabta ee soomaal iya Xamuud bin Samraan, Siihayaha was iirka Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xus een Cabdi Celmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxam ed Abuukar Zubeyr , Shaqaalahaiyo Lataliyeyaasha wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Safiirka Jaamcadda Carabta ee Soom aaliya Xaamud Bin Samraan oo kulanka kalmad ka jeediyay ayaa ugu horrayn u soo gudbiyey wasaaradda salaan uu ka siday xoghayaha jaamacadda carabta Ah med Abu Gayd, kadib waxa uu sharraxa ad guud ka bixiyay muhiimadda dastuur ku uleeyahay bulshada iyo sida ay muh iim u tahay in luuqadda carabiga loo tarj umo dastuurka KMG ee soomaaliya, isa goo xusay in carabigu yahay luuqad ay ku hadlaan wadamo badan oo carab ah, Soomaaliyana ay ka mid tahay wadama da Jaamacadda Carabta, Safiirka ayaa si doo kale ballan qaaday in ay mar walba garab taagan yihiin walaalahooda Sooma aliyeed. Dhanka kale, siihayaha wasiirka dastuurka ahna wasiir ku xigeenka Wasa aradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xus een Cabdi Celmi oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horrayn uga mahad celiyay Ja amacadda Carabta garab istaagga iyo ta agerada ay ku bixiyeen in dastuuka loo ta rjumo luuqadda carabiga, maadaama das tuurka qodobkiisa shanaad uu sheegayo in luuqadda labaad ay tahay luuqadda car abiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in luu qadda carabiga loo tarjumo dastuurka ay tahay mid muhiim ah maadaama soomaal iya ay ka mid tahay jaamacadda carabta islamarkaana ummadda soomaaliyeed ay tahay 100% dad muslim ah, sidoo kale waxa uu xusay in ay jiraan wadamo bad an oo carab ah iyo dad soomaaliyeed oo ku hadla afka carabiga ay muhiimad siin ayso si ay u fahmaan dastuurka.

"Waa markii ugu horraysay ee dastuur ka Soomaaliyeed loo tarjumo luuqadda carabiga , laga soo bilaabo dastuurkii lixd ankii” ayuu yiri Wasiir Xuseen Celmi.

"Marka dibueegista dhammaato ayaan la bedelaynaa wixii wax ka bedel lagu sa meeyo, laakiin haddda tarjumaadda wax aa lagu sameeyay dastuurka qabyada ah, balse markii dibueegista la dhameeyo way noo sahlanaanaysaa in aan u be delno carabi qodobada dib loo eegay” ay uu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku xig eenka dastuurka ahna sii hayaha wasiirka Dr, Xuseen Cabdi Celmi.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa sheegay in tarjmaada ay sameeyeen khuburo Soo maaliyeed, wuxuuna cadeeyay in dibueegista dastuurka ay marayso meel gab agabo ah islamarkaana dhowaan la bila abi doono ololaha latashiga iyo wacyiga linta dadwaynaha ee Cutubyada Dastuur ka ee dibuee gista lagu sameeyay.

MAXAA KASOO BAXAY KULAMADII W/ARRI MAHA GUDAHA & MADAXDA G/MUDUG?

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arr imaha gudaha ee Dowlada Federaalka ah ay ayaa shalay barqadii gaaray magaal ada Dhuusamareeb ee xarunta maamul ka GalMudug, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen madaxda maamulka Ga lMudug, odayaasha dhaqanka ,culimada iyo ururada haweenka ee GalMudug.

Safarka wasiir Sabriye oo ay ku wehli nayeen xubno wasaaradiisa ka tirsan ay aa ujeedkiisu yahay in la xaliyo taba shada madaxda GalMudug, in la dhamee yo khilaafaadka jira iyo in go’aan la gaaro qabsoomida doorashada maamulka GalMudug ee bartamaha sanadkaan.

Wasiirka ayaa markii uu Dhuusamar eeb tagay durba bilaabay kulamo, waxaa na uu ka bilaabay golaha wasiirada ee maamulka GalMudug, kuwaas oo uu ka dhageystay waxyaabaha ay ka tabanay aan Dowladda dhexe, arrimo la xiriira shaqada maamulka iyo arrimaha horyaala oo ay doorashadu ugu horeyso.

Sabriye ayaa kadib kulan wadajir ah iyo mid gaar ah la qaatay madaxweynaha GalMudug Axmed Ducaale Xaaf iyo ma daxda xukuumada Sheekh Maxamed Sha akir kuwaas oo diirada lagu saaray sida loo xalin karo muranka GalMudug iyo Do wlada dhexe, iyo sidii doorashada GalMudug loogu qaban lahaa xiligeeda.

Wasiirka ayaa lagu soo waramaya inuu kulankii ugu saacadaha dheeraa gal abta la qaatay hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud, kaas oo loo arko nin awood badan kuleh maamulka deegaan ka, sidoo kale xalay ayaa la filaya inuu Sabriye la kulmo Sheekh Al Ashcari oo isna ka mid ah hogaanka Ahlu Sunna.

Sida aan xogta ku helnay, madaxda GalMudug iyo dhamaan xubnihii uu la kulmay wasiirka arrimaha gudaha ayaa aqbalay in wax walba wada hadal lagu xaliyo, in loo tanaasulo danta GalMudug iyo in la xoojiyo dooda doorashada. Sidoo kale wasiir Sabriye ayaa madaxda GalMudug iyo xubnihii uu la kulmay la wada agay in Dowlad Federaalka ah ay usoo jeesatay xalinta tabashada GalMudug si maamulku u shaqeeyo.

Waxaa la filaya in ugu dambeyn laba da dhinac ay soo saaraan faahfaahin ku saabsan kulamadii ay yeesheen iyo wixii la isku afgartay. Booqashada wasiirka arri maha gudaha ayaa la filaya iney labo cisho qaadato.

SHIRKA KA HORTAGA MUSUQA OO KA FURMAY MUQDISHO

Kulankan dood wadaaga ah ee Dhib aatooyinka Musuq Maasuqa iyo sida loo hormarin karo how laha dowladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaal adda Xukuumadda Federaalka Soom aali ya oo ay ka qayb galayaan qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda iyo bulshada ray idka ayaa waxaa furay wasiirka wasaarad da Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxaana uu socon doonaa 2 maalin oo ay ka qayb galayaashu ka doodi doon aan musuqa iyo sidii looga cirib tiri lahaa dalka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaara dda Cadaaladda XFS Dr Ismaaciil Jimcaa le Calasow oo ka hadlay furitaanka dood wadaagaan ayaa sharaxaad ka bixiyay Muhiimada loo qabtay kulankaan iyo wax yaabaha laga hadli doono labada maalin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji oo si rasmi ah u fur ay Shirka ayaa sheegay in muhiimadda la ga leeyahay ay tahay in Soomaaliya oo waqti dheer kaalmo hooseeya kaga jirta Musuqa iyo wax is daba marinta hadda waji ka duwan kaas loo horseedo.

"Waad ku mahadsan tihiin sida wan aagsan ee aad uga soo qayb gasheen Shirkaan Muhiimada loo qabtay waa ina an helno hanaan wanaagsan oo looga hortago Musuq maasuqa waxaana ku cas uunay wasaarado dhowr ah sida wasaa radda Maaliyadda xafiiska xisaabiyaha gu ud xafiiska Hanti dhowrka guud waxaan idinku boorinaa inaad soo saartaan dood wax ku ool ah mudada labada maalin ah ee shirku socdo” ayuu yiri wasiirka.

MADAXWEYNEYAASHA UGANDA IYO KENYA OO BERRITO KULAN KU YEELAN DOONA MOMBASA

Madaxweynaha Uguanda, Yoweeri Museveni ayaa la filayaa inay berrito bo oqasho 2 maalmood uga bilbaanto M/ Mombasa ee dalka Kenya.

Warbaahinta Labada Waddan ayaa sheegay in Madaxweyne Museveni dhigiisa Kenya, Uhuru Keny atta wadahadal kula yeelan doono Mombasa, isla markaana uu soo booqan doono Dekedda Mombasa.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu Museni ku soo dhaweyn doono Garoonka Diyaar adaha ee Moi International Airport ee magaalladda Mombasa, ka hor intaysan u gudbin Aqalka Dowladda ee Mombasa.

Uhuru Kenyatta waxa uu horey Uganda u booqday labo isbuuc ka hor, isagoo Museveni kala soo xaajo oday Ajendayaal Gudaha iyo kuwo Gobalka, gaar ahaan xaluhelista muranka u dhexeeya Dowladaha Uganda iyo Ruwanda.

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame waxa uu ku eedeeyey Dowladda Uganda inay xabsiga dhogaan dadka Rwandanska iyo inay carqalad ku hayaan Gnaacsiga Gobalka iyo inay Uganda taageero siiyaan Kooxo ay Dowladda Rwanda u aragto inay yihiin caddowgooda.

Balse, Madaxda Ugnada waxay beeniyeen Eedeymahaasi, iyadoo Dowladda Rwanda dhawaan xirtay xuduudka ay la wadaagaan Uganda , taasi oo horseeday inuu khasaaro ballaaran soo gaaro Gana csigii u kala gudbi jirey labadooda dal.

Madaxweyne Paul Kagame waxa uu sheegay in sababo dhinaca Siyaasadda loo xiray xuduudka Uganda.

DIYAARADO DAGAAL OO DUQEYMO KA FULIYEY HIIRAAN.

Diyaarado dagaal ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Deegaanada ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah Luuq jeelow iyo Oronta oo dhamaantood hoostaga Magaalada Baladweyne.

Dadka Deegaanka ayaa KNN u sheegay in ay maqleen dhawaqa madaafiic ay ridayaan diyaaradaha, waxaana ay sheegeen in la bartilmaameedsaday Saldhigyo iyo bar kontarool oo AlShabaab ay ku leeyihiin Gobalka Hiiraan.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyn ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Maamulka Gobalka hiiraan ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin duqeynta ka dhacday gobalk aasi.Dhawaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal sidan oo kale ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Luuq Jeelow ee Gobalka Hiiraan.

KENYA OO BAARIS KU HEYSO NIN LOO HEYSTO AL SHABAABNIMO

Booliska magaalada Mandera ayaa baaritaan dheeraad ah ku haya ruux Soomaali ah oo looga shakiyay inuu u basaasayey Al Shabaab.

Ciidamada ammaanka ayaa ninkaasi gacanta ku dhigay Jimcihii la soo dhaafay, isagoo ku sugnaa duleedka magaalada Mandera oo ku dhaw xadka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa xusay Mahad Aadan oo 34 jir si weyn loogu tuhmay in Xarakada Al Shabaab uu kala shaqeeynayay dhinaca xogaha. Ma xkamadda Mandera ayaa amar ku bixisay in ciidamada Boolisku ay xabsiga ku sii hayaan ninkaasi mudo 5 maalmood ah.

Ninka ay soo qabteen ciidamada Booliska ayaa ku andacooday inuusan ka tirsaneyn Al Shaba ab, islamarkaana uu magaalada Mandera u yimid in soo booqdo qaar ka mid ah ehelladiisa oo ku sguan magaaladaasi.

Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

NIN SOOMAALI AH OO XAASKIISA KU DILAY MAREYKANKA

Dalka Mareykanka, nin Soomaali ah ayaa lagu xiray Kentucky ee gobolka Arkansas, kaddib mar kii uu dilay xaaskiisa, sida lagu shaaciyay wargayska WFIE.

Booliska ayaa sheegay in Maxamuud Cabdiqaadir, oo 21 jir ah ay qabteen maalintii Sabtida ahayd.

Ka dib markii ay su’aalo weydiiyeen waxa uu Cabdiqaadir ku jawaabay in xaaskiisa laga yaabo inay tahay mayd ayna taallo gurigooda.

Booliska Henderson ayaa tagay guriga qoyskan ay daganaayeen oo ku yaalla magaalada Kentucky, waxa ayna heleen maydka xaaskiisa oo ku jira qaanad gudaheeda.

Cabdiqaadir ayaa lagu riday xukun ka dib markii lagu helay caddaymo ku saabsan inuu gabadha soo gaarsiiyey dhaawacyo.

QM OO MASHAARIIC KA FULISAY KISMAAYO

Ha’yadda qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca muhaajiriinta ee IOM ayaa maamulka magaalada Kismaayo ku wareejiyay xarun wax lagu barto,ceel biyood iyo meel ay ku shiraan dadka deegaanka.

Mashaariicdan horumarined oo ay hirgalisay ha’yadda IOM ayaa waxaa dhaqaale badan ku taageeray ururka midowga yurub iyo dowladda Japan.

Munaasabad kooban oo xariga looga jaray xarumahaasi waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday wasaaradda arrimaha gudaha,iyo madaxda magaalada Kismaayo oo bogaadiyaya masha ariicda ha’yadda IOM.

Iskuulka xariga laga jaray ayaa lagu magacabaa Tayo,waxaana horay uu dhimsihiisa uga koob naa laba qol,laakiin ha’yadda IOM ayaa balaarisay iskuulkaasi,si ay boqolaal arday ah uga faaideystaanUgu danbeyn Ha’yadda IOM ayaa inta badan mashaariic horumarine ed ka sameysa deegaanada maamulka Jubbaland,waxaana shalay ay daah fureen xarumo muhiim u ah maamulka degmada Kismaayo.

SACUUDIGA OO KA HORYIMID GO’AANKA TRUMP EE GOLAN HEIGHTS

Dowladda Sacuudiga ayaa ka hortimid go’aanka madaxweyne Donald Trump uu Isniintii dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul ay leedahay Israel.

Sacuudiga ayaa cambaareeyey tallaabadaas, kuna sheegay mid xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah.

"Sacuudi Carabiya waxa muujineysaa diidmadeeda qayaxan iyo cambaareynta ku aadan go’a anka maamulka Trump uu dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday dhul Israel” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

Golan weli waa "dhul Carbeed Syria oo la haysto”, islamarkaana aqoonsiga ah in Israel ay leeda hay "waxa uu xadgudub ku yahay xeerka QM iyo qaraarada caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

"Tani waxa ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan doontaa hanaanka nabadda Bariga Dhexe iyo xasiloonida gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha Ammaanka QM iyo maamulladii hore ee Mareykanka ayaa mar walba u arkay Golan dhul la haysto, oo dib usoo celintiisa ay qeyb ka noqon lahayd wadaxaajood buuxa oo heshiis nabadeed ay ku gaaraan Israel iyo Syria.

Israel ayaa dhulka Golan Heights ku qabsatay Dagaalkii 1967kii ee Carabta iyo Israel, waxayna dhulkeeda ku darsatay 1981kii.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO CADDAYSAY MOWQIFKEEDA KU AADAN DHULKA BUURALEYDA GOLAN

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu cadeeyay mowqifka dowladda ee ku aadan dhulka Buuraleyda Golan oo ah dhul Suuriya ay leedahay,isla markana Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu u qornaa sidan:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulka asi buurralayda ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kor dhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddisocodka nabadda, ammaanka iyo xasiloon ida.

Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul.

SHIL GAARI OO SHALAY KA DHACAY MEEL AAD UGU DHAW MAGAALADA DIRIDHABE

gaadhi ayaa shalay waxaa uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Diridhabe oo lagu magacaabo Dhangago. Gaadhiga shilka galay oo ahaa minibaas ayaa ku dhacay gaadhi kale oo ahaa nooca raashinka iyo alaabada waawayn lagu qaado.

Haddaba gaadhiga minibaaska ee shilka galay ayaa siday dumar jaadley ah, waxayna wararku sheegayaan in 9 kamid ah dumarkaas ay geeriyoodeen.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca inta u dhaxaysa Diridhabe iyo Harar, waxaana jira halka uu hadda shilku ka dhacay iyo jidka meermeeratada ah ee dhangago inuu ka dhaco shilalka u badan oo ay sabab u tahay jidka oo aad cidhiidhi u ah god wayna dhinac ka saaran.

Gaadhiga wayn ayaa isna darawalkii oo Soomaali ahaa naanaystiisuna ahayd Afwayne uu isna geeriyooday.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO DIGNIIN U DIRAY…

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng, Yariisow ayaa waxaa uu digniin culus u diray dadka sida sharci darrada ah dhismayal uga sameysta wadooyinka.

Waxa uu sheegay in cidii gurigeeda xilliyada ay dhisaneyso kusoo dhaweysa wadada ay tallaaba ka qaadi donaan waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay arrintaasi garab weyn Maamulka ku siiyaan si looga hortago.

Duqa Muqdisho ayaa Shalay waddo jaay ah uu ka dhigaxDhagax Degmada Waaberi taas oo isku xirta Sadex waax oo ka mid ah Degmadaasi,waxaan uu sheegay in la doonayo in looga baxo ciriiri ga lagu qabo Wadooyinka mara degmadaasi Waaberi.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Yariisow ayaa inta badan waxa ay soo saaraan ammaro iyo digniino kala duwan kuwaas oo aan intooda badan waxba aysan ka fulin.

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shalay Dib Ugu Laabtay Magaalada Jowhar

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Shalay dib ugu laabtay Magaalada Jowhar,kadib markii maalmihii la soo dhaafay safar shaqo dalka dibadiisa ugu maqnaa gaar ahaan dalka Jarmalka.

Wafdiga Madaxweyne Waare ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle,Guddoomiyaha Baarlamaanka,xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada.Madaxweynaha Hir shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa safaro shaqo ah ku tegay Dalka Jarmalka,isagoo halkaasi kulamo kula yeeshay Madax kala duwan oo ka tirsan Jarmalka.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Waare ayaa dhowr Cisho k sugnaa gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya,hayeeshee gelinkii dambe ee Shalay ayuu aaday Magaalada Jowhar.

ALSHABAAB OO GOOB FAGAARO AH KU TOOGTAY 5 RUUX

Ururka AlShabaab ayaa waxaa fagaaro ku yaalla deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Baay waxa ay ku toogteen 5 Nin oo ay sheegeen inay Sirdoon u ahaayeen dowladaha Reer Galbeedka.

Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Yaaq Baraawe, waxaana dadka la toogtay ay Magacyadooda ay Shabaab ku kala sheegeen.

1: Aadan Muuday Maxamad

2: Ayuub Xasan Maxamed

3: Maxamed Isxaaq Xasan

4: Maxamuud Cabdi Isxaaq iyo Cabdi Maxamad Isxaaq.

Xubno ka tirsan Maxkamada AlShabaab ee Gobolka Baay oo goobta ku sugnaa ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dilka lagu fuliyey ay qirteen dambiyada ay galeen.

Si kastaba Ururka AlShabaab ayaa deegaanada ay ka maamulaan gobolada dalka waxa ay ka fuliyaan xukuno isugu jira dilal, GacanGoys iyo Xukuno kale.

WASIIRKA QORSHEYNTA SOOMAALIYA OO SHALAY SOO GAARAY GAROOWE

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada xarunta ah ee Garoowe ,hal kaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan Puntland.

Booqashada wafdiga ka socda dowladda federaalka ayaa la xiriirta sidii wadatashi ku aaddan wareegga koowaad ee Qorshaha Horumairnta Qaranka ee sagaalaad loola yeelan lahaa hay’adaha Puntland, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo laanta sharci dejinta.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Qorsheynta Puntland,Cabdiraxmaan Caydiid oo warbaahinta kula hadlay qeybta nasashada garoonka ayaa sheegay in maalmaha ay joogan wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta ay wadatashi iyo xog wareysi la yeelan doonaan Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo adkeeyo hannaanka dowladnimmada Soomaaliya.

"Socdaalkeena waxuu ku saabsan yahay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Puntland, iyo wadatashi inaa ka sameyno Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad oo qoraalkiisa koowaad bilowday siddii Puntland qeybtooda ay ugu geysan lahaayeen, waxyaabaha aan doonayno waa inaan ka wada hadalno arrimaha aan soo sheegnay, waana boggaadinayaa shaqada wanaagsan ee ay qabteen". ayuu yiri wasiirka qorsheynta qorsheynta Jamaal Maxamed.

Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah magaaladda Garoowe lagu daahfuro wadatashigga Qorshaha horumarinta Qaranka ee sagaalaad, kaasi oo saldhig u ah geeddi socodka deyn cafiska Soomaaliya iyo yarenta saboolnimada.

SARKAAL KA TIRSANAA ALSHABAAB OO HOWLGAL LAGU QABTAY

Weerar qorshaysan oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen Gobalka shabeellaha ho ose ayaa la sheegay in lagu soo qabtay sarkaal sare oo ka mid ah dagaalamayaasha Ururka AlShabaab ee dagaalka kula jira dowladda Federaalka.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in howlgalka uu dhacay habeenimadii 26kii Bishan March , isla markaana uu ka dhacay deegaanka jambaluul ka dib markii ciidamadu hareereeyeen goobtii uu sugnaa sarkaalka.

Majirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka iyo Ciidamada Qaranka hawlgalka lagu qabtay Sark aalka ka tirsanaa AlShabaab.

Warbaahinta dowladda ma shaacin Magaca,Sawirka iyo xilka uu ka haayay AlShabaab, sidoo kale dhan kooda weli wax war ah kama soo saarin AlShabaab sarkaalka la sheegay in uu ka tirsanaa oo ay Ciidamada dowladda qabteen.

BEESHA CAALAMKA OO SOOMAALIYA KU TAAGERTAY DIBUHAYEBYNTA HAY’ADAHA AMMAANKA

Qaramada Mudoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa soo dhoweeyay halabuurka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee dibuhabeynta hay’adaha amniga iyo qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo ammaanka.

Waxaan dhiirri gelineynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku fineyso dibuhabeynta hay’adaha mmaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa inaan howshaan ku taageeri doonno. Waxaan wadahadallo dheeri ah ku falanqeyn doonnaa kulamada arrimaha Soomaliya ee shirka gu’aga ee World BankInternational Monetary Fund oo bisha Abriil ka dhici doona Washington. Waxaan sidoo kale waxaan isla eegi doonnaa go’aanno muhiim ah oo ku saabsan sii joogteynta taageerada AMISOM oo mas’uuliyadda amniga ku wareejinaya ciidan ay Soomaaliya leedahay.

Waxaan aaminsannahay fulinta dibuhabeynnadaa oo la dhameystiraa ay gacan ka geysaneyso xasilooni iyo barwaaqo ay dadka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolkaba helaan. Bahwadaagta Soomaalida waxaan ku dhiirri gelineynaa in ay taageeraan oo ay si wadajir ah dadaal ugu bixiyaan si loo caawiyo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan dibuhabeynnadaan iyadoo loo marayo wadahadal loo dhanyahay.

XALINTA XIISAD U DHAXEYSA PUNTLAND IYO SOOMAALILAND OO BILAABATAY

Magalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag waxaa kulan ku yeeshay Odayaasha iyo waxgaradka gobolkaas, kas oo lagu xalinayo xiisad ka taagan degmada Yubbe ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

Degmada Yubbe ayaa waxaa dhawaan cidiamo farabadan geeysay Soomaaliland taas oo keentay in Puntland ay caro ka muujiso, isla markaana ciidamo farabadan ay geyso deegaano ka torsan gobolka Sanaag.

Odayaasha Dhaqanka ayaa hab hoose oo beeleed ah waxa ay u xalinayaa xiisadaas si uusan u dhicin dagaal u dhaxeeye Puntland iyo Soomaaliland,waxaana shirkasi ka qeyb galaya waxgaradka beelaha dega galbeedka iyo bariga gobolka Sanaag.

Shirka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in Ciidamada Soomaaliland ee kasoo jeeda galbeedka Ceerigaabo ay ka baxaan degmada Yubbe, isla markaana ay dib ugu laabtaan halkii ay markii hore ka yima adeen,waxaana lagu balamay in go’aankaas la dhaqan geliyo.

Go’aanka shirkaasi lagu gaaray ayaa waxaa loo gudbiyey taliyaha Ciidamada Soomaaliland Janeraal Nuux Ismaaciil Taani kaasoo isaguna qoraalkii waxgaradka iyo isimada u qaaday dhinaca madaxweynaha Soomaa liland Muuse Biixi, isla markaana jawaab laga sugayo.Dadka ku nool deegaano ka tir san Gobolka Sanaag ayaa aad uga walac san xiisada u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland, iyaga oo ka cabsi qabay in dus hooda lagu wada

QM IYO MIDOWGA YURUB OO ISKA KAA SHANAYA KA HORTAGA TAHRIIBKA

Qaramada midoobay iyo ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabooyin wax ku ool ah ay ka qaadeen dhalinyarada ka Tahriibta qaar ka mid ah dalalka ku yaala geeska Afrika.

IOM ayaa sheegtay in sannadkii tagay in ka badan 2,500 Tahriibayaal Itoobiyaan ah ka caawisay in ay dalkooda dib ugu soo celiso, iyadoo qaar ka mid Muhaajiriintaasi loo sameeyay barna amijyo wacyo gelin ah.

Qaar ka mid ah Muhaajiriinta dib loo soo celiyey ayaa helay adeegyo caafimaad oo lagu sameeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.QM iyo Midowga Yurub ayaa hoosta xariiqay in fursado ay u abuureen qaar ka mid ah dhalinyarada u Tahriibta dalalka ku yaalla qaaradda Yurub oo ay kala kulmaan dhibaatooyin badan.

Inta badan Muhaajiriinta geeska Afrika ayaa ka soo jeeda dalalka Itoobiya,Sudan,Soomaaliya iyo Jabu uti oo la sheego in qaar badan oo ka mid ay waxyeelo ka soo gaarto safarka halista ah ee dhinaca badda.

Ugu dambeyn Julia Hartlieb oo ka tirsan saraakiisha hay,adda Muhaajiriinta Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in u jeedka loo sameeyay barnaamijkaasi uu yahay badbaadinta nolosha dhalinyaro badan oo ka soo jeeda dalalka geeska Afrika

GUDDIDA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO SHEEGAY IN AANAY JIRIN SABAB AY ISKU CASILAAN

Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir iimaan ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha dalladda aan dawliga ahayn ee SONSAF oo soo jeedisay inay guddida doorashooyinku is casilaan.

Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in muddo xileedkoodu aanu ka dhamaan, isla markaana aanay jirin sabab ay isku casilaan, waxaanu ku eedeeyey gudoomi yaha dalladda aan dawliga ahayn ee SONSAF inay ka hor yimid xeerarka dal ka u yaalla oo isagoo xog ka helin dhinac yadii ay khuseysay warbaahinta ka sheeg ay inay kuraasta baneeyaan guddida doorashooyinka.

"waxa ka muuqatay gudoomiyaha dalada Sonsaf caqabadaha hor yaalla inay doorasho dhacdo inaanu fahansanayn, waxa doorashada loo mudeeyey 12 December 2019ka, guddida doorashooyinku wuxuu ku aasaasan yahay sharci iyo xeerar aan la baalmari Karin.”ayuu yidhi gudoomiye iimaan oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay dallada ururada bulshada.

Waxaanu intaas raaciyey "Gudoomiyaha dalada aan dawliga ahayn ee SONSAF waxa uu leeyahay guddi aan mudo xileedkoodu dhamaan ha baneeyaan kuraasta, iyagu maaha kuwo lagaga tashanayo arrimaha komishanka doorashooyinka waxay ahayd inuu garto xeyn daabka sharci ee isaga ku hareeraysan.”

Sidoo kale, gudoomiye Iimaan waxa uu sheegay inuu ka been abuurtay gudoomiyaha gudoomiyaha dalladda SONSAF dhinacyaddii ay komishanka doorashooyinku la kulmeen sida gudoomiyaha guurtidda, madaxweynaha iyo xisbiyadda qaranka, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Wuxuu been fariimay gudoomiyaa golaha guurridda oo hadal aanu odhan ka yidhi , guddida doorashooyinka wuu been fariimay, wuxuu yidhi xisbiyadu wada shaqayn lama laha guddida doorashooyinka isaga waxaas oo dhan laga raba inuu cadeeyo halka uu ka keenay”

Dalladda aan dawliga ahayn ee ururada bulshada ee loo yaqaan SONSAF ayaa soo jeediyey in gudd idia doorashooyinku is casileen si loo soo magacaabo guddi cusub oo doorashada dambe hirgaliya, haseyeeshee guddida doorashooyinka ayaa ku dooday in aanay wali dhamaan muddo xileedkoodda sidaas darteed aanay isku casili Karin.

QOWMIYADO AY SOOMAALI KU JIRTO OO KU DAGAALAMAY KENYA

Dagaalkaan oo u dhaxeeyey Soomaali iyo Qowmiyada Boranta ee dalka Kenya ayaa waxaa uu uu ka dhacay deegaanka Madogashe ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Labadaan qowmiyadood ayaa iskuheysta dhul daaqsin ah oo deegaankaasi ku yaaalla,waxaana inta la xaqiijiyey dagaalkii ugu dambeeyey ee dhexmaray ku geeriyooday ilaa Saddex Ruux.

dagaalka Waxaa wararka kale ee la helayo ay sheegayaan in qowmiyadaha dagaalamaya ay guryo iska gubeen, sidoo kalena dagaalka uu sababay in dad farabadan ay barakacaan.

Haweeneyda koowaad ee Baarlamaanka ugu jirta Magalada Gaarisa Marwa Canab Suubow Guure ayaa sheegtay in aan loo dul qaadan karin gubida guryaha iyo dadka la dilayo, waxaana ay Soomaalida ugu baaqday in ay joojiyaan gubida guryaha iyo dagaalka,isla markaana iyada ay ka warsugaan.

Waxaa sidoo kale ay qowmiyada Soomaaliya u sheegtay inay garab taagan tahay,isla markaana ay ka warsugaan waxwalbana wadahadal iyo xalis lagu dhameeyo,sidoo kalena ay la wadaagi doonto Madaxda dowl adda Kenya.

Si kasataba dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dad badan usoo qab qabatay dagaalkaas ku dhexmar aya qowmiyadaha kasoo kala jeeda degmada Isiyoola iyo Magalada Gaarisa,isla markaana xasilooni badan ay kuso noqotay deegaanadii lagu dagaalamay.

RA'IISUL WASAARE SHEEGAY IN UU CARQALA DAYN KALA KULMAY DIYAARADAHA DAGAAL KA EE TURKIGA

Ra'iisul wasaaraha Giriigga ayaa sheegay in isaga oo diyaaraddiisa saaran oo u dabaal dagaya maalinta xoriyadda uu "carqaladayn kala kulmay" diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.

Alexis Tsipras ayaa sheegay in diyaaraddiisa lagu qasbay "in ay xidaaraysato" ka dib markii diyaara daha dagaalka ee Turkigu ay Isniintii galeen hawada Giriigga.

Ra'iisulwasaaraha ayaa Turkiga ku eedeeyay "ficil axmuqnimo ah oo aan macno ku fadhiyin".

Laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay, waxayna sheegeen in diyaara daha dagaalku ay samaynayeen hawlgal joogto ah.

"Milatariga Giriigga ayaa qabtay ciidammadii ku soo xad gudbay hawada," ayuu yiri Alexis oo hadal ka jeedinaya jasiiradda yar ee Agathonisi oo ku taalla meel aan sidaa uga fogayn dhulwaynaha Turkiga.

Maalintan qaran ayaa loo dabaal dagaa sidii ciidammada Giriiggu ay ula dagaallameen dawladdii Cusmaaniyiinta sannadkii 1821.

Ra'iisulwasaaraha ayaa iswaydiiyay waxa diyaaradaha turkigu ay damacsanaayeen.

Alexis ayaana intaas ku sii daray in ay ka go'antahay in uu la shaqeeyo Turkiga balse Giriiggu uu mar kaste difaaci doono sumcadda qaranka, Dawladda Turkiga ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ee dawladda Turkigu maalgaliso ayaa soo xigatay masuuliyiin sheegaya in "diyaaraduhu ay ku jireen hawlgal ay si joogto ah u sameeyaan".

Calaaqaadka labadan dal ayaan xumaa tobannaan sano waxayna isku hayaan dhul.

Balse Alexis iyo madaxweyne Erdogan ayaa sameeyay dadaal ay ku doonayeen in ay ku hagaajiyaan calaaqaadka sannadkii 2017, Erdogan ayaana noqday hoggaamiyihii u horreeyay ee Turki ah ee Giriigga booqda muddo 65 sano ah.

Xigashada BBC

MAAMULKA SH/HOOSE OO KA HADLAY CABASHADA CIIDAMADA DOWLADDA EE GOBOLKAAS

Laba Maalin ka hor Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baraawe ayaa waxaa ay ka cawdeen in mudo Afar bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah,sidaas daraadeedna ay kasoo baxayaan furumaha dagaalka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay booqdeen degmada Baraawe, iyaga oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysa.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa sheegay in ciidamada amniga uu baahida iyo dhibka la qeybsan doono,waxaana uu sheegay in dhulkan ay iyaga leeyihiin,isla markaana uu kula dardaarmay ina siiwadaan dagaalka ka dhanka ah AlShabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip