Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska oo xalay bandhig faneed ku qabtay Muqdisho (Sawirro)

0
Friday September 25, 2015 - 20:22:10 in Wararka by
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska oo xalay bandhig faneed ku qabtay Muqdisho (Sawirro)

    Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska ayaa xalay bandhig faneed ahaa oo ay shacabka Muqdisho kula dabaal dagayeen farxada ciida xalay ku qabtay Hotelka City Palace, iyadoo bandhig faneed ahaa mid aad u soo jiitay dadkii ka soo qeyb galay oo u badnaa dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska ayaa xalay bandhig faneed ahaa oo ay shacabka Muqdisho kula dabaal dagayeen farxada ciida xalay ku qabtay Hotelka City Palace, iyadoo bandhig faneed ahaa mid aad u soo jiitay dadkii ka soo qeyb galay oo u badnaa dhalinyaro wiilal iyo gabdho ah.


Masraxa markii ay soo dul istaageen fanaaniinta kala ah Nimcaan Hilaac, Xamda Queen, Maxamed Bakaal Cirro, C/raxmaan Oday Dayax dalnuurshe, ayaa durba waxaa isbadalay jawiga goobta oo markii hore ahaa mid iska caadi ah kaddib fannaaniinta ayaa guda galay maqashiinta dadka dhawaqa muusikada iyo heesaha ay caanka ku yihiin.

Iyadoo intaas kaddib dadku ay mid mid u Cayaarayeen islamarkaana ku qanacsan jawiga iyo isbadalka ka jira Caasimadda oo ahaa mid guud ahaan inta soo baxday ay ku faraxsanaayeen.

Fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa goobta dadka daawanayay uga sheegay inay Muqdisho imaan doonaan fanaaniin kale oo xidigaha ah, isla markaana ay ku qancin doonaan heesahooda, iyagoo aad ugu mahadceliyay dadka reer Muqdisho una rajeeyay Nabad waarta iyo Caafimaad.

Dadka qaar ee bandhig faneedka ka qeyb galay ayaa isheegay inay aad ugu faraxsan yihiin habka ay ku billaabatay Showga fanaaniinta Xidigaha geeska iyagoo dareemayay dadkaas farxad aan la soo goobi Karin.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa imaanayay Fanaaniin kala duwan oo qaarkood dalka ka maqnaa muddo labaatan sano.

 

fanaaniin (16)fanaaniin (15)fanaaniin (14)fanaaniin (13)fanaaniin (11)fanaaniin (5)fanaaniin (10)fanaaniin (9)fanaaniin (8)fanaaniin (7)fanaaniin (6)fanaaniin (4)fanaaniin (3)fanaaniin (2)fanaaniin (1)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip