
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKATIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 11-KA MAARSO 2019-KA
143
6:38 PM - Mar 10, 2019
Twitter Ads info and privacy 74 people are talking about this
Inta la xaqiijiyay 157 ruux oo gabig ooda ahaa rakaabkii saarnaa diyaarad da Ethiopian Airlines ayaa ku dhintay shilka oo dhacay Shalay .
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyay geeri da Marxuum Cabdishakuur Shadaad.
Marxuumka oo kamid ahaa howlwad eenada xafiiska Khayre ayaa ku dhintay shilkii diyaaradeed ee ka dhacday Itoob iya.
FAAH FAAHIN:-ARDAY LAGU DHEX DILAY ISKUUL KU YAALLA MAGAALADA BALADWEYNE
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka
soo baxaya arday barqanimadii Shalay lagu dhexdilay iskuul ku yaalla xaafadda Kooshin magaalada Baladweyne ee xarunta
gobolka Hiiraan.
Marxuumka geeriyooday oo mag-aciisa lagu soo koobay Cumar ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay Arday kale oo ay wada dhiganayeen iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Mujamac Baladweyne.
Dilkan oo loo adeegsaday Toorey ayaa ka dhacay gudaha Iskuulka, kadib markii ay wada murmeen labada Arday, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray Shuceyb Xasan oo ahaa Ardaygii falka dilka ah geystay, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka guud ee M/Balad-weyne.
Illaa iyo hadda ma jiro warar faah faahsan oo uu maamulka Dugsiga iyo kan degmada Baladweyne ay ka bixiyeen dhacdadaasi.
Arrintan ayaa walaac iyo wal-wal xoogan ku reebtay waalidiinta, Ardayda, macalimiinta iyo maamulka Mujamac, ma-adaama fal dil ah uu ka dhacay Iskuu-lkaasi.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO WAR KASOO SAARTAY DIYAARADII KU BURBURTAY ITOOBIYA
Jamhuuriyadda Federaalka Soom-aaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed.
"Waxa aan dareenka la qeybsana-ynaa qoysaska iyo shaqsiyaadka ay saameysay dhacdadan masiibadada ah,"ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soom-aaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Itoobiya oo ku jira xaaladan adag.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Shalay booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.
Wuxuuna murugada la qeybsaday Ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan.
WASIIR HORE OO SHEEGAY INAY MUHIIM TAHAY MIDNIMADDA SOMALIA IYO SOMALILAND
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibed-da ee Somalia,Ismaaciil Maxamuud Hurre "Buubaa” ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Warbaahinta Alnashra ee laga leeyahay dalka Lub-naan, wuxuuna soo dhaweeyey Dhe-xdhexaadinta ay Dowladda Turkiga ugu kala dab-qaadayso DFS iyo Somaliland.
Ismaaciil Buubaa oo Xildhibaan
iyo Wasiir ka soo noqday Dowladihii Somalia waxa uu Wareysigiisa ku xusay inay suurto-gal tahay in Dhexdhexaadintaasi
laga gaaro Horumar.
Sidoo kale, waxa uu Dowladda Tu-rkiga ugu baaqay inay Kaalmooyinka ay siiyaan Somalia ballaariyaan, isla mar-kaana Somaliland laga siiyo saamiga kaalmooyinkaasi loogu talagalay guud ahaan Dadka Soomaaliyeed.
Ismaaciil Maxamuud Hurre "Bu-ubaa” waxa kaloo wax laga weydiiyey Aragtidiisa ku aadan Midnimadda Som-aliland iyo Somalia, waxa uu tilmaamay in Geeska Afrika u baahan tahay Somalia iyo Somaliland oo mideysan, si loo helo nooc kale oo tayo dheeraad ah, waa sida uu had alka u dhigay. Xigasho: elnashra. com
XAAF” WAAN ISDIFAAC EYNAA”
Madaxweynaha Galmudug Axmed
Ducaalle Geelle Xaaf oo Shalay dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa
sheegay in Galmudug ay isku difaaci doonto dowladda Dhexe ee Soomaaliya hadii
lagu soo xadgudbo jiritaankeeda.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Galmudug ay ku dhaqmi doonto kaliyah dastuurkii la ansixiyay markii la isku daray Galmudug iyo maamulkii Ahlusunna , islamarkaana wixii intaasi ka baxsan ay yihiin Sharci daro ah aan la aqbalikarin.
Xaaf ayaa xusay in Galmudug aysan aqbali doonin in laga leexdo wadada Saxda ah,islamarkaana aysan jirin diya-argarow doorasho.
Madaxweynaha ayaa ugu dambe-yn reer Galmudug ugu baaqay in ay isku-tashadaan oo ay Maamulkana la shaqe-eyaan waxaa uu sheegay in qofwalba oo shaqaale Galmudug ah uuna mardambe mushaar la’aan noqon doonin dadkana looga baahanyahay in ay Canshuuraha bixiyaan.
AGAASIME KOOFI OO LA KULMAY MAD AXWEYNAHA KOONFUR GALBEED
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Kofi) oo uu wehliyo Ku xigeenkiisa Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa Safar shaqo ku tagay Magaalada Bayd-habo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Agaasimaha ayaa waxaa Garoo-nka
Shaati guduud kusoo dhoweeyay qaar kamid ah Wasiirada Dowlad-gob-oleedka
Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Laanta 3-aad ee Hey’adda Socdaalka iyo
Jinsiyadda Soomaaliya.
Agaasimaha Guud iyo ku-xigee-nkiisa ayaa xarunta madaxtooyada Koo-nfur Galbeed kulan kula qaatey Madax-weynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), waxaana laga kwada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Hay’adda socdaalka Jinsiya-ddaay ka heyso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta hay’adda iyo maamulka.
Agaasimaha ayaa kormeer ku tagey qaar ka tirsan xaafiisyada Laanta 3-aad, wuxuuna warbixino ka dhageystay Saraa-kiisha Laanta, isaga oo ku dhiira geliyay in ay shaqadooda u gutaan si hufnaan iyo xilkasnimo ku jirto.
KENYA OO LAGA YAABO INAY KA BAXDO DACWADDII MURANKA XUDUUD-BADDEEDKA KALA DHEXEYA SOMALIA
Wargeyska The East African ee ka soo baxa Nairobi ayaa isweydiiyey in laga yaabo inay Dowladda Kenya ka baxdo Dacwadda Muranka Xuduud-baddeedka kala dhexeeya Somalia ee hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ee ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Holland.
Wargeyska waxa uu qoray inay Kenya ku guul-daraysatay inay dalalka Deriska iyo Beesha Caalamka helaan Xal Saaxiibtinimo oo lagu xalinayo Khilaafka Xuduud-baddeedkaasi.
Ilo Diplomaasiyadeed ayaa shee-gaya inay Dowladda Kenya haatan isku tijaabinayso inay DFS dib uga laabato Dacwadda taalla Maxkamadda ICJ, si ay ugu qanciso xal ay labada dal ku wadaagayaan Horumarinta kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska.
Ilo kale ayaa sheegay inay Dowl-adda Kenya ku cadaadinayso Somalia inay dib uga laabato Khariidadii ama Maabkii lagu soo bandhigay magaalladda London ee lagu xaraashayey Xirmoo-yinka Shidaalka iyo Gaaska.
Si kastaba, DFS wey diiday inay la wadaagaan Khariidada Xuduud-badd-eedka lagu dagaalsan yahay.
Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxaa lagu hayaa cadaadis si ay u soo celiso Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Somalia, kadib, markii ay cayriyeen Safiirkii Somalia, isla markaana ay u yeereen Safiirkii ka joogay Somalia.
Booqashadii Madaxweyne Fa-rmaajo Talaadadii hore ku tegay Nairobi iyo Kulankii uu la yeeshay Uhuru Ken-yatta iyo Abiy Ahmed ayaa waxay noqd-een kuwo lagu guul-daraystay, iyadoo aan xal laga gaarin Muranka Xudduud-baddeedka.
Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya waxay keliya oo ay ku heshiiyeen ayaa ahaa in laga wada shaqeeyo Nab-adda iyo in la dejiyo xiisadda.
Xigasho: The East African, NBI.
PUNTLAND OO KU DHAWAAQDAY ABAAR KA JIRTA DEEGAANADA MAAMULKAAS KANA QEYLO DHAAMISAY
Madaxweyne ku-xigeenka Puntl-and,
ahna Guddoomiyaha Guddiga Aba-araha, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shalay
Maarso, 10, 2019 daahfuray shir looga hadlay abaaraha ka jira Puntland, kuwaas
oo saamayn ku yeeshay duunyada iyo nolosha dadka ku dhaqan deegaanada Puntland.
Shirkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinayay guddiga abaaraha oo ka kooban Wasiirada wasaaradaha, Deeg-aanka, Beeraha iyo Is badalka Cimilada, Arimaha Gudadaha, Faderaalka iyo Dim-uqraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Tamarta Biyaha iyo Macdanta iyo Hay’adda HADMA, waxaa sidoo kale goob joog ahaa shirka masuuliyiin ka socday hay’addaha caalamiga ah.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay in Puntland ay ka jirto abaar baahsan oo soo laab-laabatay, waxa uu u mahadceliyay hay’addaha ka qayb qaata u gurmashada abaaraha, loona baahan yahay in hadda loo is taago sidii deegaanada abaartu ka jirto dadka ku nool wax loogu qaban lahaa.
"Waxaan halkaan kaga dhaw-aaqayaa in abaar ay ka jirto Puntland, qaylo dhaantii ugu dheerayd baan Shalay dirayaa, hay’addaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, ganacsatada, cidkasta oo ka qayb qaadan karta, ilaahay waan baryaynaa, waxaan rajayn in shaqadu sidii hore ka duwanaato iyo dedaalku” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Ugu dambayn, Mudane Karaash waxa uu sheegay in Puntland doorkeeda ka qaadanayso, loona baahan yahay inaan loo kala harin gurmad la gaarsiiyo shacabka Puntland ee abaaruhu same-eyeen.
GOLAHA WASIIRADA HIRSHABELLE OO ANSIXIYAY MIISAANIYADDA 2019 IYO SHARCIGA HANTIDHOWRKA
Madaxweyne ku xigeenka Hirs-habelle Cali Cabdullaahi Xuseen oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Dowlad gobaleedka hirshabeele Shalay ay Shalay ku yeesheen magaalada Jowhar ayaa looga dooday qodobo ay ka mid yihiin Miisaaniyada sanadka 2019 iyo iyo weliba Sharciga Hantidhowrka.
Dood dheer kadib ayaa Golaha Wasiirada Hirshabelle waxa ay gacan tag ku meel mariyeen Miisaaniyada 2019.
Golaha wasiirada hirshabeele ayaa cod gacan tag ah ku meelmariyay miisaaniyad sandeedka 2019 iyo sharciga hantidhowrka sidoo kale wasiirada ayaa dood adag waxa ay ka yeesheen amniga deegaanada Hirshabeele.
"Golaha Wasiirada Hirshabelle kulankoodii Shalay ayaa waxaa ay ugaga doodeen arrimo ay ka mid yihiin amni-ga,miisaaniyada iyo xeerka Hantidhowrka wayna ansixiyeen Golaha Wasiirada.”a-yuu yiri Afhayeenka Maamulka Hirsh-abelle Daa’uud Xaaji Cirro isagoo la hadl-ayay weriyaasha kadib markii uu shirka dhamaaday.
Labada sharci ee miisaaniyada sanadka 2019 iyo hantidhowrka ayaa dhaqan gali doona marka ay ansixiyaan xildhibaanaada Barlamaanka HIrshabeele oo maalmaha soo socdo la filaya in la horgeeyo.
MID KA MID AH SHAQAALAHA XAFIISKA RW KHEYRE OO KU GEERIYOODAY DIYAARADII BURBURTAY
Diyaarad ay leedahay shirkadda Itooniyan Airlines ayaa Shalay ku bur burtay duleedka magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya , xilligi ay kusii jeeday Magalada Nairobi ee Caasimadda
dalka Kenya,waxaana sheegay inay ku dhinteen dad ay Soomaali ku
jiraan.
Diyaaradaas ayaa waxaa saarnaa 157 Ruux oo 8 ka mid ah ay ahaayeen Shaqaalaha diyaarada,waxaana dadka ku dhintay la xaqiijiyey in uu ku jiray mid ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Shakuur Shahaad.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuumka uu ka yimid mid ka mid ah dalalka Yurub uu howlo Shaqo u jiray, isla markaana uu kusoo wajahnaa Magaalalada Muqdisho, hayeeshee shilkaasi diyaaradeed uu ku geeriyooday.
Geerida mid ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho u xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
DIYAARAD AY LEEDAHAY SHIRKADA TURKISH AIRLINES OO RAKAAB AY KU DHAAWACMEEN
Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay
Shirkadda Turkish Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777 oo ku sii jeeday dalka
Maraykanka ayaa waxaa ku yimid qalqal dhinaca hawada, xilli ay maraysay
Badweynta Atlantik.
Diyaaradaasi oo ay la socdeen in ka badan 300 oo Rakaab ayaa la sheegay inay cadaadis dabaylo la kulantay, taasi oo sababtay inay dhawaacmaan 30 qof oo ka mid ah rakaabkii saarnaa.
Mid ka mid ah shaqaalaha Diyaaradda ayaa la sheegay inuu lugta ka jabay, halka rakaabka kalena uu soo garaay dhaawacyo. Diyaaradaasi oo ku jirtay Duullimaad ay isaga kala gooshaysay Istanbuul iyo New York ayaa la sheegay inay si nabad ah ku degtay Garoonka Diyaaradaha ee John F. Kennedy International Airport ee magaalladda New York.
Tobanaan gaadiidka gurmadka ayaa la safay Garoonkaasi, iyadoo dadka dhaawacmay la dhigay Isbitaallo ku yaallo New York.
AKHRISO;DALALKA AY KA SOO JEEDAAN DADKII KU DHINTEY DIYAARADII ETHIOPIAN AIRLINES
Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa shaacisay wadamada ay ka soo jeedaan dadkii ku geeriyooday diyaaradii saaka ku burburtay duleedka magaalada Addis Ababa.
149 rakaab ah oo rag iyo dumar isugu jira iyo 8 shaqaalihii diyaarada ahaa ayaa ku dhintey burburka diyaarada.
Diyaarada ayaa ku burburtay Bishoftu ama Debre Zeitoo 50km Koofur ka xigta caasimada Ethiopia.
Shirkada Ethiopian Airlines oo la rumeysan yahay inay tahay shirkadda ugu weyn ee diyaaradaha ee qaarada Afrika ayaa markii ugu dambeysay ay shil ku timaado ahayd sanadkii 2010kii.
Dadka Shilkan ku dhintay waxaa sidoo kale kamid ahaa Muwaadin Soonaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdishakuur Maxamed Cabdulle (Shahaad) oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaalia gaar ahaan qeybta Protocolka.
Halkan ka aqriso Liiska Dalalka ay u dhasheen dadkii ku dhintey burburka diyaarada Ethiopian Airlines
32 Kenyan
18 Canada
9 Ethiopian
8 Chinese
8 Italian
8 US
7 British
7 France
6 Egypt
5 Netherlands
4 UN passport
4 Indian
3 Russian
2 Moroccan
2 Israeli
1 Belgian
1 Ugandan
1 Yemeni
1 Sudanese
1 Somali
1 Togo
1 Mozambican
1 Norwegian
Burburka diyaarada Ethiopian Airlines
KHAYRE OO KA QAYB GALAY JANAAS ADA IYO AASKA QARAN EE WASIIRKII DASTUURKA XFS
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda
federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Shalay ka qayb
galay janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii
wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday.
Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Marxuumka Allaha uga baryay in uu u naxariisto, ayaa caddeeyay in uu xukuumaddiisa uu ka baxay mid kamid ah wasiirradii ugu kartida badnaa isaga oo ku sifeeyay Wasiir Cabdiraxaan Xoosh in uu ahaa halyaay qaran oo ay ku wayntahay Soomaalinimada, daacad ah, howl kar ah, ka maran musuq-maasuq, shaqo badannada geliyay qabya-tirka dastuurka iyo qoriddii dastuurka KMG ee hadda lagu shaqeeyo.
Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, oo waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii.
AKHRISO:-SABABTA UU ISKU CASILAY WASIIRKII CAAFIMAADKA DALKA TUNISIA
Wasiir C/ra’uuf Al-shariif ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkiisa, kadib, markii ay 11 carruur ku geeriyoodeen Isbitaal muddo 24-saac gudaheeda.
Wakaalladda Wararka dalkaasi ee TAP ayaa sheegtay in Wasiirka Caafimaadka iyo Dacwad-oogayaasha Tunisia’s health minister Abdel-Raouf El-Sherif ayaa bilaabay baaritaan lagu ogaanayo waxa ay u geeriyoodeen carruurtaasi, iyadoo la tuhunsan yahay inay u geeriyoodeen dhiig caabuq ama Infeshinka leh oo lagu shubay carruurtaas
HAWEENEY SOOMAALI AH OO XABSI LAGU XUKUMAY KADIB MARKII AY DISHAY WALAALKEED
Maxkamad ku taal dalka Kuwait ayaa ku xukuntay haweeney Soomaali ah afar sano oo xarig ah iyo shaqo adag kadib markii lagu helay dambi ah inay dishay walaalkeed.
Wargeyska Al-Anba Daily ayaa daabacay in haweeneydan ay dilka walaalkeed u adeegsatay mindi.
Laamaha ammaanka ayaa shee-gay in haweeneydan lagu helay dambiga ay 28kii bishii September 2018 ay ku dhufatay mindi walaalkeed waxana uu ku dhintey waqti yar kadib isbitaalka.
Hase yeeshee haweeneydan ayaa qiratay dilka walaalkeed balse waxa ay sheegtay inaysan si ulakac ah u dilin.
Khilaafka qoysaska dhexdooda ayaa ah mid soo noqnoqda iyadoo dad badan oo Soomaali ah oo isku qoys ka soo jeedo ay isku dileen khilaaf qoyska dhexdiisa ka jira awgeed.
MADAXWEYNAHA UGANDA OO KU HANJABAY INUU CIIDANKIISA KALA BAXAAYO SOMALIYA
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri
Museveni ayaa waxaa uu ku hanjabay in dhamaan Ciidanka ka jooga Soomaaliya uu
kala baxayo haddii Midowga Afrika uu isku dayo in uu dhimo Ciidanka Uganda ee
ku jira Amisom.
Mr Museveni ayaa sheegay in isaga uu si shakhsi ah Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu wargeliyay in 6,400 oo Askari oo ka jooga Soomaaliya uu dhamaantood la baxayo haddii Goluhu amro in Ciidanka Uganda la dhimo.
Arrintan ayaa ku soo aadday iyada oo dhawaan Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza, uu ku hanjabay in dhamaan Ciidankiisa uu la baxayo kaddib markii Golaha ammaanka ay amar ku bixiyeen in 1,000 Askari laga saaro Soomaaliya.
Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in 400 oo ka mid ah Askarta Burundi ka baxeen Soomaaliya halka 600 kale ay wali ku sugan yihiin.
Museveni ayaa yiri "Waxaa ay noo soo jeediyeen Golaha ammaanka in tirada ciidankeenna aan dhinno, laakiin waxaan u sheegay in aan dhimayo,laakiin aan soo saareyn hal Askari illaa aan dhamaantood soo saaro”.
Yuweri ayaa sheegay in Ciidanka Amisom oo guud ahaan ka baxa Soo-maaliya ay ku xiran tahay dalka howlg-alka uu ka socdo (Soomaaliya) oo same-ysta Ciidan ku filan.
Waxaa uu Madaxweyne Museveni intaas raaciyay in Muqdisho looga baahan yahay lacag Ciidan lagu qorto laakiin aysan taas muhiim ahayn, maaddaama sida uu sheegay lacagta dib laga heli karo.
WAALIDIINTA SOOMAALIDA KU NOOL LONDON OO WIILASHOODA KALA SOO CARARAYA DILALKA TOOREYDA
Waalidiinta Dhallinyarada
Somali-British-ka ee da’da Tobanaadka ku jirta ayaa la sheegay in laga so
odhoofinayo dalkaasi, kadib, markii ay ku soo kordheen falalka weeraradda loo
adeegsado Tooreyda.
Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay awoodi kari la’ yihiin inay Dhallinyaradaasi ka badbaadiyaan Dembiyadda loo adeegsado Tooreyda.
Wakiilo ka tirsan Mujtamaca Soomaalida ku nool Waqooyiga London ayaa sheegay in boqolaal carruur ah u direen Somalia, Somaliland iyo Kenya, kadib, walaaca sii kordhaya ee Burcadda ka ganacsata Daroogadda iyo Shabakadaha Dembiyadda ee dalkaasi oo Ubadkooda u adeegsada inay Daroogadda u kala daabulaan magaallooyinka Goballadda dalkaasi.
Wargeysiyo uu Wargeyska The Observer ee ka soo baxa London la yeeshay Hooyooyin Soomaali oo yimid London, markii ay dalkooda hooyo ka soo carareen dagaalladii sokeeye ee ka dhacay sannadihii 1990-aadkii ayaa u sheegay in tiro badan oo Wiilashooda ah ka codsadeen inay ka dhoofaan Britain sababo la xiriira Burcadda Daro ogad da iyo cabdi-gelinta cola daha.
Raakhiya Ismaaciil oo ah Maayar-ku-xigeenka magaalladda Islington ayaa sheegtay in qaabka keliya ee Ubadk ooda ku badbaadi karaan inay tahay inay ka dhoofiyaan Britain, iyadoo ay carruur badan u dhoofeen dibededa
Waxay kaloo sheegtay in 2 isbuuc ka hor in tooreey lala dhacay ilmo dib uga soo laabtay Somalia 2 maalin ka hor.
Wiil Soomaali o olagu magacaabo Ayuub Xasan oo 17-jir ah ayaa Khamiistii la soo dhaafay lagu dilay Galbeedka London, waxaana falkaasi u xiran wiil 15-jir o olagu soo eedeeyey dilkaasi.
Dukaan Supermarket o olagu magacaabo Asda oo ku yaalla London waxay Dorraad go’aansadeen inay joojiyaan inay mid-mid u iibiyaan Mindiyaha Jikada, si loogu hortago inay Dembiilayaasha u adeegsadaan falal dembiyeedyada.
WADAHADALO U BILOWDAY DOWLADA FEDERALKA IYO MAAMULKA JUBBALAND
Wadahadalo hordhac ah ayaa ugaga
bilowday magaalada Kismaayo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federalka iyo Maamul
goboleedka Jubbaland.
Xoghayaha joogtada ah ee xafi-iska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Axmed-nuur Maxamed Cabdi ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobale-edka Jubaland.
Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta wada shaqaynta Wasaaradaha Jubaland iyo Wasaaradaha federaalka. Kulanka uu Xoghayaha joogtada ee xafi-iska Ra’iisul Wasaaraha ayaa bilow u ah wadahadalo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya dowlada federalka iyo Maamul goboleedka Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kh-eyre oo lagu waday in uu Dorraad boo-qasho ku tago magaalada Kismaayo ay-aa u baaqday geerida ku timid allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dastuurka.
Hase yeeshee waxaa laga dar-eemayaa magaalada Kismaayo qaba-nqabada soo dhoweynta Ra’iisul wasaa-raha iyadoo wadooyinka lagu arkayo sawirada Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Wararka ayaa sheegaya in aaska meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh kadib uu Ra’iisul Wasaare Kheyre u safri doono magaalada Kismaayo.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa marka uu gaaro Kismaayo in uu la kulamo madaxwaynaha Jubbaland Axm-ed Maxamed Islaam, ayna ka wada had-laan arrima badan oo ay kamid tahay sidii caadi looga dhici lahaa xiriirka labada dhinac.Diyaargarowga soo dhoweynta wafdiga Kheyre ee Kismaayo
CIIDAMADA NISA OO GACANTA KU DHIG TAY KOOXO BURCAD AH OO DAD KA SI WEYN U CABSI GELIN JIRAY
Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa Shalay gacanta ku dhi gay rag Burcad oo la sheegay in saaca dihii la soo dhaafay gawaari Xamuul ah ay ka Afduubteen duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Raggan oo gaarayay illaa 4 Qof ay aa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen agagaara ha magaaladaasi.Qaar ka mid ah sar aakiisha Galmudug ayaa sheegay in tall aabadani ay qeyb ka tahay qorshe loo ga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca deegaanada maamulkaasi.
Muddooyinkii dambe waxaa falal lidi ku ah amniga ay ku soo badanayeen qe ybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartam-aha Soomaaliya.
SHIRKA QARAMDA MIDOOBAY EE ARRIMAHA DEEGAANKA OO MAANTA FURMAYA
In ka badan 4,700 oo isugu jira madaxweyneyaal, wasiiro, ganacsato waaweyn, saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midooobay iyo dad matalaya ururada bulashada ayaa maanta isugu imanaya shir ka dhacaya magaalada Nairobi oo lagu lafa-guri doono deeg-aanka.
Shirkaan ayaa ah kii afaraad oo socon doono 11ka ilaa iyo 15ka bishan Maarso, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii xal loogu heli lahaa caqaba-daha deegaanka iyo wax soo saarka.
Shirkaan dadka ka soo qeeyb galayo waxa ay ku laba jibaarmayaan kuwii ka so qeeeyb galay kulankii kan ka horeeyay ee dhacay bisihii Decembar ee sannadkii 2017-kii. Waxaana ka soo qeeyb galayo hogaamiyaal caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaasha Farans-iiska iyo Kenya, Emmanuel Macron iyo Uhuru Kenyatta, iyo maareeyaasha shirkadaha waaweyn.
Waxaa la filayaa in ay ka soo bax-aan natiijoyin wax ku ool ah, marka uu soo gabagoowo shirkaan shanta maal-mod socon doona.
Agendayaasha miiska saaranna waxaa ka mid ah sidii deeganka badda looga difaaci lahaa wasaqeeynta, gaar ahaanna caagagga, sidiii loo yaren lahaa qashinka iyo sidii loo casriyeen lahaa tig-noologiyadda, taas oo gacan ga geeysan karto Isbedlka Cimilada.
Trump oo diiday heshiiska isbedelka cimilada
Kulaylka ba’an ee dunida oo la leeyahay ‘dadka ayaa sabab u ah’
Dad ay abaartu hayso
Go'aamada ka soo baxa shirkaan ayaa
waxa ay waddada u xaarayaan he-shiiskii Isbedelka Cilmilada ee magaalada Paris,
sidoo kale waxaa uu shirkan waddada u xaarayaa shirka Isbedelka Cimilda ee
Qaramada Midoobay ee san-nadkan 2019-ka.
Joyce Msuya oo ah sarkaal Qara-mada Midoobay u qaabilsan degaanka ayaa dalaka caalamka ugu baaqday, in ay u istaagaan oo ay ka dhabeeyaan da-daallada lagu doonayo in looga hortago Isbedelka Cimilada.
Hay'adda Qaramada Middobay u qaabilsan Deeganka ayaa sheegeysa in intii u dhaxeeysay sannaddadii 1995-tii ilaa iyo 2011-kii ay arrimaha deeganka ku kharash gareeyeen lacag gaareeysa 20 tiriyan oo doolar.
Shirkaan ayaa waxaa sido kale lagu soo bandhigi doonaa cilmi baaris ay sameyeen khuburda deegeenka ee Qar-amada Midoobay, waxaana ka mid ah cilmi baaristii ugu dambeeysay oo loogu magac daray ''Qaab muuqaalka Deeg-aannada Caalamka'' oo ay ka qeeyb qaa-teen 252 seeynisyahano iyo khubro ka kala yimid 70 dal.
ABDELAZIZ BOUTEFLIKA OO DALKA ALGERIA DIB UGU SOO LAABTAY
Madaxweynaha Algeria Abde-laziz Bouteflika ayaa dalkiisa dib ugu soo laabtay isgoo dawyen ugu maqnaa dalka Swisserland.
Imaanshiyihiisa ayaa ku soo beegmeeysa iyadoo dalka ay ka socdaan dibabaxyo looga soo horje-edo xukuumaddiisa.
Madaxweynaha ayaa xanuunka faaligga la il-darnaa tan iyo sannadkii 2013-kii, wixii markaa ka dambeeyna waxaa aad u yaraa in lagu arko fagaarayaasha.
Madaxweyne Bouteflika ayaa dib ugu soo laabaty dalkisa iyadoo ay ka jirto dhibaato weyn. Waxa uuna haatan wajahayaa caqabaddii ugu weyneyd tan iyo intii loo doortay maa-dxweynaha dalakaasi 20 sano ka hor.
Qorshihiisa uu ku doonayo in uu markii shanaad ugu tartamo mad-axweynaha dalkaasi ayaa waxaa ka dhashay xasilooni darro baahsan.
Dibadbaxyo ka dhan ah go'a-anka madaxweynaha ayaa ku baahay waddoyinka waaweyn ee magaalada Algiers, kuwaasi oo curyaamiyay mag-aalada.
Dibadbaxayaasha ma doona-yaan oo kaliya in ay meesha ka saaraan Mr Bouteflika, ee waxa ay sidoo kale doonayaan in ay qadka ka saaran dadka isaga ka ag-dhaw.
Qaar kamid ah dibadbaxaya-asha ayaa dhagxaan ku tuurayey meel u dhow aqalka madaxtooyada waxaana gadaal u celiyey booliiska oo ku furay sunta dadka ka ilmaysiisa. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in labadaba dhinacba ay dhaawacyo jireen. Dibadbaxyo kale ayaa sidoo kale salaaddii jimcada kadib ka dha-cay magaalooyin dhowr ah oo kuyaal Algeria.
Mr Bouteflika ayaa xukunka dalkaas qabsaday sanadkii 1999-kii wuxuuna sumcad ka helay in uu soo afjaray dagaal sokeeye oo galaaftay in kabadan 100,000 oo qof.
Dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha maciishadda iyo shaqo la'a-anta ayaa qarxay sanadkii 2011 intii uu socday gu'gii Carabta hase aha-atee wuxuu kaga jawaabay in uu qaado xaaladdii dagdagga ahayd ee dalkaas saarnayd kudhawaad 20-ka sano, arrintaas oo ahayd dalabka koo-waad ee dibadbaxayaasha.
Kadib markii uu ku dhacay xan-uunka stroke-ga loo yaqaan waxa uu ku guulaystay in markale dib loo doorto, mucaaradka ayaana dooras-hadaas qaaddacay waxa uuna kala diray hay'addii sirdoonka dalkaas, asagoo ku baddalay hay'ad asaga daacad u ah.
Dadka dhaliila ayaa sheegaya in caafimaad darradiisu ay ka dhigan tahay in aanu gudan Karin waajibaa-dkiisa madaxweynenimo. Marka laga yimaado walaaca mucaaradka, Mr Bouteflika ayay u badan tahay in uu si ballaaran ugu gu-ulaysto doorashada April.
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKATIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 11-KA MAARSO 2019-KA
KHAYRE OO KA TACSIYEEYAY GEERID A CABDISHAKUUR SHADAAD R/Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdishakuur Shadaad.