HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKATIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 10-KA MAARSO 2019-KA

1
Sunday March 10, 2019 - 13:54:37 in Wararka by
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKATIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 10-KA MAARSO 2019-KA

    QODOBBO MUHIIM AH OO DIIRADDA LAGU SAARAY SHIRKII GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND kalfadhigii 30aad ee golaha wasiirrada Somaliland, ayaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada, waxana lagaga dooday, laguna ansixiyey siyaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QODOBBO MUHIIM AH OO DIIRADDA LAGU SAARAY SHIRKII GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND kalfadhigii 30aad ee golaha wasiirrada Somaliland, ayaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada, waxana lagaga dooday, laguna ansixiyey siyaasado iyo xeerar qaranka faa'iido badan u leh. Kalgadhigan oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweynekuxigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayey xubnaha golaha wasiirradu ku ansixiyeen xeerka garyaqaanka guud ee qaranka, kaas oo qeexaya xilka iyo waajibaadka xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka oo ka kooban diyaarinta qayboqoraallada xukuumaddu curiso, latalinta sharci ee dhammaan hay'adaha xukuumadda, metelaadda dacwadaha medinga ah ee dhammaan hay'adaha dawladda iyo inuu faafinta rasmiga ah kusoo saaro gebi ahaanba xeerarka ansaxay ee qaranka. Sidoo kale, golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey nuqullada siyaasadda shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo waxkabeddelka xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004. Dhinac kale, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa warbixinno lagaga dhegaystay wasiirrada wasaaradaha macdanta iyo Tamarta iyo horumarinta biyaha, iyaga oo golaha hortooda kusoo bandhigay qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahoodu ku hawlannaayeen sannadkii dhammaaday iyo sannadkan soconayaba, isaga oo wasiirka Macdanta iyo Tamartu golaha ka hor jeediyey ahmiyadda ay shidaal soo saaristu qaranka u leedahay iyo sida ay wasaarad ahaan ugu hawllan yihiin inay dalka gaadhsiiyaan koronto ku filan oo laga dhalinayo Tamarta qorraxda. Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Calikoore, ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in qaranka laga haqabtiro biyo ku filan, isaga oo xusay in muddadii uu wasaaradda joogayna uu horumariyey gebi ahaanba ceelashii iyo dhaamamkii aynnu hore u haysannay, islamarkaana ay soo kordhiyeen ceelal faro badan, iyada oo diiradda la saarayo meelaha ay biyo la'aantu ka jirto, taasina ay safka hore kaga jirtey barnaamijkii ololaha xisbiga KULMIYE iyo siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku wajahan helitaanka biyo nadiif ah oo gaadha dhammaanba shacab weynaha reer Somaliland.


BURCADBADDEED SOOMAALI AH OO LAGA WAABIYEY MARKAB AY QAFAALAN LAHAAYEEN

Telefishinka dalka Iiraan ayaa sheegay in Ciiddanka Badda ay waabiyeen Burcadbaddeed weerartay Markab nooca Booyadle Shidaal, kaasi oo marayey Gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Somalia iyo Yemen.

Burcadbaddeeda oo la sheegay inay la socdeen 11 doonyaha nooca dheereeya (speedboats) waxay si safmar ah u weerareen Markabkaasi oo waday xamuul dhan 150,000 oo tan.

Ciiddanka Badda Iiraan ma aysan sheegin haddii uu khasaaro soo gaaray Markabka la weeraray iyo kooxihii weeraray, oo iyagu la sheegay inay baxsadeen.

PUNTLAND OO QABATAY DOONYO DAD LAGU TAHRIIBINAYAY

Ciidmada badda maamulka Puntland ee magacooda loo soo gaabiyo PMPF ayaa shalay gacanta ku soo dhigay illaa 8 Doonyood oo lagu Tahriibinayay dad ku sii jeeday dalka Yemen.

Doonyahan ayaa la sheegay in ay qaab Sharci darro ah uga Tahriibinayeen Xeebaha maamulkaasi dad isugu jiray Soomaali iyo Oromo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in talaabadani ay qeyb ka tahay dagaalka uu maamulkiisu kula jiro Tahriibka.

Horay dowlad goboleedka Puntland ayaa uga digtay in laga tariibo deegaanadeeda, sababo la xariira dhanka amniga.

DENI OO DIGNIIN U DIRAY DADKA TACADDI YADDA U GAYSTA HAWEENKA

MadaxweynahaPuntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo shalay ka qabsoontay magaalada Garoowe.

muuseMadaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiim ka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladdooda.

"Marka u horaysaa waxaan u hambalyaynayaa dhammaan haweenka Adduunka, kuwa Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa reer Puntland, waa farxad runtii aan dareenkeenna idiin ku soo gudbinayno inaan idinkala soo qaybgalo maalinta caalamiga ah, haweenka waa lafdhabartii bulshada, la’aantood dadka halkan joogaa ma aysan joogeen.”

"Waxaa kaloo muhiim ah Soomaali haddaan nahay maalinta xusitaankeedu Soomaaliya kama dhalan, waa dhibaatooyin haweenka meelkastay joogaanba soo mareen, waana dhaqamo marka laga sheekaynaayo Soomaalidu aysan arag, gabadha Soomaaliyeed marka taariikhda dib loo fiiriyo marna bulshada ay ku dhexjirtey kama aysan hoosayn”

"Dhaqankeenii marka la fiiriyo dabcan door aysan lahayn oo raggu ay leeyihiin waa jirtey, lakiin qudhiisana kaalin wayn bay kulahaayeen reer ka taladiisa iyo kobociisaba, balse markaad fiiriso haweenku waxay soo mareen, qaarbaa la aasijirey, qaarbaa nolosha loo ogolayn, tariikh aad u mugdi ah bay soo mareen oo weliba u badan wadamada reer Galbeedka, Soomaaliya Illahay waa ka koriyey dhaqankooda soo jireenka ah iyo diintooda suuban marka laysku daro ayay taas kaga gudbeen” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa tibaaxay in talaabo sharci ah laga qaadidoono cidwalba oo iskudayda inay tacaddi u gaystaan haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, waxaana uu ku booriyey Madaxweynuhu haweenka inay ku dhiiradaan ka qayb noqoshada siyaasadda dalka.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO SI HEER SARE AH LOOGU SOO DHAWEEYAY DUBAI

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa si heer sare ah loogu Soo dhaweeyey madaarka magaalada Abu Dubai

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya qaar ka mid ah golahiisa wasiirada.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa la filayaa in madaxda Imaaraadka ay ka wada hadlaan dhameystirka arrinta ku saabsan heshiiska DP World.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu waddaa in dhawaan ay bilowdo Mashaariic kala duwan oo horay loogu ballanqaaday Somaliland.

Safarka madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa ku tageen dalka isutagga Imaaraadka carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu hoggaanka qabtay.

BOLIISKA KENYA OO XIREY NIN DOONAYAY INUU KU BIIRO ALSHABAAB

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin ay ku eedeeyeen inuu Shabaab u waday xogo uu ka qaaday magaalooyinka Kenya.

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa magaalada Mandheera ku qabtay nin 53 sano jir ah, kaasoo u sii socday Soomaaliya waxaana la sheegay inuu damacsanaa ku biirista Kooxda AlShabaab.

Ninkan oo lagu magacaabo Backstone Agaro ayaa la qabtay isagoo dadka weydiinayay meesha ugu fudud ee looga soo tilaabi karo xadka Soomaaliya waxaana xiigaasi uu ka yimid dhinaca Gaarisa.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in ninkan la qabtay ay boorsooyinkiisa ka heleen Buug ay ku qorantahay xogo uu ka soo uruuriyay inakabdan 100 goobood oo kamid ah Kenya, iyadoo laga cabsi in goobahaas ay bartilmaameed u noqdaan Shabaab.

Backstone Agaro, waxa uu Mandheera ku tagay Bas ay leedahay Shirkada Tawakal waxaana lagu hayaa Saldhigga magaalada oo lagu weydiinayo Su’aalo ku saabsan ujeedka socdaalkiisa Soomaaliya.

Agaro ayaa la soo taagay maxkamad daraad waxayna maxkamadu amartay in 7 maalmood xabsiga lagu soo hayo inta laga helayo cadeymo dhameystiran oo Kiiskiisa ku saabsan, waxa ay saraakiisha amaanka ku eedeeyeen inuu ahaa Sirdoon Shabaab ah.

"Waxaan dadka waydiinayay inay ii tilmaameen meel aan seexdo [hotel] ee ma waydiin jihada Soomaaliya loo maro, sababtoo ah waxaan halkan imid xilli habeen ah, waxaan ahay qof ku cusub magaaladda,” ayuu booliska u sheegay Agaro.

Ninkan 53 sano jirka oo ah fuundi guryaha dhisa ayaa sheegay inuu si caadi ah isaga watay (Book­Note) ay ku qornaayeen magaalooyin badan oo Kenya ah oo uu booqday.

QM OO XIL U MAGACOWDAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA ITOOBIYA

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Dr Abiy Ajmed ayaa loogu hambalyeeyey Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu Negewo,kaasi oo loo magicaabay agaasimaha guud ee xafiiska QM ay ku leedahay magaalada Nairobi.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Gutters ayaa Workeneh Gebeyehu Negewo u magacaabay in xafiiska Jimciyadad Qurumaha ka dhexeysa ee Nairobi agaasime guud ka noqdo.

Raiisul Wasaare Dr Abiye Axmed ayaa sheegay in Workeneh Gebeyehu Negewo uu yahay shaqsi khibrad iyo waayo aragnimo badan leh,islamarkaana uu ka soo bixikaro shaqada loo dhiibay.

Workeneh Gebeyehu Negewo ayaa mudo 20 sano ah xilal kala duwan ka soo qabtay dalkaasi Itoobiya,waxaana raiisul wasaaraha Itoobiya uu ku ammaanay in uu yahay shaqsi wax badan ka yaqaano maamulka iyo nidaamka dowladnimo oo meelo kala duwan uu kaga soo shaqeeyey.

Wuxuu xusay in uu dhowr muuqda ku lahaa isbedelada iyo dib u habaynta howlaha siyaasadda arrimaha dibadada ee wasaaradda qaabilsan,gaar ahaan dib u soo celinta xiriirka iyo wadashaqeynta Itoobiya ay la lahayd wadamada gobolka Geeska Afrika.

QABAN QAABADA AASKA QARAN EE WASIIR KII DASTUURKA OO MUQDISHO KA SOCOTA

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabada Aaska Qaran ee loo sameynaayo maalinta Berri ah Wasiirkii Dastuurka Somaliya Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil oo dalka Imaaraadka ku geeriyooday.

Guddi Wasiiro ah oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan shalay Muqdisho ku yeesheen uga hadlay arrimaha aaska Wasiirka.

Shirka ayaa waxaa Gudoominaayay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Somaliya Mahdi Maxamed Guuled oo Guddigaasi Gudoomiye u ah.

Kulanka markii uu soo dhamaaday ayaa Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Ahmed Ciise Cawad wuxuu Saxaafadda u sheegay shirka inuu ku saabsanaa qorsheynta hanaanka loo sameynaayo Aaska Qaran ee Wasiir Xoosh Jabriil.

Wuxuu sheegay in si wanaagsan loo diyaariyay aaska Wasiirka, islamarkaana la rajeynaayo maalinta berri ah in aaska Wasiirka Muqdisho lagu sameeyo.

Allaha u naxariistee Wasiirkii Dastuurka Somaliya Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil ayaa daraad ku geeriyooday Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

MAREYKANKA OO SOO FARAGALINAYA MURA NKA BADDA SOOMAALIYA IYO KENYA

Waregyska the East Afrika ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in maamulka Madaxweyne Trump uu dhawaan soo faragalin doona Muranka badda ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheysay in ay saameyn ku yeelato xiisadda labadda dal ka hor in Maxkamadda Caalamiga ee ICJ aysan shaacin cidda sidda rasmiga ah ugu guuleysatay Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidda uu qoray Wargeyska dowladda Mareykanka ayaa ka walaacsan xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya iyo taageeradda ay siiso Soomaaliya, siddaasdarteed Soomaaliya ayaa macquul ah in ay ku qanacdo in la yeesho wadahadal dowladda Mareykanka ay hormuud ka tahay.

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay waxaa uu gaaraya ilaa 100,000km oo isku wareg ah

DUQA MUQDISHO OO HAWEENKA SOOMAA LIYEED KU AMMAANAY KAALINTA AY KA QAA TAAN HORUMARKA BULSHADA

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kaga qeyb galay Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka ayaa ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka Gobolka Banaadir dadaalka ay geliyeen dib u dhiska dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrimaha dib u heshiisiinta iyo darisaynta bulshada Caasimadda ay laf dhabar u yihiin Haweenku, taas oo muujinaysa mudnaanta Maamulka Gobolka Banaadir ay siinayaan xoojinta doorka Haweenka ee ku aaddan ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Eng.Yarisow ayaa uga mahadceliyey hooyooyinka Gobolka Banaadir sida ay dhexda ugu xirteen hirgalinta iyo kamira dhalinta Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo Caasimadda.

Guddoomiyaha oo tilmaamay doorka haweenku ay ku leeyihiin amniga Gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ayaa tacsiyeeyey geerida haweenka Soomaaliyeed ee ku shahiiday iyagoo ka shaqeynayey bilicda iyo faya dhawrka Caasimadda, kuwaas oo weerarada argagixisada Alshabaab ay ku beegsadeen ay muujinayso cadaawadda ay u qabaan dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa ku wareejiyey Haweenka 17ka Degmo ee Gobolka qalabka kala duwan oo ku maareeyaan noloshooda, isagoo xariga ka jaray xarunta farsamada gacanta oo Dumarka Soomaaliyeed ay ku kobcinayaan xirfadahooda wax soo saar.

DOWLADDA OO KA HADASHAY MASHQUULKA KA TAAGAN WADOOYINKA MUQDISHO

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in Dekedda Muqdisho ay shaqeyn doonto habeen iyo maalin si loo yareeyo Mashquulka ka taagan Wadooyinka Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay waddeen dadaallo habeenkii lagu xaqiijinaayo Ammaanka Muqdisho gaar ahaan Dekedda si loo yareeyo in maalintii Gaadiidka waa weyn ay xiraan Wadooyinka Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in la xaqiijiyay in dekedda loo dhameystiran dhammaan Waxyaabihii u sahli lahaa in ay shaqeyso habeenkii, islamarkaana loo diyaariyay Ciidamo gaar ah oo arintaasi ka shaqeyn doona.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SHABEELLAHA HOOSE OO LA MAGACAABAY

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose u magacaabay Ibraahim Aadan Cali Najax oo horay u soo noqday Wasiir dowlaha Madaxtooyadda Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/03/53150347_2256076277991468_5686541291224039424_n.jpgDILALKA LOO ADEEGSADO MINDIYAHA OO KU SOO BADANAYA MAGAALADA LONDON

Ayub Xassan oo 17 jir asalkiisu yahay Soomaali ayaa noqday qofkii 26aad ee dilkiisa loo adeegsado mindi caasimada kala UK ee London.

Dilka Ayub ayaa la sheegay in loo soo qabqabtay dhalinyaro lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen iyadoo lagu wado in la soo taago maxkamad.

Ayub Xasan ayaa hore ugaga badbaaday dilal ay dhalinyarada ku nool xaafada qoyskoodu ka degen yahay London ay isku dayeen in ay dilaan.

Siraad Aden oo ah hooyada Ayuub ayaa suuxday markii ay maqashay in wiilkeeda la diley.Hase yeeshee markii ay soo naaxday ayay Siraad sheegtay in ay aad u jecleyd wiilkeeda uuna doonayay marka uu waxbarashada dhameeyo inuu noqdo qareen.

Tirada dadka dilkooda loo adeegsanayo mindiyaha ayaa ku soo badanaya magaalada London iyadoo toddobaakan kaliya toddobo ruux lagu diley mindi,halka tirada guud ee sanadkan oo kaliya ay sii marayso 26 ruux.

Tirada daka mindiyaha lagu dilo ee magaalada London oo korortay

BOOLISKA KENYA OO XIREY NIN DOONAYAY INUU KU BIIRO ALSHABAAB

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin ay ku eedeeyeen inuu Shabaab u waday xogo uu ka qaaday magaalooyinka Kenya.

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa magaalada Mandheera ku qabtay nin 53 sano jir ah, kaasoo u sii socday Soomaaliya waxaana la sheegay inuu damacsanaa ku biirista Kooxda AlShabaab.

Ninkan oo lagu magacaabo Backstone Agaro ayaa la qabtay isagoo dadka weydiinayay meesha ugu fudud ee looga soo tilaabi karo xadka Soomaaliya waxaana xiigaasi uu ka yimid dhinaca Gaarisa.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in ninkan la qabtay ay boorsoyinkiisa ka heleen Buug ay ku qorantahay xogo uu ka soo uruuriyay inakabdan 100 goobood oo kamid ah Kenya, iyadoo laga cabsi in goobahaas ay bartilmaameed u noqdaan Shabaab.

Backstone Agaro, waxa uu Mandheera ku tagay Bas ay leedahay Shirkada Tawakal waxaana lagu hayaa Saldhigga magaal ada oo lagu weydiinayo Su’aalo ku saab san ujeedka socdaalkiisa Soomaaliya.

Agaro ayaa la soo taagay maxkamad daraad waxayna maxkamadu amartay in 7 maalmood xabsiga lagu soo hayo inta laga helayo cadeymo dhameystiran oo Kiiskiisa ku saabsan, waxa ay saraakiisha amaanka ku eedeeyeen inuu ahaa Sirdoon Shabaab ah.

"Waxaan dadka waydiinayay inay ii tilmaameen meel aan seexdo [hotel] ee ma waydiin jihada Soomaaliya loo maro, sababtoo ah waxaan halkan imid xilli habeen ah, waxaan ahay qof ku cusub magaaladda,” ayuu booliska u sheegay Agaro.

Ninkan 53 sano jirka oo ah fuundi guryaha dhisa ayaa sheegay inuu si caadi ah isaga watay (Book­Note) ay ku qornaayeen magaalooyin badan oo Kenya ah oo uu booqday.

PUNTLAND OO QABATAY DOONYO DAD LAGU TAHRIIBINAYAY

Ciidmada badda maamulka Puntland ee magacooda loo soo gaabiyo PMPF ayaa shalay gacanta ku soo dhigay illaa 8 Doonyood oo lagu Tahriibinayay dad ku sii jeeday dalka Yemen.

Doonyahan ayaa la sheegay in ay qaab Sharci darro ah uga Tahriibinayeen Xeebaha maamulkaasi dad isugu jiray Soomaali iyo Oromo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in talaabadani ay qeyb ka tahay dagaalka uu maamulkiisu kula jiro Tahriibka.

Horay dowlad goboleedka Puntland ayaa uga digtay in laga tariibo deegaanadeeda, sababo la xariira dhanka amniga.

WASIIRKA SOCDAALKA IYO QAXOOTIGA DALKA CANADA AXMED XUSEEN OO BEENIYAY INUU IS CASILAYO

Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Qaxootiga dalka Canada Axmed Xuseen ayaa meesha ka saaray wararka la xiriira inuu is casilaad sameynayo, isagoo sheegay inuu si buuxda ugu Kalsoonyahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau.

Hadal uu suxufiyiinta ku siisay xafiiskiisa, ayuu ku sheegay inuu shaqada sii heynayo uuna aaminsan yahay in Justin Trudeau uu sii wado maamulka dalkiisa, xili uu wajahayo fadeexad dhinaca Siyaasada ah, taasoo Xisbi ahaan u heysata.

"In la sameeyo iscasilaad waxba soo kordhin meyso, ma doonayo inaan ka tago shaqadeyda waayo kalsooni buuxda ayaan ku qabaa ra’iisul Wasaare Justin Trudeau” ayuu yiri Wasiir Axmed Xuseen

Warbaahinta Dalka Canada ayaa aad u raadinaya Wasiirro ka goosta ama iska casila Xukuumadda Trudeau, iyaga oo xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Qaxootiga Canada Axmed Xuseen, inkastoo aysan ka helin waxa ay ka filanayeen.

Inta la ogyahay ilaa hada waxaa is casilaad sameeyay labo wasiir oo ka tirsan dowladda Canada, kuwaas oo lagu kala magacaabo Jody WilsonRaybould iyo Dr. Jane Philpott, waxaana saacad kasta dhici karta shaqa ka tagis ay sameeyaan qaar ka mid ah Wasiirada

KULAN KU SAABSAN IN MUDADA LOO KORDHIYO CIIDAMADA AMISOM OO MUQDISHO KA FURMAY

Wafdi ka socda Golaha Amaanka AMISOM-696x440-1-1ee Qaramada Midoobey iyo Golaha nabadda iyo amaanka ee Midowga Afrika ayaa soo gaaray shalay magaalada Muqdisho.

Guddigan Isku dhafka ah ayaa qiimeynaya isbedelka amni ee dalka tan iyo markii ay yimaadeen Ciidanka Amisom sanadkii 2007 iyo qorshaha amniga loogu wareejinayo Ciidamada Soomaalida marka la tababaro qalabna la siiyo.

Wafddigan oo qiimeynaya wixii ka qabsoomay qaraarkii Golaha amaanka ku sheegeen in Ciidamada AMISOM amaanka ku wareejiyaan Ciidanka Soomaaliya ayaa hadda ku sugan Muqdisho oo kulamo ka leh ujeedkooda.

"Waxaan Muqdisho u nimid qiimeynta halka uu marayo qorshaha lagu dhimayo Ciidamada Amisom, amnigana loogu wareejinayo kuwa Soomaalida iyo wixii ka qabsomay guud ahaan qaraarkii Golaha amaanka” ayuu kulanka ka yiri Gen. Francis Okello, oo ah madaxa qorsheynta howlgallada nabadda ee Midowga Afrika.

Waxyaabaha kulanka lagu soo bandhigay waxaa kamid ah qaraar Numberkiisu yahay 2431, kaasoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ay soo saareen sanadkii ina dhaafay ee 2018,isagoo qeexaya in dhimista Ciidanka Amisom si tartiib tartiib ah u soocto, dalkana laga saaro Kun askari bishii February ee 2019, sidoo kalena booliska Amisom lagu soo koobo 1,040 qof.

"Waxaan la wadaagi doonaa natiijada inoo soo baxda Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey iyo golaha Nabadda iyo Amaanka Midowga Afrika,waxeyna u badnatahay iney soo baxdo in mudo kordhin loo sameeyo Ciidamada Amisom hadaan laga maarmin” ayuu isaguna yiri Gen. Okello oo hoggaaminaya Wafdiga midowga Afrika.

Vincent Pasquini, oo isna hoggaaminaya Wafdiga ka socda Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in qiimeyntooda xoogga lagu saarayo amaanka Soomaaliya, qorshaha kala guurka, u diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo in Soomaaliya ay tahay degaan nabad ah oo lagu shaqeyn karo.

Francisco Madeira, oo ah madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, ayaa ugu danbeyn sheegay in Guddigan ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, Kuwa Howlgalka AMisom iyo Wakiilada Qaramada Midoobe ee dalkan.

Si kastaba, Bishii May ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ayaa guddiyada qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ka codsatay in qiimeyntooda aysan ku saleyn waxa ay ahaan jirtay Soomaaliya ee ay ku saleeyaan xaaladda ay xilligan ku jirto.

CIIDANKA SOMALILAND OO QABTAY WAXYAABAHA MAANKA DOORIYA

ciidanka Booliska maamulka Somaliland ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Togwajaale kusoo qabtay Waxyaabaha Maanka dooriya iyo sidoo kale dadkii waday.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Wajaale ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen in ay kusoo qabteen Xariish tiro badan oo si sharci daro ah Magaalada lagu soo galay, waxaana uu tilmaamay in la qabtay gaari iyo Saddex ruux oo waday.

Gudoomiyaha degmada Togwajaale Aadan Muuse ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay lagu daba jiray ragga la qabtay, islamarkaana dhawaan Maxkamad la keeni doono si loogu sameeyo baaritaano ku saabsan falkaan.

Gudoomiyaha ayaa xusay in la doonaayay in Ammmaanka degmada lagu qalqalgaliyo waxyaabahan.

CIIDANKA SOMALILAND OO QABTAY WAXYA ABAHA MAANKA DOORIYA

Ciidanka Booliska maamulka Somaliland ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Togwajaale kusoo qabtay Waxyaabaha Maanka dooriya iyo sidoo kale dadkii waday.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Wajaale ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen in ay kusoo qabteen Xariish tiro badan oo si sharci daro ah Magaalada lagu soo galay, waxaana uu tilmaamay in la qabtay gaari iyo Saddex ruux oo waday.

Gudoomiyaha degmada Togwajaale Aadan Muuse ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay lagu daba jiray ragga la qabtay, islamarkaana dhawaan Maxkamad la keeni doono si loogu sameeyo baaritaano ku saabsan falkaan.

Gudoomiyaha ayaa xusay in la doonaayay in Ammmaanka degmada lagu qalqalgaliyo waxyaabahan.

FAAHFAAHIN:GUDOOMIYE IYO WIILKIISA OO KU DHAAWACMAY DUQEYN DIYAARADEED

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo habeen hore ka dhacday Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Waraha kutuma oo katirsan Degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha Kenya ayaa la sheegay in ay fuliyeen duqeynta,islamarkaana ay la beegsadeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Alshabaab.

Balse duqeynta ayay waxyeelo kasoo gaartay Gudoomiyiha deegaanka waraha kutuma oo katirsan Degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo wiil uu dhalay.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqisho ayaa sheegay In duqeynta ay fuliyeen ciidamadda Kenya,islamarkaana lagu dhaawacay Gudoomiyaha deegaanka iyo wiil uu dhalay.

Ciidamadda Kenya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay duqeymaha ay la beegsadaan dagaalyahanaddda Xarakadda Alshabaab.

MAREYKANKA OO SOO FARAGALINAYA MURANKA BADDA SOOMAALIYA IYO KENYA

Waregyska the East Afrika ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in maamulka Madaxweyne Trump uu dhawaan soo faragalin doona Muranka badda ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheysay in ay saameyn ku yeelato xiisadda labadda dal ka hor in Maxkamadda Caalamiga ee ICJ aysan shaacin cidda sidda rasmiga ah ugu guuleysatay Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidda uu qoray Wargeyska dowladda Mareykanka ayaa ka walaacsan xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya iyo taageeradda ay siiso Soomaaliya, siddaasdarteed Soomaaliya ayaa macquul ah in ay ku qanacdo in la yeesho wadahadal dowladda Mareykanka ay hormuud ka tahay.

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay waxaa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah

RAXAN HARAMACAD OO LA SHEEGAY INAY IDO BADAN KU DILEEN DALKA KENYA

Beeraley lagu magacaabo Juliyas Kinayiya oo deggan Degmadda Kajiyaado oo 80Km dhanka Koonfur kaga toosan magaalladda Nairobi ayaa sheegay inay Haramacad soo weerareen Xero ay ku jireen Ido uu lahaa, halkaasina ay ku dileen, kuna cuneen 15neef oo Ido ah.

Milkiilaha waxa uu sheegay inuu qorsheynayey inuu iska iibiyo Idahaasi, si uu ugu iibsado sac caano badan laga maali karo.

Dhinaca kale, Sarkaalka Hay’adda Adeegga Duurjoogta ee dalkaasi ugu qaabilsan Aaggaasi, Danyel Kiru waxa uu kula taliyey Beeralayda inay xayndaab xooggan oo silig adag leh ku dhistaan meelaha ay Xoolaha ku hoydaan ee mooradda u ah.

Agaasimaha Hay’adda Duurjoogta ee Gobalka Kajiyado, Muteru Najauini waxa uu sheegay inay kordhayaancolaadda u dhexeysa dadka iyo Duurjoogta, taasina ay thaay mushkilad weyn.

Dowladda oo sheegtay in maalinta ah la keeni doono meydka Wasiir Xoosh

Wasiir kuxigeenka Wasaarradda Dastuurka dowladda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa warbaahinta u sheegay in meydka Wasiirka la keeni doono maalinta Berri ah, islamarkaana ay isla beri la aasi doono.

Waxaa uu sheegay in Aaska Wasiirka ay ka qeyb gali doonaan Madaxda Qaranka, islamarkaana ay dhici weyday in shalay la keeno.

Guddiga loo xil saaray ayaa habeen hore yeeshay kulan waxaana hoggaaminaya Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed waxaana ka mid ah Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.

Warar saacadihii hore ee shalay soo baxay ayaa sheegayay in shalay magaalada Muqdisho la keeni doono meydka Wasiirka laakiin war shalay ka soo baxay wasaarradda ayaa lagu sheegay in maalinta berri ah dalka la keeni doono meydka Wasiir Xoosh oo aas Qaran loo sameynayo.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO GAARAY MAGAALADA ABU DUBAI

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dubai ee wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Booqashada Madaxweyne Muuse Biixi ee Isutagga Imaaraadka Carabta oo ah tii labaad ee uu ku tago dalkaas ayaa la sheegay inay la xiriirto sidii iskaashiga labada dhinac loo sii xoojin lahaa.

Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta iyagoo ka wadahadli doono dhamaystirka heshiisyadii ay hore u galeen gaar ahaan dhismaha saldhigga Berbera.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu waddaa in dhawaan ay bilowdo Mashaariic kala duwan oo hore ugu ballanqaaday Maamulka Somaliland.

BOGGA CAYAARAHA

HORDHAC: LIVERPOOL VS BURNLEY- REDS OO KU QASBAN IN AY GUUL GAADHO SI AY AFARTA DHICBOOD EE MAN CITY U SOO YARAYN KARTO IYO KLOPP OO CULAYS WAYNI HAYSTO.

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawaynaysa kooxda Burnley waxayna Reds kulankan ciyaaraysaa iyada oo maanka ku haysa in kooxda Man City ay xalay sii gaadhay guul wayn oo ay afar dhibcood ugu sii qabtay hogaanka Premier league. Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa si wayn uga cadhaysan in garsoorkii kulankii Man City ay goolkii furitaanka Man City ogolaadeen iyaga oo ku dooday in uu offside ahaa.

Laakiin Jurgen Klopp iyo kooxdiisa Reds waxaa saaran cadaadis wayn si ay markooda u sii baacsan karaan Manchester City. Kulanka Burnley ayaan noqon doonin mid sahlan iyada oo waliba dhawaan guuldaro baday Tottenham.

Wax walba oo ay ku qaadanayso kooxda Jurgen Klopp ayaa maanta ku qasban in ay guul gaadho haddii ay doonayaan in ay Man City kula sii tartamaan koobka Premier league waxaana Klopp laga sugayaa in uu xaliyo hal abuur xumadii kooxdiisa ee kulankii Everton.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkan hal guuldaro oo kaliya kala soo kulantay dhamaan kulamadii Premier league laakiin intii lagu jiray sanadkan 2019 waxay 11 dhibcood ku lumiyeen kulamadii ay soo ciyaareen taas oo muujinaysa in ay iyagu sabab iskugu noqdeen culayska maanta ku saraan kulankan Burnley.

Liverpool ayaa barbaro soo gashay afar kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee Premier league ugu danbeeyay kuwaas oo dhaawaca ugu wayn u gaystay hogaamintii iyo dhibcihii ay Man City ka sareeyeen.

Colaadii Jurgen Klopp iyo tababaraha Burnley ee Sean Dyche ayaa halkeeda ka sii bilaami doonta taas oo xamaasad wayn u yeelikarta kulanka Anfield ee ay Reds ku doonayso in ay Man City cadaadiska ku sii saarto.

Wararka Labada Kooxood ee Ka Hor Kulankan:

Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa dib ugu soo dhawayn kara difaaca dhexe ee Dejan Lovren kaas oo tan iyo January 7, dhaawac ku maqnaa wuxuuna ka soo kabsatay dhaawac muruqa ah oo uu muddo la maqnaa laakiin Klopp ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii uu Lovern kulankan soo safi doono iyo haddii uu kulanka Bayern Munich la sugi doono.

Roberto Firmino ayaa hubaal tahay in uu shaxda Klopp ku soo laaban doono kadib markii uu kaydka ka soo baxay kulankii Everton ee Merseyside Derby taas oo keeni doonta in Sadio Mane uu ku soo laaban doono garabka bidix kadib markii uu weerarka dhexe ka soo ciyaaray kulamadii uu Firmino dhaawaca ku maqnaa.

Sadio Mane ayaa lix gool soo dhaliyay shantii kulan ee ugu danbeeyay ee Anfield laakiin Mohamed Salah oo abaar gool dhalineed ku jira ayaa la filayaa in uu markale shaxda Klopp ku soo bilaaban doono halka Origi uu kaydka ku celin doono.

Gomez oo ku dhaw in uu soo laabto ayaa wali sii maqnaan doona halka Oxlade-Chamberlain oo kooxda da’yarta u saftay uu wali ka shaqaynayo taam ahaanshihiisa inkasta oo dhaawac fudud oo dhinaca muruqa ahi uu ku soo gaadhay kulankii da’yarta.

James Milner ayuu shaki ku jiraa isaga oo dhibaato dhinaca muruqa ah dareemaya balse waxaa la filayaa in uu ka soo kabsan karo laakiin Jordan Henderson ama Naby Keita ayaa la filayaa in midkood uu Fabinho iyo Wijnaldum kula soo bilaaban doono khadka dhexe.

Kooxda Burnley waxaa wali ka sii maqnaan doona Steven Defour iyo Aaron Lenoon laakiin Johann Berg Gudmundsson ayaa diyaar u ah in uu shaxda kooxdiisa ku soo bixi karo.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Kulanka 30 aad ee Premier league

Kulanka: Liverpool vs Burnley

Garoonka: Anfield Road

Waqtiga: 3:00 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Andre Marriner

Shaxda Macquulka Ah Ee Liverpool Vs Burnley:

Liverpool XI: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane ---Burnley XI: Heaton; Bardsley, Tarkowski, Mee, Taylor; Hendrick, Westwood, Cork, McNeil; Barnes, Wood.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip