Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isla shalay Shir Madaxeedka M/Afrika ka hor, uu shir guddoomiyay Shir Madaxeed gaar ah oo ay isugu yimaadeen waddamada xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Deg-degga u hawlgala ee Bariga Afrika,

0
Sunday January 31, 2016 - 10:03:05 in Wararka by
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isla shalay Shir Madaxeedka M/Afrika ka hor, uu shir guddoomiyay Shir Madaxeed gaar ah oo ay isugu yimaadeen waddamada xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Deg-degga u hawlgala ee Bariga Afrika,

    Addis Ababa, 30 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad Midowga Afrika oo shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa, 30 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad Midowga Afrika oo shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Shirka waxaa si rasmi ah u furtey Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma, oo khudbad ay jeedisay ku sheegtay in qaaradda Afrika ay tahay goob dadyow kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo hadafkoodu yahay inay ku noolaadaan nabad is xaqdhowr iyo horumar.

Waxay sidoo kale xustey in si nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo qaaradda ay askar badan oo Afrika u dhashey naftooda u huraan sidii ay colaadaha jira u demin lahaayeen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon , oo isna kulanka khudbad ka jeediyay ayaa soo dhoweeyay doorka ciidammada AMISOM ee nabad ka aslaaxinta Soomaaliya iyo sid a ay waddanka uga taageerayaan sidii doorashooyin dimoqraadi ah oo nabadeed uga dhici lahaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe, ayaa isna xilkii guddoomiyenimada Midowga Afrika ee sannadkan ku wareejiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadd a Chad,Idriss Déby Itno.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isla shalay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ka hor, waxaa uu guddoomiyay Shir Madaxeed gaar ah oo ay isugu yimaadeen waddamada xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Deg-degga u hawlgala ee Bariga Afrika, kaas oo looga hadlayey colaadda dalka Burundi.

Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu ugu baaqey shacabka iyo dowladda Burundi inay xal u helaan colaadda dalkooda ka taagan.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo miradhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee Afrika , Linda Thomas-Greenfield iyo u qeybsanaha arrimaha caalamiga ee Ra;iisul Wasaaraha Japan, Mr Kawai Katsuyuki.

Dowladda Japan ayaa kulankaasi ay la yeesheen Madaxweynaha kaga dhawaaqdey kaalmo dhaqaale oo gaareysa 37 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo loo adeegsan doono adeegyada aasaasiga, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa kale oo ay Japan dooneysaa inay xiriir dhow oo iskaashi iyo maalgashiba isugu jira la yeelato Soomaaliya...

IB0A8365

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo shir guddoominaya kulan ku saabsan xasaradda Burundi.Addis Ababa, 30-01-16. Photo by Villa Somalia

IB0A8355
IB0A8426
IB0A8388
IB0A8480

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda Afrika ee ka qeybgalaya Shir Madaxeedka AU.Addis Ababa, 30-01-16. Photo by Villa Somalia

IB0A8496
IB0A8485
IB0A8530
IB0A8540
IB0A8554

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Uqeybsanaha xiriirka dibedda ee Ra'iisul Wasaaraha Japan, Kawai Katsuyuki. Addis Ababa, 30-01-16. Photo by Villa Somalia

———————DHAMMAAD———————————

Daud Aweis


Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so
Tel: +251 929 113 796
Addis Ababa, Ethiopia



 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip