HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 7-DA MAARSO 2019-KA

0
Thursday March 07, 2019 - 10:15:41 in Wararka by
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 7-DA MAARSO 2019-KA

    KHEYRE OO BAAQ U DIRAY HAWEENKA SOOMAALIYEED Ra'iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shirweynaha qaran ee haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho. Ra&#

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KHEYRE OO BAAQ U DIRAY HAWEENKA SOOMAALIYEED Ra'iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shirweynaha qaran ee haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho. Ra'iisulwasaare Kahyre ayaa tilmaamay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin qaranimada iyo dibudhiska dalkeena. "Dowlad ahaan waxaa naga go'an in aan xaqiijinno in haweenka la siiyo maqaamkooda si ay ugaaraan guulahooda. Marnaba iskama indha tiri karno doorka haweenka. Haddii maanta tirakoob la sameeyo, waxaan hubaa in ay haweenku ka badan yihiin 55%, sidaasi darteed waxaan u shaqeyne ynaa in ay xuquuqdooda helaan" ayuu yiri ra'iisulwasaare Khayre oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka. "Haweeney kasta oo halkaan fadhisa waa hoggamiye, marka laga soo billaabo guryahiina ilaa heer bulsho. Shaqsiyan waxaan ogahay doorka ay hooyadey ka qaadatay in aan noqdo maanta qofka aan ahay, waa macalinkeygii ugu horeeyay, waxay i bartay sidii aan u socon lahaa iyo sidaan u hadli lahaa. Cid aan hooyadey ku badallan karo ma jirto" ayuu raaciyay. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ururada haweenka, siyaasiyiinta, mas'uuliyiin iyo haween bulshada dhexdeeda magac ku leh.

PUTIN: WAXAAN FASHILNAY HAWLAHA KU DHAWAAD 600 OO JAAJUUS

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay mukhaabaraadka ajnabiga ah inay sare u qaadeen hawlahooda ay ka fuliyaan Ruushka, waxaana uu shaaciyay in boqolaal basaas ay ka hortageen sanadkii la soo dhaafay oo keliya.

Isagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin ayaa waxa uu sheegay in hawlaha 594 oo basaasiinta ajnabiga ah lagu fashiliyay Ruushka.

Jawaasiista Ruushka ayaa qudhooda lagu eedeeyay hawlgallo dhawr ah oo uu ka mid yahay kii lagu sameeyay basaaskii Ruushka u shaqeyn jiray ee Sergei Skripal.

Dalalka Holland, Czech iyo Sweden ayaa dhammaantood sheegay inay ka hortageen weerarro ay fulin lahaayeen sirdoonka Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayo doorashooyinka wadamada Galbeedka.

Isagoo aan magacaabin Ruushka, ayaa madaxa golaha Yurub, Donald Tusk, waxa uu Talaadadii sheegay in "xooggaga diiddan Yurub" ay doonayaan inay faragelin ku sameeyaan doora shada baarlamaanka Midowga Yurub ee dhacaysa bisha May.

XALAY KA DHACAY XAAFAD KA TIRSAN MUQDISHO

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xalay agagaarka Isgoyska Maanabooli yo ee M/Muqdisho ku dilay Ha weeyney la sheegay inay aheyd Ganacsato. Goobjoogayaal ayaa waxa ay shee geen in dil kan uu ka dhacay Isgoyska Maanabooli yo gaar ahaan dhinaca Degmada Shibis ee G/Banaadir ,isla markaana rag hubeysan ay toogteen Haweeyneyda xili halkaasi ay joogtay.

iyagoo durba isga baxsadeen goobta ay ku dileen haweynaadsi warka ayaa int aa racinaya in hawenyda ay ka mid aheyd guddoomiye waaxeedyada degmada boondheere iyo waliba in ay ka mid ahyed xubanah wax ka soo doort ay xildhibannada maamulgo bleedyada dalka mid ka mid ah .

waxaanan lagu guuleysan in gacanta la gu soo dhigo ragii falka dilka ah u geyst ay hawenyedaan oo magacaeeda lagu soo kooban Baxsan Boolaay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa sida caadada aheyd tegay halkaasi,isla markaa na sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah ka soo bixin.

M/Muqdisho ayaa waxaa mudooyinkaan dambe ku soo batay dilalka qorsheysan oo ay geysanay aan ragga ku hubeysan Bastooladaha,waxaana Mas’uuliyooda sheegtaAlshabaab.

KHEYRE OO LA KULMAY SAFIIRKA CUSUB EE UK USOO MAGACOWDAY SOOMAALIYA

R/Wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Khey re ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska ay u soo magacowday Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Md. Khayre iyo danjiraha cusub ee dowla dda Ingiriiska u soo magacowday Sooma aliya Ben Fender ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada Dal.

Danjiraha cusub ee dowladda Ingir iiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa badalay Danjire Danjire Dav id Concar, kaasi oo Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday.

HAWEENEY HOREY U AFDUUBATAY DIYAAR AD OO DALBATAY IN DIB LOOGU CELIYO DALKEEDA HOOYO

Asha Abdulle oo ah Qaxooti ku nool dalka NewZealand waxay sannadkii 2008dii afduubatay Diyaarad isaga kala gooshaysay Magallooyin ku yaalla dalkaasi.

Waxay Tooreey ku dhaawacday Labadii Duuliye iyo qof ka mid ah dadkii saarnaa Diyaaradaasi ka hor inta aan iyadii la qabanin.

Asha Abdulle oo laga sii daayey Xa bsiga, waxaa haatan lagu hayaa Qeybta Daaweynta Maskaxda iyo Cilmi nafsiga ee Isbitaal ku yaalla dalkaasi. Haweenyd aasi waxay sannadkii 2017kii soo dham aystay Xabsi 9sanno ah oo lagu xukumay, waxayna Dhakhaatiirta dalkaasi ka digeen inay tahay qof khatar, oo aan lagu sii dhex dayn karin Bulshadda dalkaasi.

Sida aynu ka soo xiganay Idaacadda NewZealand Radio (RNZ) waxay Asha Abdulle haatan doona ysaa in dib loogu soo celiyo dalkeeda hooyo, iyadoo sheegtay inaysan sii joogi karin dalkaasi.

Haweeneydaasi oo Telefoonka kula xiriirtay Idaacadda RNZ waxay waalaac ka muujisay qaabkii loo qabtay, waxayna Maamulayaasha dalka New Zealand ka codsatay inay u oggolaan inay ka baxdo dalkaasi, si ay dib ugu laabato dalkeda hooyo ee Somalia.

"Somalia waa dalka aan leeyahay, Qoyskiisa ayaa halkaasi jooga, halkaasi oo aan nabad ka dare emi karo. Ma filayo inaan nabad dareemo inta aan joogo New Zealand” ayey Asha Abdulle u sheegtay Radio New Zealand (RNZ). Si kastaba ha ahaatee, D/NewZealand weli kama aysan hadlin codsiga Haweeneydaasi.

URURRADA WARBAAHINTA SOMALIA OO CAMBAAREYEEN GO’AANKII URURKA SUXUFIYIIN TA HAWEENKA LOOGU DIIDAY SHIRKII HA WEENKA EE KA DHACAY MUQDISHO

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ iyo Ururradda kale ee Warbaahinta, oo ay ku jir aan Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed (SWJ) iyo Ururadda SOMHA, iyo SIMHA waxay si wadajir ah u cambaaraynayaan go’aankii ay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS ugu horjoogsadeen Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed inay ka qeyb gal aan Shirweynihii Haweenka ee bishan March 4da ilaa 6da lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Haweenka waxay ku ga cansayreen inay xubnaha Suxufiyiinta Ha weeneka qeyb ka qaataan Shirkaasi iyo taasi bedelkeeda casuumeen rag aan Suxufiyiin ah, oo iyagu si qaldan u mat alayey Suxufiyiinta haweenka ah.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Haweenka (SWJ), Marwo Farxiya Maxamed Kheyre waxay sheegtay inaysan jirin casuumaad rasmi ah oo ay Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Federalka somalia ugu talagaleen Ururka Suxufiyiinta Haweenka ee SWJ.

Wxaay intaasi ku dartay inay la anfar iireen, markii ay arkeen in rag Suxufiyiin ah ka qeyb qaada nayaan Shirweynaha Haweenka, iyo inay matalayaan Haweenka Suxufiyiinta.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyii nta NUSOJ, Maxamed Ibraahim Mcaallimu waxa u usheegay inaysan Suxufiyiinta Soomaalida oggolaanin, isla markaana oggolaan dooninin la xaqiro doorka Suxuf iyiinta Haweenka ee Arrimha Haweenka.

Macallimu waxa uu xusay inay si xun u cambaaraynayaan falka Wasaaradda Haweenke iyo hor umarinta Xuquuqda Aadana ha, wuxuuna ugu baaqay inay joojiyaan Xaqiraadda Kooxaha Haweenka Suxufiyi inta iyo inay ka dhigaan waxaan muhiim ahayn.

Guddoomiyaha Warbaahinadda Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA), Xasan Cali Geesey waxa uu isagana sheegay inay Suxufiyiinta Haweenka ku sugan gu daha Somalia ku shaqeeyaan xaallado dhib badan iyo inay u qlmaan in lagu taa geero doorkooda Mujtamaca, balse ma aha in la niyadjebiyo ama aan la dhiirigelinin.

Dhinaca kale, Maxamed C/wahaab oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Warbaahi nat Soomaaliy eed ee SOMA oo ay ku mid eysan yihiin in ka badan 40 Xarumo War baahineed ayaa isagana tilmaa may in W/Haweenka iyo HXA ee XF S u taagan ta hay Badbaadinta iyo ilaalinta Ammaan ka Xuquuq da Gabdhaha, balse ay Wasa araddu haatan u muuqato si bilcakis ama ka soo horjeeda hawlaha loo idmaday.

Waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyayaasha DFS iyo Wasaaradda Wrfaafinta, Dhaqan ka iyo Dalx iiska inay soo farageliyaan Kii skaasi, si loo xaqiijiyo Fursad isku midah.

WARBAAHINTA KENYA OO SHAACISAY IN LAGA HADLAY MURANKA BADDA

M/Nayirobi ee dalka Kenya waxaa shalay kulan ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggii sa dalka Kenya,waxaana kulankaas Madaxtooyada Soomaaliya ay shaacisay in looga hadlay xalinta khil aafk a diblumaasiyadeed,isla markaana xal laga gaaray.Hayeeshee Warbaahinta Kenya ayaa waxaa ay qorayaan war ka duwan kan ka soo baxay Villa Somalia, waxaana The Star lagu qoray in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimo la xiriira muranka Badda,isla markaana uu gar wadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kalewar lagu daabacay capitalfm ayaa lagu sheegay in kulanka labada Madaxweyne intiisa badan diirada lagu saaray arrimo la xiriira muranka badda ee u dhaxeeya labada dowladood,isla mar ka ana lagu balamay in si hoose loo xaliyo.

Inta uu shirka socday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa labada Mad axweyne ka dalb aday inay ogolaadaan ka Shaqeynta nabada si looga gudbo khilaafka u dhaxeeya labada dowladood.

Ka hor kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya,waxaana kulan gaar ah Addis Ababa ku qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaraha Itoobiya, iyaga ku heshiiyey Afara qodob oo kala ah Xoojinta nabadda iyo amniga gobolka iyo heshiisyada horay loo saxiixay.

DOWLADDA MASAR OO SHEEGTAY IN AMNIGA SOMALIA QEYB KA YAHAY AMNIGA QARANKA DALKOODA

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Samiixi Shukri ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu la yeeshay dhigiisa dalka Somalia, Axmed Ciise Cawad oo maal mahan booqasho hawleed ku joogay M/Qaahira. Wasiir Samiixi Shukri waxa uu dhigiisa Somalia ugu hambalyeeyey Somalia oo la wareeg tay ShirGuddoonka Shirarka Carbeed, waxaana la filayaa in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Axme d Ciise Cawad shir guddoomiyey Shirka 101aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dowlada ha xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda oo maanta ka furmi doona magaalada Qaahira.

Haweeney horey u afduubatay Diyaar ad oo dalbatay in dib loogu celiyo dalkee da hooyo Wasiirka waxa kale oo uu sheeg ay in Shirweynaha 2aad ee Ganacsata dda Somalia iyo Masar uu dhawaan ka furmi doono magaalladda Qaahira, si loo xoojiyo Iskaashiga dhinacyadda Ganacsi ga, Isdhaafsiga Dhaqaalaha iyo Horumari nta Adeegyadda Guud ee labada Wad dan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradd a Arrimaha Dibedda ee Masar, Axmed Xanaf oo Kulankaasi kadib Saxaafadda la hadlay wxaa uu tilmaamay inay Labada Wasiir Kulankodoa kaga wada hadleen xoojinta Iskaashiga labada Waddan, Taag eerada Masar ee Somalia, Dibudhiska Hay’addaha Amn iga ee Somalia, Xaqiij in ta Amniga iyo Deganaanshaha Somalia iyo Xaalladihii ugu dambeeyey ee So malia iyo guud ahaan Mandiqadda Geeska Afrika.

XOG:BOQORKA SACUUDIGA IYO WIILKIISA AMIIR MAXAMED BIN SALMAAN OO UU KHILAAF XOOGGAN SOO KALA DHEX GALAY

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa M/London ayaa qoray inuu sii xumana yo xiriirkii u dhexe eyey Boqor Salmaan Bin C/casiis Alsacuud iyo Wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan oo ah Dhaxalsug aha boqortooyadda ee dalkaasi.

axmed-isse Cawad Boqorka iyo Dhaxalsugaha ayaa la sheegay inay isku khilaafsan yihiin dhowr qoddob, oo ay ugu muhiimsan yihiin Daga alka Isbahaysiga Sacuudiga ka wadaan dalka Yemen Xiisaddaha ayaa la she egay inay soo shaac baxeen muddadii uu Bo oqrka Sacuudiga socdaalka bishii hore ku tegay dalka Masar oo uu kaga qeyb galay Shirkii Hoggaamiyayaasha Carabta iyo ku wa Midowga Europe ku yeesheen M/ Sha rmasheekh ee dalka Masar.

Wargeyska The Guardian waxa uu qor ay inay Ilowaree dyo aan la shaacinin she egeen in Lataliyayaasha Boqor Salmaan uga digeen suurtogalnimada tallaabo isa ga ka dhan ah oo uu kala kulmo dhinaca Amiir Maxamed Bin Salmaan

Dadka u daacadda ah Boqorka ayaa la sheegay inay ku soo baraarugeen Cabsidaas, iyadoo Boqorka muddadii uu safar ka ugu maqnaa Masar Ilaaladiisa lagu beddelay Koox ka kooban 30 Askari oo ay soo xuleen dad ka isaga taabacsan.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London waxa kale oo uu qoray inu usan Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mid ahayn dadka muhiimka ah ee Boqorka soo dhaweysay markii uu ka soo laabtay.

Warsaxaafadeed rasmi ah ayaa lagu soo bandhigay Liisska dadka martida ee ku su gan Garoonka Diyaraadaha, si ay u soo dhaweeyaan Boqor Salmaan, waxaana la xaqiijiyey inuusan Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mid ahayn dadkii soo dha weyn lahaa Boqor Salmaan.

Amiir Maxamed Bin Salmaan oo xilka Kuxigeenka Boqorka sii hayey muddadii uu Boqor Salmaan ku maqnaa dalka Ma sar waxa uu Amiirku saxiixay 2 Isbedel oo waa weyn. Waxa uu Xilka Danjiraha Sac uudiga u magacaabay Haweeney lagu magacaabo Riima Bintu Bandar Bin Salm aan, waxa kale oo uu Walaalkiisa Khaalid Bin Salmaan u magacaabay Wasiirka Difa aca ee Scuudiga.

Sidookale, Ilowareedyo la hadlay Wa rgeyska The Guardian ayaa sheegay in Boqorka Sacuudi ga iyo Dhaxalsugihiisa isku khilaafsan yihiin Dibadbaxyadda ka socda dalalka Algeria iyo Sudan iyo daa weynta Maxaabiista Yemen ee lagu soo qabtay dagaalka Isbahaysiga Sacuudiga ku hayaan Koo xda Xuutiyiinta Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Boqor Salma an iyo Wiilkiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan waxa uu ubuc da khilaafkooda ku salaysanm yahay dilkii Saxafigii Sacuudiy aanka ee Jamaal Khashoggi, kaasi oo ay xubno ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga ay bishii October 2dii ee sannadkii hore ku dileen Dhismaha Qunsuliyadda Sacuud iga ku leeyihiin magaalladda Istanbuul ee dalka Turkiga.

DOWLADDA MASAR OO SHEEGTAY IN AMNIGA SOMALIA QEYB KA YAHAY AMNIGA QARANKA DALKOODA

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Samiixi Shukri ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu la yeeshay dhigiisa dalka Somalia, Axmed Ciise Cawad oo maalmahan booqasho hawleed ku joogay magaalladda Qaahira.

Wasiir Samiixi Shukri waxa uu dhigiisa Somalia ugu hambalyeeyey Somalia oo la wareegtay ShirGuddoonka Shirarka Carbeed, waxaana la filayaa in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Axmed Ciise Cawad shir guddoomiyey Shirka 101aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dowladaha xub naha ka ah Ururka Jamaacadda oo maanta ka furmi doona magaalladda Qaahira.

Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in Shirweynaha 2aad ee Ganacsatadda Somalia iyo Masar uu dhawaan ka furmi doono magaalladda Qaahira, si loo xoojiyo Iskaashiga dhinacyadda Ganacsiga, Isdhaafsiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Adeegyadda Guud ee labada Waddan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Masar, Axmed Xanaf oo Kulankaasi kadib Saxaafadda la hadlay wxaa uu tilmaamay inay Labada Wasiir Kulankodoa kaga wada hadleen xoojinta Iskaashiga labada Waddan, Taageeradda Masar ee Somalia, Dibudhiska Hay’addaha Am niga ee Somalia, Xaqiijinta Amniga iyo Deganaanshaha Somalia iyo Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia iyo guud ahaan Mandiqadda Geeska Afrika.

GANACSADE LAGU DILAY MAGALADA MUQDISHO

Dilkaas ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho,waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in Nin hubeysan uu toogasho ku dilay Nin kale agagaarka Hotelka Shaam.

Dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in Toogashada ka hor labada Nin ay wada murmeen,isla markaana mid ka mid ah uu bustoolad lasoo baxay dhowr xabadoodna uu ku dhuftay midka kale.

Wararka an heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ninka toogashada geystay uu Ninka kale ku lahaa lacag deyn ah,isla markaana uu ahaa Ganacsade.

Ninkii dilka geystay ayaa Goobta ka baxsaday,waxaana dhacdadaas aaad uga naxay Ganacsat ada qaarkood oo yaqaanay Ninka la dilay,iyaga oo ka hor dilka iskudayay inay labada nin dhex dhexaadiyaan balse aysan suurtagelin.

Dilalka qorsheysan iyo kuwa kale ee sida caadiga ah u dhaca ayaa ka dhaca Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka,hayeeshee majirto cid weli maxkamada loo soo taagay kuana eed eysan dilalkaas.

DAD CAREYSAN OO XIRAY MID KA MID AH ISGOYSYADA MUQDISHO

Dadkan careysan ayaa waxaa ay banaanbax ka dhigayaan Isgoyska Sanca ee Magalada Muqd isho,waxana ay xireen Isgoyska, iyaga oo u diidaya inay isticmaalaan Gaadiidka moocyadiisa kala duwan.

Mid ka mid ah banaanbaxayaasha ayaa Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho waxa uu u sheegay in sababta ay u banaanbaxayaan ay tahay, kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda ay dileen darawal Mooto Bajaajle ahaa kadibna uu baxsaday.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo isugu jira dad waaweyn iyo Carruur ayaa Wadada laamiga ah ee Isgosyka Sanca waxa ay ku gubeen taayaro,iyaga oo sidoo kale dhagxaan waaweyn wadada dhigay si aysan gaadiidka u marin,waxaana ay dalbanayaan in cadaalada la hor keeno dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in sidoo kale Ciidamada dowladda ay dha awaceen laba ruux oo kale oo watay Mooto Bajaaj,waxana ciidamada falkaasi geystay ay ka tirsan yih iin kuwa minashiibiyada,kuwaas oo saakay Isgoyska Sanca ka bilaabay baaritaan ay ku xaqiijinayaan Gaadiidka taargadooda.

Isgoyska Sanca ayaa dhowr jeer waxaa ciidamo ka tirsan dowladda ay si bareer ah ugu toogteen Darawalada Mooto Bajaaj,waxana ka dhashay banaabaxyo rabshado watay, iyada oo ugu dambeyn xal laga gaaray.

SAFIIRKA CUSUB EE SOMALIYA U FADHIN DOONA KUWIT OO LAGA GUDDOOMAY WARQADAHA AQOONSIGA

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait ayaa shalay waxaa waraqaaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka wadanka Kuwait Shekh Sabah al Axmad Alsabah.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kuwait Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa si maamuus sare leh loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada ee dalkaasi.

Dawladda Kuwait ayaa ah mid aad u tixgalisa arrimaha Soomaaliya Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaana noqonaya shaqsigii koowaad ee jagadaan loo magacaabo tan iyo markii ay burburtey Dawladii dhexe ee Soomaaliya, markaasi oo Soomaaliya Xiriir wanaagsan la laheyd dalka Kuwait.

FAAH FAAHIN:TOOGASHO KA DHACDAY SUUQA BAKAARAHA

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin la sheegay in uu hubeysnaa oo ay Ciidamada amniga dowlada ku toogteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in Ninka Ciidamada ay dhaaw aceen marka hore laga shakiyay,isla markaana lagu armay Nin uu istaago,hayeeshee uu diiday sidaasina ay rasaas ugu fureen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in uu Ninka uu watay Bastoolad,iyagoona Ciidamada ay ku qabteen xili uu ku sugnaa Nawaaxiga Hotelka lagu magacaabo Shaam ee ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

Wararka qaar ayaa tilmaamay in Ninka hubeysnaa ee la dhaawacay uu la socday Nin kale,balse go obta uu si deg deg ah uga baxsaday.

Wadooyinka ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa meel kasta ka taagan Ciidamada amniga,kuwaasi oo si weyn u sugaya amniga Suuqa weyn ee Bakaaraha.

SOOMAALIA IYO KENYA OO KU HESHIIYAY IN LA XOOJIYO XIRIIRKA DIBLOMAASIYEED EE LABADA DAL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farma ajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa Shalay wada hadallo mira dhal ah ku ye eshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhina cyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.

Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibti nimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. DHAMMAAD

XEER ILAALIYAHA QARANKA”WAXAA XIRAN ODAY 40 JIR AH OO KUFSADAY GABAR 5 SANO JIR AH”

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay kiisaska la xiriira kufsiga ayaa sheegay in uu xiran yahay Nin 40 jir ah oo ku eedeysan in uu kufsaday Gabar 5 Sano jir ah,islamarkaana Gabadhaas uu gaarsiiyey dhibaato xoogan.

Waxa uu sheegay inay jiraan caqabado intaasi la eg iyo kuwo ka weyn,sidoo kalena Ehelada Dadkii Gabadha dhalay ay leeyihiin waan ka heshiinay ee Odayga hala soo daayo taas oo uu sheeg ay inay tahay caqabad.

"Nin afartan jir waaye Xooggiisa waa uu i kala jabin karaa aniga haddii uu damco inuu i kufs ado, gabar yar oo Shan jir ah ayuu kufsaday waa uu xiran yahay hadda Xabsiga ayuu ku jiraa, ilmihii yaraa wuu isku furay waana Shan jir, halkaan waxaa ku jira Hooyadii & Aabihii & ehelkii oo leh waan heshiinay ee hala iska dhaafo”.

Hadalkaan ayaa Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir waxa uu Maanta ka sheegay Shir weynaha Qaran ee Haweenka Soomaaliyeed kaas oo ka socda Magalada Muqdisho.

BOQOLAAL QOF OO ISUGU JIRA SOMALI IYO AJAANIB OO KU XAYIRAN GAROONKA DIYAARADAHA NAIROBI

Garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inay ku xaniban yihiin boqolaal rakaab ah oo ka dhoofi lahaa Garoonkaasi.

Shaqaalaha Garoonka ayaa ku dhaawaaqay shaqojoojin, iyadoo Ciiddanka Boliska ee kahort aga rabshadaha loo soo daadgureeyey si ay u kala cayriyaan shaqaalaha gadoodsanaa.

Dadka Rakaabka ah ee ku xariyan Garoonka Jomo Kenyatta ayaa isugu jira Somali iyo Aja anib,kuwaasi oo qaarkood ay ku sii jeedaan dalal ay kamid yihiin Yurub iyo meelo kale.

Hadal ka soo baxay Maamulka Garoonkaasi waxay sheegeen inay Shaqo joojintaasi tahay mid sharcidarro ah, waxayna dadka rakaabka ku wargeliyeen saqdii dhexe ee xalay inaysan ku soo lug go’in Ga roonka, maadaama aysan wax shaqo ah ka soconin. Rakaabkii maanta sugayey Duullimaady ada oo saacado badan ku xanibnaa Graoonka ayaa loo sheegay inay ka baxaan Garoonka, balse waxay buuxdhaafiyeen Barxadda iyo goobaha dadka lagu sugo ee duleedka Garoonka Jomo Kenyatta oo ah kan ugu weyn Garoomadda ku yaalla dalalka Afrikada Bari.

SOMALILAND OO XUKUN KU RIDAY ABWAANKII BIXIYAY MUUSESHAANNI

Maxkamada racfaanka ee gobolka Maroodijeex ayaa lacag qadarkeedu badan yahay iyo xarig culus isku raacisay labo muwaadin loo haystay eedaymo kala duwan oo qaarkood lagu eedeeyay in ay Aflagaadeeyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

muuse biiiiiiixxxiiiii Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex ayaa Shan Muwaaddin Ku Xukuntay Lacag Dhan $3,125,000 (saddex Milyan, boqol iyo shan iyo labaatan kun Oo Doollar)

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ayaa maanta midkiiba ku ridday 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) laba muwaaddin oo la kala yiraahdo Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud.

Waxaa loo heystaa Eedeymaha kala ah

Inay dhiirrigeliyeen jaritaanka xarig ay leedahay Shirk adda Intertentka ee SOMCABLE.

Abwaan Baashe Xasan Maxamed waxa lagu eedeeyay in uu Madaxweynaha Somaliland ku yiri "MuuseShaanni”



OGEYSIIS MUHIIM AH


BISHAARO BISHAARO BISHAARO---

Shirkada Isgaarsiinta Casriga Caalamiga ah Ee Somtel waxa ay Macaamiisheeda Ugu bishaareeneeysaa in ay U soo Kordhisay Adeegga 3G Oo xawaare Sare Leh Kuna ShaqeeynayaDhamaan Mobille-da Casriga ah ee SmartPhone-ka.

Ku dooro Adeegga 3G ee Shirkada Isgaarsiinta Somtel Qiimo Jaban, Adeegg Tayeysan, Xawaare Sare oo ku raali-gilin doono.

U doono Shirkada Isgaarsiinta Somtel Adeegg Dhameystiran oo daboolaya Baahidaada Isgaarsiineed Ku hadal & Internet intaba.

Macaamiil Ku dhameeyso Baahidaada Internet, Adeegga 4G plus ee Shirkada Isgaarsiinta Somtel,

Adeegga 4G LTE ee Shirkada isgaarsiinta Somtel, Sido Waa Wehelkaaga Goob Kasta & Goor Kasta.

Wixii Faafaahin Intaas Dheer La Xiriir Xafiiska Adeegga Macaamiisha Shirkada Isgaarsiinta Somtel

Telfoonada Nambarada Kala ah 151/152/215000






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip