
Xog:-Boqorka Sacuudiga Iyo Wiilkiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan Oo Uu Khilaaf Xooggan Soo Kala Dhex Galay
Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray inuu sii xumanayo xiriirkii u dhexeeyey Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud iyo Wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan oo ah Dhaxal-sugaha boqortooyadda ee dalkaasi.
Boqorka iyo Dhaxal-sugaha ayaa la sheegay inay isku khilaafsan yihiin dhowr qoddob, oo ay ugu muhiimsan yihiin Dagaalka Isbahaysiga Sacuudiga ka wadaan dalka Yemen
Xiisaddaha ayaa la sheegay inay soo shaac baxeen muddadii uu Booqrka Sacuudiga socdaalka bishii hore ku tegay dalka Masar oo uu kaga qeyb galay Shirkii Hoggaamiyayaasha Carabta iyo kuwa Midowga Europe ku yeesheen magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar.
Wargeyska The Guardian waxa uu qoray inay Ilo-wareedyo aan la shaacinin sheegeen in La-taliyayaasha Boqor Salmaan uga digeen suurto-galnimada tallaabo isaga ka dhan ah oo uu kala kulmo dhinaca Amiir Maxamed Bin Salmaan
Dadka u daacadda ah Boqorka ayaa la sheegay inay ku soo baraarugeen Cabsidaas, iyadoo Boqorka muddadii uu safarka ugu maqnaa Masar Ilaaladiisa lagu beddelay Koox ka kooban 30 Askari oo ay soo xuleen dadka isaga taabacsan.
Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London waxa kale oo uu qoray inuusan Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mid ahayn dadka muhiimka ah ee Boqorka soo dhaweysay markii uu ka soo laabtay.
War-saxaafadeed rasmi ah ayaa lagu soo bandhigay Liisska dadka martida ee ku sugan Garoonka Diyaraadaha, si ay u soo dhaweeyaan Boqor Salmaan, waxaana la xaqiijiyey inuusan Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mid ahayn dadkii soo dhaweyn lahaa Boqor Salmaan


0 




Xog:-Boqorka Sacuudiga Iyo Wiilkiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan Oo Uu Khilaaf Xooggan Soo Kala Dhex Galay
Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray inuu sii xumanayo xiriirkii u dhexeeyey Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud iyo Wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan oo ah Dhaxal-sugaha boqortooyadda ee dalkaasi. Boqorka iyo Dhaxal-suga