
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 5-TA MAARSO 2019-KA
TANZANIA: 65 FALAANFALOW OO XABSIGA LA DHIGAY
Booliiska dalka Tanzania ayaa xabsiga dhigay 65 falaanfalow, oo qaab daawo dhaqameed ah wax ku daaweeya, waxaana lala xiriirinayaa dilka ugu yaraan 10 caruur ah.
Caruurta ayaa la laayey bishii January qaar badan oo kamid ahna xubnahoodii ayaa la jarjaray.
Waxaana jirta caqiido ay rumaysan yihiin qaar kamid ah dadka reer Tanzania, iyo qaar kale oo ku nool dalalka dariska la ah, taas oo ah in qaybo kamid ah jirka biniaadamka loo adeegsado cibaado ahaan ay keenayso hodontinimo iyo nasiib wanaag.
Dambibaaraha guud ee booliiska, Simon Sirro, ayaa amar ku bixiyey in cid kasta oo daawo dhaqameed wax ku daawaysa ay la timaaddo rukhsad.
"Waxaan sidoo kale ka codsannay hay'adaha kale sida hoggaamiyeyaasha diinta, iyo siyaasiyiinta in ay na caawiyaan," ayuu intaas ku daray.
Toban carruur ah ayaa lagu dilay gobolka Njombe ee kuyaal koonfurta Galbeed ee dalkaas waxaa sidoo kale carruur aan tiradooda la xaqiijin lagu dilay gobolka Waqooyiga dalkaas kuyaal ee Simuyu.
Mid kamid ah carruurtaas oo lagu magacaabi jiray, Goodluck Mfugale, ayaa jiray shan sano oo kaliya markii la dilay, waalidkiis ayaa BBCda u sheegay in canugooda mustaqbalkii laga lumiyey.
Waxaa jirta caqiido gaar ah oo ku aaddan in xubnaha jirka ee dalka dubka cas ay xoojiyaan cibaadada, arrintaas oo keentay in dad badan la dilo
BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE OO SHALAY KULAN SOO DHAWEEYN AH LOOGU SAMEEYEY MUQDISHO
Xubno katirsan Dowlada Federalka iyo Duubabka dhaqanka iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay Soo dhaweyn Muqdisho loogu sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Soo dhaweynta Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa qayb ka ahaa fardo iyo ciyaar dhaqameed uu boqorku aad uga helay.
Mowlaca Macalin Nuur ayaa lagu qabtay Kulankan soo dhaweynta waxaana soo Agaasimay mu’asasada macalin Nuur.
Ujeedka ayaa ahaa soo dhaweynta Boqol Burhaan Boqola oo ah boqorka beelaha daarood oo isaga iyo Odayaal kale ay booqasho ku joogaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Xubno katirsan Baarlamaanka Federalka aqoonyahano iyo duubabka dhaqanka ayaa qeyb ka ahaa Kulanka kuwaas oo dhammaantood si diirran usoo dhaweeyey Boqor Burhaan iyo waxgaradka wehlinaya,waxaana sheegeen in muhiimad gaara uu leeyahay kulanka soo dhaweynta ah ee manta muqdisho ay ugu sameeyeen.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad,Xaaji Cali Ugaas Cabdulle
iyo xubna kale oo ku hadlay afka duubabka dhaqanka ee soo dhaweynta diirran u
sameyey Boqor Burhaan ayaa waxaa ay sheegeen in boqorka ay ku maamuuseen si
maqaam sare leh
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 5-TA MAARSO 2019-KA
MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAANTA SAFAR DEGDEG AH KU TAGAYA ADDIS ABABA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in Maanta oo talaado ah in uu safar degdeg ah oo aan horay loo sii shaacin ugu amb