Guddoomiyaha gobolka Shabelaha Dhexe oo salaada ciidda la tukaday kumanaan ruux(Sawiro)

0
Friday September 25, 2015 - 10:04:53 in Wararka by
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha gobolka Shabelaha Dhexe oo salaada ciidda la tukaday kumanaan ruux(Sawiro)

    Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa shalay subaxdii la tukaday salaada Ciida al-adxa boqolaal muslimiin ah oo ku nool magaalada Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa shalay subaxdii la tukaday salaada Ciida al-adxa boqolaal muslimiin ah oo ku nool magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka ayaa kala qeybgalay dadweynaha ku nool xaafada Horseed eemagaalada Jowhar tukashada salaada waxana uu hadal gaaban oo uu jeediyay ugu hambalyeeyay guud ahaan ummada Islaamka ciida Adxaha waxana uu ugu baaqay shacabka inay is cafiyaan isuna gargaaraan.

"Waxaan nahay ummad muslimiin ah inaan isu naxariisano waa inagu waajib cidii Ilaahey wax u dhiibay waa inuu ka farxiyaa masaakiinta, agoonta iyo dadka taagta daran,”ayaa ka mid ahaa hadaladii uu u jeediyay shacabka ka qeybgalay salaada Ciida.

Salaada ka dib ayuu guddoomiyaha gobolka waxa uu socod ku soo maray qeybo ka mid ah xaafada Horseed isagoo shacabka salaamayay isla markaana marxabeeynayay.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe ayaa ka duwan mas’uuliyiintii hore u soo martay gobolka maadaama uu wax badan howlo kala duwan ka soo qabtay gobolka waxana uu mar walba bulshada kula hadlaa guryahooda iyagoo ku sugan islamarkaana waxa uu marxabeeyaa dhalinyarada wadooyinka ku sugan marka uu magaalada marayo. Wadooyinka magaalada Jowhar ayaa waxaa shalay isugu soo baxay carruur iyo dadweyne isugu hambalyeyanayay farxada Ciid Adxaha ee sanadkan.

Deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa shalay waxaa lagu qalay xoolo kala duwan gaar ahaan ariga iyo lo’da iyadoo dad badan oo sabool ah shalayahaayeen kuwa wejigooda farxad saa'id ah ka muuqatay ka dib markii la gaarsiiyey xoolaha ciidul adxaa oo ay ku iideen  si nabad galyo iyo reyn reyn ah .

ciidaarafo (4)

ciidaarafo (3)

ciidaarafo (2)

ciidaarafo (1)


IMG_3914

IMG_3949

IMG_4019

IMG_4060




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip