SUUQA KALA IIBSIGA: Florentino Perez Oo Ku Adkeysanaya Inuu La Soo Wareego David de Gea Xagaaga.

0
Saturday January 30, 2016 - 13:51:21 in Sports News by
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Florentino Perez Oo Ku Adkeysanaya Inuu La Soo Wareego David de Gea Xagaaga.

    Real Madrid ayaa waxaa ka go'an inay dhameystirana heshiiska goolhayaha Manchester United David de Gea kaasoo ay ku dhawaadeen saxiixiisa maalintii ugu danbeysay ee suuqii kala iibsiga xagaaga. Jariirada AS ayaa qoreysa in markaana ay Real Madri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa waxaa ka go'an inay dhameystirana heshiiska goolhayaha Manchester United David de Gea kaasoo ay ku dhawaadeen saxiixiisa maalintii ugu danbeysay ee suuqii kala iibsiga xagaaga. Jariirada AS ayaa qoreysa in markaana ay Real Madrid si dhab ah u wajihi doonto dalabka

goolhayaha haddii loo ogolaado inay xagaaga sameeyaan saxiixyo madaama haatan dib loo dhigay xayiraadii laga saaray suuqa kala iibsiga.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa labo magac kaliya ku jiraan liiskiisa, goolhayaha Manchester United David de Gea iyo weeraryahankiisa xiga ee Galatico xiddiga kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski.

De Gea

Sida ay qortay jariirada AS madaxweyne Perez ayaa dareensan inuu De Gea ku leeyahay inuu ku soo celiyo Spain. United caadiyan ma aysan dooneynin xagaagii hore inay iska iibiyaan goolhayaha waxaana ay ugu danbeyn nasiib ku yeesheen inay ceshtaan hantidooda ugu qaalisan.

Sida ay Madrid ugu dhawaatay heshiiska iyo dadaalkii ay u gashay ma aheyn mid ku filan inuu De Gea u soo wareego dhankooda, lamana mid aheyn dadaalkii ay u galeen saxiixyadii Gareth Bale iyo Luka Modric, laakiin xagaaga ayay dadaal intaas la eg sameyn doonaan.

Kow iyo toban maalmood ka dib markii uu burburay heshiiskii uu De Gea ugu wareegi lahaa caasimada Spain waxa uu saxiixay qandaraas cusub oo dhacaya 2019 islamarkaana uu qiyaar u leeyahay inuu sannad kale ku darsado.

Wargeyska AS ayaase sheegaya inaysan taasi celin doonin Florentino Perez kaasoo sameyn doona wax walba oo uu kula soo wareegi karo goolhayaha reer Spain, islamarkaana qorsheynaya inuu heshiiskiisa dhameystiro ka hor inta aan la gaarin 31ka bisha August.

Jariirada ayaa sidoo kale sheegeysa in Madrid ay durbaba heshiis shaqsi ah la gaartay goolhayaha, islamarkaana aysan riyada goolhayaha isbedelin oo uu weli rajo ka qabo inuu ku soo laabto wadankiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip