Madaxweynaha: "Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed horumar la taaban karo ayuu sameynaya, dowladduna si buuxda ayay u garab taagan tahay''

0
Friday September 25, 2015 - 10:01:13 in Wararka by
  • Visits: 1950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: "Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed horumar la taaban karo ayuu sameynaya, dowladduna si buuxda ayay u garab taagan tahay''

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay hortiisa lagu dhaariyey Taliyaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay hortiisa lagu dhaariyey Taliyaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka, S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.  

Xafladda dhaarta oo ka dhacdey xarunta Madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu kula dardaarmey madaxda cusub ee ciidammada inay meesha ka sii wadaan guulaha iyo horumarka uu ciidanka sameeyay muddadii ay xilka hayeen madaxdii ka horeysey.

"Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku talaabsadeen horumar la taaban karo, dowladduna muhimad gaar ah ayay siineysa inay daboosho baahida ciidanka. Cadowga nabad diidka ah waxaa la gaarsiiyey jab xooggan, taana waxaa abaalkeeda leh ciidammada Xoogga Dalka oo garabsanaya AMISOM. Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka faa’ideysataan horumarka ay sameeyeen taliyeyaasha idinka horeeyay, isla markaana aad ka shaqeysaan tayeynta ciidanka iyo inaad waddanka u horseeddaan inuu nabad buuxda gaaro’’, ayu yiri Madaxweynaha.

Xafladda dhaarta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale.

dhaarta_ciidamada_1 dhaarta_ciidamada_2 dhaarta_ciidamada_3 dhaarta_ciidamada_4 dhaarta_ciidamada_5

-DHAMMAAD-


Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip