Magaalada dhgax buur oo laga hrgelinaayo leydhka 24 saac shaqeynaya markii ugu horeysay xaafo ka mid ah

0
Tuesday February 26, 2019 - 19:49:10 in Wararka by
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada dhgax buur oo laga hrgelinaayo leydhka 24 saac shaqeynaya markii ugu horeysay xaafo ka mid ah

    Magaalada Dhagaxbuur ayaa maanta waxaa ka dhacday xaflad xadhiga lagaga jarayay laydhka 24 saac oo markii u horeysay ay yeelanayso magaaladu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhagaxbuur ayaa maanta waxaa ka dhacday xaflad xadhiga lagaga jarayay laydhka 24 saac oo markii u horeysay ay yeelanayso magaaladu.

Xafladdan ayaa waxay ka dhacday xerada wayn ee ay warshadda laydhku leedahay, waxaana kasoo qaybgalay masuuliyiinta u saraysa dawladda oo uu u horeeyo Madaxwaynaha DDS Musyafe Muxumed Cumar iyo maamulka magaalada Dhagaxbuur.

 

Xafladdan ayaa waxaa hadallo kooban oo munaasabadda xadhig jarka ku saabsan kasoo jeediyay masuuliyiinta maamulka magaalada dhagaxbuur iyo sidoo kale madaxwayne Mustafe cagjar.

Adeegga laydhkan ee 24 saac ah, ayaa maamulka magaaladu waxay ka hawlgali doonaan sidii xaafadaha magaalada loogaadhsiin lahaa iyadoo tiirashii laydhka loogu talagalay ay inta badan ka taagan yihiin xaafadaha dhexdooda.

Magaalooyin kale oo degaanka katirsan ayaan iyagu wali helin adeegga laydhka ee 24 saac, waxaana hadda socda hawlo lagu gaadhsiinayo laydhka magaalooyin badan oo degaanka ka tirsan. iyadoo dawladdu ay ku tala jirto sidii degaanka oo dhan laydhka loo gaadhsiin lahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip