WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 30- KA JANNAAYO 2016KA

0
Saturday January 30, 2016 - 10:26:08 in Wararka by
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 30- KA JANNAAYO 2016KA

    MADAXDA SOOMAALIYA OO KA TACSIYADEY NAYA GEERIDA KU TIMID ALLAHA U NAXARIIS TEE DANJIRE CABDULLAAHI SACIID CUSMAAN. Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS.Md. Xasan Sh. Maxamuud ayaa Guddoomiayah Baarlam aanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXDA SOOMAALIYA OO KA TACSIYADEY NAYA GEERIDA KU TIMID ALLAHA U NAXARIIS TEE DANJIRE CABDULLAAHI SACIID CUSMAAN. Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS.Md. Xasan Sh. Maxamuud ayaa Guddoomiayah Baarlam aanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeennadiisa , R/Iisalwasaare Cumar Cabdi Rashiid iyo ku xigeenkiisa , wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya Md. Abdusalam Ha dliye Omer,

 

Wasiiru dowlaha wasaaraddaarrimaha dibadda iyo maalgashiga soomaaliya Md. Kha led Omar Ali Dhammaan Waxaay Tiiraa nyo leh u Dirayaan qoy skii, eheladii iyo shac abka Soom aaliyeed ee uu ka geeriyooday All aha u naxariistee Marxuum Danjire C/hi Sac iid Cusmaan oo ku geeriyooday dalka Mare ykanka. Iyadoo qoraalo tacsida anbaasadoor ka ay madaxdaasi inoo soo direen ayaa wax aa ugu horey ka tacsiyadeynaya Madaxwey naha soomaaliya wxaana uu ku yiri qoraalka tacsida:-"Inna Lillahi wa inaa Ileyhi Raajic uun. Allah u naxariisto Danjire Cabdullaahi Saci id Cusmaan. Waxaa uu ka mid ahaa tiir arka dhinaca sharciga iyo diblomaasiyadda ee Soomaaliya leedahay. Shacabka iyo dal ka Soomaaliya waxay tebi doonaan khibradd iisa iyo waxqa badkiisa. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka tegeyna samir iyo iim aan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuum Danjire Cabdullaahi Saciid Cus maan, waxaa uu muddo dheer ku soo jirey hawlaha dib lomaasiyadda, waxaana uu xilal dhowr ah ka soo qabtey dalka iyo dibedda in taba.-DHAMMAAD-

Sidoo kaleGuddomaiayan Baarlamaana soomaaiya Md. Maxamed h.Cismaan Jawa ari ayaa tacsi taa la mia ah u diray marxuum abasadoor C/laahi Saciid isagoo alle ugu ba ryey inuu naxariistii ja nno ka waabiyo umma da soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka taganaya samir iyo iimaan uu ka siiyo isa goo sheegay inuu ahaa nin dalka iyo dadka wax badan u soo qabtay geeriduna ay tahay xaq oo qof waliba uu dhadhamin doono oo nool Inaalillaahiwa Inay Ilaahi Raajicuun

Sidoo kale R.Wasaare Cumar C/Rashiid ayaa ka Tacsiyey Geeridii ku timid Ambasa dor Abdilla hi Siciid Cismaan.R/W.XFS .Md. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo R/ W/ ku xige en ka Md. M. Cumar Carte, ayaa ka ta csiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku tim id Allaha u naxariistee Marxu um Danjire C/la ahi Siciid Cismaan oo dorraad ku geeriyoo day dalka Mareykanka.

R/W. shar maarke ayaa tacsi u direy ehell adii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soo maali yeed ee uu ka baxay Marxuum C/laahi Siciid, isagoo Alle uga baryey in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo isagana qabrigiisa u waasi ciyo. R/Wasaaraha yaa sheegay in Danjire C/laahi uu ahaa muwaadin dalkiisa wax bad an u soo qabtay, isla markaana muddooyin kala duwan xilal ka soo qabtay Soom aaliya, isagoo ALLE uga baryey in Naxariistiisa Jan no uu ka waraabiyo marxuumka, dorraad ku geeriyooday dalka Marey kan ka Allah ha u Naxariistee Danjire Cabdulaahi Siciid Cism aan oo Soo maaliya ka soo noqday danjirii u gu horreyay ee Xarunta Q/M u fadhiyay Gen eva, waxa uu xilal ka la duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka ka hor burburkii” ayuu yiri R/Was aare Cumar. "INAALILAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN,

Dhana kale Tacsitaa la mid aha ayaa wax aa u diraya Ambassador Abdullahi Said Os man W/W/ Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelin ta Maalgashiga ee JFS H.E.Dr. Abdusalam Ha dliye Om er,W/rudowlaha H.E. Khaled Om ar Ali , W/kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed "Kadiye”, Xogha yaha joogtada W/M,Ali Mohamed Ali ,Agaasimayaasha Waaxyaha, Safii rada,Qunsulada guud, La taliyeyaasha W/iyo dhammaan Saraakiisha W/Ar. Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay Tacsi u dir ayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxar iis tee Danjire C/hi Saciid Cusmaan oo Janu ary 27, 2016 ku geeriyooday dalka Mareyk an ka

TAARIIKH NOLOLEEDKA MARXUUMKA AYAA AH SIDA TAN:-

Marxuum danjire Abdullahi Said Osman oo mu do dheer ku soo jiray howlaha diblomaa siyadda, ayaa ahaa ma s’uul si xeeldheer ah u yaqaan Sharciga iyo Xiriirka caalamiga ah , isagoo ka qalin jebiyay Jaamacadda Hull , oo uu ka qaatay Shahaad ada qaanuunka LLP (Hons) isagoo ku takhasusay Qaanuunka ca alamiga iyo kan shirkadaha ( Public Internati onal law and Mercantile/ Corporate law) .

Sanadkii 1963 ayuu helay darajada Barrister oo tilmaameysa inuu yahay sharci yaqaan Abuukaate ah .

Waxbarashadiisii Jaamacadeed ee uu ku soo qaatay England kadib , waxa uu ku soo laabtay dalka si uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Howlaha iyo xilalka shaqo ee uu qabtay Marxuum Danjire Abdullahi Said Osman waxa ay kala yihiin sidatan :

1991-1995 : Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Midnimada Afrika ( OAU)

1984- 1990: Danjiraha Soomaaliya ee Xar unta Q.M ee New York 1976- 1984 : Danj iraha Soom aaliya ee Xarunta Q.M ee Gene va.

1970- 1976 : Garyaqaanka Guud ee Dowlad da ((Avvocato Generale dello Stato)

1968-1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wa saaradda Cadaaladda.

1966- 1968 : Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda.

1965: Lataliyaha xagga Sharciga ee Ra’iisul wasaaraha

1964: Xaghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaa raha. Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanye ysan geerida Marxuumka, ayaa wax aan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo,hoygiisana ka dhigo Janna da sare ee Al fardows,qoyskiisa, ehell adii sa iyo asxaabtiisa na Samir iyo iimaan ka siiyo

- Aamiin.Aamiin Aaamiin INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND OO DHALIILAY BEESHA CAALAMKA, SHEEGAYNA INAY DIB UGU LAABANAYAAN DASTUURKA

Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland, ayaa dhaliilay tallaabadii ay Bee sha Caalamka ku taageertay shirkii maalintii Arbacada lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho. Maa mul Goboleedyada Koo nfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa taageeray heshiiska is afgar adka ah ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho, marka laga soo taggo Puntland oo ka hortimid. He shiis kan wuxuu qeexayaa in Baarlamaanka cusub lagu soo xulo nidaamka qabiliga ah ee 4.5.

War Saxaafadeed laga soo saaray Xarun ta Madaxtooyada Puntland Ee Magaalada Garoowe, ay aa lagu dhaliilay Beesha Caal amka, iyadoo dhinaca kalana War Saxaafade edka lagu sheegay in Puntland dib ugu lab aneyso Dastuurkeeda. Waxaana uu ahaa warmurtiyeedka sida tan:-

WAR MURTIYEED

Tix/01 /2016 jan.28,1 ,2016

Shirka Golaha Xukuumad da Puntiland oo uu Shir Gud dominayey Mad axwe yne ku xige enka Dowlad da Puntland Egn. Caraxa kiin Cabdull ahi Cumar Camey ayaa wax aa loo ga dooday shirkii madasha wadatashiga qar an ee ka qabsoo may Magaalada Muqdisho , muddadii u dhax eysay 24ilaa 28-ka january 2016-ka .

Goalaha Xukuumadda Puntland iyo Wafdii sii kaa soo Dowlad Puntland ay ku diiday mar in ha baabintii lagu sameeeyey madasha wa da tashiga qaran ee geeddi-socodka dooras hooyinka 2016-ka taas oo lagu qaato go'aan wadar-oggol ah balse Dowladda Federaalka la timid go'aan keligeed ku kooban.

Goalah Xukuumadda Dowlada Puntland waxay si xooggan u canbaaraysneysaa Go;a anka nas iib darroada ah ee ka soo baxay Ma daxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ka asoo ah in umm adda soomaaliyeed lagu sii wado 25 sanno ka dib habka awood qeybsi ga Qabiilka, isla markaana ah mid dhaawac aya midnimada ummada soomaaliya , ahan mid burinaayo tubta geeddi-socodka dhisma ha dowladnimada soomaaliya .

waxaa kaloo Golaha Xukuumadda Puntl and waxaay ku tilmaantay wax laga xumaado taageera da aan laga fiilrsan ee Beesha Caa lamka u muujisay Go'aanka halka dhinac ah oo aan u adeeg eyn danaha Dalka iyo Dowl adnimmada Soomaaliya, isla markaana dhaa wacayo dhexdhexaadni mada laga filayey.

GABAGABADII

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland waxaay Bogaadinyeen Go'aankii Geesinnim ada alahaa ee Madaxwyaha Dowlada Puntl and iyo Wafdigiisu ku difaaceen shacabka Puntland oo ahaa qaab ka deegaan, si loo he lo metlaad shacab oo dhab ah.

Goalaha Xukuumadda Puntland waxaa ka doodeen isla markaana ka soo jeediyeen in la gaaro xilligii dib loo eegi lahaa qodobka 4-aad ee Dastuurka Puntland oo qeexaya .

Q/MIDOOBAY OO AMMAANTAY HESHIIS KA LA GA GAARAY HABKA DOORASHADA 2016 EE SOOMAALIYA

Xoghayaha guud ee Q/M Mr.Ban Ki-moon ayaa ku bogaadiyey DFS iyo M/ul G/ledyada heshiis ki ay dorraad ka gaareen habka lagu soo dhisayo ba arlamaanka cusub ee dal ka uu yeelan doono sa nad kaan 2016. Afhayeen u hadlay Q/M oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in UN-ka ay si gaar ah ugu riyaaqeen go,aan ka ah in kuraas fiican ay ku yeelan doonaan 2-da aqal haweenka iyo koo xaha laga tirada badanyah ay ee dalka.

Ergayga gaarka ah eeQM.u qaabilsan So omaaliya Mich ael Keating, ayaa qudd bad uu ka hor aqriyey kulan ay dorraad magaalada New York ku yeesheen Golaha Amaanka ee QM waxa uu ka ga wa rbixiyey xaalada Soo maaliya, gaar ahaan na tiijadi ka soo baxday kulamadi ay madaxda dal ka kaga tashanaye en sida laga yeelayo nidaamka doorashooyin ka dalka ka qabso omi doono san adkan 2016.

Wuxuu sheegay in la isku raacay in baarla maanka oo ah aqalka hoose uu ka koobnaan doono 275 mudane, isla markaa na lagu sale yn doono qaacidada uu hadda ku dhisan yah ay ee ah 4.5. Waxa kale oo uu intaasi raaciy ey in la sameyn doono aqalka sare oo ka koo bnaan doono 54 xubnood oo lagu saleyn doono wakiilo ka kala imaan doono maamul ada gobollada.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa loo reebay kuraas wax yar ka badan maam ul ada kale ee federaliga ah."Tani waa mrihii ka soo baxay ku dhawaad lix bilo od oo ay socde en latashiyo ad ag, wa xaa laga yaa baa inay noqoto barti isbadalka dalka Somali ya isla markaana ka dhigta korit aankii siyaa sada DF.” ayuu yiri Mr. Keating.

Ka dib rajadi xooga laheyd ee kasoo bidha antay Somaliya sanadki 2012-ki ayey dibl amaasiyiin badan niyesteen in dalka uu gaari doono 2016-ka doorasho hal qof iyo hal cod ah, hase yeeshee horumarkaas waxaa xagal daaciyey weerarro isdaba joog ahaa oo ay Al Shabab ka fuliyeen dalka iyo qalalaaso siyaa deed oo ay bar bar socdeen musuqmaasuq.

Bisha September ee soo aaddan ayaa la gu wadaa inay Somaliya ka dhacdo doorash ada madaxweynaha, hase waxaa ka horeyn doona doorashada aqalka hoose iyo tan aqal ka sare.

JUBBALAND MAXAY KA QABTAA GO’AANKII KA SOO BAXAY SHIRKA WADATASHIGA?

Maamulka Jubbaland ayaa si buuxda u taa geeray go’aanadii ka soo baxay Shirkii Mada sha Wa datashiga Qaran ee ku soo idlaaday M/ Muqdisho. Afhayeenka M/Jubbaland C/n aasir Seeraar Maax oo Saxaafadda kula had lay M/Muqdisho, ayaa sheegay in Jubbaland ay taageersan tahay go’aanadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.

Jubbaland iyo Puntland waxa ay isku ara gti ka qabeen Doorashada dalka ka dhacey sa nooca ay noqonaysa, balse waxaa muuqa ta in Puntland kaliya ay ku adkeysanayso Do orashada in lagu saleeyo hab deegaan oo Ju bbaland ay kaga baxday arintaasi.

Afhayeenka M/J/land C/naasir Seeraar, wa xa uu tilmaamay muhiimada inay tahay dalka inuu ka dhaco isbedel, sidaasi awgeedna Ma amulkooda ay taageersan yihiin go’aanadii Shirkaasi ka soo baxay."Jubbaland waxa ay taageeraysa waxyaabihii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee ku soo dha mmaaday M/Muqdisho.” Ayuu yiri Seeraar.

Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee la gu soo gaba gabeeyay M/Muqdisho ayaa la isku afgartay in Xildhibaanada Imaan doono lagu saleeyo nidaamka 4.5 halka Dhismaha Aqalka Sare ee dalka lagu saleyn doono Hab deegaan. Muddo ayaa la sugaayay go’aan kaan, ka dib markii Maa mulada qaar ay ka bi yo diideen in Doorashada lagu saleeyo Hab Qabiil, balse ugu dambeyn ay natiijada noqo tay 4.5.

ILAA 4 MILYAN OO RUUX AYAA LAGA BAQAYAA IN AY QAADAAN CUDURKA ZIKA

Sadex ilaa afar milyan oo ruux ayaa laga cabsi qabaa inay qaadaan vayruska Zika gu daha dalal bad an oo ku yaala Amerika sida ay sheegtay he y’ada WHO. Xa nuunkan oo cudur sidihiisu ay ke ento nooc ka mid ah kanee cada ayaa kusii baaha ya koon furta, barta maha iyo waqooyiga Amer ika, waxa uu ku dhac aa ha ween ka uurka leh oo marki ay dhalaan umula ilmo maskaxiy an ka hoo seey eeso kuwa u dha shacaadi ga. Dowlada Marey kanka ayaa she egtay in san nadkaan 2016 ay bila abeyso tallaal ka dhan ah cuduka oo ay ka tallaali do onto da dka. Iya doo ay Brazil san nadkaan ka dhici doonaan ciyaaraha Olimb ikada Adduunka ayuu madaxa xiriirka Olimbi kada Addu unka waxa uu sheegay inay kor dhiyeen tallaabo oyin looga hortagayo inuus an xanuunkan wa xyeelleyn ciyaaraha ka dhic idoona magaala da Rio de Janeiro.

Thomas Bach ayaa sheegay in Gudiga Oli mbikada ay 7adkaan soo saari doonaan talo oyin siin doonaan ciyaartooyda iyo ka qeyb galayaasha ka hor inta aysan imaan dalka Br azil oo ah dalka uu sida aadka ah u saa mee yey vayruka. Xanuunka Zika ayaa marki ugu horeeysay waxaa laga helay dalka Ugan da sanadki 1947-ki, hase yeeshee wali ma uu san u fidin sidaan oo kale. Sannadki 2015 ay aa waxaa laga helay dalka Brazil.<-

BARTA FACEBOOK EE BULSHADA CAALAMKU KU XIRIIRTO OO SHEEGAY IN EREYO CUSUB AY SOO KORDHINAYAAN

Barta Facebook-ga ee bulshada Dunidu ku xiriiraan ayaa dhawaan soo kordhin doon ta Fal-celi nno Cusub oo la mid ah ereyga ‘Like’ ee Qofku doorto marka wuxuu jeclaado uu ku arko barta Face book-ga.

Dhawaan ayaa Dadka Facebook-ga isticmaala waxay awood u yeelan doonaan in ay adeeg-sadaan ereyo ay ka mid yihiin ‘Angry’ oo la macno ah carro ama ‘Sad’ oo la macno ah "Murugo”. Sidoo kale waxaa lasoo kordhin doonaa ereyada ‘yay’ oo aad ku qeylin karto markaad wax si aad ah uga hesho ama ereyga ‘wow’ oo wixii ku layaab-geliyaa aad u Adeegsan kartaa.

Waxay kaloo Facebook-ga kusoo dari doontaa ereyga ‘love’ oo aad saari karto wixii aad jecl aato, sida faallo, sawir ama video. Ag aasimaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in eraya da cusub ee ay Adeegg ooda kusoo Kordhinayaan ay Bulshada Adeegsata awood u siiyaan inay Wadaagaan Dhammaan waxyaabaha macnaha u leh, uuna Rajeynayo in dadku jeclaan doonaan ereyadaan cusub ee lasoo kordhin doono.

Ugu dambeyn, Barta Facebook ayaa Tijaabinta fal-celinnadaan cusub waxay bishii October ee sannadkii lasoo dhaafay 2015-ka ka billowday Waddamada Chile, Philippines, Portugal, Ireland, Spain, Japan iyo Colombia.

MAXKAMADDA MADAXWEYNIHII HORE EE IVORY COAST OO KA BILLAABATAY THE HAUGE

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa billowday inay dhageysto dacwada ha loo hayso madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast, Laurent Gbagbo, inkastoo uu isa guna dacwadaha loo haysto uu beeniyay.

Dacwadaha loo haysto Lautent Gbagbo a yaa la xiriira xadgudubyo dhanka Aadanaha ah oo ka dhacay dalkaas sannadkii 2010, ma rkii looga adkaaday doorashadii ka dhacay Dalkaas.

Gbagbo ayaa noqonaya mas’uul ugu horr eeyay oo madaxweyne soo noqda oo la hork eeno Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee ICC oo Xarunteedu tahay Magaalada The Ha gue ee dalka Netherlands.

Sidoo kale, Gbagbo iyo Charles Ble Go ude oo ahaa Hoggaamiye hore oo Kooxo Hu bey san ay aa labadua diiday inay galeen Da mbiyo la xiriira kufsi, dilal ay u geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Markii maxkamadda la keenay Laurent Gb agbo oo 70-jir ah ayaa wuxuu muuqday qof aad u farx san oo mararka qaar Qoslaya, isa goo gacmaha u haatiyay xubnaha isaga dif aacaya oo maxkam adda ku sugnaa. Iyadoo la sheegay in maxkamadiisu ay socon karto muddo saddex illaa afar san nadood ah.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Iv ory Coast Laurent Gbagbo ayaa diiday in uu Xilka ka da go markii uu kaga Adkaaday Doo rashadii Madaxnimo ee Dalkaas; Alassane Ouattara sanadkii 2010-kii. Markaasoo ay bil lowdeen dagaallo muddo Shan bilood ah soc day oo uu dhiig badani ku daatay.

Iska-horimaadyadaas ayaa waxaa ku ge eriyooday qiyaastii 3,000 oo ruux, iyadoo Gbagbo uu muddadaas ay dagaalladu socde en ku sugnaa qasriga madaxtooyada dalka Ivory Coast ee Abidjan.

Gabagbo waxaa qabtay ciidammo daacad u ahaa Madaxweynihii Jagada kaga Guuleys tay ee Alassane Ouattara oo Gacan ka helay ay Ciidammo Faransiis ah; Bishii Abriil ee Sa nnadkii 2011-kii; waxaana loo gudbiyay maxk amadda ICC ee The Hague.

Dacwadoogaha maxkamadda ICC, hawe eneyda lagu magacaabo; Fatou Bensouda ayaa ka she egtay maxkamadda dhexdeeda in dacwada loo haysto Laurent Gbagbo ay ka mid yihiin haween ba dan oo la kufsaday, dilal loo geystay dad shacab ah oo aan waxba gal absan iyo kuwo kale. Fatou Bensouda ayaa intaas ku dartay inay qorsheynayso inay ma xkamadda hor yimaadaan 138 Markhaatiyaal ah, si ay ugu Marag-furaan dambiyadii uu ge ystay Madaxweynihii hore ee Ivory Co ast, Laurent Gbabgo. Ugu dambeyn, Laurent Gba gbo ayaa ku dhashay caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan sannadkii 1945-kii, wuxu una markii ugu horreysay noqday macallin Cilmiga Taari ikhda ka dhiga Jaamacad ku ta alla Abidjan, iyadoo laba jeer la xiray sannad kii 1971-kii.

MADAXWEYNAHA OO M/ ADDIS ABABA UGA QEYBGALAYA SHIR MADAXEEDKII 26-AAD EE MIDOWGA AFRIKA

Madaxweynaha JFS, Md. Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, oo uu kaga qeybgeli doono Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa dhankeeda waxay xusuusisay madaxda Afrika in laga dhabeeyo, lana fuliyo ballanqaadkii hore loo gaarey ee ahaa in qaaradda Afrika laga cirib tiro colaadaha.marka la gaaro sanka 2020.

Waxaa sidoo kale shirka barbar socon doona shir madaxeed gaar ah oo madaxda IGAD ay kaga hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo shir madaxeed iyana gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya oo loo ga hadli doono hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud, ayaa inta shirkan uu socdo waxaa uu shir guddoomin doo naa shir ay isugu imaanayaan madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada Gaarka ee Bar iga Afrika. Shirkan ay aa waxaa looga arrinsan doonaa xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka Mid owga Afrika, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale. Shirkan waxaa ka qeybgalaya 54-ta dowladood ee xubnaha ka ah ururka, iyadoo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalkan ay horay u yeesheen kula mo ay ku diyaarinayaan ajendaha shirka.

GOLAHA WASIIRADA OO ANSIXIYEY HANAANKA DOORASHO EE SANNADKA 2016

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Feder aalka Soomaaliya ayaa dorraad isugu yim id kulankoo dii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada oo lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016.

HOOS KA DAALACO QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY;

Baaqii Muqdisho ee 16kii Disembar ka soo baxay madasha wadatashiga qaranka waxaa lagu xusay in barlamaanka la soo dooranayo uu ka koobnaanado Aqalk Hoose iyo Aqalk Sare. Waxaa kaloo baaqaa lagu xusay in metelaadda xubnaha Baarlamaanka ay guud ahaan ku saleysnaan doonto isku dheellitirka deegaanada iyo beelaha.

Muddadii ka danbaysay 16-kii diseembar wadahadallo iyo wadaxajood dheeraad ah ayay galeen madaxda dowladda fedaraalka iyo maamul goboleedadu, kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 17-27 Jannaayo 2016 kana qabsoomay magaalooyinka Kismaay yo Muqdishibo.

XUMUKUMADA FEDARAALKA SOOMAALIYEED IYADOO TIXGELINAYSA:

•Mabaadi’da ku xusnaa baaqi muuqdsisho

• Talooyikii ka soo baxay wadatashiyadii lala yeeshay dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka

• Himilada iyo hiiigsida dadka somaliyeed oo hamuun u qaba inay doorashadu ku qabsoonto mu dadii loogu talo galay iyo weliba inanu jiri doonin mudo korodhsi loo sameeyo xukumada ama baar lamaanka

• Kulamadii wadadaxajoodka ahaa e dhex maray madaxda soomaaliyeed ee heer federal iyo heer maamul goboleed oo suurto gelinwayey in la helo hal hab dorash o oo wadar ogol ah

• Wakhtiga kooban ee hadhay, xalaada guud ee amni, iyo tan siyaasadeed ee loo baahan yahay in laga gudbo

Iyadoo ka duulaysa qodobada kor ku xusan waxay xukumada Federaalka ee Soomaaliya soo bandhigtay hanaanka dorasho ee hoos ku xusan, oo ay u aragto inuu yah ay habka ugu habboon ee lagu hirgelin karo doorshada 2016ka.

Raiisal Wasaaraha xukuumada ayaa taarikhtu marki ay ahayd 27/01/2016 la wadaagay go’aan ka dowladda madaxda maamul goboleedyada, barlaamaka somaliyeed iyo wakiillada beesha calaa mka oo dhammant ood soo dhawaayey go’aanka dowladda.

AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:

• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay ahaanaysaa 275.

• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu salaynayaa nidaam ka 4.5.

• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haween ka.

• Codeynta iyo tirinta doorashooyinku waxay ka dhacayaan caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Soomaa liland).

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:

• Aqalka Sare ee Baarlamaanka I waxa la dhsi doona ka hor inta anay dhicin doorashada aqalka hoose e baarlamaanka.

• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.

• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada fed eraalka ee hadda jira iyo ku wa sameysmaya.

• Xubnaha 6-da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loo gu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland, iyadoo la eegayo maqaamkooda iyo biseylkooda siyaasadeed iyo sida ay uga kooban yihiin tirada gobollada ugu ballaaran.

• Ugu yaraan 30% ee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo qoondeyn doonaa hawe enka.

.Golayaasha Baarlamaanka ee dowlad gobolwedyada hadda jira iyo kuwa samaysmaya ayaa soo dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka

• Hannaankan waxaa la isticmaali doonaa oo kaliya xilliga Doorashooyinka 2016-ka.-DHAMMAAD-

BOOLIISKA BURUNDI OO XABSIGA DHIGAY LABA WARIIYE OO U KALA DHASHAY DALALKA FARANSIISKA IYO BRITAIN

Taliska booliiska dalka Burundi ayaa sheegay Jimcihii ah inay Xabsiga dhigeen laba Wariye oo Ajnabi ah, kuwaasoo lagu eedeey ay inay tabinayeen warbixinnada kooxaha rabshadaha wadda ee dowladda Burundi kasoo horjeeda. Wariyeyaasha la xiray ayaa kala ah; Jean-Philippe Remy oo u dhashay dalka Farasiiska isla markaana ahaa madaxa xa fiiska Afrika ee Wargeyska Le Monde iyo sa wir-qaade British ah oo lagu magacaabo, Phil Moore, kuwaasoo la xiray gellinkii dambe ee Kham iistii Dorraad.

Dhawaan ayaa 2dan Wariye la Guddoonsiiyay abaal-marinno la xiriira Shaqooyinkii ay ka qabt een Afrika, dhowrkii Sano ee lasoo dhaafay; Waxayna Noqonayaan Wariyeyaashii ugu horreeyay oo Ajnabi ah oo lagu xiro Bujumbura. "2dan suxufi waxaa laga soo qabtay goob ay ku sugnaayeen kooxo dambiila yaal ah oo hubeysan,” ayuu Wasiirka ammaanka Burundi ku sheegay warbixin uu soo saaray. Sidoo kale, Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada Burundi, Willy Nyamitwe ayaa u sheeg ay Warbaahinta in 2dan Wariye ee la xiray ay ka mid ahaayeen 17–qof oo Hubeysan oo ay booliis ku howlgal ku soo qabteen. Taliska booliiska Burundi ayaa iyaguna sheegay in haw lgallada lagu soo qabtay 2daan Wariye iyo Kooxaha kale uu ka dhacay Xaafadda Nyakabiga ee Bujumbura, hal kaasoo ay ku xoogg an yihiin kooxaha dowladda kasoo horjeedda.

"Wariyeyaasha la qabtay weli lama xukumin, weli waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo howl aha ay ka hayeen goobta lagu soo qabtay,” ayuu yiri ku xigeenka afhayeen ka booliska Dalka Bur undi Moise Nkurunziza. Isagoo intaas raaciyay. "Haddii aanay wax da mbiyo ah yeelan, waanu sii daynaynaa.”

Dhanka kale, War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wargeyska Le Monde ee Paris ayaa loo ga dalbaday Xukuumadda Burundi inay si deg-deg ah Wariyeyaashaan looga sii daayo xabsiga. "Wariyeyaashu waxay Dalka Burundi ku joogaan fiisayaal sharci ah, waxayna gudanayeen waajibaayadooda shaqo ee la xiriira inay soo tabiyaan warbixinnada ku aaddan dhinacyada isku ha ya Burundi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Le Monde. Jariiradda Le Monde ayaa waxay kaloo war –saxaafadeedkeeda ku tiri. "Dowladda Burundi, waa inay si dhaqso ah kusii dayso Wariyeyaasha Jean-Philippe Remy iyo Phil Moore oo ka tirsan Wargeyska, Amni goodana la xaqii jiyo.” Hay’adda Wariyeyaasha Ajnabiga ah ee Bariga Afrika (FCAEA) ayaa sheegay inay ka xun yih iin Xarigga labada Wariye oo iyaga ka tirsan, iyadoo War-saxaafadeed ay soo saareenna ayay ku sheegeen in wariiyeyaashan ay ahaayeen kuwo xifad wanaagsan; laguna qoonsaday tabinta warb ixinnada kooxaha xukuumadda Bujum bura kasoo hor jeedda.Ugu dambeyntii, Sawir-qaade Phil Mo ore oo u dhashay Britain ayaa wuxuu horay u ga soo shaqeeyay Dalal ay ka mid tahay Soo maal iya, Wuxuuna sidoo kale kasoo shaqeeyay dalal ay colaado ka socdaan sida Congo, Liibiya iyo Siiriya

SAUDI ARABIA:2 QOF OO KU DHINTAY WEERAR MASJID

ugu yaraan 2qof ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen ka dib markii rag hubeysan ay xabbado ku fureen masjid ay shiicada ku tukadaan oo ku yaalla bariga dalka Sa cuudiga, intii lagu guda jiray salaaddii Jimcaha.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday masjidka Imam Reza ee xaafadda Mahasen ee M/ Al ahsa. Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in qof uu qarxiy ey jaakat uu xirnaa oo mii neysan, ka dibna ay koox kale xabado ku fureen rasaasta.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada ammaanka iyo baabuurta gurmadka deg degga ah ay si deg deg ah u hareereeyeen goobta. Weli ma jirta cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Xaafadda Mehsen ayaa waxaa ku badan dadka shiicada ah oo ka shaqeeya shir kadda ugu weyn ee dhoofisa shidaalka caalamka ee Saudi Arabian Oil Company, oo hal kaas ku taalla.

AXMED MADOOBE "SADDEX BILOOD WIXII NALAGA SUGAYAY MARKAAN KEENI WEYNAY, WAXAY NOQOTAY IN NALOO YEERIYO”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay M/Kismaayo ayaa sheegay inay ku fashilmeen in muddo 3 bilood ay gaaraan go’aan, taasna ay ke entay in Beesha Caalamka ay wax u yeeriso, go’aankii dowladda Federaalkana ay ku raacdo.

"Waxaa nala yiri 3bilood ayaa la idinka sugayay Caalamka oo dhan naga sugayay inaan go’aan gaarno, waxaa dhahnay waa fashilanay, dadka waxay na moodayeen ma nihi ceebna ma ahan, markii aan keeni weynay waxaa nala yiri waa la idin talinay aa, ka bacdi waxay noqotay in DF la yiri go;aan keena, Beesha Caalamkana waxay tiri waxaa qaadaneynaa go’aanka dowladda gaar to”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in markii hore ay u cuntami weysay go’aan ay keeneen Mada xweynaha iyo Ra’iisul Wasaara ha, isla markaana ay u sheegeen inaanu aheyn kii loo soo dhiibay, balse ay natiijada ugu dambeysa noqotay in Ra’iisul Wasaaraha wixii uu keenay la qaato. "Mada xweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay keeneen qaab, nooma cuntameyn, waxaa niri maya, kii na loo soo dhiibay ma ahan, qolada aan ka soconay waxaas ma oggola, waxay noqotay natiijada u da mbeysay in Ra’iisul Wasaaraha soo fariisno, waxaa qaadan sidaas, mana aheyn waxa aan soo jee dinay, Beesha Caalamkana oo aan u naqaano beesha Lixaad waxay tiri kaasaa taageerey naa, isa ga raceynaa, mar hadaad fashilanteen”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay in 2dii aragti ee ay wateen aan midna la qaadan, isla markaana ay noqotay in wax loo yeeriyay, maadaa ma ay talo keeni waayeen sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxaa uu sheegay in go’aankaas fulinteeda laga rabo DF, isa goo xusay in dhowaan ka sugeynaa qancin teeda iyo in deegaanada gobolada dalka ay gaaran Mas’uuliyiin ka socota dowladda.

"Wixii aan ku fashilanay inaan qirano, waxaa qaban weynay aan sheegno, umadda yeyna jajuu bin, bahasha haddaa oran waayo kac weeye, kanna waxba kama jiraan, midkaan waxba kama jiro, hadaa igu kac daan kaalay booska qof u soo yeesha, mid kale oo aan fashilmeyn keensada”ayuu ma rkale yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Ma s’uuliyiinta Soomaalida inay la yimaadaan isu tanaasuli, lana ilaaliyo Soomaalinima da, isagoo xusay inay muhiim tahay in la qirto wixii lagu fashilmay, wixii la qaban waayana la sheego.

SOMALILAND OO SHEEGTAY IN AANAY QUSE YN GO’AANADII KA SOO BAXAY SHIRKII MADASHA

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay inaanay qus eyn go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga qaran ee lagu soo gabagabeeyay M/ Muqdisho ee ahaa nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sanadkan. Mr Waran-Cadde ay aa wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’een 25 sano ka hor inay maanta sheeg taan, isagoo xusay inay kala yihiin labo dal oo kala madax banaan.

"Waxaa la yaab ah in 25-sano ka hor dal aan ka go’nay oo 1960 dowlad isku darsan ay, waxaanu aheyn labo dowladood oo ka la gumeysan jiray Ingiriiska iyo Talyaaniga, marka waa kala noqonay wada jirkeeni hore, waana wax aad iyo aad layaab u ah beenta iyo waxa ay sheegayaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran-Cadde.

Waxaa uu sheegay inaanay jirin cid u ga wakiil aheyd shirkii Madasha ee Xamar ka dhacay, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya sharciyad ka soo saareen arrimaha Soomaaliya iyo isku safarka labada dhinac.

"Dal kala noqday dal kale wada jirkeeda inay haatan sheegtaan waa wax lagu qoslo, Waxa ay she egayaan Somaliland wax ka quseeyo ma jirto, cid ka mas’uul ahna ma jirin, waxaa sharciyad ka soo saarnay in Soomaaliya iyo Somaliland in baasaboor labo dal ah kala leeyihiin oo ay isku safraya an”ayuu yiri Cali Waran-Cadde.

Go’aamadii ka soo baxay shirka Madasha wadatashiga ayaa ahaa in Aqalka sare ay ka yim aadaan Maamulada Somaliland iyo Puntland min 11 xubnood, maadaama ay ahaayeen maamulo horay u jiray, halka Maamulada kale ay ka imaanayaan min 8 xubnood.

FAROOLE "BEESHA CAALAMKA FARAHA HA KALA BAXAAN ARRIMAHA SOOMAALIYA”

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaanSh.Maxamuud Faroole ayaa ka soo hor-jeestay he shiiskii lagu go’aamiyay nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta 2016, isag oo ku taageeray mowqifka Puntland ku diiday go’aankii ka soo baxay shirkii Madasha wada tashiga Qaran ee lagu soo gaba gab eeyay magaalada Muqdisho.

Faroole oo wariyeyaasha kula hadlayay Garowe ayaa ka sheekeeyay qaabkii looga baxay KMG-nimada, qorshayaashii la dejiy ay sanadkii 2012, isagoo xusay in 2016 ay aheyd in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, Xildhibaanadana lagu soo xuli qaab deegaan. Mr Faroole ayaa ku eedee yay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Inuu ku tuntay dastuurka, isla markaana ka baxay ball antii, dhaartii uu maray uu hareer maray, sida uu yiri.

Waxaa uu sidoo kale dhaliilay fara gelin ta Beesha Caalamka ku hayaan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan wada hadalada geeddi socodka siyaasada iyo doorashada 2016, isagoo ugu baaqay inay faraha kala baxaan ama si cad u maamulaan Soomaaliya sida uu yiri.

Shirkii Madasha wadatashiga Qaranka ayaa go’aanadii ka soo baxay waxaa ka mid ah in Xildhib aanada Baarlamaanka lagu soo xulo nidaamka 4.5, halka Aqalka sare lagu soo xulo qaab deegaan ama ka yimaadaan Maamul goboleedyada, waxaana Puntland iyo Somaliland ka imaanayaa min 11 xubnood, halka maamulada kale ay min 8 xubnood ka yimaadaan.

GABAL DUMAY IYO GURI ROGMADAY AYAY IIGA DHIGAN TAHAY GEERIDII GOOBDOON !! {FAALLO}

Gacalkeey, Xabiibi, Walaal, Ustaadoow, Duca-qabe iyo erayo kale oo ka tarjumaya af macaanida lagu yaqaano da dka dabeecadda wanaagsan ayaa hal-hays u ahayd Allaha u naxariistee Al-ustaad Cabdi X.Goobdoon, Salaan qiima badan, Waji fur-fur an, Qalbi saafi ah, Dhoolla caddeyn iyo Sheeko aan laga xiisa dhaceyn oo aqoon iyo xikmad miiran ah ayaa mar walba laga heli jiray saaxiibkii inaga baxay.

Waaberigii Salaasada oo ku beegneyd 26-kii bishan 2016-ka ayaa laga war hel ay geerida ruug cadaagii Saxaafadda Soomaali yeed, naxdin iyo murugo ayaa la soo darastay qof walba oo maqlay warkaasi aan dhagaha u rooneyn, ooyin (oohin) ayay dadka qaarkiis jabsadeen halka kuwa kalana naxdinta darteed ay la miir daboolmeen (suuxeen), laga soo bilaabo Madaxweynaha FS ilaa ruux kasta oo ku abtirsada ummad-weynta Soomaaliyeed waxay si isku mid ah uga wada tacsiyeeyeen geeridaasi xanuunka badan.

Miyi, Magaalo iyo meel walba oo ay Soomaalidu ku sugan tahay si baahsan ayaa looga daree may dhimashadii mutacalimkaasi, goob iyo geed kasta oo dadku ku kulmo, baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ee loo yaqaano SOCIAL MEDIA-ha iyo qalabka kale ee Warbaahinta waxaa si xiriir ah uga socday ka sheekeynta taariiq nololeedkii marxuumka xijaab tay, xaqiiqdii ma arag Soomaali ka saameyn badan sanadahaan dambe Cabdi Xaaji marka loo eego sida loo hadal hayay geerida wadanigaasi.

Waa mutaystay marxuumku in guri walba laga dareemo maxaa yeelay wuxuu ahaa hal-door naf tiisa u hibeeyay waxtarka Wadankiisa, hubaashii wuxuu ahaa Aqoonyahan ALLE jecel yahay da dkiisana ay jeclaaye en, sifo ahaan wuxuu ahaa xilkas cibaado badan, daacad ah, xaqsoore ah isla markaana naxariis iyo deeqsinimo caan ku ah, taariiq ahaan halyeey Goobdoon kuraynimadiisii (yaraantiisii) illaa uu ifka ka wareegay wuxuu ahaa adeege u dhaga nugul Qarankiisa, xirfado kala duwan ayuu ku soo shaqeeyay sida Macalinimo, Wariye, Maamule, Tababare Saxaafadeed iyo La taliye, iyadoo muddo dheerna uu ahaa Siyaasi wax ka jaangooya horumarinta bulshada. Muddadii u dhaxaysay 1966-1980-kii wuxuu ahaa casrul dahabigii ugu qaalisanaa ee soo mara marxuumka, sanado badan wuxuu ahaa horseedkii loogu jecelaa Weriyayaashii joo gay xilligaasi marka loo eego fasiixsanaanta codkiisa iyo macaanta af- Soomaaligiisa, xilal kala duwan ayuu soo qabtay, intii uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta wuxuu ku guulaystay curinta hal abuuro bad an oo saldhig u noqday Saxaafadda Soomaaliyeed sida barnaamijkii Kadis, balaarinta Wargeyskii Xiddigta Oktoober, bud-dhigii Kulliyada Saxaafadda ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, aas-aaskii Taleefishinka Qaranka ee 1982-1983-kii iyo wax soo saar kale oo taariiqda galay ayaa lagu xasuusan doonaa geesigaasi.

Geeridu waa xaq, shaqsi walbana maalintiisa ayuu dhadhamin doonaa balse shacbiga Soomaaali yeed oo idil waxaa tiiraanyo ku reebtay geerida hanadkii inaga baxay, Gudoomiyaha Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlayay geerida Cabdi Xaaji Goob doon ayaa ii xaqiijiyay markii uu maqlay geeridaasi inuu naxdin darteed la miir daboolmay (suuxay), wuxuuna intaasi ku daray xasuustiisa marnaba inaaney ka bixi doonin halgankii uu marxuumku ugu jiray u hiilinta Afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, isagoo hoosta ka xariiqay in loo sameyn doono Xus iyo Xusuus u qalanta. "Rag waligiis waa go’i jiray laakiin kama gam’i karo geerida walaakeey Cabdi Xaaji” ayuu yiri Maxamed Daahir Afrax,

"GABBAL DUMAY IYO GURI ROG MADAY AYAY IIGA DHIGAN TAHAY GEERIDII GOOBDOON ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhabtii Soomaaliya 7aadkan waxay weysay CAAQIL culus oo aan la il loobi karin, wey adag tah ay in la helo cid buuxin karto booskii uu baneeyay marxuumka, duco ayuu naga mudan yahay inaan u hibayno, Alla ha weyn ee loo wada noqonayo waxaan uga baryaynaa inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN

W/D:- SHIIQAALOOW XASAN. E-MAIL:-SHIIQAALOOW114@HOTMAIL.COM

FASHALKA MA DOWLADDAA MASE DADKA? {FAALLO}

Waxaa maalmahan aad u soo kordhaya eedeyn dowladda loo jeedinayo oo ah inay ku fa shilantay xakunka dalka.

Dadka horboodaya olola haan waa dad ”siyaasiyiin” sheeganya oo badanaaba horey uga soo qa btay xilal kala duwan dowladda hadda jirta ama tii ka horreysay ee ku kmg ahayd. Shakhsiyaadkan waxaa ugu cad-cad oo u cod dheer C/Weli Sh. (Xiirane), Max/uud Tarzan, Axmad Fiqi, Cali M.Geeddi, Salaad Jee lle, Dr Baadiyow, C/Weli Gaas iyo qaar kale oo badan, waxayna hal ku dheg ka dhigteen dowladdu waa fashilantay..marka la weydiiyo waxyaa baha ay ku fashilantay waxay xooga saarayaan xagga amniga iyo qaraxyada Shabaab fulinaayo.

Waa nasiib darro in iaygoo qaarkood ay sheeganayaan darajo cilmiyeed sare inaysan haddana qiyaasi karin ama aysan xasuusan karin in dowladda adduunka maanta ugu awooda badan ee Mar eynk anka ayey waxaa oo kale iyo ka daran ka dheceen, sidoo kale Faransa iyo Ingiriis ka, waayoo ma jirto dowlad shaaric kasta dhigi karta ciidamo si looga ho rtago waxaayabaha amniga khatarta ku ah.

Haddaba, fashalka heysata dowladda, hadduu jiro, waxaa u sabab ah dadka kor ku xusan oo ka mid ahaan jiray dowladihi la soo maray, mark aasuu nin waliba marki uu waayay booski ama la ga qaaday jagadi ow isu beddelay muicaarad aragti gaaban oo fashalka oo dhan u arka inuu yahay Madaxweyne Xasan Sh. Fashalka baahay ee dowladda waxaa u sababa kuwa hadda jagooyinka haaya iyo kuwi laga qaaday oo isu bed delay dad ceeb ka sliim ah

waxaa jirtay xikmad laga soo weriyay Al-Imaam Shaafici Ilaahey raa lli ha ka noqdee oo yiri :- نعيب زما ننا والعيب فينا وما لزماننا عيب سوانا ???Oo micnaheedu yahay:- Waxaan Ceeebeyneynaa Zamanka Aan Joogno Laakin Zamankaan Ceebtiisa Waa Annaga.

Fashalka dowladdaan ku dhacday, hadduu xaqiiqo noqdo, waa adinka waayoo adinkaa ka mid ah aa iyo kuwo idin ka sii liita oo qaarkood ay weli ka mid yihiin ayaana sabab toosa u ah dhibaatada jirta. Ninkasta oo sheeganaya siyaasi marka uu waayo ama laga qaado jagada uu haayo wuxuu eedda saaraa dowladda, mana jiro mid idinka mid ah ee isku naqday, fikiray oo raadiyay sababta uu ku waayay booski.

Dadka noocaas ah ayaa maanta iska dhigaya dad u doodaya danaha dadweynaha oo hal-qabsi ka dhigtay shacabka waxaas ma yeelaayo.

War markaad jagadi aad heysay ku takri faleysay shacab ma joogin mi yaa…mase maanta ayaad isleedahay shacabka magaciisa dad ku hand ad oo iska dhig qof shacabka shucuurtiisa kicin kara si uu u gaaro himilada uu higsanaayo.

Shacabkaanu wuxuu halgan ugu jiraa sidow ku heli lahaa nolol maalmedkiisa, siyaaso, dowlad iyo dad iska daba raaraca fir aaqo uma hayaan.

Kuwa maanta sameystay XISBIYADA waa dad aan diyaari karin hadafka (objectives) uu xisbi siyaasad lahaan karo.Isku soo wada duub, wayaabaha ka qayli siihaaya qaswadayaasha faashilka dhex fadhiya waa inay gaaraan ama helaan kaalin ay ka soo geli karaan siyaasadda dalka.

Ma oga in dadweynaha ay ka dheregsan yihiin hadalladooda cid u jixin jixeysana aysan jirin, xataa kuwa gobollada qaarkood ka yimid oo ku hadaaqaya ”annagu marna ma qaadaneyno wax aan ah ayn in degaan wax lagu qaybsado”.

Marna ha moodina in rabitaanka Pu ntland & Jubbalamd dalka iyo dadka badankiisa aan khasab looga dhigi karin, laakin ciddi intaas garan lahayd ma joogto meesha.

Meelaha ay dowladdu ka gaabisay, haddii la isku dayo in la tilmaamo, waxaa ugu weyn dhis maha ciidanka xoogga dalka oo aan qiyaasayo in xi lligii Sh. Shariif iyo kan Xasan Sh. lagu diyaarin karay ciidamo looga kaa ftoomo kuwa AMISOM, waa haddii la fulin lahaa talooyinkii iyo qorshihi ay noo dejisay dowladda walaalaha Turkiga oo ah dalka kaliya ay daac ad ka tahay inaan yeelano quw ad nagu filan oon uga bixi karno baahida amni-darro ee na heysata.

Maanta waxaan joognaa heer naloo keeno boliis waxba ka qaban waayay BOOKO Xaraam inay dalkeena lacago xad-dhaaf ah ku qaataan iyagoo la yiri waxay u joogaan sugidda amniga kii dalko odi Nigeria ay ku fashilmeen.

Dalalka maanta noo soo gurmanaaya ee Khaliijka qaarkood ee ku deeqaya mushaharka ciidanka xoogga iyo tababar-ku-sheeg u muuqda luggooyo, maxay marna noogu dayactiri waayeen hal isbita al ama hal dugsi waxbarasho ama dariiq ku yaalla dalka. Waxay noogu deeqeen in Ma daxda dalka ay siiyaan xoogaa gacan qabsi ah oo ay isaga laaluushaan xildhibaannada la kireysto si loo horjoo gsado in Turkiya ay noo fidiso kaalmo la xiriirta tababarrada ciidamada oo haddii loo xilsaaro aan uga ka aftoomi lahayn AMISOM..

waxa nalaga aaminsan yahaya inaan nahay dad dagaal jecel oo aan cidina ka nabad geleyn, sii ba Kenya iyo Ethiopia. Ma la heli doonaa Madax u diyaar ah inay dalkaan ka xoreeyaan gacan hoo rsi iyo isku halleyn ciidamo cadaw nagu ah?.

KAFTAN Somalidu waxay saaran yihiin Bas oo shufeerka wada ow indha La’ayahay, Dadka saaranna ay Dhega la’ayihiin oon shufeerka u sheegi karin inuu khatar ku socdo..shufeerki waa joojiyay Baski markuu maqlay qeylo Dad raba inay baska soo raacaan markaasuu u joojiyay. Waxaa soo koray 22 oo Indho iyo Dhego leh, markaasey shufeerki boos ki ka wareejiyeen iyagoo dhahaya qof wax aragta ayaa wedaaya Baska ….

Muddo yar ka dib ayey arkeen Baski oo ku socda Xowli aad u dheereeya..markaasaa qaarkood ay isku dayay inay wax u sheegaan shufeerka..markaasaa la yiri ”ssss aamusa shufeerka waa hur daa ee ha kici nina”!!!

Xagga dambe waxaa Baska ka saaraan qolo iska Qayileysa oo Indho iyo Dhego leh, laakin aan Maqal wax Codkooda ka Baxsan ama aan arag Cid aan Iyaga ahayn…

markaasaa loo sheegay in Basku khatar ku socdo, waxay ku jawaabeen annagu shaqo kuma lihin waana ka goosanay kuwa basska saaran.!!!

AHMED_ALAS AXMAD

CALASOWBASHAAR10@OUTLOOK.COM XIGASHO SOMALIWEYN.COM

 

gaas-500x323

KARTOONKA SIYAASADDA GAAR KA TURJUMAYA OO UU SOO SAARAY ARTSTE AMMIIN CAAMIR

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip