
Magaalooyinka Alshabaab maamulaan oo Shalay si weyn looga ciiday (Sawiro)
Deegaanka Janaale oo dhowaan ay la wareegeen ururka Alshabaab ayaa ka mid ah deegaanada shalay ururka Alshabaab ay ku soo bandhigeen awoodooda. Waxaana khudbad u jeediyay shacabka deegaanka Janaale guddoomiyaha ururka Alshabaab ee gobolka Shabelaha Hoose
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla waxana uu ku goodiyay in deeganada ay haystaan ciidamada dowlada iyo AMISOM ay dhowaan la wareegi doonaan. Sidoo kale degmooyin ka mid ah gobolka Galguduud ayaa shalay ururka Alshabaab meelo fagaare ah dadka khudbado ugaga jeediyeen. magaalooyinka ayaa waxaa kamid ah Galhareeri iyo degmada Ceeldheer.
Guddoomiyaha gobolka Galguduud ee ururka Alshabaab Sheekh Xasan Yacquub Cali oo la hadlayay dadweyne ku nool Galhareeri ayaa sheegay in ururkooda aysan u hakin doonin dagaaladooda dilkii sanadkii aynu ka soo gudubnay weerar gantaalo ah lagu diley hogaamiyihii ururka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.Degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo ka mid ah gobolada Jubbada dhexe iyo jubbada hoose ayaa kamid ah degmooyinka shalay ururka Alshabaab uu meelo fagaare ah dadka kula hadlay.
Ururka Alshabaab ayaa waxa uu weli maamulaa qaar kamid ah degmooyin ku yaal koofurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaana degmooyinkaa lagu xukumaa shareecda Islaamka.


0 










Magaalooyinka Alshabaab maamulaan oo Shalay si weyn looga ciiday (Sawiro)
Magaalooyinka iyo deegaanada ay maamulaan ururka Alshabaab oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa Shalay si weyn loogaga ciiday iyadoo laga tukaday salaada ciidda.