HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA KHAMIIS 21-KA FEBARAAYO 2019-KA

0
Thursday February 21, 2019 - 10:40:47 in Wararka by
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA KHAMIIS 21-KA FEBARAAYO 2019-KA

    SARKAAL KA TIRSANAA XAFIISKA XEER ILAALI NTA QARANKA OO MUQDISHO LAGU DILAY Rag hubeysan ayaa Barqanimadii Shalay waxa ay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qarank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SARKAAL KA TIRSANAA XAFIISKA XEER ILAALI NTA QARANKA OO MUQDISHO LAGU DILAY Rag hubeysan ayaa Barqanimadii Shalay waxa ay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka Somaaliya. Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay wateen Mooto Bajaaj,islamarkaana ay dileen Nin lagu Magacaabi jiray Maxamed Mu rsal kana mid ahaa ku xigeenada Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka. Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in raggii dilkaasi ka dambeeyay ay horay u sii kaxeysteen Gaari nooca raaxada ah oo uu watay masuulka ay dileen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

 

TRUMP OO DALKA MARAYKANKA KA HORISTAAGAY GABADH DAWLADDA ISLAAMKA KU BIIRTAY

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalka laga hor istaagay gabadh ku biirtay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo borobogaandadooda fidin jirtay.

Isaga oo Twitter soo qoray ayuu sheegay in uu ku amray wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo "in Hoda Muthana aan loo ogolaan in ay dib ugu soo noqoto dalka Maraykanka"

Pompeo ayaa horay u sheegay in gabadha 24 jirka ah aysan ahayn muwaadinad Maraykan ah isla markaasna aan loo ogolaan doonin in ay dib ugu soo noqoto dalkiisa.

Sikastaba ha ahaatee qoyskeeda iyo qareenkeeda ayaa ku adkaysanaya in ay tahay muwaadinad Maraykan ah.

Hoda oo ku kortay Alabama ayaa u safartay Suuriya si ay ugu biirto Kooxda Dawladda Islaanka iyada oo markaas 20 jir ahayd.

Sheekadan ayaa u eg mid kale oo ka dhacday dalka Britain iyadoo dalkaasi uu dhalashadii kala laabtay Shamima Begum.

Shamima ayaa ka tagtay London sannadkii 2015kii si ay ugu biirto Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, waxayna sheegtay in ay hadda doonayso in ay ku laabato UK.

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan UK iyo dalalka kale ee reer Yurub u sheegay in ay la wareegaan oo dalalkooda ku maxkamadeeyaan dagaalameyaasha kooxda Dawladda Islaamka ee dagaalkii u dambeeyay lagu qabtay

Wuxuu ka digay in haddii aan sidaa la samayn ay noqon karto in Kurdiyiinta ay Maraykanka wada shaqeeyaan ay iska sii daayaan dagaalamayaashaas.

Hassan Shibly oo ah qareenka qoyska Hoda ayaa sheegay "in wax laga caroodo ay tahay" in Trump uu dalalka Yurub ugu baaqo in ay muwaadiniintooda la wareegaan" haddana uu arrin middaa ka badalan la imaanayo marka ay timaaddo muwaadiniinta Maraykanka".

Dadka arrimahan ka faalooda ayaa sheegaya in doodda Maraykanka ay darantahay xaqiiqada ah in aabaheed uu ahaan jiray Dublamaasi reer Yemen ah. Carruurta ay dublamaasiyiintu dhaleenna isla markiiba looma aqoonsado muwaadiniin marka shuruucda dalka la fiiriyo.

Si kastaba ha ahaatee qareenkeeda ayaa ku doodaya in aabaheed uusan dublamaasi ahayn markii ay gabadhani Maraykanka ku dhalanaysay.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO AAN LA KULMI DOONIN FARMAAJO

Madaxtooyadda Somaliland ayaa bee nisay in uu jiro kulan dhexmari doona Mad axweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in uusan jirin kulan dhexmnari doona Farmaajo iyo Mu use, laakiin Safarkooda uu ku kooban ya hay Casuumaad ay ka heleen Madaxda dalka Itoobiya.

Dhanka kale War kasoo baxay Mada xtooyadda Somaliland ayaa lagu Caddee yay in Madaxweyne Muuse Biixi uu la ku Itoobiya.

"Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey uj eedada safarkoodu ku kooban tahay kul anka ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubn aha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin da lal kale oo madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Somaliland .

AMISOM OO KA GUUREYSO KULLIYADII HO RE EE CIIDAMADA JAALLE SIYAAD

Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ayaa qorsheynaya in ay ka guuraan dhamaad ka bishan Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad oo muddo ka badan toban sano xarun u ahayd qaar ka tirsan ciidamada AMISOM.

Warkan ayaa waxaa laga soo xigtey Wak iilka gaarka ah ee Midowga Afrika Amb assador Francisco Madeira xilli uu daraad booqanayay kulliyada Jaalle Siyaad oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ay ka socdeen dayctir.

"Waxaan ku qanacsanahay dayactirka iyo dib u habeynta lagu sameeyay xaruntan waxaana ay diyaar u tahay in dhamaadka bishan lagu wareejiyo ciidamada Milatar iga Soomaaliya.” ayuu yiri Madeira oo ko rmeerkiisu ay ku weheliyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan AMISOM iyo madax ka tirsan Dowlada Federalka.

Ciidamadii hore u joogay Kulliyada Jaalle Siyaad oo ka socday dalka Burundi ayaa la dejiyay M/Jowhar ee xarunta do wlad goboleedka Hirshabelle.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Do wLada Federalka Maxamed Cali Xaggaa oo ka mid ahaa madaxdii booqatay Kull iyada Jaalle Siyaad ayaa u mahadceliyay AMSOM taageerada ay siiso dowlada Fe der alka sidii dib loogu soo celin lahaa xasilo onida dalka."Waxaan si gaar ah ugu mahad celi nayaa ciidamada Burundi kuwaasoo nafto oda u huray shacabka Soomaaliye ed.”ayuu yiri Xaggaa Wasiiru Dowlaha Ga ashaandhigga DFS Kulliyada Jaalle Siya ad oo lagu tabab ari jirey saraakiisha ciida mada Milatariga Soomaaliyeed ayaa noq onaysa xaruntii 3aad ee ay ciidamada AMISOM ku waree jiyaan DFS iyagoo hor e u wareejiyay Garo onka Kubbada Cagta Stadium Muqdisho iyo Jaamacadii Umma dda ee magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Madaxweynaha JFS Md. Maxamed Ci Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib mar kii uu booqasho ku tegey dalalka Burundi iyo Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu ku lan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi iyagoo ka wadahadlay arrimo la xiriira ci idamada dalka Burundi ee ku sugan dalka Soomaaliya oo AMISOM sheegtay in dhamaadka bishan laga saarayo illaa iyo kun askari.

Hase yeeshee madaxda labada dal ay aa ku baaqay in la qabto shir deg-deg ah oo ay ka soo qeybgalaan madaxda dalal kooda ay ciidamada ka joogaan Soomaal iya si loogaga hadlo ka bixitaanka ciidam ada Burundi ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ay aa caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti ku lan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyagoo ka wadaha dlay xiriirka labada dal iyo arrimo quseeya gobolka.

Hase yeeshee waxaa soo baxayay wa rar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu u gudbayo dalka Ethiopia halkaa oo uu shalay gaaray Madaxweynaha Maamul ka Somaliland Muuse Biixi balse ma jiro wax war rasmi ah oo ay dowlada Federal ka ka soo saartay wararka sheegayay in uu baaqday kulan ay ku yeelan lahaayeen Farmaajo iyo Biixi magaalada Addis Ababa.

MAAMULKA JUBBALAND OO KA HADLAY QARAXYO KA DHACAY BAARDHEERE

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyadii shalayy ka dhacay Deg.Baardheere ee G/ Gedo.

Waxa uu sheegay Maxamud Sayid Aa da nin qaraxyadaasi Ciidamada AMIO SM ee ku sugan Baardheere ay fashiliy een, isla markaana ay uga hortegeyn Afaa fka hore ee Degmadaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland oo ku sugan Degmada Baa rdheere oo la hadlay VOA-da ayaa shee gay in qarax hore ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo shacab ahaa oo xiliga uu qaraxa dhacayay ka agdhawaa goobta,isagoo xu saya in Askar ka tirsan Ciidamada AMIS OM ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa.

Qaraxa labad ayuu sheegay in uu ah aa Miinooyin lagu aasay Wadadda dhex marta Baardheere,kaasi oo geystay khasa aro isugu jira dhimasho iyo dhaaw ac, waxaana ku dhintay 2 ruux oo shacab ah,halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale.

War qoraal ah oo lagu daabacay bar aha internet-ka Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay Degmada Baardheere,iyagoo sheegay in ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya,halka dhowr Askari ay ku dhaawaceen.

DOWLADDA FEDERAALKA : WAAN SOO DHAW EYNEYNAA WADASHAQEYN DHAWOONA DHAXMARTA SOMALILAND

Qoraal kooban oo ka baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweyneyso sida madaxweynaha Som aliland Muuse Biixi Cabdi u aqblay in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan dowlad da Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale boggaadiyay dadaalka ra’iisal wasaaraha dalka Itoob iya Abiy Ahmed ugu jiro dardargalinta is dhaxgalka dhaqaale ee guud ahaanba Geeska Africa. Qoraalka ayaa u dhignaa siddan :Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweyna ha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo DF/Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Bi ixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhal iso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, DFSxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya xili shalay magaalada Addis Ababa uu gaaray wafdi uu horkacayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha dalka ItoobiyaSaacadihii hore ee shalay ayaa waxaa soo baxay warar sheegayay in madaxwey ne Farmaajo uu uga sii gudbi doonno dalka Jabuuti magaalada Addis Ababa oo ay isku arki doonaan madaxweynaha Somaliland, balse taa ma noqon oo gali nkii danbe ee shalay ayuu ka soo degay madaxweyne Farmaajo M/ Muqd isho.

MAAMULKA JUBBALAND OO KA HADLAY QARAXYO KA DHACAY BAARDHEERE

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyadii shalayy ka dhacay Degmada Baardheere ee Gob olka Gedo. Waxa uu sheegay Maxamud Sayid Aadan in qaraxyadaasi Ciidamada AMIOSM ee ku sugan Baardheere ay fa shiliyeen,isla markaana ay uga hortegeyn Afaafka hore ee Degmadaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jub baland oo ku sugan Degmada Baardhe ere oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in qarax hore ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo shacab ahaa oo xiliga uu qaraxa dhacayay ka agdhawaa goobta,isagoo xu saya in Askar ka tirsan Ciidamada AMI SOM ay dhaawacyo ka soo gaareen qar axa.

AKHRISO:-PUNTLAND OO HAKISAY XIRIIRKII XISBIYADA SIYAASADEED EE DALKA

Qaraxa labaad ayuu sheegay in uu ahaa Miinooyin lagu aasay Wadadda dhexm arta Baardheere,kaasi oo geystay khasa aro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wax aana ku dhintay 2 ruux oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay Degmada Baardheere,iyagoo sheegay in ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya,halka dhowr Askari ay ku dhaawaceen.

RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA SOMALILAND

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ah med ayaa xafiiskiisa magaalada Addis Ab aba kula kulmay Madaxweynaha Somal iland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu ho ggaaminayay oo shalay booqasho ku tagay dalka Itoobiya.

Qoraal la soo geliyay barta Twitter-ka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Abiy Ahmed iyo Madax weynaha Somaliland ay ka wada hadleen arrimaha muhiimka ah ee labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, sida uu yiri iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Addis Ababa ayaa ka dambeysay, kaddib markii uu martiqaad u fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waana booqashadii u horeysay ee Muuse Biixi ku tago Addis Ababa, tan iyo markii is bedelka uu ka dhacay dalkaas, taladana uu la wareegay Abiy Ahmed.

WIIL SOOMAALI AH OO KU GUULEYSTAY IS-REEB-REEBKA GOLAHA DEGAANKA BARRON

Isaaq Cabdi Maxamed (Gaaddaay) ayaa ku guuleystay is reeb reebka doorashada golaha deegaanka ee magaalada Barron, gobolka Wisconsin ee dalkan Mareykanka

Doorashadan oo aheyd mid gaar ah, ayaa natiijadii ugu dambeysay lagu dhawaaqay waxana la geli doonaa doorashada guud April 2 sanadkan.

Waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay guusha uu shalay gaaray, islamar kaana uu rajo ka qabo in uu kusoo baxo doorashada dhaceysa Bisha Afraad ee Sanadkaan. Doorashooyinka Mareykanka ayaa sanadyadii ugu dambeeyay waxaa kusoo baxay Soomaali badan oo helay xilal kala duwan.

GABADH INA ADEERKEED KELLI U BIXISAY IYO JECEYL KA DHASHAY

Abwaan Cawaale Ismaaciil Abwaan Cawaale Ismaaciil Saleebaan oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa gabay ku cabbiray sheeko jacayl oo nooceeda oo kale ay ku yartahay bulshada Soom aalida.

Gabaygan oo uu ugu magac daray "naf jacayl maloo huray" ayuu abwaanku kaga warramayaa sida ay u soo jiidatay sheekada gabadh ina adeerkeed ugu deeqday killideeda, kaddibna taas ay sababtay inay is jeclaadaan ayna is guur-sadaan.

Wiilka iyo gabadha ayaa waxay ahayeen ilma adeer, mana jirin xirriir horay uga dhaxeeyey ama damac guur oo ka horreeyey ka hor inta aan dhakhtarka loo qaadin wiilka.

Ka dib ayaa wiilka Isbataal loo qaad ay, waxayna dhakhaatiirta sheegeen in loo baahanyahay qof kelli ugu deeqa wi ilka xanuunsan, ilaa lix qof oo ka mid ah qoyskiisa ayaa isku dayey inay killiyah ooda mid ka mid ah ku badbaadiyaan, ba lse sababo lala xirriiriyey dhanka isl aha anshaha dhiigooda darteed ma aysan suu ragelin.

Xoghayihii ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo lagu xiray Hargeysa

Magacyada Suxufiyiinta ku xiran Sacuud iga Abwaan Gorgor oo curriyay gabay ku saabsan maahmaahyada Afsoomaaliga

Xaaska ay hadda wada joogan ayaa no qotay qofka looga saaray killida, waxayna u hurtay mid ka mid ah kelliyaheeda si uu u sii noolaado, naxariista walaalnnimo ee ay samaysay gabadhan ayaa abuurtay jacayl mira dhalay oo ay ku noqdeen lammaane.

Abwaan Cawaale aqoon kale uma uusan lahayn lammaanahan, balse warkooda waxaa uu kala socday baraha bulshada oo aad looga hadal-hayay, kaddib markii uu maansadan sameeyey ayaa waxa uu la sheekaystay wiilka ay dhacdadani qusayso, " markii aan wada sheekaysannay waxa uu ii sheegay inuu xilligaas uu naf ka quustay iyadoo markaas tirada dadka ku deeqayey kilida ay marayso lix qof, gabadhan oo lagu magacaabo Sagal ilma adeerada yihiin ayaa go'aansatay inay killideeda ugu deeqdo, kaddib wiilka ayaa waxa uu ka fikiray sidii uu ugu mahadcelin lahaa gabadha, waxa uuna go'aansaday inuu naftiisa la qaybsado, madaama ay laba killiyood oo kaliye ay ku wada noolyihiin, markii aan sheekada maqlay waxaan is iri haddii aysan dadkani Soomaali ahaan lahayn qisadooda buugaag ayaa laga qori lahaa ama filimaan ayaa laga samayn lahaa, markaas ayaan go'aansaday inaan gabay ka samayn karo oo aan taariikhayn karo."

Filim Jaceyl ah oo ay jilayaan wiil uu Imaam Soomaali ah dhalay iyo gabadh uu baadari dhalay Sheekadan jacaylka een caadiga ahayn maxaa hawada Hindiya looga saaray Warbixin ka hadlaysa farxad da oo la soo saaray

Maansada uu abwaanka ka same eyey sheekadan ayaa waxa lagu soo ba ndhigay magaalada Hargaysa, xarun lagu martiqaaday 29 lammaane, boqolaal kale oo wiilal iyo gabdho ah.

MAREYKANKA OO DIGNIINTII UGU DAMBEYSAY SIIYAY DAACISH

Ciidamada isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ayaa digniin ku siiyay dag aalyahanno lagu sheegay in ay yihiin kuwi ugu danbeeyay Kooxda Daacish ee Suuri ya in ay is dhiibaan ama ay la dili doono.

Baabuur badan oo ah kuwa xamuulka ay aa Talaadadi daraad la geeyay nawaaxiga tuulada Baghouz ee dalka Suuriya si loo gu daadgureeyo dagaalyahannada Daac ish ee dagaalka ka baxa iyo qoysaskoo da.

Ciidamada Mareykanka iyo xoogaga Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay weerari doonaan Baghouz marka laga daadgur eeyo dadka rayidka ah.

Laakin saraakiisha dhinaca xuquuqda aad anaha ee Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan ilaa iyo 200 oo qoys ku xan niban deegaankaasi. Waxay sheegeen in dagaalyahannada Daacish ee ku haray Baghouz ay diideen in carruurta iyo duma rka ay ka baxaan halkaasi.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ca-bdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogga-aminayeyayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho ku tegey dal-alka Burundi iyo Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi iya-goo ka wadahadlay arrimo la xiriira cii-damada dalka Burundi ee ku sugan dalka Soomaaliya oo AMISOM sheegtay in dhamaadka bishan laga saarayo illaa iyo kun askari.

Hase yeeshee madaxda labada dal ayaa ku baaqay in la qabto shir deg-deg ah oo ay ka soo qeybgalaan mad-axda dalalkooda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si loogaga hadlo ka bixita-anka ciidamada Burundi ee dalka Soom-aaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dal-kaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo arrimo quseeya gobolka.

Hase yeeshee waxaa soo baxayay warar sheegaya in Madaxweyne Fa-rmaajo uu u gudbayo dalka Ethiopia hal-kaa oo uu shalay gaaray Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi balse ma jiro wax war rasmi ah oo ay dowlada Federalka ka soo saartay wararka shee-gayay in uu baaqday kulan ay ku yeelan lahaayeen Farmaajo iyo Biixi magaalada Addis Ababa.

BOOLISKA KENYA OO XIRAY NIN LOOGA SHAKIYAY IN UU XIRIIR LA LEEYAHAY SHABAAB

Ciidamada Booliiska dalka Kenya qeybtooda loogu yeero la-dagaalanka Argagaxisada ayaa waxa ay xireen Nin lagu tuhmayo in uu xiriir la leeyahay Ururka Al-Shabaab,gaar ahaan kuwa dilalka qorsheysan fuliya.

Cabdu Xasan Yamaax, sidoo ka-lena loo yaqaan Somo Dubat Oukor, ayaa Booliska Kenya ku xireen Axaddii la soo dhaafay Magalada Mandheera,iyada oo intaasi kdib la geeyay isla Maxkamada Magalada Mandheera ee Gobolka Waq-ooyi Bari dalka Kenya.

Hay’adaha Sirdoonka Kenya ayaa Cabdu Xasan Yamaax waxa ay ku she-egeen in uu ka tirsan yahay Al-Shaba-ab,sidaas daraadeedna Maxkamada Mag-alada Mandheere ay amar ku bixisay in mudo Shan Cisho ah Xabsiga lagu sii haayo.

Mid ka mid ah Saraakiisha Booliska la dagaallanka Argagixisada ee Kenya oo lagu Magacaabo Newton Mbogo ayaa sheegay in Ninkan uu yahay Soomaali balse uu heysto Aqoonsiga dalka Ugan-da,isla markaana ay uga shakiyeen in uu doonayay in uu dilal u geysto saraakiisha Ciidamada Kenya ee Magalada Mandh-eera.

Sidoo kale waxa uu sheegay in haatan uu socdo baaritaano ay ku hayaan Ninkaas,kaas oo ku saabsan sida uu ku helay Aqoonsiga dalka Uganda iyo qors-haha uu damacsanaa.

Ciidamada Booliska Kernya ayaa la feejigan weeraro kaga yimaada dhanka Ururka Al-Shabaab,kadib weerarkii khas-aaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee Magalada Nairobi da-lka Kenya.

RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA ABIY AHMED AYAA XAFIISKIISA MAGAALADA ADDIS ABABA

kula kulmay Madaxweynaha So-maliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaa minayay oo shalay booqasho ku tagay dalka Itoobiya.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa shalayy waxaa ciid am ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay Bartamaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Khasaaro ayaa la soo we rinayaa in qaraxaasi uu kasoo gaaray Cii damada Itoobiya,waxaana sidoo kale cii damadu qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan.

Dad ku sugan Baardheere ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay ha kiyeen isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee degmada Baardheere,isla markaana taasi ay saameyn weyn ku yeelatay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’u-uliyadda qaraxaas,iyaga oo sheegay in cidamada Itoobiya khasaaro ku gaar-siiyeen qaraxa as,wallow saraakiisha ciidamada Itoob iya iyo Maamulka deg-mada Baardheere ays an weli wax faah faahin ah ka bixin.

SARKAAL KA TIRSANAA XAFIISKA XEER ILAALIN TA QARANKA OO MUQDISHO LAGU DILAY

Rag hubeysan ayaa Barqanimadii Ma anta waxa ay Xaafada Siigaale ee deg mada Hodan ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka Somaaliya.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay wateen Mooto Bajaaj,islamarkaana ay dile en Nin lagu Magacaabi jiray Max-amed Mursal kana mid ahaa ku xige-enada Xafi iska Xeer Ilaalinta Qaranka.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in raggii dilkaasi ka da mbeeyay ay horay u sii kaxeysteen Gaari nooca raaxada ah oo uu watay masuulka ay dileen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaa liya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo ge ysto,Mas’uulyiin ka tirsan Dowla dda, As kar iyo Shacab intabada,waxaana mas’ uuliyadooda sheegta dilalkaas Al-Shaba ab.

MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO KA WADA HADLAY XOOJINTA ISKAASHIGA LABADA DAL

Madaxweynaha JF/Soomaaliya Md.M axamed C/hi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabu uti kula yeeshay Madaxweynaha Jam huuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xiriirka walaalt inimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynay aasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna lab ada Madaxweyne adkeeyeen in la dar adargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah.

Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaan dhi gga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-tali yaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Tali yaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).DHAMMAAD

FAAH FAAHIN: KHASAARO KA DHASHAY QAR AX LALA EEGTAY CIIDAMO ITOOBIYAAN AH

Warar dheeraad ah ayaa kasoobaxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM lagula eeg tay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoob iya ayaa qarax Miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay Bartmaha deg mada Baardheere,waxaana la sheegay in qaraxa kadib ay ciidamada Itoobiya fu reen rasaas farabadan.

Dad ku sugan Baardheere ayaa Idaa cadda Risaala ee Muqdisho waxa ay u sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo qaraxaasi kasoo gaa ray Ciidamada Itoobiya,hayeeshee ay dad ka u diidayaan in ay tagaan goobta uu qar axa ka dhacay.

Goobaha Ganacsi ee ka agdhow goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa wa rarka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu burbur kasoo gaaray,iyada oo sidoo ka le goobta uu qaraxa ka dhacay ay tageen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere.

Wararkii u dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa waxa ay sheegayaan in jawiga uu yahay mid degan,islamarkaana isku-socodka dad ka iyo Gaadiidka ay sidii hore kusoo laabteen,kadib markii ay hakad galeen xilligii qaraxa uu dhacay.

BOGGA CAYAARAHA

HORDHAC : ARSENAL VS BATE BORISOV GUNNERS OO HALIS UGU JIRTA IN AY KA HARAAN TARTANKA

Arsenal ayaa caawa garoonkeeda ku marti qaadi doonta kooxda BATE Borisov oo guul daro layaab leh ay kala kulantay lugtii koowaad ee tartanka Europe League waregiisa 32-da .

Arsenal waxaa ka maqnaan doona mid kamida xidigeheeda ugu muhiimsan halka BATE Borisov aysan qabin wax cabsi ah ka hor kulanka .

Maxaa ka cusub labada koox :

Alexandre Lacazette ayaa ka ganaaxan kooxda Arsenal kaddib markii uu qaataya kaar cas kulankii lugtii kooowaad oo ay la kowsadeen guul daro xanuun badan .

Unai Emery ayaa xaqiijiyey in safka kooxda ay ku soo laabteen xidigaha kala ah Aaron Ramsey iyo Sokratis ku was oo diyaar u ah in ay ka wajahaan kooxda BATE Borisov.

Ainsley Maitland-Niles ayaa seegay taba barka lowgu diyaar garoobayey kulanka caawa waxaana waxaana macquul ah in uu seego kulanka .

Aleksandr Hleb ayaa ka badbaaday in uu qaato caalamad jaale ah , hadii uu qaadan lahaana waxa uu seegi lahaa kulanka lugta labaad ee caawa .

lama filiyo in wax isbadal ah lagu sameeyo safkii kulankii hore 1-0 kaga soo adkaaday kooxda Arsenal waxa ayna u badantahay in markale ay ciyaartoydaas ku soo bilowdaan .

Ogeysiiska Kulanka :

Kulanka : Arsenal vs BATE Borisov (Europe league )

Goobta : Emarates stadium

Goorta :8:00 oo habeenimo

Garsoorka :Alberto Undiano Mallenco (ESP)

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

Arsenal ayaa marti gilin doonta kooxda BATE Borisov markoodii labaad kualnkii ugu horeyey ee ka dhacay halkan ayaa ku soo idlaaday 6-0 waxa ayna aheyd sanadkii hore kulamda wareega guruubyada .

Iyada oo lagu darayo kulamada is reeb reebka kooxda ka dhisan Belarus ayaa qasaartay sedex kamida afartii kulan ee ay wajahday kooxaha England tartanka Europe League , gushii ugu dambeysana wax ay ka gaartay kooxda Everton kulan ka dhacay garooka BATE .

Arsenal marna ma dhicin in ay dhalin weyso gool kulamda labada is arag tartamada yurub tan iyo sandkii 1995 markaas oo ay la ciyaartay Millan ciyaar ka tirsaneed European suprcup final , waxaa dhacday in bareejo lagu hishiiyo lugtii koowaad oo ka dhacday garoonka milab balse lugtii dambe Arsenal ayaa lagu qaarijiyey 2-0 garoonkooda .

BATE Borisov ayaa badineysay sedexdii kulan ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaarto taratnka Europe League , balse labo mar oo kaliya ayey badiyeen 16-kii kukan ee tartanka 7-bareejo iyo 9 -qasaro iyada oo lagu daraayo kulamda is reeb reebka .

HORDHAC : CHELSEA VS MALMOE XOGTA KULANKA OO DHAMEESTIRAN IYO XAQIIQOOYINKIISA .

Chelsea oo guul daro xanuun badan dhabarka ku sidata ayey soo dhaween doonta kooxda Malmoe kulanka lugta labaad ee warerga 32-da ee tartanka Europe League .

Hogaamiyaha kooxda Bules ayaa la kulmi doona cadiidis xoogan hadii kulankan laga adkaado kooxdiisa waxaan mugdi sii gali doono musatabalkii garoonka Stamford Bridge .

Wararka labada koox:

Chelsea ayaa soo ciyaartay isniintii sidoo kale waxa ay ay labalan santahay kooxda Ma city finalka tartanka Carabao Cup oo asbuuca soo socda dhici doona .

Maurizio Sarri ayaa ku qasbanan doona in is badal ku sameeyo safkiisa .da’yarka lagubmagacaabo Callum Hudson-Odoi oo dhaawac ka soo laabtay ayaa ciyaari kara kulankan .

Olivier Giroud ayaa hogaamin doona weerarka kooxdiisa halka kabtan Gary Cahill uusan qeeb ka aheyn xidigaha ka soo muuqan doono garoonka Stamford Bridge .

Malmoe dhankooda ma jiraan wax cusub oo sameen ku leh dhankooda waxaana la filayaa in markale ay soo laabtaan safkii kulankii hore lowga adkaday 2-1.

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Chelsea vs Malmoe ( Europe League )

Goobta :Stamford Bridge

Goorta : 11:00 oo habeenimo

Garsoorka:Orel Grinfeld

Xaqiiqooyinka ciyaarta Hal iyo Labo .

Chelsea ayaa guuleysatay lixdii kula ee ugu dambeyey ee ay ku ciyaarto garoonkeeda iyaga oona dhalinayey ugu yaraan sedex gool shan kamida kulamdaas isku dar waa 17-gool .

Kooxaha reer Sweden ayaa kaliya hal mar ka adkaaday 7-dii kulan ee ugu dambeyey ee tartamada Europe oo ay soo booqdeen kooxaha England,kooxda ösetersunds ayaa ah kooxda ka adkaatay Arsenal sandkii hore .

Kooxaha hadda ka qeeb galaya tartanak heerkiisa 32-koox , kooxda Malmoe ayey u ciyaraan safka ugu duqsan ee tartanka ka qeebgalaya qiimeen la sameeyana ciyartoydooda wa kuwa ubadan da’da 29-jir .

ATLETICO MADRID OO GARAACDAY JUVENTUS IYO MAN CITY OO GUUL DIRQI AH KA GAARTAY SCHALKE 04

Kulamo ka tirsan tartanka champions league wareegiisa 16-ka ayaa caawa lagu ciyaaro garoomo ka tirsan Qaarada yurub waxaana fooda is daray kooxaha Atletico Madrid iyo Juventus halka kulan kale oo xiisa badan uu dhex maray kooxaha Scalke 04 iyo Man City .

Aan ku horeeno kulanka xiisaga badan ee Atletico iyo Juventus oo ay soo xaadireen taageerayaal badan oo labada dhinac ka kal socday , kulanka ayaa ahaa mid xiiso badan waxa uunaa qeebtiisii hore ee ciyaarta lagu kala nastay bar baro gool la’aan .

Atletico oo garoonkeeda lagu ciyaarayey ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah waxa ayna la soo shirtagtay saf aad u xoogan , balse dhowr isku day oo ay sameeyeen uma suura galin in ay gool ubadalaan .

Juventus oo u muuqata in ay difaac ku jirto marka loo fiiriyo qaab ciyareedkeeda qeebta koowaad ayaa iyaduna awoodi weysay gool qeebta koowaad .

Qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bareejo , ciyaartoyda labada koox ayaana u huleelay qolka labiska si ay u soo qaatan waqti nasiino oo ay bar bar socoto talooyin ay ka soo qaataan macalimiintooda.

Waxaa dib loo baastay qeebtii dambe ee ciyaarta , xiisaha iyo xamaasada kulanka ayaana halkiisa ka sii bilaabmay .

Atletico Ayaa la Soo gashay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta waxa Anya la yimadeen labo gool oo yareysay hamigii Juve ee tartankan .

Atletico Ayaa labada goolba ka heshay daafacyadooda dhexe ee Gimenez iyo Godin.

Juve Ayaa loo diiday in ay gool ku dhaliyaan ciida Spain ciyarta ayaana oh idlaatay 2-0 .

Dhinaca kale kooxda Man City ayaa ciyaar xiiso badan la qaadatay kooxda Schalke 04 oo markan soo tiigsaday wareega 16-ka Champions League oo ay muddo ugu dambeysay .

City ayaa gool kala hormartay Schalke waxana goola u dhaliyey weeraryahankooda Aguero dsqiiqadii 13-aad ee ciyaarta waxaana caawinteeda lahaa Devid Silva.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayey ee Schalke ayaa la timid goolka bar baraha ee ciyaarta waxa uuna ahaa gool rigoore ah waxaana u dhaliyey Bentaleb daqiiqadii 38-aad ee ciyaarta.

Inta aan loo gudbin qeebtii dambe ee ciyaarta City aya alaga dhaliyey goolkii labaad ee ciyaarta waxaana ka dhaliyey markale gool rikoore ah xidiga lagu magacaabo Bentaleb.

Qeebtii koowaad ee ciyarta ayaa sida lagu kala Maray , waxaana dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyarta waxaa calaamada casaanka loo taagay daafaca kooxda City ee Otamendi.

City ayaa waqti dambe heshay goolka bareejada waxaana u dhaliyey Sane oo gool la dhaliyey kooxdiisii hore .

Waqtigii dhimashada ee ciyarta City ayaa heshay goosha guusha ee ciyarta waxaana u dhaliyey Sterling, guy dambeen ciyarta yabaa oh idlaatau 3-2 oo ay guushu ku raacday City.

_105727080_b8d9243d-b57a-4fce-9e46-4319d4e382fbHAWEENKA SUUDAAN OO U TASHADAY 'RAGGA XAASASKOODA KHIYAANA'

Taxanaha warqadaha ka yimaada weriyeyaasha Afrika ee loo soo diro BBC-da qaybta Luqadda Ingiriiska, ayaa Zeinab Mohammed Salih waxay ku eegeysaa sida haweenka dalka Suudaan ay u isticmaalaan qol ay ku leeyihiin Facebook-gga oo ay kaga hadlaan arrimaha ku saabsan jaceylka iyo si ay usoo bandhigaan tacaddiyada la sheegay inay la kulmeen inta ay socdaan dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo.

Tiro haween ah oo aan la cayimin ayaa waddooyinka uga qayb qaata dibadbaxyada dalka Suudaan ka socda ee billowday bartamihii bishii December.

Iyadoo ay jiraan in ciidammada ammaanka ay dhibaatooyin u geystaan dibadbaxayaasha, iyo warar sheegaya in tacaddiyo jinsiyadeed ay ka dhacaan bannaan baxyadaasi, haddana haweenkaasi marna kama baaqdaan dibad baxyada.

In ka badan 50 qof ayaa loo maleynayaa inay ku dhinteen gacanta laamaha ammaanka, kuwo badan ayaana sidoo kale la jirdilay, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Meelaha qaar haweenka dibad baxaya waa boqolkiiba 70% , iyagoo ka hor yimid shuruucda dalkaasi looga dhaqmo diinta Islaamka.

Waxay dhammaantood xirtaan xijaab sida waafaqsan shuruucda dalka Suudaan, waxaa dhacda in la ciqaabo haddii ay xirtaan dhar uu ka mid yahay surwaalka.

Sakiin ayaa timaha looga xiiray

Balse haweeney 23-sano-jir ah oo jaamacad ka baxday ayaa iiga warrantay sida xijaabka looga feyday mar ay 31-kii January laamaha ammaanka ka soo qabteen dibadbax ka socday Khartoum.

"Waxay timahayga dhan iigaga xiireen sakiin waxayna iigu hanjabeen inay I kufsan doonaan xilli aan ku dhex jiray gaarigooda," ayay tiri Jode Tariq.

Gabar kale oo 24-sano-jir ah ayay Khartoum ku qabsatay dhacdo taas la mid ah horraantii bishii January.

"Waxay aniga iyo haweeney kaleba naga jareen timaha mar aan ku sugneyn meel aan la garaneyn oo dadka lagu xiro," Afraa Turky ayaa sidaasi tir.

Haweenka weriyeyaasha ah, Shamael al-Nnoor iyo Durra Gambo, oo labadooda loo xiray sababo la xiriira inay tebiyeen dibadbaxyadii bishii la soo dhaafay, ayaa sheegay in haweenka dhalinyarada ah qaarkood ee ay la kulmeen intii ay xabsiga ku jireen ay u sheegeen in tacaddi jinsiyeed ay u geysteen laamaha ammaanka.

Haween kale oo badan oo xabsiga loo taxaabay ayaan wax war ah laga hayn tan iyo intii la xiray.

Shuruucda Sudan ee bulshada

Sharcigu waa Qodobka 152 ee dembiyada wuxuuna ku saabsan yahay "ficillada aan habbooneyn" ee bulshada dhexdeeda

Waxaa ka mid ah xirashada "labis aan habbooneyn" amaba "amaba wax u dhimaya dareenka bulshada"

Haweenku waa inay xijaab xirtaan mana xiran karaan surwaal

Inta u dhaxeysa 40,000 ilaa 50,000 oo haween ah ayaa waxaa sanad walba xira oo garaaca booliiska dhowra sharciga dadweynaha sababo la xiriira dharka ay xirteen

Haweenka ayaa waxaa sidoo kale qabanaya qodobkan haddii lagu arko iyagoo nin la socda

Dadku waxay sidoo kale ciqaab ku mudanayaan haddii lagu arko iyagoo cabaya aalkolo sida khamriga

Balse haweenka ayaa ka gilgilanaya tacaddiyadaas la sheegay iyagoo isticmaalaya qol ay haween keliya ku jiraan oo ay ka aasaaseen barta Facebook, kaas oo la sameeyay saddex sano kahor si ay iskula wadaagaan oo ay bannaanka u soo dhigaan ragga xaasaskooda khiyaama.

Waaxda awoodda badan ee Sirdoonka Qaranka iyo Ammaanka ee Suudaan (NISS), ayaa ka dambeysa tacaddiyada ka dhaca dibadbaxyada ka bilowday magaalada bariga dalkaasi ku taalla ee Atbara ee markii hore looga cabanayay qiimaha rootiga ee sare u kacay.

Haatan sawirro laga soo qaaday dibadbaxyada oo ay ka muuqdaan rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin waaxda NISS ayaa lagu wadaagay qolka, oo lagu magacaabo Minbar-Shat, taas oo micnaheedu yahay "Jaceyl Xad-dhaaf ah".

Haddii qof uu garto amaba wax ku saabsan uu og yahay - waxay kuwa kale la wadaagaan xogtooda, mararka qaar xitaa magacyadooda, meelaha ay deggan yihiin iyo nambarradooda. Tani waxay horseedday in qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay guryaha ku calaameeyaan qoraal ay ku sheegayaan inuu ku nool yahay qof ka tirsan NISS.

'Ha i soo eegin'

Xukuumadda Suudaan ayaa isku dayday inay baraha bulshada ka xirto dalkaasi, balse haweenka ayaa ka hortagay arrintaasi iyagoo isticmaalaya qaab aan lagu ogaan karin halka ay ku sugan yihiin.

Dibadbaxayaasha ka careysan qiimaha maciishadda ee sare u kacay ayaa doonaya inuu madaxweyne Bashir xilka ka dego

Ragga ka tirsan NISS ayaa bilaabay inay wajiga soo xirtaan si aan loo garan.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ii sheegay in marka la xiray lagu qasbay inay hoos eegaan muddo saacado ah.

Mid ka mid ah ayaa tiri, "Madaxa ayaa ul la iiga garaacay sababtoo ah si kedis ah ayaan kor u eegay wuxuuna igu yiri, 'Ma waxaad dooneysaa inaad sawirradeyda u dirto Minbar-Shat? Ha i soo eegin.'"

Dibadbaxayaasha ayaa qudhooda wajiga xirta sababo kala duwan awgood.

Waxay ka soo iibsadaan farmashiyeyaasha si ay isaga difaacaan urta qurmoo ee sunta dadka ka ilmeysiisa ee loo adeegsado inta ay socdaan dibadbaxyada.

Minbar-Shat ayaa hadda qoraallo ku soo qorta bogga Facebook-gga ee Toyota, iyagoo shirkadda ku wargelinaya in gawaaridooda ay xubnaha NISS u adeegsadaan inay dadka ku soo xirxiraan mararka qaarna ay dardarsiiyaan dibadbaxayaasha.

Suudaan aad ayay ugu liidataa dhanka xuquuqda haweenka, hay`adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidammada ammaanka ay inta badan tacaddiyo jinsiyeed u adeegsadaan haweenka si ay u aamusiiyaan.

Dibadbaxayaal badan ayaa sidoo kale wajiga xirta si ay isaga difaacaan gaaska dadka ka ilmeysiiya

Toban maalmood kahor, koox haween ah ayaa waxaa xero barakac oo ku taalla waqooyiga Darfur ku kufsaday maleeshiyo dowladda ka tirsan, xeradaas oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in kufsiga loo adeegsado hub ahaan intii uu socdan dagaalkii bilowday 13 sano kahor, si loogu dalbado xuquuqda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee qowmiyadaha gobolka ku nool.

Madaxweyne Bashir, oo toddobaadkii hore u khudbeynayay dibadbaxayaasha, ayaa xukumayay Sudan ku dhowaad 30 sano

Arrinta xiisaha leh ayaa ah, in madaxweyne Omar al-Bashir, oo xukun adag ku hoggaaminayay dalkaasi tan iyo intii uu afgembiga ku qabsaday sanadkii 1989, ayaa jilciyay luqaddiisa shurcuuda dadweynaha.

75-sano-jirkan ayaa dhaqan-gelinta shuruucdaas u arka inay sababeen dibadbaxyada, wuxuuna sheegay in laga badbadiyay.

Tani waxay khilaafsan tahay hadalkiisii uu sanadkii 2010-kii ku difaacay sharcigaas, kaddib markii baraha bulshada aad loogu wadaagay muuqaal muujinaya haweeney qeylineysa oo la garaacayo iyaodo loo haystay inay surwaal xiratay.

Ms Tariq iyo Ms Turky, oo ay labadoodaba bishii hore timaha ka jareen laamaha ammaanka, ayaa ku adkeysanaya inaysan joojin doonin dibadbaxyada ilaa uu madaxweyne Bashiir xilka ka dego.

TACSI TIIRAANYO LEH

Bahda Saxaafadda Soomaaliyed oo kaa ah:-Muuse Maxamed Cismaan {M/Kiimi ko},C/laahi Max amed Cumar {Mcjis}, Ma xamuud Xasan Axmed {Xuurshe},Sh. Cali Cumar Maxamuud {Caliy oow},Jabriil Max amuud Nuur{Jabra} ,Cismaan Xuseen Ax med {Waryeel}, Maxamuud Maxamed Nuureey {Jimcaale} Aweys Xuseen Xasan {A.Shiino},C/hi. M .Salaad {Dall e},Aweys Foodeey Nuur ,C/fit aax Maxam ed Salaad {Diyeeshe}, Nuur Maxamed Nu ur {N.Qam adi}, Macaallin Xasan,Cabdi Aadan Guul eed, Maxamed Ibraahin Bakistaan, Xasan Cali Geeseey, Yaaquub C/hi Guure. C/dir C/lle Nuur {Qalbi Dahab}, Xuseen Cabdi Calasow, Qaasin C/lle Neero,Cali Muxud diin Cali, C/dir M. Calasoow {Calas}, Max amed Cali {Madka},Cis/ciil.C. Madoobe, Falastiin Axmed Xaaji, Farxiyo Cali Qaajo, Malyun Sh.Xeydar, Aamino Ladan Axm ed, Leyla Cadceed Cismaan, Khadiijo Ca bdi Maxmed,Yuusuf Cali Cabdi, Maxam uud Xasan Cumar {Adduunyo} ,Amiin Yuu suf Qasaaro, Axmed Maxam uud Dhic isoow, C/hi Maxamed Xasan Black, dhammaan Bahada Saxaadadda iyo madaxda Urur weynaha Saxaafadda Soomaaliyeed ee NUSOJ Waxaay Tacsi u dirayaan Ma amada Saxaafada Soomaaliyeed Marwo Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto} iyo wala alaheed iyagoo ugu tacsiyadeynaya Geeridii ku timid Walaasheed RUQIYO AXMED JIMCAALE ku Geeriyootay Habeen Demada kaaraan ee M/Muqdisho waxaaya alle ugu barayayaan inuu ka samir siiyo qoyska iyo qaraabada marxuummadda jannaada fardowaso ka waraabiyo         Aamiin aamiin aamiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip