HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA TALAADO 19-KA FEBARAAYO 2019-KA

0
Tuesday February 19, 2019 - 09:58:32 in Wararka by
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA TALAADO 19-KA FEBARAAYO 2019-KA

    KENYA OO SADDEX QODOB KU XIRTAY XALINTA KHILAAFKA KALA DHAXEEYA SOOMAALIYA Dowladda Kenaya ayaa lagu waramayaa in ilaa saddex qodob ku xirtay marka hore in ay dowladda Soomaaliya fuliso si xal looga gaaro khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KENYA OO SADDEX QODOB KU XIRTAY XALINTA KHILAAFKA KALA DHAXEEYA SOOMAALIYA Dowladda Kenaya ayaa lagu waramayaa in ilaa saddex qodob ku xirtay marka hore in ay dowladda Soomaaliya fuliso si xal looga gaaro khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhaxgalay. Qodobka Koowaad : Ayeey Kenya ku sheegtay in dowladda Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarto qariirada qeybaha xudduud baddeedkeeda ka mid ah ee lagu soo bandhiga shirkii 7dii Feberaayo ka dhacay magaalada London ee lagu soo bandhiga sahminta shidaalka Soomaaliya. Qodobka Labaad : Ayaa in ah in dowladda Soomaaliya ku wargaliso dhamaanba shirkaddaha ku howlan baayicida xirmooyinka la soo bandhigay in Soomaaliya dhulkaasi laheyn. Qodobka Saddexaad : Ayaa ah in dowladda Kenya ka dooneyso Soomaaliya in wada xaajood ka galaan arinta ku saabsan muranka xudduud baddeedka ee u dhaxeeya labada dowladdood iyada oo meel leyska dhigayo dacwadda hadda hortaala maxkamadda cadaallada dunida ee ICJ. Kenya ayaa ka dooneyso Soomaaliya in ay fuliso dhamaaba sharuudahan ku xiran wada hadal lagu dhameeyo khilaafka jira, kaddib markii maalintii daraad dowladda Soomaaliya dhankeeda si taxadar leh uga hadashay muranka soo cusboonaday ee kala dhaxeeya Kenya. Qoddobka ku saabsan in wada hadal laga galo arintan badda iyada oo laga talaabayo maxkamada ICJ, ayaa u muuqda mid adag, madaama marar badan oo hore dowladda Soomaaliya ku celcelisay in ay ku qanci doonto go'aanka ka soo baxa maxkamadda wixii intaa ka horeeyana aan laga wada hadli karin khilaafka arintan ku saabsan. Soomaaliya waxaa ay sheegtay in marnaba aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin dhuleed, qorshahana ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin gaaska ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go'aan ka gaareyso. Sabtidii ayuu murankan soo baxay, markii Kenya ay go'aansatay in ay xiriirka diploimaasiyadeed u jarto Soomaaliya.

XILDHIBAAN ZAKARIYE "TALLAABOOYIN FICIL AH KAMA MUUQDO QORAALKIII DOWLADDA, WAXAY AHEYD JAWAAB ADAG…”

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Federa alka ayaa saluugay jawaabtii dowladda Soomaaliya ka bixisay eedeyntii dowladda Kenya iyo tallaabadii ay qaaday ee ay Sa fiirkeeda ugu yeeratay, kuna amartay Saf iirkii Soomaaliya inuu dalkiisa ku laabto.

Wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho ayuu ku sheegay inay ka sugayeen dowladda jawaab xoog badan oo u dhiganta wixii ay kenya sameyso oo kale inay dowladdu sameyso.

"Aniga ma arkin qoraalka waxaa leygu yiri tallaabooyin ficil ah kama muuqdo, waxay aheyd tallaabooyinka ay qaaday Kenya oo kale inay qaado aheyd, mar haddii dow lad weerar tahay, in la difaaco dalka oo diblomaasiyad xoogan lagu difaaco waaye, Kenya wax qaldan ayay sameys ay, Baddeena ayay nagu qabsatay si ad ag in loogu jawaabo ayaa qabaa”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay soo ceyrisay Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi, isla markaana jawaabta dowladda Soomaaliya ay aheyd inay noqoto mid u dhiganta tallaabadii Kenya ay qaaday.

"Kenya si diblomaasiyad uma dhaqmin, markii ay safiirkaaga soo ceyrisay, amxaa adiga u bartooyameysaa, tan waxay aheyd inay Soomaali oo dhan ku midowdo”ayuu si kulul u yiri Avv. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Dowladda Soomaaliya ayaa si degenaan oo diblomaasiyad ku jirtay ugu jawaabtay dowladda Kenya, iyadoo qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya lagu sheegay inay aad uga xuntahay tallaabada ay qaaday Kenya.

JAMAACADDAHA KU YAALLA SOMALILAND OO AMAR LAGU SOO ROGAY

Guddiga tacliinta sare ee maamulka Somaliland ayaa digniin u diray jaamacadaha ka shaqeeya guud ahaan degaanada maamulka Somaliland.

War kasoo baxay guddida tacliinta sare ee somaliland ayaa lagu soo bandhigay shuruudo laga rabo inay fuliyaan jaamacadaha iyo kuliyadaha waxbarasho shuruudahaas oo u dhignaa sidan:

Waxa la farayaa dhamaan masuuliyiinta maamula jaamacadaha iyo kuliyadaha tac liinta in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawac keeni kara, waajibaadka qarank ana meel looga soo wada jeesto. Dhama an jaamacadaha iyo kuliyadaha ay dhiga nayeen ardayda magacyadooda la soo gudbiyo guddiga. Waxa la farayaa in jaamacad kastaaba ay ku talaabsato inay fuliso talaabooyinka guddid saareen.

Komishanku waxa uu farayaa hay’addaha ku hawlan bixinta tacliinta sare inaanay bilaabi waxbarasho oo cusub ilaa komish anku ansixiyo isla markaana uu ogaado In uu dalka anfa uu dhigayo qodobka 4aad ee adeegsiga xeerka.In loo ogolaado kuliy ada caafimaadka qof sita Grade D halka aan jaamacadaha laga ogoleynGrade E.

R.W KUXIGEENKA DALKA OO LA KULMAY WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA IYO MAALIYADDA EE SACUUDIGA 

Ra’iisul Wasaree kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha, xoghayaha jogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa shalay magaalada Riyaad kula kulmay qaar kamid ah wasiirrada Boqortooyada dalka Sucuudi Carabiya oo Bahwadaag ganacsi iyo dhaqaale la ah Soomaaliya.

Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee kulamada uu la qaatay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo kala ah wasiirka arrimaha dibada, wasiir kuxigeenka maaliyada iyo sii hayaha wasiirka ganacsiga, iyo kuxigeenka madaxa Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga, ayay ka doodeen xariirka isku tolan ee labada dawladood.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sucuudiga, Dr. Ibrahim bin Abdul Aziz AlAssaf, kala hadlay isbedelka ballaaran ee ka socda dalka iyo xoojinta xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka iyo wasiirrada kale ayaa kuxigeenka wasiirka maaliyadda ee sucuudiga, Dr. Hamad bin Suleiman AlBazai kala hadlay qorshaha dibuqaabaynta dhaqaale ee Soomaaliy a, iyaga oo sidoo kale kusimaha wasiirka ganacsiga kala hadlay adkaynta xariirka ganacsi ee taariikhiga ah ee Sucuudiga iyo Soomaaliya. Himilooyinka tubta hour marinta dhaqaal aha ayaa waxaa qayb in la abuuro jawi ganacsiga ku wanaagsan gaar ahaan dhanka maalgashiga, Dhiirri gelinta ganacsida iyo maalgelinta.

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE DALKA OO SHIR UGA QEYB GALAYA MASAR

M/Qaahira ee Dalka Masar waxaa ka soc da oo2 Maalin socda galay shirka heerk a sare ee guddoomiyeyaasha Maxkamada ha sare,maxkamadaha iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa hannaan hufnaanta xukunka Maxkamadeedka iyo isdhaafsiga waayo aragnimada Garsoorayaasha Afrika,waxaana sidoo kale shirkan lagu soo bandhigi doonaa sharaxaad ku saabsan waxyaabaha ku jira go’aanka maxkamadaha dastuuriga ah ee Afrika.

Shirkan ayaa Soomaaliya waxaa ugu qeyb galaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

"Waxaan magaalada Qaahira kaga qaybgalay shirka heerka sare ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare, Maxkamaddaha iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika oo ay sanadkii saddexaad oo xidhiidh ah Dawlada Masar martigalisay,” ayuu ku yiri qoraal kooban oo Guddoomiyaha ku soo qoray Bartiisa Facebooka.

Shirka oo furmay sabtidii,ayaa waxaa ka soo qeyb galay ra”iisal wasaaraha Masar Mostafa Madbouli, Guddoomiyaha Maxka mada Dastuuriga Masar Hanafi Ali alGebali,wasiirka Socdaalka Nabila Makram iyo wasiirka korontada Maxamed Shaker.

Dowladda Masar ayaa sanadkii saddexa ad oo xiriir ah martigelineysa shirkan, wax ayna muhiimadu tahay sidii iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda u dhexmari lahayd Garsoorayaasha dalalka Afrika,iyadoo la soo gaba gabeyn doono shirka maalinta berito ah.

SIDA MADAXWEYNE FARMAAJO LOOGU SOO DHAWEEYAY BURUNDI

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaa minayo ayaa gaaray dalka Burundi, wax aana garoonka diyaaradaha Bujumbuura ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Md. Pierre Nkurunziza.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xas ilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Mad axweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafogurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo da naha ay wadaagaan waxa ay la yeelan do onaan dhiggooda dalka Burundi.

DS waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabada ha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowladdhiska.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO DAAHFURAY DHISMAHA WADOOYINKA ISKU XIRA MUQDISHO,JOWHAR IYO AFGOOYE.

Ra’iisal wasaaraha XFS Xasan Cali Khe yre ayaa shalay daah furay bilaa basha da mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar.

DF/Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhism aha waddooyinkan ayaa kala saxiixday he shiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadoo yinkan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soom aaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa goobjoog ka ahaa madasha heshiiska lagu kala saxiixday heshiiskan.

Dowlada Qadar ayaa maalgelineysa dhis maha wadooyinkan isku xira magaalooy inka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle.

Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay mu hiim u yihiin isku socodka gaadiidka dad weynaha iyo kuwa xamuulka qaada kuwa asi oo dhibaato weyn ku qabay burburka wadada

SOOMAALILAND OO U JAWAABTAY PUNTLAND

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhawaan sheegay inay Miisaaniyad gaar ah u sameyn doonaan xureynta Gobolada Sool iyo Sanaag oo deegaano ka mid ah ay Gacanta ku heyso Soomaaliland

Hayeeshee waxaa hadalkaas jawaab ka bixiyay,isla markaana wax laga xumaado ku tilmaamay mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Puntland,iyaga oo qaarkood sheegay inay iska difaacayaan cid kasta oo kusoo xad gudubta deegaanadooda.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay inay maqleen hadalkaas,isla markaana Soomaaliland ay diyaar u tahay inay difaacato deegaanadeeda,isla markaana Shacab iyo mas’uuliyiina ay diyaar u yihiin.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Soomaalil and ay marwalba sida ay doonto ka yeel aneyso deegaanada Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay maamulaan,waxaana uu sheegay in Ummadu ay u baahan tahay nabad iyo wada noolaasho laakin aan xab ad la isugu hanjabi karin.

GANACSATADA QAADKA EE KENYA OO KU HANJABAY INAY SOOMAALIYA KA JOOJIY ANA YAAN QAADKA

Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa ku hanjabay inay joojinayaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii uu sii xumaado xiriirka labada dal.Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee dal ka Kenya Kimathi Munjuri ayaa sheegay inay joojin doonaan Qaadka ay keenaan Soomaaliya, isagoo xusay in mar walba Soomaaliya ku hanjabto joojinta Qaadka, balse ay iyaga ka dhabeynayaan.

"Ma u dulqaadan doono in mar walba Soo maaliya noogu hanjabto joojinta Qaadka, anaga ayaa ka dhabeyn doono, marnaba Qaad kuma iibsan doono madax banana ida dalkeena”ayuu yiri Afhayeenka Gana csatada Qaadka ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhaqaale fara badan ka sameysa Qaadka ay u soo dh oofiso Soomaaliya, waxaa la sheegay in bishii ay ka soo gasho boqol milyan lac agta Kenya.

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa cirka isku shareeray, mar kii dowladda Kenya ay u yeeratay Safiirk eedii u fadhiyay Muqdisho, kana dalbatay Safiirka Soomaaliya inuu dalkiisa dib ugu laabto.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO MAGA CAABAY MAS’UULIYIIN CUSUB

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay oo Isniin ah Magacaabay Gudo omiyaha Cusub ee Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha iyo ku xigeenadiisa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxw eynaha Jubaland ayaa guddoomiyaha Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha loogu Magacaabay Siyaad Ibraahim Maxam ed,ku xigeenkiisa 1aad Ayaan Isaaq Xu seen,ku xigeenkiisa 2aad Yoonis Cali She egow halka ku xigeenka 3aad loo Magaca abay Cabdullaahi Xasan Kulmiye.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay sababta keentay in xilligaan la Magaca abo Gudoomiyaha Cusub ee Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha iyo ku xigee nadiisa.

XISBIGA WADAJIR OO WAR KA SOO SAARAY KHILAAFKA SIYAASADEED EE SOMALIA IYO KENYA [AKHRISO]

https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/02/20190218_115607-709x1024.jpgXisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa war saxaaf adeed ka soo saaray khilaafka diblomaasi yadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Xisbiga uu taageeray mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka.

Xisbiga ayaa sheegay inuu ku garab taa gan yahay dowladda Soomaaliya ilaalinta wadajirka, midnimada xuduudaha dhulka iyo madax banaanida Qaranka Soomaa liya, waxaana Xisbiga taageersan yahay xaqnimada dacwada ay dowladda Soo maaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaal adda Adduunka. Sidoo kale Xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda Kenya ilaalinta deris wanaaga, adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo xo ojinta iskaashiga 2da dal. Warsaxaaf ade edka Xisbiga Wadajir:

XASAN SHEEKH OO KA HADLAY MURANKA DIBLOMAASIYADEED EE SOOMAALIYA IYO KENYA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxam uud ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisadda diblomaasiya deed ee soo kala dhex gashay Soomaali ya iyo Kenya, kaddib markii Kenya u yee ratay Safiirkeeda, kuna wargelisay Safiirkii Soomaaliya inuu dalkiisa ku laabto.

Xasan Sheekh oo ah hoggaamiyaha Xis biga UPD ayaa soo dhoweynayay mowq ifka DF/Soomaal iya ee ka jawaabida ca bashada Kenya, isagoo adkeeyay in Soo maaliya xaq u leedahay gacan ku heynta, ka talinta iyo go’aan ka gaarista sugna anta xududaheeda iyo kheyradka ku jira.

"Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay weli sugayaan in sharaxaad dhameystiran oo ay ku qancaan laga siiyo xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimaha Sahminta shidaalka waxaan XF/Soomaaliya usoo jeedinayaa in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xaraashkii London 7dii Feb ka dhacay ee shidaalka ku duugan bad daha dalkeena”ayuu ku yiri Xasan Sheekh qoraal bartiisa Facebook la soo geliyay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la muujiyo siyaas ad ku saleysan deris wanaag, nabad iyo xasillooni ku noolaasho dalalka deriska ah, iyadoo la eegayo xiriirka dhaqan iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya shacabka Ken ya iyo Soomaaliya

"Waxaan ku baaqayaa in xaaladda diblomaasiyadeed ee hadda taagan la dejiyo, lagana warsugo Maxkamadda Caa lamiga ee dacwadu hortaallo”ayuu yiri Xasan Sheekh. Dowladdii uu hoggaam inayay Xasan Sheekh ayaa lagu xusuu staa dadaalkii ay gelisay dacwada taalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ, isla markaana Soomaaliya guulo ka gaartay go’aanadii Maxkamadda ka soo baxay horaantii sanadkii 2017.

BOGGA CAYAARAHA

WASAARADA DHALINYARADA IYO ISBOORTIGA HIRSHABELLE OO BILOWDAY HORUMARINTA CIYAARTA KUBBADA KOLAYGA

Wasaarada Dhalinyarada iyo isboortiga Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka bilowday magaalada Jowhar barnaamij lagu horumarinayo ciyaarta kubbada kolayga oo dib u dhac weyn ku yimid sanadihii la soo dhaafay.Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Hirshabelle C/qani Cabdulahi Hilowle ayaa shalay ka qeybgalay howl lagu nadiifinayay garoonka kubbada koleyga ee gobolka magaalada Jowhar oo sanadihii la soo dhaafay aan lagu ciyaarin ciyaarta kubbada kolayga.

Howlaha nadiifinta ah ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Jowhar iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen labo kamid ah ciyaartoydii caanka ku ahayd ciyaarta kubbada kolayga una ciyaari jirey xulka kubbada kolayga gobolka Sh/dhexe.

Siciid Xagar Camalow iyo Yuusuf Ibraahim "Yuusuf Dheere”oo kamid ahaa ciyaartoydii siddeetameeyadii u ciyaari jirtey xulka kubbada kolayga Sh/dhexe ayaa ka sheekeeyay taariiqdii hore ee kubbada kolayga gobolka Sh/dhexe.

"Xulka kubbada kolayga wiilasha Sh/dhexe waxay labo jeer galeen kaalinta 2aad ee tartanka ciyaaraha gobolada halka xulka gabdhahana ay siddeed jeer ku guuleysteen kaalinta 1aad tartanka ciyaaraha gobolada.”ayuu yiri Siciid Xagar Camalow.

"Gobolka Sh/dhexe waxa uu ahaa gobolka kaliya marka laga reebo caasimada dalka ee Muqdisho ee ay ka dhisneyd koox kubbada kolayga heer koowaad ah ama Seria A,waxayna ahayd kooxdii Somalitex ee warshada dharka Balcad oo markii dambe loo bixiyay kooxda Sancada.”ayuu yiri Yuusuf Dheere.

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Dowlad Goboleedka Hirshabelle C/qani Cabdulahi Hilowle oo laftiisu ka mid ahaa ciyaartoydii hore u ciyaari jirtey kubbada kolayga ayaa sheegay in Dowlad goboleedka Hirshabelle ay bilowday barnaamij loogu magac daray "HORUMARINTA HIRSHABELLE” taasoo ah mid lagu doonayo in lagu hormariyo deegaanada ay ka kooban tahay Hirshabelle."Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Hirshabelle waxa ay qorsheynaysaa in ay dayactirto garoomada ciyaaraha kala duwan maadaama isboortigu uu yahay mid bulshada u horseeda horumarka.”ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Hirshabelle C/qani Cabdulahi Hilowle.

Garoonka Kubbada Kolayga gobolka ee magaalada Jowhar oo shalay howlaha nadiifinta laga same eyay ayaa ah garoonka kaliya ee ka badbaaday burburkii dowladii hore iyadoo illaa siddeed garoon ay hore uga dhisnaayeen magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

garoonka kubbada kolayga magaalada jowhar

WAX WALBA KA OGOW KULANKA CHELSEA VS MAN UTD

Xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah, Manchester United ayaa Chelsea ku arkeysa FA Cup – iyadoo United ay rajeyneyso inay ka aarsato Bules guul darradii sanadkii hore ay ku garasiisay garoonka Wembley.

Isku aadka wareegga shanaad ee tartanka FA Cup ayaa imaanaya kadib markii labada koox sanadkii 2018 ay isku arken Filanka tartankaan, markaasoo Chelsea 10 ku badisay.

Ole Gunnar Solskjaer waa bilaa guuldarro aan tartamada maxaliga ah ee Ingiriiska tan iyo markii uu la wareegay shaqada, laakiin kow iyo toban kulan kadib, United ayaa 20 looga badiyay kulankii Paris SaintGermain ee isbuucii hore kulan ay ku dhaawacmeen Jesse Lingard iyo Anthony Martial.

Lingard ayaa daqiiqadii 45aad ee ciyaartaas ka baxay garoonka, halka Martial isna dhaawac uu ku baxay qeybta labaad ee ciyaarta.

Solskjaer ma ahan mid aad uwanaagsan niyad ahaan marka uu usafrayo xalay Stamford Bridge, waxaana taageerayaasha ay ka warsugi doonaan magacyada bedeli kara labada xiddig ee muhiimka u ah kooxda.

Ogeysiiska ciyaarta

Garoonka: Stamford Bridge

Saacada: 10:30 PM

Maxaa ka cusub ee Chelsea?

> Kooxda Sarri aad ayey u yartahay in isbadal badan lagu sameeyo xalay, iyadoo Kaliya 5 isbeddel uu sameeyay tababaraha kulankii kooxdiisa u safartay Sweden.

> Goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa kusoo bilowday 35 ka mid ah 41 kulan oo Chelsea ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, laakiin waxaa la filayaa inuu keydka galo, maadaama Willy Caballero uu yahay dooqa koowaad ee taranka FA Cup.

> Dhanka Andreas Christensen iyo Emerson ayaa labadoodaba waxay heleen fursad kulankii ugu dambeeyay ee Malmö, laakiin waxay u badan taahay in dib loogu celiyo keydka.

> Si kastaba ha ahaatee, Antonio Rüdiger iyo Marcos Alonso ayaa ku soo laaban doona Safka koowaad kadib markii looga tagay London kulankii ugu dambeeyay.

Maxaa Ka Cusub United?

> Lindelöf iyo Bailly ayaa noqon kara markale xulashada daafaca dhaxe ee kulanka xalay.> Nemanja Matić aya ah ciyaaaryahanka kaliya oo ay wadaageen labada koox ee damaand qaadka u heysta inuu kusoo bilowdo kulankaan dhanka United.

> Waxaa la xaqiijiyay Jimcadii in Jesse Lingard iyo Anthony Martial ay maqnaan doonaan ilaa 3 isbuuc sabab la xiriirta dhaawac.

> Inkastoo qaab ciyaareed aad u xun uu sameeyay kulankii PSG, Alexis Sánchez ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo kulanka xalay.

> Taasi micnaheedu wuxuu yahay in midkood Juan Mata ama Romelu Lukaku la heli karo safaka Stamford Bridge.

MAXAA KAJIRA IN NEYMAR LA XIRIIRO BARCELONA?

Aabaha Neymar ayaa beeniyay warar sheegaya in wiilkiisa uu xiriir la sameeyay kooxdiisii ​​hore ee Barcelona si uu ugu laabto garoonka Camp Nou.

Neymar ayaa haatan ku maqan dhaawac jilibka ah kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii kooxdiisa wajahday Strasbourg bishii lasoo dhaafay.27 jirkaan reer Brazil ayaa dhaliyay 13 gool, isagoo caawiyay 6 kale horyaalka Ligue 1, waxaana uu 5 gool ka dhaliyay tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Neymar, oo saxiib dhaw la ah Lionel Messi iyo Luis Suarez, ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda kubada cagta markii uu ku biirayay PSG.

Waayihiisii Camp Nou waxa uu dhaliyay 105 gool, isagoo 59 caawinaad u sameeyay tartamada oo dhan 4 xilli ciyaareed oo uu kusugnaa Barcelona.

ARSENE WENGER: WAA GUULDARRO IN ARSENAL FASAXDAY AARON RAMSEY

Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa ka hadlay markii ugu horeysay u wareegista Aaron Ramsey kooxda Juventus, isagoo sheegay inay taas guuldarro weyn u tahay Gunners.

Wuxuu sheegay in ay adag tahay in la helo waqtigaan ciyaaryahan qadka dhexe ka ciyaari kara oo awood u leh maamulka kubadaha.

Wenger ayaa ka hadlay arintaan wuxuu markasta u arkayaa mid ay ku qaldan yihiin mamaulka Arsenal inay sameeyaan.

Ramsey ayaa ku dhawaaqay inuu go’aansaday u dhaqaaqista kooxda ka dhisan Turin isbuucii hore, isagoo sheegay inuu hore ula saxiixday heshiis uu ugu biirayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Wales ayaa u sheegay saxaafada, "Sida aad hore u maqasheen, waxaan ogolaaday heshiis horudhac ah oo aan ugu biirayo kooxda kubada cagta Juventus, waxaan doonayaa in aan soo afjaro muddo 11 sanno ah oo aan kusugnaa Arsenal.

"Waad ku mahadsantihiin, waxaan sii wadi doonaa taageerada100% ah oo ana siinayo kooxda, waxaan rajeynayaa inaan dhameysto xilli ciyaareedkaan kadibna aan tago Turin” ayuu sii raaciyay

MARWADA RA’IISAL WASAARAHA ITOOBIYA ABIYI AXMED OO JIGJIGA KA DHAGAX DHIGTAY DUGSI SARE

xaaska abiya axmedWaxaa shalay caasimadda DDS ee Jigjiga booqasho ku timid Zinash Tayajaw oo ah xaaska Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiyi Axmed.

Zinash Tayajaw ayaa markii ay kasoo degtay garoonka diyaara daha ee Jigjiga ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madax waynaha DDS Mustafe Muxumed.

Haddaba intaa kaddib ayaa xaaska Ra’iisal wasaaraha Ito obiya waxay dhagax dhigtay Dugsi sare oo dhawaan Jigjiga laga dhisayo looguna magac daray "Camaje Yogol”. oo ahaa abwaan Soomaaliyeed oo degaanka u dhashay.

Xaaska Ra’iisal Abiya ayaa sidoo kale soo booqatay goobta ay kasocoto bandhiga carwada loogu talagalay xuska maga alooyinka oo maraya maalintiisii 3aad.

Dadka degaanka u dhashay ayaa guul ku tilmaamay arrintan shalay lagu dhagax dhigayo dugsigan, waxayna noqonaysaa tallaabo wanaagsan oo dhanka waxbarashada loo qaaday, iyadoo dawladda fadaraalka Itoobiya ay soo jiidatay qaabkii uu degaanka Soomaalidu isugu hawlay sidii degaanka looga hirgalin lahaa isbadal dhinac kasta ah, waana mida keentay in lagu qabto xuska magaalooyinka dalka.

WASIIRKA WAXBARASHADA SOOMAALIYA OO GAARAY KOONFUR AFRIKA IYO UJEEDKA OO LA SHAACIYAY

Wasiirka waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Jaamacada Ummada Prf Axmed Jimcaale ayaa waxaa magaalada Cape Town kusoo dhaweeyay madaxda Safaarada iyo Xubno ka socday Jaaliyada Soomaalida ee magaalada Cape Town.

Socdaalka Wasiirka oo ah martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalka Koonfur Africa ayaa waxaa inta uu joogo la qaadan doono kulamo Wasaarada waxbarashada sare iyo tababarada kuwaa oo looga hadlayo dhameystirka heshiis is afgarad ahaa oo u dhaxeeyay labada wasaaradood iyo sidii loo xoojin lahaa xariirka waxbarashada ee labada wadan.

Waxaa sido kale wasiirka iyo wafdiga la socda ay booqon doonaan qaar ka mid ah Jaamacadaha ugu waa weyn ee dalkaan Koonfur Africa ee ku kala yaala magaalooyinka Cape Town,Johannesburg,iyo magaalada Pretoria ee caasimada Dalka Koonfur Africa,

Wasiirka ayaa sido kale kulamo la qaadan doona jaaliyada Soomaalida ee magaalooyinka Johannesburg iyo magaalada Cape Town.

xisbiga ileys oo uu hoggaamiyo mdXISBIGA ILAYS OO TAAGEERAY MOWQIFKA AY DFS KA QAADATAY GO’AANKII DOWLADA KENYA

Xisbisiyaasadeedka ILAYS ee uu hoggaamiyo Siyaasiga Xildhi baan C/qaadir Cosoble Cali waxay shalay Warsaxaafadeed ka soo saaray Khilaafka diplomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Somalia iyo Kenya

Xisbiga Ilays waxay taageereen Mowqifka caqligalka ah ee ay DFS ka qaadatay Khilaafka Diplomaasiyadeed ee muranka dhaliyey.

Xisbiga ILAYS waxay kaloo soo dhaweeyeen, isla markaana taageereen Diplomaasiyadda iyo Siyaasadda debecsan ee ay DFS ka qaadatay Go’aankii Kenya ee Khilaafka dhaliyey.

Warsaxaafadeedka Xisbiga ILAYS waxaa lagu xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo dhowro Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo ah mid ku dhisan Walaaltinimo iyo Derisnimo soojireen ah oo aan si fudud ku kala go’i karin.

Xisbisiyaasadeedka ILAYS waxay kaloo ku baaqeen in Khila afka iyo Isafagaranwaa’ga jira lagu xaliyo Jawi deggan, lana xoo jiyo Iskaashiga labada Waddan ee Somalia iyo Kenya.

UHURU KENYATTA OO LOOGU BAAQAY INUU JOOJIYO DAANDAANSIGA DAGAAL EE SOOMAALIYA

Qareen Kenyan haysta dhalashadda dalka Kanada oo lagu magacaabo Miguna Miguna ayaa sheegay inuusan Madaxweyne Uhuru Kenyatta xaq u lahayn inuu iclaamiyo dagaal ka dhan ah Somalia sababo la xiriirta khilaafka dhinaca Xuduudbaddeedka ee labada Waddan.

Qareenka oo masaafuris ahaan ugu nool dalka Kanada waxa uu intaasi ku daray inuusan Madaxweyne Uhuru Kenyatta xaq Awoodeed u lahayn inuu ku baaqdo Dagaal ka dhan ah Somalia, iyadoo ay Uganda horey u qaadatay Jesiirad uu Uhuru Kenyatta rumeysan yahay inay Kenya leedahay.

Qoraal uu Qareen Miguna Miguna soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku muujiyey inay Jesiiradda Migingo qabsadeen Milliteriga iyo Boliska Uganda muddo hataan laga joogo in ka badan 5 sanno, iyadoo dad badan oo Kenyan ah lagu dilay, lagu jirdilay, lagu kadeeyey, laguna sharaftiray Jesiiraddaasi.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/02/lawyer-miguna-miguna-and-Uhuru-kenyatta-1.jpgWaxa uu intaasi sii raaciyey inaysan Dowladda Kenya ka hadlin Tacadiyadaasi, isla markaana uusan Madaxweynaha Kenya marnaba Xiriirka Diplomaasiyadeed u jarin Dowladda Uganda.

Dhinaca kale, Qareen Miguna Miguna waxa kaloo uu sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Kuxigeenkiisa, William Ruto ay la dagaalamayaan oo keliya Caddowga Khiyaaliga ah, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Jubileega ee Kenya inay helaan qaabab wanaagsan oo looga hadlayo arrimahaasi mustaqbalka.

"Keligii Taliye waxa uu dagaal u isticmaalaa ama Cabsi Khiyaali oo ka imaanaysa Ajaaniibta ka dhigtaa sidii xeellado looga hortagayo arrimaha gudaha khuseya, sida doorasho lagu shubtay, shqo la’aanta heerka sare, saboolnimadda, musuqa, qabyaalladda iyo Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha” ayuu yiri Qareen Miguna Miguna

OGEYSIISKA GUUD NOTICE

waxaa lagu siiyay shirkadda Sony Corporation,a Japanese company of 1-7-1 Konan, Minato-ku, Tokyo, Japan, waa Shirkadaha keligood ah ee Soomaliya iyo dhammaan dalalka kale ee Markhaatiyada Ganacsiga soo socda:



Taas oo loo isticmaalo la xirriiriyaha cayaaraha maqalka; rikoodhadhka cajalad duubista; cayaaraha maqalka; cajaladaha dhageysiga maqalka; cayaaraha heesaha; rikoodhada cajaladaha isku duubnaanta; raadiyaha raadiyaha; qaadayaasha maqalka; codbixiyeyaasha dhawaaqa; dhawaaqa maqalka; tweeters; woofers; sariiraha; samaacadaha dhagaha; mikrofones; rikoodhayaasha isku dhafan; taleefannada bandhigga bandhigyada; telefishannada muuqaalka dareeraha; qaadayaasha telefishanka; bandhigyo dareeraha dareeraha; saadaalayaasha dareeraha dareeraha; tubooyinka cathode ray; duubista cajaladaha fiidiyowga; Ciyaartoyda DVD; Duubayaasha DVD-du; Ciyaartoyda maqalka ee adag; cajaladaha dhageysiga sawirada adag; ciyaaryahano fiidiyow ah oo adag; cajaladaha fiidiyowga ee adag; screens video; saar sanduuqyada ugu sarreeya; kamaradaha fiidiyowga; kamaradaha casriga ah; kamaradaha; qaadashada bacaha sawirada fiidiyaha; qaadashada bacaha ee kamaradaha dijitaalka ah; qaadashada bacaha kamaradaha; taleefannada gacanta; mashiinnada farsamada; ciyaartoyda maqalka ee isticmaalka gawaarida; raadiyaha raadiyaha ee isticmaalka baabuurta; isbedelka dhageysiga kombiyuutarada; unugyada xarun dhexe; qalabka dhegta dhejiska; qulqulka qolfka miiqyada; qalabka dhegaha dhejiska; kormeerayaal kombuyuutar; kumbiyuutarrada kumbuyuutarka; jiirarka kombiyuutarka; kombiyuutarada lagu hadlo; kamaradaha webka; qaadashada bacaha kombiyuutarada; barnaamijyada kombiyuutarka; xusuusta kombuyuutarka; jajabka xusuusta;software computer; scanners; daabacayaasha; bustooyin duuban oo caag ah; discs-ka-maqalka; discs-ka duuban; faaruusyo farsameed oo faaruq ah; nus-qaboojiye; wareegyada isku dhafan; muusikada muusikada leh muusikada, filimada, sawirada, animation iyo qoraalada; maqal muuqaal ah oo leh muusig, filimo, sawirro, animation iyo qoraalo; qashinka muusikada leh muusikada, filimada, sawirada, animation iyo qoraalada; qalabka muraayadaha indhaha ah ee muusikada, filimada, sawirada, animation iyo qoraalada; warbaahinta isku duuban ee wareega wareega oo leh muusig, filimo, sawirro, animation iyo qoraalo; warbaahin duuban oo duuban oo isku dhafan; floppy flop flop; naqshado faaruq ah; naqshado faaruq ah oo duuban; faaruusyo farsameed oo faaruq ah; cajalado cajalad duuban oo fiidiyo ah; cajalado cajalad duuban oo duuban; cajalado cajalad duuban oo duuban; cajalado cajalad duuban oo maqan; fiilooyinka gudbinta xogta; qalabka gaadiidka; Xusuusta USB; unugyada batroolka; unugyada manganese; unugyada alkali; batariyeyaasha nikkel-kadmium; batariyada lithium-ion; Beteriyada la iibsan karo; fiilooyinka batteriga; batariyaal uruuriya; batariyada qoraxda; qaamuusyada elektarooniga ah; daabacaadda elektaroonigga ah; macluumaadka muusikada la iibsan karo; xogta la heli karo; mashiinnada sawir qaadista shidaalka; xadhkaha korontada; cabsida farsamada; qalabka korontada; Xirfadaha kale ee hadda jira; furayaasha korontada; gudbinta korontada; mashiinka ciyaaraha macaamiisha ee macaamiisha loogu talagalay isticmaalka shaashadda dibadda ama kormeerka; software isticmaalka macaamiisha macaamiisha; fiilooyinka korantada; muraayadaha; muraayadaha indhaha; kiisaska loogu talagalay muraayadaha; qalishalay korontada (cutubyada muuqaalka muuqaalka); telefoonnada gacanta; shaqeeyayaasha erayga; mashiinnada wax lagu sameeyo iyo qalab; Beddelka CD-ROM ee kombiyuutarada; muusikada ciyaaraha fiidiyaha; qalabka barashada maqalka; maaskaro boodh ah; ozonisers; tripods for cameras; la xiriir lenses; isdhexgalka kombiyuutarada; calaacalaha ayaa ku fadhiya isticmaalka kombiyuutarada; jukeboxes; armaajooyinka kuwa ku hadla; saadaaliyayaal saameeyaal ah; kala iibsadaha; transistors; akhristaha bar-code; wareegyada daabacan; duubista musqulaha nadiifinta madaxa; sariirta ciridka; modems; lasers, ma ahan sababo caafimaad; holograms; qalabka radar; diiwaanka codbixinta; ciyaartoyda diiwaan gashan; silsiladaha habka loogu talagalay cayaaraha rikoodhada cirbadaha loogu talagalay ciyaartoyda diiwaangashan xawaaraha xawaaraha loogu talagalay ciyaartoyda rikoodhada nadiifinta qalabka loogu talagalay diiwaanada codbixinta; Filimada filimka muuqda; qalabka loogu talagalay farsamaynta filimka filimada; kamarado sawirada; shaashadaha saadaalinta; nalalka indhaha; qalabka la saadaalinayo; mikroscopes; lenses indhaha; akhristayaasha dabeecadda muuqaalka; diaphragms (sawir qaadidda); mashiinada cuntada lagu iibsado; tooshka (sawir qaadidda); waxay u taagan tahay qalabka sawirada; qalabka isgaarsiinta sawirada; sawirada sawirada; alaabta elektarooniga ah ee alaabada; qalab iyo aalado loogu talagalay astronomy.

Qof kasta oo nuqul ka ah, ku takooraya, ama si kale oo kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda ku xusan Xuquuqda Markhaatiga ayaa lagu sii wadi doonaa iyadoo loo eegayo Sharciyadaha ku lug leh Soomaaliya si looga hortago in la sameeyo Markhaatiyo been abuur ah oo ku saabsan badeecadaha

 

 

 

 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip