Wasiiru dowlaha arimaha Dibada Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Ohio

0
Monday February 18, 2019 - 23:34:31 in Wararka by
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru dowlaha arimaha Dibada Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Ohio

    Wasiiru dowlaha arimaha dibada Somaliya Abbdikadir Sh.Amed oo soo gaaray magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Jaaliyadda gobolkan waxaana mudadii kulanka uu ka warbixiyay xaalada dalka guud ahaan iyo marxaladihii ay dowladu soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru dowlaha arimaha dibada Somaliya Abbdikadir Sh.Amed oo soo gaaray magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Jaaliyadda gobolkan waxaana mudadii kulanka uu ka warbixiyay xaalada dalka guud ahaan iyo marxaladihii ay dowladu soo martay mudada labada sano ahayd ee ay jirtay Wasiirka ayaa xusay in loo bahanyahay in Soomaaliya ay horey u socoto isla markaana shaqo ay dadku qabtaan ay ku socon karto taas oo qofwalba looga bahanyahay qeyb in uu ka qaato si ayuu yiri caalamka loola saan qaado.

Mohamed salix oo ka mid ah dadka soo abaabulay ayaa xusay in ay dowlada ku taageerayaan ama ku mucaaradayaan tilaabooyinka ay qaado isaga oo xusay in wax baddan oo ay dowladu qabatay ay taageersanyihiin kuna amaanayaan.


Ka soo qeybgalayaasha kulankan soo dhaweyntaa ayaa wasiirka su'aalo baddan ka weydiiyay xaalada dalka, sida, Arimaha Amaanka, Ciidamada, Siyaasada dibada,Arimaha Heshiisyada caalamigaa, xariirka Somaliya iyo Kenya oo maalmihii u danbeeyay uu madow soo kala dhex galay iyo kuwo kale.


Wasiirka oo wax laga weydiiyay hadalkii dhawaan ka soo baxay dowlada Kenya ee ay Soomaaliya xariirka ugu jartay ayaa muujiyay in Dowlada Soomaaliya aysan wax qalad ah ku lahayn talabadaasi sidii ku haboonaydna ay uga jawaab celisay iyada oo aysan dhici doonin ayuu yiri in gorgortan laga galo qayraadka iyo xaduudaha Soomaaliya.

Warbixin dheer kadib waxa uu qurba joogta ku dhiirogaliyay in ay dalka ku soo laabtan isla markaana wa baddan ka ogaadaan xaalada dalka.


thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

 

Deeqo SONNA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip