Tuulo Afgaanistaan ku taal oo guryaheeda ay ka sameysan yihiin madaafiic

0
Saturday February 16, 2019 - 22:04:04 in Wararka by
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuulo Afgaanistaan ku taal oo guryaheeda ay ka sameysan yihiin madaafiic

    Dadka deggan, tuulada Qezelabad ee waddanka Afgaanistaan waxay muddo sannado ah la noolaayeen madaafiic aan qarxin oo ay ka dhisteen gidaarro sidoo kalana ay u isticmaalaan tiirarkii ay ku celin lahaayeen saqafka sare. Kaddib bixitaankii ciidammad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka deggan, tuulada Qezelabad ee waddanka Afgaanistaan waxay muddo sannado ah la noolaayeen madaafiic aan qarxin oo ay ka dhisteen gidaarro sidoo kalana ay u isticmaalaan tiirarkii ay ku celin lahaayeen saqafka sare. Kaddib bixitaankii ciidammadii Midowgii Soofiyet ee dalka Afghanistan soddon sano kahor, kaddib dagaal dheer oo qaatay toban sano, ayaanay dadka tuuladaasi awoodin inay soo gataan qalabkii caadiga ahaa ee loogu talagalay dhismaha. Dadka xaafaddan degganna waxa ay isticmaaleen waxa aya heli karaan oo ka mid yihiin gantaallada ay ka tageen milaterigii Soofiyeetku. Waxayna u istaacmeeleen tiirarka guryaha iyo biriij lugeedyo la isaga tallaabo.

Qezelabad village

Image caption Gantaallada ayaa halkaasi looga tegay dagaalkii Soofiyeetka iyo Afghanistan ee 1980-yadii.



Gantaallada iyo qolofka madaafiicda ayaa dadka magaalada waxa ay ka dhigtaan tiirar, albaabo, xitaa waxa ay u adeegsadaan sida buundooyin oo kale.

Guryaha qaar waxaa laga tirin karaa in lagu dhexdhisay ilaa todoba gantaal oo ah kuwii uu Ruushka ka tegay.

Haddaba mar la waydiiyay Izatullah sidee buu gurigaas aamin ugu yahay qoyskiisa? ayaa waxa uu ku jawaabay: "Waxaan degganaa halkan tan iyo carruurnimadaydii, markii aannu iibsannay madaafiicdan, ee aan ka dhigannay saqaf iyo tiirarka guriga waxa ay ahayd xilli cabsi iyo khatar, waxaana ay ahayd xilligii Soofeet-ka ka baxeen halkan".

Gantaallada ayaa halkaasi looga tegay dagaalkii Soofiyeetka iyo Afghanistan ee 1980-yadii.

Dadku ma aanay haysan dhaqaale ay ku iibsadaan qalabka caadiga ah ee guryaha lagu dhiso.

Marka gantaalladu waxa ay ahaayeen kuwo qiima jaban oo si fudud lagu heli karo, sidaas daraadeedna qiyaastii in ka badan 400 oo gantaal ayaa tuuladan lagu dhisay.

Qof tuuladaasi soo booqday ayaa wargeliyay dowladda, waxaana markiiba la soo diray koox ka shaqeysa dabargoynta miinooyinka kuwaas oo haatan ku howlan inay tuuladaasi ka saraaan hubka.

Cabduraxmaan oo ka tirsan hay'adda Danish De-mining Group ayaa waxa uu seegay "Guri ku yaal tuulada ayaa waxaannu ka helnay in lagu dhisay 26 gantaal, taas oo ka dhigan 1,200 oo kg walxaha qarxa ah ay halkaasi ku jiraan, oo haddii ay qarxaan tuulada oo dhan waa ay baaba'aysaa."

Hasayeeshee qofkasta oo tuuladan ku nool ma oga gantaallada, oo qaar ka mid ah hooyooyinka magaalada ayaa markii ugu horraysay waxa ay maqlayaan warka gantaallada, iyo sida ay guryahooda halista ugu jiraan.

Waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in gantaalladaasi tuuladooda laga saaro.

XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip