Sudan oo fureyso xadka ay la wadaagto South Sudan

0
Thursday January 28, 2016 - 17:34:44 in Wararka by
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sudan oo fureyso xadka ay la wadaagto South Sudan

    Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir ayaa amar ku bixiyey in la furo xadka uu dalkiisu la wadaago South Sudan, kaasoo xirnaa tan iyo sanadki 2011. Tallaabadani ayaa imaaneyso maalmo kadib marki ay dowlada tabarta daran ee South Sudan ku dhawaaqday in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir ayaa amar ku bixiyey in la furo xadka uu dalkiisu la wadaago South Sudan, kaasoo xirnaa tan iyo sanadki 2011. Tallaabadani ayaa imaaneyso maalmo kadib marki ay dowlada tabarta daran ee South Sudan ku dhawaaqday in ay ciidankeedu kala soo baxeyso xadka ay la wadaagto Sudan oo ay mar ka tirsanaan jireen.

Muranka ku saabsan xuduuda ayaa wali sidii ah oo aanan wax xal ah laga gaarin, waxaana jirtay in sanadki 2012 ay ciidamada labada dhinac ku dagaalameen goob laga helay shidaal oo ku taala deegaanka Heglig.

Mr Bashir ayaa weydiistay dowladiisa talaabo walba oo suuragal ka dhigaya in dib loo furo xuduuda, sidaasi waxaa ku warrantay wakaalada wararka Sudan ee Suna.

Todobaadki lasoo dhaafay Al Bashir ayaa ogolaaday in la yareeyo qiimaha lacagta laga qaado South Sudan marka ay adeegsanayaan kaabayaasha dhaqaalaha Sudan sida wadooyinka iyo dakadaha oo ay u adeegsadaan dhoofinta shidaalka iyo saliida.

 

South Sudan waxaa ku yaala goobaha ugu badan ee ay ku aasanyihiin shidaalka kuwaas oo ay horay u adeegsan jirtay dowlada Sudan ka hor sanadki 2011.

 

South Sudan ayaa xorriyadeeda ka qaadatay Sudan kadib 22 sano oo ay socdeen dagaalo sokeeye.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip