Wiil Somali-Maraykan ah oo sheegay in uu yahay musharax Madaxweynaha Maraykanka
Kadib markiiuu dhagaystay warka ka soo yeeray Carson ayaa wiilkan yar waxa uu ka codsaday hooyadii inay taleefankeeda gacan qaadka ah ugaga duubto jawaabta uu ka bixinayo siyaasiga Carson oo ka mid ah siyaasiyiinta u tartamaysa in ay noqdaan musharax madaxweyne xisbiga Jamhuuriga.
"Tan waa jawaabta aan siinayo musharax Ben Carson,” ayuu Yusuf ku bilaabay cod degen oo qafiif ah. 12-jirkaan kula nool qoyskiisa Eden Prairie waxbarasho dhexena dhigta ayaa u hadlay si la mid ah siyaasiyiinta kale isagoo u jawaabayay Carson.
Labo daqiiqo iyo 20 seken ayuu Yusuf ugaga hadlay arrimo la xiriira isirka,diinta iyo addoonsiga. Waxana uu sidoo kale ku dhowaaqay in uu yahay mustaqbalka musharax madaxweyne dalka Maraykanka,
"Mr. Carson,Bal ka waran haddii qof uu kuu sheego inaadan Madaxweyne noqon karin sababo la xiriira midabkaaga?bal ka waran haddii qof uu kuu sheego inaadan Madaxweyne noqon karin sababo la xiriira isirkaaga ? bal ka waran haddii qof uu kuu sheego inaadan Madaxweyne noqon karin sababo la xiriira caqiidadaada? Waa taas tan aad aniga igu sameysay.”ayuu yiri Yusuf.
Yusuf oo ku dhashay magaalada St.Louis Park ayaa ka hadlay sida uu weligiiba u jeclaa inuu noqdo Madaxweyne laga soo bilaabo markii uu 2 sano jir ahaa.
"Dhabtii waxaad dhaawacday riyadaydii,”ayuu u sheegay Carson, "sababtoo ah waxaad tiri qof Muslim ah ma noqon karo Madaxweynaha Maraykanka.”
Yusuf waxa uu tilmaamay in sanadihii lixdamaadkii iyo toddobaatameeyadii iyo xilligii is addoonsiga dadka inay dhihi jireen qof madow madaxweyne kama noqon karo Madaxweyne Maraykanka.
Madaxweyne Obama ayaa jebiyay xadkaas, Yusufna waxa uu doonayaa in uu jebiyay xadk kale. "Waxaan noqon doonaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Muslim ah dalka Maraynkan,”ayuu yiri, "Waxaad arki doontaan marka aan noqdo Madaxweyne inaan tixgeliyo dadka oo dhan caqiido kasta ee ay aaminsan yihiin,midab walba ha lahaadeen diin kasta ha aaminsanaadeen.”
Axadii aynu ka soo gudubnay ayuu wareysi uu siiyay taleefishinka NBC Carson waxa uu ku sheegay in uusan aaminsanayn in qof Muslim ah uu Madaxweyne ka noqon karo dalka Maraykanka. Waxayna taasi sababtay carro badan oo ka timaada dadka Muslimiinta ah iyo dad kalaba.
Shukri Abukar oo ah hooyada Yusuf ayaa timid dalka Maraykanka 1992 waxayna sheegtay in wiilkeeda Yusuf oo u weyn carruurteeda uu jecel yahay in uu daawado wararka lana socdo muuqaalada siyasiyiinta u tartamaya Madaxtinimada dalka Maraykanka iyo weliba siyaasada dalka Soomaaliya.
Wiil Somali-Maraykan ah oo sheegay in uu yahay musharax Madaxweynaha Maraykanka
Yusuf dayur oo ah wiil 12 jir ah oo Somali-Maraykan ah ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka noqdo Madaxweyne dalka Maraykanka isagoo u jawaabayay siyaasiga Ben Carson oo sheegay in qof Muslim ah inuusan ka noqon karin dalka Maraykanka Madaxweyne.