
Maxkamada magaalada New York oo ku heshay dambi Joaquín "El Chapo"
El Chapo ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay shabakad ka ganacsata maandooriyaha Sinaloa Cartel taasoo daroogo badan soo gelin jirtey dalka Maraykanka.
Waxaa la xirey Guzman January 2017 shan bil kadib markii uu ka baxsaday xabsi ku yaal Mexico isagoo asxaabtiisa ay soo qodeen god ay tuubo weyn dhex geliyeen kadibna uu xilli habeenimo ah ku baxsaday.
Sidoo kale Guzman ayaa lagu eedeeyay in uu madax ka ahaa koox dishay boqolaal ruux kana dambeysay afduub iyo jirdil lagula kacay kooxo ay iska soo horjeedeen.
El Chapo ayaa ka mid ahaa dadka ugu qanisan dalka Mexico iyadoo hay’ada tirakoobta maalqabeenada ee Forbes ay ku tilmaantay qofka 701aad ee ugu qanisan caalamka isagoo hantidiisa lagu qiyaasay inay gaareysay hal bilyan oo dollar.
Gabagabada dhagaysiga dacwada loo haystay El Chapo ayaa waxaa ka qeybgashay xaaskiisii oo hore u soo noqotay Boqorada Quruxda Emma Coronel Aispuro.


0 




Maxkamada magaalada New York oo ku heshay dambi Joaquín "El Chapo"
Maxkamad ku taal magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ku heshay dambi ah inuu ka ganacsanayay maandooriye soo gelinayayna dalka Maraykanka Joaquín "El Chapo" Guzmán oo ah nin u dhashay dalka Mexico.