Madaxda sare ee dalka oo shacabka u Hambalyeeyay

0
Thursday September 24, 2015 - 18:43:08 in Wararka by
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda sare ee dalka oo shacabka u Hambalyeeyay

    Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u direy guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda ciidul Adxa awgeed, waxaana uuna ku booriyay in ay is cafiyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u direy guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda ciidul Adxa awgeed, waxaana uuna ku booriyay in ay is cafiyaan. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in maalmahan fadliga leh awgeed loo baahan yahay in la caawiyo dadka danta yar isla markaana laga farxiyo si dadka kale ula qeybsadaan farxadda munaasabadda ciida.

Madaxweynaha waxaa uu dadka Soomaaliyeed u rajeeyay in ay ciidan ciideeda ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu tacsi u direy ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo kuwii ku dhaawacmayna ilaahay ugu bariyay in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa dhankiisa waxaa uu hambalyo u direy dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Adxa awgeed.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan " Jawaari” ayaa waxaa uu ciidul Adxa awgeed hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay in ay is gacan qabtaan.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligan la joogo ay ka dhamaanayso is aaminaad la’aantii muddo ka dhexjirtay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip