Dr. Faroole: "Madaxweyne Xasan Sheekh saddexdii sano waxay uga dhamaatay burburinta dastuurka iyo la dirirka maamulada jira"
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku fashilmay hogaaminta dalka Soomaaliya iyo rajadii laga filayay dowladda federalka.
Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo maanta qudbad ka jeediyay salaada Ciida ee magaalada Garowe, ayaa sheegay ugu baaqay madaxweyne Xasan haddii uusan dalka doorasho ka hirgalin karin inuu si deg deg isku casilo.
Wuxuuu madaxweynihii hore sheegay inay macquul tahay inuu dalka ku laabto nidaamkii kumeel gaarnimada haddii aan si deg deg wax looga qaban xaalada uu haatan dalka ku sugan yahay.
" Madaxweyne Xasan Sheekh saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxay uga dhamaadeen burburinta dastuurka iyo la dirirka maamulada jira, hadana waad aragtaan khilaafka ka dhextaagan isaga iyo barlamaanka,” ayuu yiri Dr. Faroole.
xigasho:-somaliweyn.com

0 