Daawo Sawirada: Dhimashada Xujeyda oo gaartay 717 qof iyo dhaawaca 863 oo kale

0
Thursday September 24, 2015 - 18:14:32 in Wararka by
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Dhimashada Xujeyda oo gaartay 717 qof iyo dhaawaca 863 oo kale

    Waaxda Difaaca Sacuudiga, ayaa sheegtay in dhimashada Xujeyda ay gaartay 717 ruux iyo dhaawaca 863 oo kale. Dadkan waxay ku dhinteen isjiiriddii ka dhacday Mina, oo 5km u jirta Magaalada Makka. Isjiiridan, ayaa ka dhalatay markii Xujey u socotay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda Difaaca Sacuudiga, ayaa sheegtay in dhimashada Xujeyda ay gaartay 717 ruux iyo dhaawaca 863 oo kale. Dadkan waxay ku dhinteen isjiiriddii ka dhacday Mina, oo 5km u jirta Magaalada Makka. Isjiiridan, ayaa ka dhalatay markii Xujey u socotay dhagaxtuurka ay isku dhaceen Xujey kale oo ka soo laabatay dhagaxtuurka, waxayna taasi sababtay geerida boqolaal Xujeyda ah. Dadka dhintay, ayaa waxay u badan yihiin dad da’ ah oo isaga kala yimid daafaha kala duwan ee dunida. Dhammaan dadka dhintay waxaa loo sameeyay tirsiyo lagu aqoonsan karo.

Kooxda gurmadka deg-degga, ayaa gacan u fidiyay dadkii ku waxyeeloobay shilka, waxayna inta badan dhaawacyada u kala qaadeen goobaha caafimaadka ee ku yaala Mina.

Illaa iyo hadda lama soo sheegin wax Soomaali ah oo ku dhimatay shilkaasi, balse waxaa jira Soomaali badan oo sida la sheegay aan weli ku soo laaban teendhooyinkii, ay saakay ka soo tooseen.

Sheekh Shamsudiin Gobdoon Makaawi oo ka mid ah Culimada Somaliyeed ee ku sugan Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa xaqiijiyay inay jiraan dad Soomaali ah oo la la’yahay, balse aysan jirin wax Soomaali ah oo la’ogyahay in shilka ku dhimatay.

Madaxda Sacuudiga oo isugu tagey Magaalada Makka, ayaa isha ku haaya wixii maanta ka dhacay Mina, inkastoo galabta mid caadi ah lagu soo dabaalay xaaladda wadadii, ay isbuurista ka dhacday.

Shilkan, ayaa ku soo beegmaya, xilli maanta loo dabaaldegayo maalinta 1-aad ee Ciidul Adxaa, iyadoo dhammaan Muslimiinta caalamka ku nool ay ciidayan.

Dhacdadan waxay imanaysa, iyadoo maanta ay Xujeyda ku guda jirtay maalintii ugu dambeysay ee gudashada acmaasha Xajka.

Mina7 Mina8 Mina9Mina91 Mina93 Mina94Mina95Mina96Mina97Mina98Mina99Mina991Mina992Mina993Mina994Mina995gettyimages-2919877Police vehicles drive past pilgrims on a road in Mina, near the holy city of MeccaAn ambulance drives towards the camp city at Mina, near the holy city of Mecca






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip