
Mas'uul kastow,Musuq maasuqa aad la dagaalameeyso, maxaad xafiiskaaga uga bilaabi weyday?=Nasashada Jimcaha.Q-133=
(Masuul kastoow,Musuqmaasuqa aad la dagaalameeyso, maxaad xafiiskaaga uga bilaabi weyday?)
2-Nin ayaa isaga oo wax cunnayo waxaa u soo gashay Xaaskisii waxa uuna ku yiri: Bbe, la’aanta waxba ma cuni karo. Waxa ey ku tiri: Tan aad hadda cuneeyso maxey tahay?. Markaa ayuu ku yiri: Xabiibatii, Beenta iguma aadan qaban jirin ee maanta maxaa is bedelay ma i soo Nacnaceeysaa?.
(Ciyaal Facebook sidaan uma hadli jirin, ee ma waxbeey soo nacnacayaan?. Sharuur la’aan miyaa dhacday?. (F.S: 2aad)
3-Gabar Ardayad ah ayaa Macallinkii Fasalka ka soo saaray kuna yiri: Bax, oo sii tag Xafiiska Maamulaha. Markii ey tagtay Xafiiskii Maamulaha, ayaa Maamulihii weeydiiyay Maxaa Macallinku Fasalka kaaga soo Saaray?. Waxa ey tiri: Ubax ayaan Daaqadda ka tuuray. Maamulihii ayaa yiri: Intaas ma dhamo wax Arday Fasalka looga soo saaro ee bax Fasalkaagii ku noqo.
Wax yar kadib waxaa Xafiiska Maamulaha la keenay Gabar Afar xubnood ka jaban oo korkeeda uu dhiig daboolay. Maamulihii yaa yiri: Maxaa kugu dhacay? Waxa ey ku tiri: Ubaxdii Daaqadda laga tuuray waa anniga. (F.S: 3aad)
( Ar ma leyska hubsadoo! Maalmahaan waxaa nagu batay,Dhibanihii oo aan la warsan, in dhib wadihii la fasaxo).
4-Gabar aad u Daawan jirtay Filimada Hindiga, oo Romantic iska dhigeeysay ayaa Ninkeedii oo jiifo Habeen barkii Toosisay, kuna tiri waxaan ku weydiinayaa: Jaceylku ma seexdaa Habeenkii? Mise Habeenka ayaa seexda Jaceyl dartii? Mise Anniga iyo Habeenkuba Jaceyl aan seexan ayaa na haya?.
Ninkii oo Hurdo meel fiican u mareeysay ka soo toosay ayaa ku yiri: Ma waxa aad doonaysaa Furniin? Mise Furiinka ayaa Adiga ku doonayo ? Mise Adiga iyo Furiinkuba laba is doonayo ayaad tihiin?.
Deg deg ayey u seexatay iyada oo Suuratu Yaasiin & Qulhuwallaha hoosta ka akhrisanayso.( F.S: 4aad)
5- Nin Ayaa Dameer ka dhumay, balan wuxuu ku qaaday haddii uu helo Dameerkiisa, in uu Saddax Maalin oo xiriir ah uu soomaayo. Markuu heleyna balantii ayuu oofiyay wuuna soomay saddaxdii Cisho. Nasiib daro Maalintii Afaraad ayaa Dameerkii ka dhintay. Ninkii wuxuu yiri: Wallee Saddaxdaa Maalin igama dhunto, Bisha Ramadan ee so socto ayaan ka jarayaa. ( F.S: 5aad)
(Siyaasi ayaa yiri: wallee Qorshaheygii ahaa in aan meel dhigto 2 Million Sannadkii 2018 ee iga Baaqatay, waxa ey ka go’an tahay Miisaaniyadda 2019).
6-Oday Reer Mudug ah ayaa waxaa u yimid wiilkisii oo ku yiri: Aaboow waxaan guursaday Naag Lix Caruur ah leh ee ka waran?. Aabihii ayaa ku yiri: Wiilkeygoow, iga walloo, kaasi guur ma ahane, Reer baan daris la noqday iska dheh. ( F.S: 6aad)
( Ninkii ku yiraa Dad 100 million oo Qof ah ayaan anniga oo ah 10 Million ah wax ku darsanayaa, ku dheh: Taasu wax isku darsi ma ahan ee anigaa la iigu darsaday iska dheh, waxaa ka habooneyd in aad tiraa: Laba deris oo aan is dulmin oo Dabka kala qaadato ayaan nahay)
Qore: Yahya Amir
Mas'uul kastow,Musuq maasuqa aad la dagaalameeyso, maxaad xafiiskaaga uga bilaabi weyday?=Nasashada Jimcaha.Q-133=
1-Gabar ayaa iyada oo Oyneyso Aabaheed u timid kuna tiri: Aabe Uur aanan garaneyn Aabihii ayaan leeyahay. Waxa uu ku yiri: keen Telefonkaaga iyo Kombiyuurter kaaga. Aabihii waa Furi waayay. Waxa ey ku tiri: Aabe Password ayaan ku xiray. Waxa uu k