Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka "Siyaasiyiinta xanaaqsan mar walba waxba lama qaban ayay la soo taagan yihiin"

0
Wednesday January 30, 2019 - 22:05:38 in Wararka by
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka "Siyaasiyiinta xanaaqsan mar walba waxba lama qaban ayay la soo taagan yihiin"

    Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Mucaaradka, isagoo u adeegsaday erayga Siyaasiyiinta Xanaaqsan oo horay u u adeegsaday Madaxweyne Farmaajo. Mahad Guuleed oo xalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Mucaaradka, isagoo u adeegsaday erayga Siyaasiyiinta Xanaaqsan oo horay u u adeegsaday Madaxweyne Farmaajo. Mahad Guuleed oo xalay ka hadlayay Munaasabad lagu soo bandhigayay Waxqabadka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in siyaasiyiinta aanay arkeyn wax badan oo la qabtay, kana war heyn horumarada dalka laga gaaray.

"Waxqabadkii Gobolka Banaadir anaga waa aragnay, Culimadii waa arkeen, iyo dhamaan bulshada inteeda kale, mudane Guddoome waxaa soo jeedin lahaa inaa u soo bandhigtid niman saaxibadeen ah ayagana arkaan oo aan wax badan ka war heyn, mar walba la soo taagan waxba lama qaban, lama dhaqaaqin, qabyo waa halkeedii”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasiyiinta mucaaradka u adeegsada lahjado adag, mana jirto fagaare ay isugu yimaadaan oo ay ku doodaan labada dhinac ee isku haya siyaasadda, marka laga reebo in hadalo kulul ay hawada isku mariyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip