Juventus Oo Badisay Kulankii 11aad Ee Isku Xiga Serie A Ka dib Markii Paulo Dybala Uu Ka Caawiyay Inay Garaacaan AS Roma.

0
Monday January 25, 2016 - 09:33:13 in Sports News by
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juventus Oo Badisay Kulankii 11aad Ee Isku Xiga Serie A Ka dib Markii Paulo Dybala Uu Ka Caawiyay Inay Garaacaan AS Roma.

    Gool soo daahay oo uu dhaliyay Paulo Dybala ayaa keentay in Juventus ay badiso kulankii 11aad ee isku xigta ee Serie A iyagoo 1-0 kaga adkaaday kooxda Roma kulankii xalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gool soo daahay oo uu dhaliyay Paulo Dybala ayaa keentay in Juventus ay badiso kulankii 11aad ee isku xigta ee Serie A iyagoo 1-0 kaga adkaaday kooxda Roma kulankii xalay

Ka dib si xun oo ay ku bilowdeen difaacashada horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, kooxda Juventus ayaa dib u soo noolaatay islamarkaana qaab ciyaareed cajiib ah ku soo gashay tartanka horyaalka iyagoo haatan soo fariistay booska kaalinta labaad.

Iyagoo arkay Napoli oo hogaanka ku qabatay shan dhibcood ka dib markii ay 4-2 kaga badiyeen Sampdoria mar sii horeysay shalay, cadaadiska waxa uu saarnaa kooxda horyaalka heysata inay jawaab ku bixiso Juventus Stadium.

2580062

Muddo dheerse waxa ay u muuqatay in Roma ay jahwareerin doonto kooxda horyaalka difaacaneysa iyadoo tababare Luciano Spalletti uu markii labaad qabanayo koox Roma ka dib ku soo laabashadiisa kooxda.

Laakiin Dybala ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisa shaqsiga ah ee wanaagsan isagoo kubad uu u soo dhigay Paul Pogba dhameystiray daqiiqadii 77aad, waana goolkii sideedaad ee uu dhaliyay 10kii kulan ee ugu danbeysay horyaalka xiddigaan reer Argentina.

2579932

Guusha ay Juve gaartay ayaa la micno ah inay ku daba jirto Napoli, waxaana ay ka danbeeyaan kaliya labo dhibcood halka Roma ay weli ku jirto kaalinta shanaad, iyagoo badiyay mid ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka.

Halkaan Laacibtv.net ka daawo goolkaas




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip