Muslimiinta Dalka Kenya oo Si weyn u Ciiday xilli Maanta ay tahay Maalin Shaqo (SAWIRRO) thumbnail
Ku xigeenka Chief Qaadiga Kenya Sheekh Rashiid Cali Cumar oo isagana Salaadii ciidda kadib kula hadlay Warbaahinta Barxada Sir Ali, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Kenya in aynan maanta ka dhigin maalin Fasax guud ah Public Holiday madaama ay tahay maalintii koowaad ee Ciidda oo uu sheegay in ay fasax ahaan jirtay.
Sheekh Rashiid, ayaa intaas ku daray codsi uu u jeediyay golaha Baarlamaanka Kenya oo uu ka Dalbaday in ay meel Mariyaan Sharciga fasaxa Maalmaha Ciidda u ogolaanaayo, dhamaan shacabka Kenyanka ah in ay ka joogaan shaqooyinkooda.
Kenya ayaa maanta looga dabaal dagayaa munaasabada Ciidul-Adxaa xili dowladu aynan ku dhawaaqin maanta in ay tahay maalin fasax ah, waxaana furan Xafiisyada dowlada iyo goobaha shaqada qaarkoodna, iyadoona Bulshooyinka aanan Muslimiinta aheyn ee ku dhaqan Kenya ay maanta u tahay maalin shaqo.
Dhanka kale, Gobollada Muslimiintu ay ka dagaan Kenya ee Waqooyi bari iyo Gobolka xeebta dalka Kenya, ayaa iyaga maanta si weyn looga dareemay damaashaadka Ciidda, waxaana dadweyne aad u tiri badan ay iskugu soo baxeen magaalooyinka Gaarisa, Wajeer, Mandheera iyo Mombasa, kuwaasoo iskugu hambalyeynaayay munaasabada ciidul Adxaa
Muslimiinta Dalka Kenya oo Si weyn u Ciiday xilli Maanta ay tahay Maalin Shaqo (SAWIRRO) thumbnail
Muslimiinta Dalka Kenya ayaa Maanta si Weyn ugu Dabaal-dagay Musaasabadda Ciidul-Adxaa, iyadoo dad weyne fara badan ay iskugu tageen fagaarayaasha waa weyn ee lagu tukada Salaadaha ciidda oo ku kala yaallo Nairobi, Mombasa, Gaarisa, Wajeer iyo Mandhe