HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA KHAMIIS 24-KA JANNAAYO 2019-KA

0
Thursday January 24, 2019 - 10:29:49 in Wararka by
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA KHAMIIS 24-KA JANNAAYO 2019-KA

    SHARIIF SHEEKH AXMED OO KU DHAWAAQAY IN UU YAHAY MUSHARAX MADAXWEYNE Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay wargeyska lagu Mag acaabo The Standard ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHARIIF SHEEKH AXMED OO KU DHAWAAQAY IN UU YAHAY MUSHARAX MADAXWEYNE Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay wargeyska lagu Mag acaabo The Standard ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb ka tahay dagaalka lagula jiro ururka AlShabaab. Waxaa uu sheegay inuu markale u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya si dalka loo ga badabaadiyo AlShabaab iyo Kooxaha kale, Madaama uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay yaqaan waxqabadkiisa Wanaagsan. Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ay ka codsadeen in uu isasoo sha raxo, maadaama dalka ay ka jirto dowlad aan awood badan laheyn. "Awood la'aanta dowlada hadda ka jirta Soomaaliya awgeed ayaa igu dhalisay inaan markale siyaasadda ku soo laabto." ayuu yiri Sheekh Shariif. Waxaa uu hadalkiisa intaasi kusii daray Musharax Shariif in dowladda hada jirtaa aysan waxba u qaban dalka. "Waxaan cadeynayaa inaan calanka u qaadi doono xisbiga Himilo Qaran doorashada 2020,Waxaan dareensanahay in dowlada hadda ka jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh."ayuu yiri Sheekh Shariif.

NINKII AJNABIGA EE LAGU QABTAY GAROONKA MUQDISHO OO WATA LABA BAASABOOR & XUKUUMADDA OO FAAH FAAHISAY

Ninkaan oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa Ciidamada Ammaanka Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ku beegneyd 19kii Bishaan waxay ay ka qabteen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho,iyada oo la geeyay XaruntaDambi baarista ee C.I.D..

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa shalay amrtay in xabsiga dhexe lagu sii haayo Antony Thomas,kaas oo xilligii garoonka lagu qabanayay watay qalabka loo isticmaalo suntan dadka ka ilmeeysiisa,isla markaana uu laamaha amniga ka qariyay sida ay sheegtay Maxkamada Gobolka Banaadir.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ninkaan markii baaritaan lagu sameeyay la ogaaday inuu wato lab baasaboor oo kala ah wadamada Ingiriiska iyo faransiiska ,isla markaana lagu qabtay meesha ugu horeysa ee laga gala garoonka.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KULAN LA QAATAY MADAXDA HAY’ADDA INTERPEACE

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid C/hi Deni ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka Socotey Hay’adda Interpe ace. kulanka uu la qaatey Madaxaweynaha Puntland Madaxda Ka Soco tey Hay’adda Int erpeace oo ay hogaaminaysey Meghan Br own ayaa waxaa ku wehelinayey masuuliyi in ka socoda xarunta cilmi baarista Puntla nd ee PDRC iyo saraakiil ka tirsan Madaxt ooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo Hay’adda Interpeace ayaa waxaa ay uga wadahadle en kulankooda Dumuqraadiyad da, nidaam ka xisbiyada badan ee Puntland iyo doora sho hal qof iyo hal cod ah sidii ay Puntland uga qabsoomi lahayd.

Dhinaca kale Hay’adda Interpeace ayaa sheegey in dhankooda ay ka go’antahay in ay Puntland gacan weyn ka siiyaan sidii loo gaarsiin lahaa Dumuqraadiyad taaba gala ah iyo sidii Shacabka reer Puntland ay usa meen lahaayeen doorasho hal qof iyo hal cod ah loogana gubi lahaa nidaamka ku dhi san beelaha ee 66 xildhibaan Ugu danb eyn, Madaxweynaha Puntland Mudane Sic iid C/hi Deni ayaa xaqiijiyey in ay ka go’an tahay Puntland in laga hir galiyo nidaamka xisbiyada badan ee ku dhisan Dimuquraadi yad taabagal ah, isla’markaana uu arintaas ka hawlgali doono dardargelinteeda sanad kan gudih iisa.

KHASAARO KA DHASHAY QARAX KA DHACAY MAGALADA MUQDISHO

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay afa afka hore Xarunta Premier Bank ee Taleex, waxaana uu ahaa mid lagu xiray Gaari no oca Soomaalida u taqaano qooqanta, sidaasina uu ku qarxay.

bashkaleeti-3 Khasaaro dhaawac ah ayaa la sheegay inuu jiro,waxaana qof goobta tegay u she egay in ilaa 4 ruux uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxaas. Gaariga qarxay ayaa dab ka kacay,waxaana dad goobta tegay ay she egeen in uu basbeelay,iyad aoo aan weli la shaacin ruuxii lahaa gaarigaas.

Inta badan M/Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca qaraxyada ga waarida lagu dhejiyo, iyada oo mas’uuliyiin ay horay ugu geeri yo odeen qaraxyadaas.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaas ayaa waxaa la geeyay Goobaha Caafimaad oo ku yaalla Magalada Muqdisho si loogu dawe eyo.

MADAXWEYNAHA KENYA OO MAGACAABAY XIL DHALIYAY XIISAD SIYAASADEED

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaa bay Fred Matiangi oo ah wasiirka arrimaha gudaha in uu noqdo madaxa guddiga awo odda badan ee Mashaariicda Horu marinta Qaran.

Waxaa laga yaabaa in ay kula noqoto ma gacaabis sahlan, balse durba waxa ay abu urtay fulkaano oyin siyaasadeed oo qab sat ay warbaahinta Kenya. Shalayy boggaga ho re ee Jaraa’idka waxaa lagu soo toosay iya da oo ay ku qoranyihiin in xilka Matiangi loo magacaabay uu meesha ka saarayo mas’u uliyadihii madaxweyne ku xigeenka Wi lliam Ruto oo isaga laftiisa hadal heyntiisa ay aad u badneyd dhawaanahan.

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Keiyo South mudane Daniel Roho ayaa war geyska Stand ard ku yiri "Waa arrin la yaab leh, sababtoo ah, dhammaan wasiirada wa xa ay hoos tagayaan wasiir iya ga la mid ah” .Golaha Mashaariicda Horumarinta wax aa ku wada jira dhammaan wasaaradaha, xeer illaaliyaha guud iyo madaxa shaqaala ha ra yidka ah , waxayna hadda kadib toos u ho os tagayaan was iirka arrimaha gudaha Fred Matiangi , kaas oo si toos ah warbixin ta ula wadaagi doona madaxweyne Uhuru Ken yatta.

Lama oga kaalinta madaxweyne ku xige enka uu arrintan ku yeelanayo, balse waxaa muuqata in laga wareejiyay mas’uuli yaddo waaweyn oo miisaankiisa siyaasadeed kor u haysay.Sida uu dastuurka Kenya qabo, madaxw eyne ku xigeenka William Ruto ayay tahay in uu shaqada uga hooseeyo ma daxwey naha, xilkiisana waa kormeer iyo hormuud ka shaqada wasaaradaha.

Dhibka jira ayaa ah in golahan qaran uu ah aa mid horey u jirey, islamarkaasna uu hor muud ka ahaa madaxweyne ku xigeen ka. XIGASHO BBC SOMALI

KENYA OO KU BAAQDAY IN CIIDANKEEDA KASOO BAXAAN SOOMAALIYA,KADIB WEERARKII NAIROBI

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Kenya, Moses Wetangula oo haatan ah Ho ggaamiyaha Isba haysiga Siyaasadeed ee FORD, Moses Wetangula waxa uu hadalka asi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu daraad ku qabtay M/Nayrobi, wuxuuna xusay in Ha wlgalka Ciidanka Kenyaa ahaa Deganaan shaha Somaliya iyo inay Goballada Jubbo oyinka laga sameeyo Deegaan u dhexeeya 2da Waddan, si looga hortago khatarta.

Moses Wetangula oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Kenya, ee xilligii ay Ciidanka Ken ya gudaha u soo galeen Som alia waxa kale oo uu sheegay inay Dadka Soomaalida u arkaan Kenya sidii Dad qabs aday oo kale, sla markanaa loo baahan yah ay in la qaado tallaabooyin dheerada oo la gu dheelitiri karo Arrimaha Ammaanka ee Gobalka.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Isbahaysi ga Siyaasadeed ee FORD, Moses Wetan gulawaxa u u walaac ka muujiyey weeraa da ay Alshabaab ke geystana gudaha dalka Kenya, wuxuuna ugu baaqay Dowladad Ke nya inaay isbedel ku sameeyaan Xeelada ha ay kula dfagaalamaan Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray in waxa laga wal aacsan yahay tahay inay dadkii weerar ka ka geystay Nairobi yihiin dhallinyaro Ken yan.

SHIR LOOGA HADLAYO DIBUDHISKA DALKA OO MUQDISHO KA FURMAY

R/wasaaraha XFD Md.Xasan Cali Kha yre ayaa shalay M/Muqdisho uga qayb gal ay shir 2 maalin so canayo oo looga hadlayo dibudhiska dalka. RwKheyrre oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dibu dhiska dal ku uu aad muhiim ugu yahay dawladda Soo maaliya maadaama uu dalku kasoo kaban ayo burburkii ka dhashay dawlad la’aanta, sidaa darteed ka qayb galayaasha kulanka laga doonayo in si aad ah ay uga doodaan hannaanka ugu habboon ee qorshaha dibudhiska dalka.

Wasiirka hawlaha guud,dib u dhiska iyo guryaynta XFS Md., Cabdi Aadan Hoosow oo kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay in shirkaan oo ah kii sagaalad oo looga hadlo dibudhiska dalka uu soo gebage boobayo maalinta berri ah, lana filayo in ay kasoo ba xaan natiijooyin wanaagsan.

Wasiir Hoosow ayaa sheegay in shirkaan lagu lafa gurayo qaybgaha hortebinta leh ee dibudhiska dal ka iyada oo lagu jaang oynayo qorshaha horumarinta qaranka.

WADDAN AY DADKA KU NOOL KA BADAN YIHI IN BAASKIILADA LAGA ISTICMAALO

Wadanka Netherland ayaa ah dal ay tirada dadka ku nool ay ka badan yihiin tira da baaskiilada yaala wadankaas,iyadoo wel iba hadda dadka lacag lagu siinayo inay ist icmaalaan baaskiilada ama bushkileetiyada Dalka Netherland ayaa waxaa tirada dadka ku nool lagu sheegay inay gaareyso 17 mal yan oo ruux halka 23 malyan oo ba askiil la ga isticmaalo.

dowlada Dutch ayaa dhowaan ku dhowa aqday in ay ku maalgelin doonto lacag gaar eyso $390 million (€345 million) sida ay dad gaaraya labo boqol oo kun ay ku heli laha ayeen baaskiilo saddexda sano ee soo soc ota. Sidoo kale dadka isicmaala baaskiilada ayaa loo dhisi doonaa 15 wado iyo 2.500 oo ah goobo ay dhigan karaan baaskiiladooda halka la sameynayo illaa lixdan garaash oo laga heli karo dhammaan qalabka ay u baa han yiihin.

"Niyadeenu waa sida aan u xaqiijin lahayn in dadku ay ku gaari lahaayeen goobahoo da shaqo iyo goobaha waxbarashada ama ba ay si fudud u soo booqan lahaayeen as xaabtooda.”ayuu yiri Stientje van Veldhov en oo ah xoghayaha u qaabilsan dowlada Nietherland horumarinta mashaariicda.

Veldhoven ayaa sheegay in dad ka badan kalabar shacabka ku nool wadankaas ay ku degen yihiin meel u jirta inkayar 15 km goob ahooda shaqo iyadoo aysan u baahneyn in gaadiid amaba tareeno u raacaan.

MAXKAMADA GOBOLKA BANAADIR OO AMAR TAY INXABSIGA LAGU SII HAYO MUWAADIN INGIRIIS AH

Maxkamadda G/Banaadir ayaa amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sani jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska.

Antony Thomas ayaa Maxkamadda G/ba naadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day Qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaaba ha Qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ay aheyd 19kii Bish aan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aad an Cadde ee magaaladda Muqdisho waxay ka qabteen Antony Thomas, islamarkaana loo gudbiyey qeybta Dambi baarista ee C.I.D. Arrintan ayaa sababtay in shirkadda diya aradaha Ethiopia ay hakiso duulimaad yadii ay ku iman jirtey caasimada dalka Soo maaliya ee Muqdisho.

MAXAYKA TIRI DOWLADDA EEDEYNTIIAHEYD IN HUBKII LAGU WEERARAY NAIROBI SOOMAALIYA LAGA LAHAA?

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay War soo baxay daraad oo ku aadanaa in So omaaliya laga lahaa hubkii AlShabaab ay ku weerareen Hoteelka Dusit D2 ee M/Na yrobi ee Caasimadda Kenya. Xubno ka mid ah Ilaha Booliska dalka Kenya ayaa shaaci yay in Hubkii ay wateen Kooxdii weerartay Hoteelka laga lahaa Soomaaliya, islamark aana uu ahaa hub horay dowladda dhexe loogu deeqay.

La taliyaha dhanka Ammaanka ee Mada xweynaha Soomaaliya ayaa wararkaasi ku sheegay mid been abuur ah, Madaama ay san jirin Cadeymo rasmi ah. Cabdisaciid Ma xamed Cali la taliyaha Ammaanka ee Ma daxweye Farmaajo waxaa uu sheegay in ay san jrin warbixin ku saabsan hubkaasi oo dowladda Kenya ay la wadaagtay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wargeyska lagu Magacaabo Daily Nat ion ayaa sheegay in Kooxdii gudaha u ga shay hotelka DusitD2, ay wateen 5 qori, qaa rkood waa laga tirtiray Lambarada lagu aqo onsado hubka dalka laga leeyahay , laakiin 2 ka mid ah ayaa laga helay Caalamad lagu yaqaano hubka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

"Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda qoryihii laga hel ay14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda ‘SO’ oo ah calaamada ay istic ma alaan ciidamada Dowlada Soomaaliya. ”ay aa lagu daabacay wargeyska DailyNa tion.

WASIIRKA SOCDAALKA IYO JINSIYADAGA KANADA OO LA KULMAY JAALIYADA SOOMAALIDA EE MAGAALADA OTTAWA

Iyadoo doorashad Federaalka Canada ay dhici doonto dhamaadka sanadkan ayaa wa xaa M/Ottawa ka dhacay kulan uu Wasirka Socdaalka iyo Jinsiyadaga Kanada la yee shay jaaliyada Soomaalida ku nool M/Otta wa ee Kanada. Munaasabada kulankan oo ay soo qaban qaabisay Xildhibaan Anita Va ndenbeld oo laga soo doorta galbeed M/Ott awa oo Soomaali badan degan yahiin ayaa aheyd mid si fiican looga soo qabgalay.

Xildhibaanada ayaa marka hore umahad celisay Wasiirka ka soo qayb galka kulanka, ka dibna ka hadashay muhiimada ay Kan ada u leeyihiin dadka soo galootinka ah (im migrants). Xildhibaanada ayaa qirtay in dal ka Kanada ay ku adkaan lahayday inay ke ento 25,000 qaxooti Syrian ah laakiin ay ku guuleysta inay dejiso labaatan iyo shan kun oo qaxooti Syrian ah taasina mahadeeda waxay siisay shacabka ku nool Canada.

Wasiirka ayaa warbixin balaaran ka bixi yay howlahii uu qabtay mudadii oo hayay wasiirnimada kuwaas oo ay ka mid ahaaye en inuu soo gaabiyay mudadii la sugi jiray isbonsarka (sponsorship) taas oo uu ku soo koobay wax ka yar 12 bilood iyadoo markii ay jirtay dowladii hore la sugi jiray 3 sano ama kabadan. Waxuu intaas ku daray in mu dadii la sugi jiray qaadashada jinsiyada Kanada oo uu ku soo koobay 2 sano iyadoo markii hore la sugi jiray 3 sano iyo kabadan. Wasiirka ayaa kula taliyay dadka ay ka hay sato dhibaato keenitaanka dadkooda dibada jira inay la xeriiraan xildhibaanka laga soo doortay degaankooda. Wuxuu sidoo kale u xaqiijiyey dadweynihii ka soo qaygalay ku lankaas in bishan Janaayo 28keeda uu furm idoono fursadda aad ku keeni karto waalidi intaada.

Wasiir Axmed Xuseen ayaa ah Xildhiba an laga soo doortay xaafadda York South—Weston ee M/Toronto. Xaafadaas ayaa wax aa deggen Soomaali badan. Wasiir Axmed ayaa dalka Kanada ku yimid isaga oo qaxoo ti ah, haddane wasiir ka ah wasaaraddii isa ga siisay jinsiyadda dalka Kanada.

DUQA MUQDISHO IYO DANJIRAHA DALKA MASAR OO KA WADA HADLAY MATAANEYNTA MUQDISHO IYO QAAHIRA

Duqa Muqdisho, ahna G/G/Banaadir Md. C/maan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ay aa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee dalka Masar ay u soo wakiishadeen Sooma aliya Mudane Maxamed Ibraahim.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Sa fiirka horumarka ballaaran ee ka socda Gob olka Banaadir iyo sida shacabka Soomaa liyeed ay ugu hawllan yihiin dib u soo celinta dalkooda, gaar ahaan olalaha isxilqaan ee dib loogu dhisayo goobihii iyo adeegyadii ku burburay dagaalladii sokeeye.

Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Danjire Ibraahim qorsheyaashii taariikhiga ah ee Dowladda Masar ay ku gacansiin jirtay Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo ay kaalin weyn kku leeyihiin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku xirka dowladaha hoose ee Gobolka Banaadir iyo dalka Masar, gaar ahaan mataaneynta Muqdisho iyo Qaahira.

Safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay ugu garab taagan yihiin gudashada waajibaadka loo soo igmaday.

HOGGAAMIYAHA MUCAARADKA VENEZUELA OO MADAXWEYNE LOO AQOONSADAY

Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxaysa dowladda Venezuela iyo dalka Mareyk anka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Juan Guaidó uu u aqoonsan yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah.

Hadalka Mareykanka ayaa yimid kaddib markii 35sanojirkaasi uu shalay caasimadda Venez uela ee Caracas kaga dhawaaqay inuu yahay ku simaha madaxweynaha.

Qaar ka mid ah dalalka Koofurta Ameerika ku yaalla, oo ay ku jiraan Brazil, Colombia iyo Peru, ayaa sidoo kale aqoonsaday Mr Guaidó.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay dalkaasi ka jiraan dibad baxyo looga soo horjeedo madaxweyne Nicolás Maduro.

Sicir barar, koronto la`aan iyo badeecadaha quutuldaruuriga ah oo dalkaasi ku yar ayaa ku kalliftay malaayiin qof inay isaga tagaan Venezuela.

Mr Maduro ayaa markii labaad loo dhaariyay madxatinnimada dalkaasi horraantii bishan, waxaana jirtay in mucaaradka dalkaasi uu ka biyo diiday natiijada, isagoo ku andacoonaya in lagu shubtay.

MUHAAJIRIIN LAGU WEERARAY BOOSAASO

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan xalay Magaalada ay ku weerareen Muhaajiriin u dhashay dalka Itoobiya oo ku sugnaa Magaalada Boosaaso.

Taliska Booliska Boosaaso ayaa xaqiijiyay in Koox Bastoolado ku hubeysan ay Magaalada ku weerareen rag kasoo jeedda Qowmiyadda Tigreeda oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Boosaaso.

Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday sidoo kalena uu dhaawacmay mid kale oo Ciidanka Booliska ay ka qaadeen goobta uu weerarku ka dhacay.

Kooxda weerarka geysatay ayaa baxsatay, waxaana Saakay Magaalada ka socda howlgallo lagu baadigoobaayo.

Boqolaal Itoobiyaan ah oo doonaya in ay aadan dalalka Carabta ayaa bil walba soo gaara Magaalada Boosaaso si ay ugu sii gudbaan dalka Yemen.

BANAANBAX LOOGA SOO HORJEEDO KUFSI LOO GEYSTAY GABAR YAR OO KA SOCDA MAGAALADA DHUUSAMAREEB

Wararka naga soo gaaraya Magalada Dhuu samareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo banaanbax looga soo horjeedo kufsi la sheegay in uu ka dhacay tuulo hoostagta degmada Guriceel.

Qaar ka mid ah Shacabka Magal ada Dhuusamareeb iyo ardayda waxka ba rata iskuulada Magaaladaas ayaa dhigaya banaanbaxa,waxana ay dalbanayaan in cadaalada lahorkeno dadkii ka dambeeyay kufsigaas. In kastoo weli cadeyn rasmi ah la keenin oo muujineysa kufsi wadareed la she egay in tuulo hoostagta degmada Guriceel loogu geystay Gabar yar ayaa hadana dad ka banaanbaxa dhigaya ay sheegayaan inay aad uga xun yihiin.

Maamulka degmada Guriceel yo laa maha maniga Galmudug weli sirasmi ah ug ama hadlin kufsigaas sidaweyn Baraha bu lshada loogu faafiyay ee la sheegay in Gab adha yar tiro rag ah ay u geysteen.

KOOXO HUBEYSAN OO MUQDISHO KU DILAY SARKAAL KA TIRSAN WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

Kooxo hubeysan ayaa shalay barqadii ku dilay Xaafada AlBaraka ee degmada Hodan Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arr imaha Gudaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu mag acaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble oo loo yaqaanay Cabdi Madoobe, waxaa la she egay in rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen, xilli uu ka soo baxayay gurigiisa.

Xilliga la tooganayay ayaa la sheegay inuu watay gaari, waxaana markii dambe kooxdii hubeysneyd ka baxsatay goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa ga aray goobta uu dilka ka dhacay, inkastoo aa nay suura gelin inay gacanta ku soo dhiga an kooxdii ka dambeysay dilka. AlShabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo gey stay Sarkaalka ka tirsanaa Wasaaradda Arri maha Gudaha, sida lagu qoray baraha Inte rnetka ee taageera.

Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo ma s’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho, waxaaana maalmo ka hor Suuqa Bakaar aha lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamul ka degmada H/wadaag.

SAWIRRO:KHEYRE OO LA KULMAY SAFIIRRADA MIDAWGA YURUB EE SOOMAALIYA

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan mira dhal ah kula yeeshay safiirrada dalalka midawga Yurub ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa danjirayaasha kala hadlay caqabadaha dalka ka jira, halbeegyada dawladdu ay doonayso in lagu guulaysto sannadka 2019, dibuhabaynta dhaqaalaha iyo ciidanka Qaranka.ulanka uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kha yre la yeeshay safiirrada ayaa sidoo ka le looga hadlay mashaariicda horumari eed ee dalka ka socda iyo taageerada midawga Yurub ay ka gaysanayso dadaalada nabad da iyo horumarka Soomaaliya.

WAREYSI:XILDHIBAAN CARFO IBRAAHIM OO FAAH FAAHIYAY WEERKII BAMBAANO EE XALAY LAGU QAADAY HOYGIISA

Xalay fiidkii ayay aheyd markii Hoyga uu M/Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka degan yahay Xildhibaan Carfo Ibaahim Aad an oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galb eed karna soo noqday Guddoomiyaha Gud diga doorashada Koonfur Galbeed wallow markii dambe is casilay.

Xildhibaanka oo Xalay wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in bambaanoo yinka gurigiisa lagu weeraray ay ka dambeeyeen AlShabaab,isla markaana xilliga bambada lagu tuurayay uu isaga guriga ka maqnaa. Waxa uu sheegay in weerarkaasi bambaano ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah ilaaladiisa iyo laba ruux oo kale oo wadada mareysay,hayeeshee uu sheegay in raggii weerarka geystay ay baxsadeen.

Wararka Xalay naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay bambaanooyin lagu weeraray Hoyga uu Magalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya,marna soo noqday Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed,hayeeshee uu markii dambe is casilay.

Rag la sheegay inay wateen gaari ayaa Hoyga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan bambaanooyin ku weeraray,waxaana lagu soo waramayaa in bambaanooyinkaas ay ku dhaawacmeen laba ruux oo mid ka mid ah ilaalada Xildhibaanka uu yahay iyo qof wadada marayay.

Isaga sii hadlayay ayuu sheegay in ragga bambaanooyinka Hoygiisa ku weerarayay wateen Gaari yar oo nooca raaxada ah,balse weerarka kadib ay rasaas ku fureen Ciidamada ilaalada ka ah hoygiisa,kaidbna ay baxsadeen.

FBIDA MAREYKANKA OO XIRTAY MUWAADINIIN SOOMAALIYEED

Ciidamada FIBda Mareykanka ayaa ayaa Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihin Ururka Daacish ku xiray gudaha dalkaasi.

Muwaadininintan oo gaaraya illaa iyo saddex ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah la qabata, xilli uu isku diraarinayay in uu u soo duulo Soomaaliya.

FBIda Mareykanka ayaa magacyada raggani ku kala sheegtay Muuse C/qaadir Muuse oo 23 jir aH, Maxamuud C/qaadir Muuse oo 20 jir ah iyo Maxamed Salaad Cali oo 26 jir ah, kuwaas oo lagu xiray magaalada Lansing gobolka Michigan ee dalkaasi.

Xeer ilaalinta gobolkaasi ayaa ku eedeysay xubnahan in ay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya.

Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay hadii raggani lagu helo dambigan ay muteysan doonaan xabsi gaaraya 20 sano oo xarig ah.

Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalal dhowr ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa dhalinyaro ka qorata dalalka reer Galbeedka oo uu ka mid yahay Mareykanka.

DHALINYARO SOOMAALI OO DOONEYSAY INEY KU BIIRAAN DAACSISH OO US LAGU XIRAY

3 Dhallinyaro SomaliMaraykan ayaa la sheegay in lagu qabtay Garoonka Diyaarad aha ee Grand Rapids airport ee dalkaasi, xi lli ay doonayeen inay ku biiraan Maleeshiy ada Daacish ee ka dagaalanta

gudaha dalka Somalia.

Maamulayaasha Federalka ee dalkaasi waxay ku soo oogeen Dhallinyaradaasi inay taageero u hayaan Kooxda Daacish, iyadoo mid ka mid ah Dhallinyardaasi la sheegay in uu ku sii jeeday dalalka ka baxsan Badda, si uu uga mid noqdo dagaalamayaasha Daa cish. Eedeysanyaaasha lagu qabtay da lka Maraykanka waxaa magacyadooda lagu kala sheegay: Muuse C/qaadir Muuse oo 20jir ah iyo walaalkiisa ka weyn oo lagu ma gacaabo Maxamed C/qaadir Muuse oo 23jir iyo Nin kale oo ay ilmo Adeer yihiin oo la gu magacaabo Maxamed Salaad Xaaji oo 26jir ah.dhamaan raggaasi waxay haystaan Dhalashada Maraykanka, iyagoo ku dha shay dalka Kenya.

BOGGA CAYAARAHA

KOOXDA HEEGAN EE CIIDANKA BOOLISKA AYAA GUULAYSATAY KOOBKII LAGU XUSAYEY MARXUUM CAWIL DAAHIR SALAAD 

Kooxda Ciidanka Booliska ee Heegan ayaa 2-1 kaga guulaysatay Naadiga Dowladda hoose oo ay ku kulmeen kama dambaysta tartanka alle ha u naxariistee Cawil Dahir Salaad oo ka mid ahaa hal-doorka Soomaliyeed lagu xusayay, waxaana tartanka soo qaban-qaabiyay maamulka Gobolka banaadir iyadoo ay cayaartan kasoo qayb galay Masuuliyiinta maamulka Gobolka oo ugu horeeyo Guddoomiy aha ahna Duqa Muqdisho Injineer Yariisoow, Xildhibaano, Talliska Booliska, Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga, xiriirka kubadda cagta iyo marti sharaf kale.

50796948_2199927510245996_6378997303327326208_n

ALEX OXLADE-CHAMBERLAIN AYAA LOO BADINAYAA IN UU HORAANTA BISHA…..

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa loo badinayaa in uu horaanta bisha March kusoo muuqdo garoomada kadib horu mar ween oo uu ka sameeyay so kabashadiisa.

Chamberlain ayaa la rajeynayaa in uu tababarka buuxa ee kooxda dib ugu soo laabto bisha 2aad ee February dhexdeeda ama dhamaadkeeda waxaana macquul ah in kulanka lugta labaad ee Cha mpions League V Bayern Munich kasoo muuqdo xidigaan.

Liverpool ayaan dooneynin in xiddiga kucadaadiso in uu dhaqso dib ugu soo laabto taa badal keedana waxey sugeysaa inta uu dhaawaca jilibka kasoo gaaray 100% uu ka noqdo mid aan mar kale dhib u keenin.

Ilaa iyo hada naadiga Reds-ka ma rabaan in ey u qabtaan waqti cayiman oo uu kusoo laabto xiddigaan balse waxaa la iska indhatiri karin sida wanaagsan ee ey kusocota soo kabashadiisa wux uuna hada kooxda kula sugan yahay dalka Dubai.

Chamberlain ayaa hada tababar kusameenaaya banaanka wuxuuna kasoo horu maray waqtigii la is lahaa wuu soo laabanayaa.

Warar ay xaley daabacayeen saxaafada England ayaa sheegaaya in Chamberlain uu Liverpool xili cayaareedkaan u cayaari doona ku dhowaad 8 ilaa 10 kulan oo horyaalka Premier League ah iyo kulamada Champions League ilaa iyo inta ey kooxda gaarto.

KADIB MARKII AY BARCELONA SAXIIXA FRENKIE DE JONG KU GARAACDAY PSG, MAN CITY & JUVENTUS, JOSEP MARIA BARTOMEU OO UJAWAABAY DADKII KU DHALIILAYAY SUUQ XUMADII KOOXDIISA.

Laba maalmood ka hor waxay Barcelona ku dhaw-aaqday heshiiskii ay kula soo Kevin-Prince Boateng kaas oo dad badan layaab iyo lama filaan ku noqday iyada oo ay jireen dad heshiiskan ku til maamay mid aan la rumaysan karin maadaama oo loo arkayay in Kevin-Prince Boateng uu yahay ciya artoy duqoobay isla markaana aan ku haboonayn hanaanka ciyaareed ee Barcelona.

Laakiin sidoo kale maamulka Josep Maria Bartomeu ayaa hore eedayn ugula kulmay heshiiskii ay kula soo saxi-ixdeen Arturo Vidal suuqii xagaagii la soo dhaafay iyada oo loo arkayay xidig duquubay isla markaana aan ku haboonayn han-aanka ciyaareed ee Barcelona.

Waxaana maamulka Josep Maria Bartomeu lagu soo eedaynayay in ay gabi ahaanba badalay aan hanaankii ciyaareed ee ay Barcelona aduunka ku soo qabsatay laakiin markii ay Barcelona si lay aableh ugu guulaystay saxiixa xidiga kooxaha Yurub u waalanayeen ee Frenkie De Jong ayuu Josep Maria Bartomeu u muuqday mid eedayntan ka jawaabay.

Markii ay Barcelona si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska De Jong oo ay ka soo bixisay 75 mi lyan yuro iyo waliba 11 milyan dheeraad ah oo ku xidhnaan doona qaab ciyaareedkiisa iyo waxa uu Camp Nou ku gaadho ayuu Josep Maria Bartomeu isna bartiisa twitterka ku soo qoray fariin jawaab cad u muuqata.

Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in ay barcelona kooxdeeda ku soo dartay ciyaartoy da’yar hibo leh kaas oo waliba ku haboon mashruuca ciyaaraha kooxdiisa taas oo jawaab cad u ah eedayntii ay maamulkiisu kula kulmeen ciyaartoydii hore ee aan kooxda hanaankeeda ku haboonayn isla markaa na da’da waynaa.

Josep Maria Bartomeu ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: ” Imaatinka Frenkie De Jong waxa anu mashruucayaga ciyaaraha ku soo darnay hibo, da’yar ah oo leh hanaanka Barca. Waxaanu ku qana cnay in uu door muhiim ah ka ciyaari doono kooxdeena sanadaha soo socda. Soo dhawow Frenkie”.

Frenkie De Jong ayaa loo arkayay in uu ugu dhawaan noqonayo ciyaartoy PSG ah laakiin Barcel ona ayaa dariiqa ka xidhay waxayna ka hor qaaday kooxda PSG si la mid ah kooxaha Manchester City iyo Juventus oo si wayn dagaalka ugu jiray.

CONZALO HIGUAIN OO TIJAABADA CAAFIM AADKA U MARAY CHELSEA

Mar dhow filo si rasmi ah in loo soo ban dhigo asigoo Blues funaanadeeda wato.

Kooxda Blues Ayaa Tijaabada Caafimaadka Marsiisay Higuain Haatan Waxaa La suga yaa In Lagu Dhawaaqo.

Kooxda Chelsea ayaa Kaliya Heesata 5-daqiiqo Si Ay Xiriirka Ugu Gudbiyaan Liiska Ciyaaryooyda Kul anka Beri waxayna U Bad an Tahay In Magaca Higuain Ay Ku Daraan Liiskaas.

Haddii ay Dhamaan Shuruudaha Shanta an Daqiiqo Ku Buuxin Waayaan Habeen Da mbe Ma Ciyaari Doono Higauin. Morata ay aa la sheegayaa in Gabi Ahaanba Laga Saa ray Liiska Xidiga Kooxda Chelsea.

SPAIN - COPA DEL REY JANUARY 23

Sevilla 2 - 0 Barcelona

January 24

21:30 Espanyol ? - ? Real Betis

23:30 Real Madrid ? - ? Girona

England - EFL Cup

Burton Albion 0 - 1 Manchester City

January 24

22:45 Chelsea FC ? - ? Tottenham Hotspur

DUULIYE ISKU SOO SAWIRAY SARIIR TUU KU HOOS BADBAADAY!!!

Waxaa muddo sannad ah laga joogaa mar kii kooxda Taliban ay weerartay hote lka Inter continental ee ku yaala caasim adda Afghanis tanee Kabul, halkaasi oo la gu dilay dad gaar aya 40 qof, Dadkii dege naa hutelka xiligii la weeraray ayaa waxaa kamid ah duuliye u dha shay dalka Girii gga, kaas oo lagu magacaabo Vasileios Vasileiou. Mr Vasileios Vasileiou ay aa wa xaa uu BBCda uga warramay waxyaab ihii dhacay xiligaas, isagoona maqaalkan ka qoray: DUUIYE BADBAADAY

Waxaan u casho raadsaday qeybta ho ose ee huteelka oo ah meel maqaaxi ah saacadu markay aheyd lixdii galabnimo.

Markii aan casheeyay oo ay saacadu tahay 7:30 fiidnimo ay aa waxaan go’aans aday ina an ku laabto qolkii aan degenaa, si aan taleef oona u dirsado oo aan ula xir iiro qoyskeyga oo jooga caasimadda Athe ns ee dalka Giriig ga, markii aan gaaray qolka ayaa waxaan ma qlay qarax weyn oo gilgilay qeybta hoose ee dhismaha.

Markii aan maqlay dhawaqa waxan istaa gay balakoonka qolkeyga, waxaanse arkay dad dhiig ka qu lqulaya, waxaana maqlayay dhawaqa rasaasta. Waxaan og aaday in aan nasiib badanahay mar haddii aanan joogin hal ka uu weerarka hore ka dhacay.

Madaama aan duuliye aha, wxaaan horay u bartay sida loo maareeyo xaalada ha degd egga , wax aana marwalba oo aan tago gooba ha dadweynaha aan doorbidi jiray inaan farii sto meel u dhaw albaabka.

Waxaan durbadiiba bilaabay inaan ka fikiro waxa xiga ee dhici karo, warna ka ma heyn in ta ay la egy ihiin qolyaha weer arka soo qaa day.

Markiiba waxaan ku fikiray qaabka aan isu badbaadin karo, inkastoo xaalad da xiligaasi sida ay aheyd aanan qiyaasi karin. Waxaa ii muuqatay in kooxdii wee rarka soo qaaday ay dilen dhamaan dad kii maq aaxida ku caweyna yay, muddo yar kadibna meel aan iga fogeyn ayaaban ka maqlay dhawaqa rasaas ta, waxaa na xig ay in korontadii dhan ay halmar dantay.

Qolka igu xigay ee 521 ayay kooxihii wee rarka soo qaaday soo gaareen, waxaan is tu say in aysan ii wanaagsaneyn inaan me esha iska fadhiyo. Waxaan hoosta ka gal ay sariir uu dulsaarnaa joodari, si aan uga dhuunto koo xaha weerarka soo qaaday oo soo gaaray me el aan qolkeyga sidaasi uga fog eyn.

Waxaan dhexda ka galay sariirta iyo mara kaga xirneyd qeybta hoose, anigoo si adag u gu dhagay geesaha sariirta.

Anigoo halkii ku dhuumanaaya ayaa qolk eyga waxaa soo galay afar kamid ah koo xihii weer arka soo qaaday, waxaan mar kaas niyada gel iyay inaan dhiman doono, oo markiiba waxaa niyadeyda kusoo dha cay qoyskeyga iyo caru urteyda, iyo waaya hii noolasheyda, intii wana agsaneyd iyo in ta xum eydba.

Waxaan maqlayay oohinta iyo qeylida dadkii kale ee lagu laayay qolalka kale ee igu dhagan, halka kooxaha weerarka soo qaaday ay qoslayeen markastoy rasaas ri daan. Wa xay u qoslayeen sida dad ay u socoto xaflad weyn oo dabbaaldeg ah.Habeenkii oo dhan oo weerarka uu soc day, waxaana ku ho os jiray halkeygii.

Saacadu markay aheyd 3dii aroorni mo oo kooxihii ay ka yara baxeen qolke yga ayaa kasoo baxay sariirtii aan ku dhuumaaleysan ayay, markii aan soo baxay ayaa waxaan ar kay rasaas ku taala sariirtii kale ee qolka tiilay oo ay ka eegeen in uu qof ku hoos jiray iyo in kale. Waxaan oggaaday in mar labaad aan badbaaday, waxaase aan ku fikiray waxa kale ee aan sameyn karo.Muddo yar kadib waxaa qolkey ga igu soo galay qiiq iyo uuro, bal koonka ayaan istaagay oo wa xaan arkay xar kaha telefishenka oo meel ka lalaada, waxaan tijaabiyay bal in aan kaga degi karo dhsimaha, waxaase dare emay in rasaas laygu soo riday, oo ay wax yar ii jirsatay oo ay I garabmartay, dib ayaan ugu soo laabtay qolka, oo wax aan galay halkii ay ku dhuumanayay. Wax yar Ka dib, mid ka mid ah raggii hubey snaa ayaa soo galay qo lkeyga oo wuxuu ku fariistay sariirtii aan ku hoos jiray, wax aaban arkayay oo ii mu uqday lugahiisa oo wuxuu candhuuf ku tufa yay sagxadda. Aad ayaan u xusuuta co dkiisa oo hadii aan is dhaqaajin lahaa ama shanqari la haa waxyar, waan dhiman lah aa. Waxaan I galay dareen ah in ciidamma da caa lamiga ah ay soo geli doonaan, wax aan go’aansaday in aan halkayga iska joo ga. Dableyda waxay shideen dab xoog bad an, kaas oo sababy qiiq iyo uuro badan,Qiiqa ayaa sababay in naqas ka uu iigu dha go, waxaana burburay dhama an alaa bihii qol keyga yaalay, qabow daranna wuu I hayay, maada amma meel kasta ay furn eyd, qabowga Kabulna uu aad u dar naa xilli gaasi, oo uu ahaa 3. Saacadu markay aheyd 11.30 aroorni mo waxaan dareemay in hal nin oo hub eysan oo keliya uu ka soo haray raggii we erarka soo qaaday, kaasi oo xabadda ka ridayay meel aan iga fogeyn. Wax yar ka dib, wa xaan dareemay in isagiina ay ras aasta ka sii dhamaanaysay, wuxuuna isku dayay in uu dab qabadsiiyo halkii uu ku sugnaa, bal se uma aysan suurta gelin.

Waxaan dareemay aamusnaan ba dan, waxaanan dareemay xogaa nafis ah, ka dibna waxaan maq lay codka "boliis” oo ay dad iila muuqday inay reer Afghanistan yihi in ay ku dhawaaqayeen, balse waan ka shakiyay.

Dhowr daqiiqo kaddib waxaan haddana maqlay dad ku dhawaaqaya ereyga "bo liis” oona leh lahjad ajnebi, markaas aya an da ree may in la I soo gaaray, Banaan ka Aya an u soo booday, anigoo maqaar keyga oo dhan uu dabooley qiiq, oo ay ad ag tahay in wejigeyga la aqoonsado. Ciida mmadii ayaa i soo gaar ay, waxay i weydi iyeen inta saac ee aan halk aasi ku jiray, waxanan ku iri intii uu weerarka socday oo dhan.

Way i eegeen, mid kamid ah ciidamma da ayaa igu yiri waxaan ku geynayaa qeyb ta hoo se, balse inta aanan hoos ku ge ynin, waa in aan sawir kula galaa, si aan ugu xu suuto xaa laddan. Waxaan ahaa qofkii ugu dambeeyay ee laga soo badb aadiyo dhism aha huteelka, xilligaasina wa xaa I galay da reen culus, wax aana ku wareeray waxa aan sameeyo, ma oo yaa mise wan qoslaa!. Qos keyga horey ayaa loola xiriiray, waxaana loo sheegay in la hayo dadkii la soo badbaad iyay oo dhan, anigana aan ku jirin, waxayna u haysteen inaan dhin tay,

Balse ma dareemi kartid sida ay nqode en markii saacado kadib aan wacay oo aan u sheegay inaan nabad qabo. Xeebaha dalka Giriigga marka aan la joo go saaxiibadey oo aan arko iyagoo ka ca ban aya dhaqaale xum ida ka jirta dalkeena iyo inaysan heysanin no olal raaxo leh, a yaa wa xaan ku waani yaa in ay noolasha ku raax eystaan.Weerarkii Kabul kadib waxaan oga aday in noolashu aad u macaan tahay oo ay qurux badan tahay.

SOMALIA



DIGNIINTA GANACSIGA OGEYSIISKA QALABKA
_______________________

COROLLA CROSS

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA
in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamad ganacsi:

TOYOTA JIDOSHA KABUSHIKI KAISHA(also trading as TOYOTA MOTOR CORPORATION), a corporation organized under the laws of Japan of 1, Toyotacho Toyotashi, Aichiken, Japan

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Gawaadhida iyo qaybaha dhismaha.

OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas.calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip