Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay masjid ku yaal magaalada Sanca dalka Yemen

0
Thursday September 24, 2015 - 16:39:39 in Wararka by
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay masjid ku yaal magaalada Sanca dalka Yemen

    Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhacay masjid ay ku tukadaan dadka Shiicada ah caasimada Yemen ee Sanca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhacay masjid ay ku tukadaan dadka Shiicada ah caasimada Yemen ee Sanca.

Qaraxyadan oo dhacay saaka iyadoo la tukanayay salaadda Ciida al-Adxa ayaa waxa uu ka dhcay masjidka Balilil halkaa oo ay Shiicada Xuutiyiinta ee mucaaradka ku ah xukuumada Sunniga ah ee dalka Yemen ay ku tukadaan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxii hore uu ka dhacay gudaha masjidka hase yeeshee markii dad badan ay banaanka u soo carareen qof kale oo is qarxinayay uu albaabka ku sugayay kadibna uu isku dhex qarxiyay dadkii ka soo badbaaday qaraxii hore ee ka dhacay gudaha masjidka.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qaraxan hase ahaatee waxaa laga shaki qabaa in ururka IS ama Dowlada Islaamiga ah ay ka dambeysay weerarkan ismiidaaminta ah, hore ayaa dhowr jeer ururkan uu u sheegtay in uu ka dambeeyay weeraro qaraxyo ismiidaamin ah oo lala eegtay Shiicada dalka Yemen.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip