HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA TALAADO 22-KA JANNAAYO 2019-KA

0
Tuesday January 22, 2019 - 10:18:08 in Wararka by
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA TALAADO 22-KA JANNAAYO 2019-KA

    GUDDOOMIYE MURSAL OO BALLANQAAD U SAMEEYAY WAXGARADKA KGS Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u ballanqaaday Waxgaradka degaanada maamulka Koonfur Galbeed in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo sii deyn doo no Mukhtaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDOOMIYE MURSAL OO BALLANQAAD U SAMEEYAY WAXGARADKA KGS Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u ballanqaaday Waxgaradka degaanada maamulka Koonfur Galbeed in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo sii deyn doo no Mukhtaar Roobow. Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in uu xaqiijinaayo in uu xoriyaddiisa uu heli doono Mukhtaar Roob ow. Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu dadaal badan ku bixin doo no soo deynta Mukhtaa Roobow Cali Abuu Mansuur. Roobow ayaa ku xiran Magaalada Muqdisho, waxaana soo xiray dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii uu Baydhabo ka bilaabay Olole ku aadan Musharaxnimadiisa xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed. Soo xiristiisa waxaa ka dhashay Banaanbaxyo ay ku dhinten dad badan,kuwaasoo ka dhacay Magaa lada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

MIDOWGA YURUB OO CUNE QABATEYN KU SOO ROGAY DAD LALA XIRIIRINAYO WEERAR KA DHACAY UK.

Midowa Europe aya waxaa uu cune qabateeyn ku soo rogay Saraakiil sare oo ka tirsan sirdoon ka military ee Ruushka ee GRU loo yaqaano, Sababta cune qabateyntuna waa weerarkii suntan loo adeegsaday ee ka dhaca Salisbury.

Afar Qof ayaa lagu soo rogay cune qabateeynta waxaana ka mid ah Hogaanka iyo ku xigeenka GRU iyo Labo shaqsi oo lagu eedeeyay in ay weerarka fuliyeen.

Sunta la adeegsaday nuuceedu waa Novichok waxaana lala beegsaday Xubin horay uga tirs anaa Sirdoonka UK iyo Rushka, balse hadda degan .

Cune qabateeynta waxaa ku jira Hanti la fariisiyay iyo Socdaalka oo laga mamnuucay.

Midowga Europe ayaa tilaabadaan waxaa uu uga golleeyahay in uu taageero ugu muujiyo UK

DOWLADDA OO SHEEGTAY IN AY KA WAR HEYSO GANACSATO LACAGO SIIYA ALSHABAAB

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga

Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socoto ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasoo taageero dhaqaalle siiya AlShabaab.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay wax cad oo aan qarsooneyn in AlShabaab goobkaste oo furan ay ka qaataan dhaqaallo joogto ah,islamarkaana ganacsatadda ay lacagtaasi u bixiyaan si ay u badbaadiyaan Naftooda.

Maareeye ayaa sheegay in Wasaaradda Amniga looga fadhiyo in ay wax ka qabato dhaqaallaha ay la siiyo AlShabaab ee kasoo gala dhanka ganacsatadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa Golaha wasiirada ku eedeeyay inay ka gaabi yeen ansixinta gudiga Tayodhowrka badeecadaha Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga, islamarkaana Muddo bilooyinka ah uu yaalla Xafiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA XFS OO LA KULMAY SAFIIRKA TURKIGA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guda ha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ay aa shalay Xarunta Wasaaaradda Arrima ha gudaha waxaa uu kula Kulmay Safii rka Dowladda Turkiga ee dhawaan lasoo magacaabay iyo kuxigeenkiisa.

Waxaa labadda dhinac ka wada hadle en sidda loo sii xoojin karo wadashaqeyn ta ka dhaxeysa Wasaaaradda Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale Safaaradda Turk iga ee Soomaaliya,kuwaas oo si toos ah isaga kaashada dhinacyo badan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Max amed Sabriye ayaa sheegay in uu aad u gu faraxsan yahay in Safiirka Dowladda Turkiga ku qaabilo Xafiiskiisa kaas oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.

"Waxaaan soo dhaweeyey Safiirka Turkiga iyo sidoo kale kuxigeenkiisa waxa an ka wada hadnay arrimaha wada shaqe ynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Safaaradda maadaama aan wadaagno Shaqooyin badan iyo waliba sidoo kale Xir iirka ka dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Soo maaliya, Waxaa kale oo aan kawadalnay sida loo wajahayo Mashaariicda xiliyada qaar imaanka iyo qaabka loo maarey na yo” sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Arr imaha Gudaha.

Safiirka cusub Dowladda Turkiga Mr. Yilmaz ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen waxaana uu sheegay in wado shaqeyn dhow la yeelanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ugu danbeyntii kulanka waxaa sidoo kale joobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Wasa aradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dalka.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO KORMEERAY QAAR KAMID AH XARUMAHA WASAARADAHA

Ra’iisul wasaaraha XFS ,Xasan Cali Khayre, ayaa shalay kormeeray wasaara daha maaliyadda, arrimaha dibdada, qor shaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud si uu ugu kuur galo habsami u socodka ha wlaha loogu adeegayo bulshada Soomaal iyeed.

R/wasaaraha ayaa ugu horayn gudd oomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasa aradda maaliyadda oo looga hadlayay dardargelinta qorshaha cafinta daymaha lagu leeyahay dalka.

R/wasaaraha XFS oo sidoo kale kormee ray wasaaradaha arrimaha dibdada, qor shaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud, waxa wasiirada iyo uuna hawlwadeenna dawasaaradaha faray in laba jibbaaraan fulinta shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha korjoogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasa aradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda si loo xaq iijiyo isla xisaabtan ku salaysan daahfurnaanta iyo daahfurnaanta.

KENYA OO SHEEGTAY IN RAG LAGU TUHUN SANAA WEERARKII ALSHABAAB EE NAIROBI AY ISASOO DHIIBEEN

Boliska dalakasi ayaa sheegay inay isa soo dhiibeen 3 ka mid ah rag Kenyan ah oo aad loo baadig oobayey.

Wargeyska Nation ayaa qoray inay raga asi isku dhiibeen Boliska magaalladda Isiy oolo ee Waqooyiga dalkaasi oo 285 KM dhanka Waqooyi kaga toosan M/Nairobi.

Magacyada ragga isku dhiibay Boliska Isi yoolo waxaa lagu kala sheegay: Cabdi Ca li Kanjoora, Boru Cabdi Bidu iyo Ramad aan Wariyo Bonaaya oo lagu naanayso Rasho.

Dhinaca kale, Waalidiinta ragga isku dhiibay Boliska Kenya waxay sheegeen inaysan wax lug ah ku lahayn dembiga la gu soo tuhunsan yahay, inkastoo ay Bolis ka horey u soo bandhigeen magacyadda iyo sawiradda rag ay ku raadjoogaan.

Waalidiinta oo ka yimid Deegaanka Tuulo roba ee ka tirsan Isiyoola waxay sheege en inay ka argaga xeen markii ay magic yadda wiilashooda habeen hore ku arkeen Warba ahinta, isla markaana ay cabashadooda u gudbiyeen Xafiiska Kuxigeenka Taliyaha Boliska Gobalka Isiyoolo oo ay caasiim adii su tahay Isiyoolo.

Aabe lagu magacaabo Cabdi Bidu oo dhalay mid ka mid ah raggaasi ayaa she egay in saddexda Eedeysane haatan yih iin Wadayaal ka yihiin Mootooyinka Boo dabooda ee ka dhex shaqeeya gudaha magaalladda Isiyoolo.

QAAR KAMID AH GANACSATADA MAGAALADA JOWHAR OO XABSIGA LOO TAXAABAY

Ciidamada Nabadsugida magaalada Jow har ayaa xabsiga dhigey qaar ka mid ah ganacsatada maga alada Jowhar iyagoo lagu eedeeyeey ganacsatada inay siiyaan lacago canshuur ah ururka AlShab aab.

Dadka la xirey ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah darawalada gaadiidka xamuulka ee isaga kala goosha magaalada Jowhar iyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Ganacsatada oo la sheegay in ay gaarayaan illaa lix ruux ayaa waxaa ay ka ganacsanayeen dallaga sisinta oo ka mid ah waxsoo saarka gobolka Sh/dhexe.

Xirida ganacsatadan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli uu shalay Wasiirka ganacsiga dowlada federalka Maxamed Cabdi Maareeye uu sheegay in dhammaan ganacsatada dalka ay ururka AlShab aab ka qaadaan lacago baad ah.

"Waa maxay sababta ganacsatada Jow har gaar ahaan sisinta loo beegsanayo ha ddii ayba dowlada federalka ogtahay in la cago laga qaado ganacsatada dalka oo dhan.”ayuu yiri mid ka mid ah ganacsat ada sisinta ee magaalada Jowhar oo ka badbaaday xariga lagula kacay asxaabti isa.

Ururka AlShabaab ayaa ku soo rogay ganacsatada sisinta iyo weliba ganacsa tada xoolaha suuqy ada magaalada Jow har iyadoo si caadi ay ganacsatadu u bixi nayeen bilihii la soo dhaafay lacagaha uu ururku ku soo rogay.xigasho:jowhar.com

WAFDI KA SOCDA DALKA FINLAND OO MUQDISHO SOO GARAY

M/Muqdisho waxaa Shalay soo gaar ay mas’uuliyiin ka socatay 25 Shirkadood iyo Diplomaasiyiin Finland ah,iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay. Wasiirka Ga nacsiga iyo Warshadaha XFSoomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’ uuliyiin kale ayaa wafdigaan kusoo dha weeyay M/Muqd isho,iyaga oo kulan gaar ah yeeshay.

U jeedada wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay in Magalada Muqdisho ay uga qeyb geli doonaan shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee dowladaha Soomaaliya iyo Finland oo Muqdisho ka dhacaya.

Soomaaliya ayaa xilligaan wado qor shooyin kala duwan oo ku aadan in la helo shirkado dalka Soomaaliya maal gashi ka sameeya.

KENYA OO KA HADASHAY WEERAR AY ALSHABAAB LA BEEGSADEEN SHIRKAD SHIINEES AH

Boliska Kenya ayaa sheegay in 4 qof la gu dhaawacay weerar ay Dagaalamay aal ka tirsan Xarak adda AlShabaab wa aberigii hore ee shalayto ku qaadeen xa run ay Shaqaale Shiinees ah ku leeyihiin Deegaanka Shimbireey oo 50KM u jira Magalladda Gaarisa.

Taliyaha Boliska Garissa, Richard Ken ina ayaa sheegay in Iskacaabin ay same eyeen gacan ka geysatay in la badbaad iyo dad badan, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray in Ciiddankii Am maanka ee ku sugnaa Xeradaas inay iska caabiyeen weera rkii Alshabaab, kadib, markii ay 2da dhinac isweydaarsade en Tacshiirad socotay muddo 15daqiiqo ah

Wargeyska Maalinlaha ee NATION ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxa uu qoray in Iska horimaadkaasi lagu dha awacay 4 qof oo rayid ah, oo 2 ka mid la sheegay inay ahaayeen Nin iyo Xaaskiisa.

DIYAARADO DAGAAL OO KU DUL MEEREYS ANAYA DEEGAAN HOOSTAGA CADAADO

Wararka Idaacadda Risaala ee M/Muq disho ay ka heleyso Deegaanka Docoleey oo hoos taga deg mada Cadaado ee gobo lka Galgaduud ayaa tibaaxaya in diyaarad aha nuuca dagaalka ah ay deeg aankaasi dul heehaabayaan.

Diyaaradahaan oo joog hoose ku duu laya ayaa waxa ay argagax geliyeen dad ka deegaankaasi, oo sheegay in cabsi xoogan ay ka qabaan diyaaradahaan dee gaankaasi dul meereysanaya.

Waxa kale oo ay dadka deegaanka Docoleey sheegeen in diyaaradaahasi ay xitaa xoolaha ay argagax geliyeen, waxaa na xusid mudan in dadka deegaankaasi ku nool ay badidoood dhaqdaan xoolaha.

Dadka deegaanka ayaa maamulka Gal mudug iyo guud ahaan dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dal baday in wax laga qabto diyaaradahaan jooga hoose ku duu laya ee dhawaanahaan ku dul meereysa naayey deegaankaasi.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO KULAN LA YEESHAY MADAXDA AMISOM EE DHOOBLEY

Madaxweynaha Dowlad G/Jubbaland Md. Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay bo oqday Taliska qay bta labaad ee howlga lka AMISOM. Madaxweynaha oo wali ku ji ra abaabulka howlgalka ka dhanka ah AlShabaab ayaa shalay booqday Taliskan oo ku yaala deegaanka Dhoobley.

Madaxweynaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Taliye ku xigeenka Tali ska qaybta labaad Cornel Kuto iyo Sarakii sha kale Taliskan.

Waxaa uu halkaas kula kulmay Sarakii sha Ciidamada isagoo kala hadlay dardar galinta howlgalka iyo sidii doorka AMISOM uu u noqon lahaa mid muuqda si howl galka uu u noqdo mid Guulaysta dham aan dhinacyaduna ay ka qayb qaatan.

NIN AASKIISA IYO TACSIDIISA DIYAARIYAY GEERIDIISA KA HOR

Mallappa, oo ah beeraley ku noolaa gobolka Andhra Pradesh ee koonfurta Hin diya, markii uu gurig iisa ka tagayay bishii Agoosto ee sannadkii lasoo dhaafay, wuxuu qoyskiisa u sheegay "inuu khudaar soo iibinayo”.

Reerkiisa waligood niyaddooda kuma soo dhicin inuu go’aan ku gaaray inuu isd ilo, waxa uu soo iibinayayna ay ahaayeen waxyaabihii looga baahnaa aaskiisa iyo munaasabadda tacsidiisa.

Agabkii uu maalintaas soo gaday Mal lappa waxaa ka mid ahayd karfantii meyd kiisa lagu dabooli lahaa, Jijimaha asaayda ee ay xaaskiisa xiran lahayd, qoricuud, u baxa meydadka la saaro, iyo sawi rkiisa oo la baceeyay, si gurigiisa loo suro marka uu dhinto ka dib.Markii uu ku soo laabtay xaafaddiisa, qalabka oo dhan wuxuu du sha ka saaray qabriga aabihiis oo ku dhex yaalla beertiisa.

Qalabka wuxuu ag dhigay warqad uu ku sharraxay inuu go’aansaday isdilitaan, maadaama uu awo odi waayay inuu iska bixiyo lacago deyn ah oo gaaraya 285,000 rupees una dhigma ($4,000 oo doolar ama £3,100 gini), taasoo uu horay uga deynsaday bangiyo iyo shirkadaha kale ee lacagta laga amaahdo.

Waxa uu sidoo kale qoraalka ku sheegay in uu soo iibiyay wax walba oo tacsidiisa ku bixi lahaa si aysan qoyskiisa mar kale ugu dhibtoonin kharashka aaskiisa.

Ka dib wuxuu tagay mundul yar oo u dhow beertiisa, halkaasoo uu maalintii ku nasan jiray isagoo mi raha beertiisa ku cuni jiray. Waana meeshaas goobta uu noloshiisa ku soo afjaray.

Aroornimadii hore ee subaxdii xigtay, wiilkiisa oo lagu magacaabo Madhavayya, oo lo’da u foofinayay iney soo daaqdo, ayaa arkay qalab cusub oo dul saran qabriga awowgiis, sawirka baceysan ee aabih iis ayaana ka mid ahaa agabkaas.

"Waxaan dareemay iney wax khaldan yihiin waxaana u cararay dhinaca mundu lka. Waan argagaxay markii aan arkay meydka aabeheey oo halkaas yaallay”, ayuu yiri, isagoo ilmeynaya.

Marekka oo ah xaaskiisa ayaa she egtay in waligood aysan ku fikirin inuu tal laabadaas qaadi do ono. Waxay sheegtay in mid ka mid ah dadkii deynta ku lahaa seygeeda uu xitaa u hanjabay.

Saraakiisha ayaa sheegay in abaarta ka jirta gobolka ay tahay mid xad dhaaf ah – mid ka mid ah saraakiishaas ayaa she egay in abaarta jirta ay tahay tii ugu darn eyd ee deegaankaas soo marta 54tii sa no ee lasoo dhaafay.

"Dhimashada Mallappa waxay tusaale u tahay saameynta ay geysatay abaar ta, dadka beeraleyda ah waxay hadda in beer la yeesho ka door bidaan iney waar diye albaab taagan iska noqdaan”, ayuu yiri SM Bhasha oo ka mid ah dadka u ol’o leeya xuquuqda aadanaha.

nin aaskiisa iyo tacsidiisa sii diyaariyey geeridiisa ka hor

Mallappa sheekadiisa waxay si xanuun badan caan uga sii noqoneysaa dalka Hin diya, mana aha mid ugub ku ah waddan kaas. Beeraleyda Hindiya ayaa sannadihii la soo dhaafay dhib aatooyin badan kala kulmay hoos u dhac ku yimid qiimaha dal agga kasoo go’a beeraha, iyagoo sidoo kalena la tacaalayay biyo la’aan iyo aba aro ragaadiyay.

Milkiileyaasha beeraha ayaa la murugo oda bixinta deymaha lagu leeyahay iyo khasaaraha mararka qaar kasoo gaara dalag ga ka hallaaba.

Dhibaatooyinkaas ayaa soo dadajiya iney dadka beeraleyda ah qaarkood go’aansa daan iney dunida isaga tagaan. Ugu yara an 300,000 oo beeraley ah ayaa dalka Hi ndiya isku dishay tan iyo san. 1995kii.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO QOYS SOOMAALIYEED KU WAREEJIYAY GURI MUDDO KA MAQNAA

https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2019/01/lkkk-640x427-1.jpg

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey guri muddo ka maqnaa ayaa sheegay in Maamulka Gobolku ay ku guuleysteen soo celinta hanti muddo ka maqnayd muwaadiniin kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa xafiiskiisa si wa da jir ah ugu qaabilay labadii qoys ee loo kala celiyey guriga, isagoo ku bogaadiyey qoyskii horey u deganaa sida wanaagsan ay u wareejiyeen una soo dhoweeyeen walaalahooda lahaa mulkiyadda guriga.

"Waxaan idiin ka mahadcelinayaa sida aad isu cafiseen, una garawsateen muhi imadda ay leedahay walaaltinimada idin ka dhaxeysa ee aan dhammaanayn. Tall aabadan aad wada jirka u qaadeen waxa ay waji cusub u tahay xal u helista muran nada dhulka iyo hantida maguurtada ah ee ka dhaca Gobolka Bana adir.”

Dhankooda, labada qoys ee loo kala celiyey guriga ayaa uga mahadceliyey Ma amulka Gobolka Banaadir dadaalka jog tada ah ee ay ku bixiyeen xal u helista murankii ka dhaxeeyey iyo sida isfahanka iyo walaaltinnimada leh ee ay ku dhamm aatay.

Kulanka waxaa goob joog ku ahaa Guddoomiyaha Degmada Shibis Marwo Safiyo Sheekh Cali oo degmadas uu ku yaallo guriga loo soo celiyey qoyskii mul kiyadda u lahaa.

BOOLISKA KENYA OO SOO BANDHIGAY LIX QOF OO LOO HEYSTO WEERARKII DUSIT HOTEL

Booliska Kenya ayaa soo bandhigay sawirada illaa lix qof oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeye en weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Magacyada iyo sawirada raggan ayaa lala wadaagay warbaahinta dalkaas, iyadoo shacabka lagu wargeliyay inay soo sheegaan cidii aragta.

Raggan oo Kenyan ah ayaa laga baadigo obayaa dhammaan magaalooyinka Ken ya, waxaana socda baaritaano dheer aad ah oo ku saabsan weerarkii Dusit Ho tel. Magacyada lixda qof ee la soo ban dhigay ayaa waxay kala yihiin.

1 Didu Maxamed Fujija "Duktur”,

2 Xuseen Aadan Xuseen "Etto”

3 Qadaafi Munene,

4 Cabdi Cali Kanjora,

5 Boru Cabdi Bidu

6 Ramadaan Waariyo Bonaya "Rasho”.

Raggan ayaa ka soo jeeda magaalada Isiolo, waxaana la sheegay in AlShabaab ku biireen labo sano ka hor, isla markaana ku sugan yihiin gudaha Kenya.

KHILAAF SOO GALA DHEX GALAY MADAXDA DOWLAD DEGAANKA IYO MAS’UULIYIIN LA XIRAY

wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomalida ee dalka Ito obiya ayaa waxa ay sheegayaan in Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha dowlad degaanka Mus tafe Maxamed Cagjar iyo Gudoomiyaha Xisbiga talladda dowlad degaanka haya Axmed Shide ahna Wasiirka Maaliyadda Itoobiya.

Khilaafkaan ayaa ka dhashay qaabka lagu waddo in loo qabto kulanka guud ee xisbiga iyo dadka lagu waddo in ay kasoo qeyb galaan, islamarkaana isbedel lagu sameeyo hanaanka xisbigga, Maadaama uu wali ku dhisan yahay habkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Qaar ka mid ah Waxgaradka dowlad degaanka ayaa ku howlan xalinta Khilaaf, maadaama maamulku uu yahay mid dhawaan uu ku dhacay Isbedel guud uuna xiran yahay Madaxweynihii dowlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

dhanka kale Cabdulahi Itoobiya oo horay u ahaan jiray Madaxweyne Kuxigeen ayaa Jigjiga lagu xiray, waxaa loo heystaa in uu ka qeyb ka ahaa falal ka baxsan Xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay dowlad degaanka intii uu ahaa Madaxwe yne ku xigeenka.

MADAXWEYNAHA KOOFUR GALBEED LAFTA GAREEN OO MARKII U HOREYSAY KA HADLAY XARIGGII MUKHTAAR ROOBOW

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa markii u horeysay ka hadlay tan iyo markii la doortay xaalada Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo bishii la soo dhaafay Ciidamada Itoobiya ku xireen magaalada Baydhabo.

C/casiis Lafta Gareen oo la hadlayay Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa sheegay inuu socdo dadaalo lagu sii deynayo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, isla markaana ay dowladda kala hadleen.

Waxaa uu sheegay in Madaxda sare ee dowladda, sida Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu kala hadlay sii deynta Wadaadka, isagoo xusay in isaga iyo Odayaasha dhaqanka ay u taagan yihiin sidii loo sii deyn lahaa Abuu Mansuur. Sidoo kale waxaa uu raalli gelin ka bixiyay dhib aatooyinkii dhacay, isla markaana wax walba la xalin doono sida uu hadalka u dhigay.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku xiran Muqdisho ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii ugu cad ca daa xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo todobaad ka hor doorashada lagu xiray magaalada Baydhabo, kaddib markii ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Itoobiya.

Xarigga Mukhtaar Roobow ayaa waxaa ka dhashay rabshado iyo iska hor imaadyo dhimasho iyo dhaawac sababay.

KHASAARE KA DHASHAY SHIL KA DHACAY DULEEDKA MUQDISHO

Shil Khasaare geystay ayaa ka dhacay degaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho sid da ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka. Shilka ayaa yimid ka dib markii Mootada Noo ca Fekon ah ay ku dhacday gaari NOHA ah xilli uu kusii jeeday degaanka Ceelasha biyaha ee dul eedka Magaalada Muqdisho.

Waxaa shilkaasi ku dhintay Maxamuud Cabdulle Liibaan(Sisin) oo ka mid ahaa maamulashayaasha Iskuulka Ablaal.

Gaariga NOHAda ah ee dul maray Mootadda ayaa goobta ka baxsaday , waxaana hadda ku daba jira Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

SOOMAALIYA OO DALALKA CARBEED KA DALBATAY IN LAGA CAFIYO DEYMAHA

Wasiirka arrimaha dibedda JDS Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Soomaaliya ay Dowladaha ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ka codsatay in laga cafiyo deymaha ay muddada dheer ku leeyihiin. Shirkan oo ah kii Afaraad ee ay horumarinta dhaqaalaha ka yeeshaan Madaxda Carbeed ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa laysagana kaashan lahaa cobcinta wax soo saarka, la dagaa llanka macaluusha iyo gaajada iyo horumarinta Tiknolojiyadda Dalalka Carabta.

Dowladaha Qadar iyo Kuwayd ayaa intii uu Shirkaasi socday waxay Sanduuqa dhaqaalaha Waddama da carbeed ugu yabooheen dhaqaale gaaraya 100 Milyan oo Doollar, si Dhalinyarada Carbeed shaqa abuur loogu sameeyo.

Soomaaliya ayaa intii uu socday Shirka waxay Dowladaha carbeed ka codsatay in laga taageero arri maha dib u dhiska, lagana cafiyo deymaha muddada dheer ay ku lahaayeen. Dhawaan ayay ahayd ma rkii ay Dowladaha Sacuudiga iyo Qadar ka cafiyeen Soomaaliya deymihii ay ku lahaayeen, taasoo Alb aabka deyn Cafinta u fureysa Dowlaha Carbeed.

CIIDAMADA KENYA OO MAR KALE BUR BURIYAY XARUN ISGAARSIINEED OO AY LEEDAHAY SHIRKADDA HORMUUD

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadahoose ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay habeen hore gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuyac–Garoon oo ka tirsan degmada Salagle ee gobolka Jubbada Hoose.

Qof ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo waqtigaa ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay in ay ciidamadu dibedda uga saareen kaddibna halkaa ku bur buriyeen Dhismihii, agabkii yeelay iyo Anteennadii shi rkadda intaba, ciidamada ayaa bur burinta xarunta u adeegsaday Miino ama walxaha qarxa.

Xarunta ayaa qeyb ka ah xarumihii dhawaan hawadda ka baxay markii sidan oo kale loo gubay xaruntii Isgaarsiinta ee deegaanka Calibuley.

Waxaa hawadda ka maqan oo aan shaqeyn sida lagu soo waramayo qeybo ka mid ah deegaannada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo xiriirka isgaarsiinta ka qaadan jiray xarumaha la bur buriyay waxa ana Deegaannadaasi ka mid ah: Calibuley, Diif, Dhuyacgaroon, Geriley Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo jubbada Hoose.

Lix maalmood ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale ciidamada Kenya u bur buriyeen xaruntii Isgaar siinta shirkadda Hormuud ee deegaanka Calibuley, waxaana hawadda ka maqan Isgaarsiinta qeybo ka mid ah deegaanno hoos taga Ceelwaaq ilaa Dhoobley, waxaana marka laga soot ago isticmaalka isg aarsiinta dadku u adeegsan jireen isku gudbinta lacagaha EVC Plus

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah o oka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Juba land oo la xiriira tacaddiyadan ay geysanayaan ciidanka keyna oo qeyb ka Ciidanka Nabad ilaalinta Mido wga Africa ee AMISO.

DOORASHADA CONGO: MADAXWEYNAYAAL AFRIKAAN AH OO DURBA HAMBALYO DIRAY

Taageerayaasha Felix Tshisekedi ayaa soo dhoweeyay xukunka maxkamadda Labo mada xweyne oo Afrikaan ah ayaa ugu hambalyeeyay hoggaamiyaha muca aradka Jamhuuriyadda Dimuqra addiga ah ee Congo Felix Tshisekedi guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinnimo ee dalk aasi ka dhacday, inkastoo Midowga Afrika uu sheegay inuu "shaki weyn ka qabo” natiijada.

Maxkamadda dastuuriga ah ayaa xukmisay in Tshisekedi uu guuleystay, ka dib markii ay diideen doodda mushar raxii la tartamayay ee Martin Fayulu.

Wuxuu Martin sheegay in Tshisekedi uu heshiis la galay madaxweynaha xukunka ka sii degaya Joseph Kabila. Kooxda Mr Tshisekedi ayaa arrintaasi beenisay.

Madaxweynayaasha Kenya Uhuru Keny atta iyo madaxweynaha Koofur Afrika Cy ril Ramaphosa ayaa hambalyadooda dir ay. Mr Ramaphosa ayaa ugu baaqay dha mmaan dhinacyada "inay xushme eyaan go`aanka maxkamadda dastuuriga ah ayna ku dadaalaan nabadda”.

Ururgoboleedka Koofurta Afrika, Sadc, ayaa sidoo kale soo dhoweeyay guusha Tshisekedi, isagoo u gu baaqay dhamma an dadka Congo inay taageeraan madax weynaha la doortay si ay u ilaaliyaan "midnimada, nabadda iyo xasiloonida”.

Midowga Afrika, oo la filayay inuu ma anta oo Isniin ah wafdi u diro Congo, ayaa haatan ka baaq saday. Jimcihii, wuxuu u gu baaqay maxkamadda inaysan ku dhaw aaqin natiijada codbixinta.

Muxuu Martin Fayulu leeyahay?

Mr Fayulu, ayaa sheegay inuu yahay ma daxweynaha "saxda ah”. Waxaa jirta eed eyn ah in doora shadaasi lagu shubtay. Mr Fayulu ayaa ugu baaqay taageerayaashi isa "inay abaabulaan dibaxbaxyo aan rab shado wadan si ay u difaacaan maxad bannaanida dalkaasi”.

Sidee ayay maxkamadda dastuuriga ah u aragtaa? Maxkamadda ayaa sheeg tay in Mr Fayulu uu ku guul darreystay in uu caddeeyo in guddiga doorashada uu ku dhawaaqay natiijo aan sax ahayn.

Waxayna ku dhawaaqday in Felix Tshisek edi uu yahay "Madaxweynaha Jamhuuriy adda Dimuqraadd iga ah ee Congo”.

Waxaa la filayaa in muddo toban ma almood gudahood lagu dhaariyo.

Mar walba rabshado ayaa wehliya marka hoggaanka dalkaasi la beddelayo. Balse muranka ka dha shay doorashad aasi ay aa dhaawacay rajadii laga qabay inay noq oto tii ugu horreysay ee si nabad ah xilka lagu kala wareego, tan iyo intii ay Congo xornimadeeda ka qaadatay dalka Biljam ka sanadkii 1960. Maxaa ka soo baxay codbixintii 30kii December?

Guddiga doorashada ayaa hore ugu dha waaqay in Tshisekedi uu helay 38.5% codadka, halka uu Fayulu ka helay 34.7%.

Musharraxii ka socday isbahaysiga talada haya Emmanuel Shadary ayaa helay 23.8%.Si kastaba, Mr Fayulu ayaa ku dooday in Mr Tshisekedi uu heshiis la galay Mr Kabila, oo xilka dalkaasi hayay mu ddo 18 sano ah.

Kabila, ayuusan dastuurka u oggoleyn inuu madaxtinnimo u istaago markii saddexaas oo xiriir ah.

Doorashada ayay ahayd inay dhacdo dhammaadkii sanadkii 2016, balse dhowr jeer ayaa dib loo dhigay sababo dhanka farsamada ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sidoo kale dib u dhacyo badan ayaa jiray maalintii codbixinta. Makiinadaha codbixinta ee goobaha codbixinta qaarkood ayaa shaqeyn waayay.

Maxay dadka kale yiraahdeen?

Tirade rasmiga ah ayaa waxaa ku gacan seyrtay Kaniisadda Catholicgga oo sheegtay inay dal kaasi geystay 40,000 oo kormeerayaal ah.

Khubarrada caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Mareykanka, iyo kuwo ka kala socday dowladaha Far ansiiska iyo Jarmalka, ayaa sidoo kale shaki muujiyay.

Warbaahinta qaar ayaa si sir ah loogu gudbiyay natiijada, Kooxda Baaritaanka ee Congo (CRG), ayaa sidoo kale sheegtay in Mr Fayulu uu guuleystay.

Faah Faahin: Qarax Lagu Dhaawacay Dhaqaatiir Ajaanib Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

War dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu dhaawacay Dhaqaatiir ajaanib ah oo gelinkii dambe ee Shalay loogu xiray qarax gaari ay wateen Dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Muqdisho City Hos pital ee Magalada Muqdisho.

Mid ka mid ah howlwadeena Isbitaalka ayaa Dalsan u sheegay in qaraxaas oo ahaa mid gaariga loogu dhejiyay dhaqaatiirta uu ku dhaawacmat hal dhaqtar,hayeeshee wararka qaar ay sheegayaan in laba ka mid ah dhaqaatiirta Siiriyaanka iyo mid Soomaali ah ay dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa laga cabsi qabaa in loogu xiray baabuurka xilli ay kubbad ku ciyaarayeen meel u dhow shaqadooda oo ah cisbitalaka Mogadishu City.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas,hayeeshee waxa uu ka mid yahay qaraxyada dhejiska ah ee inta badan ka dhaco Magalada Muqdisho

WASIIRKA GAADIIDA OO SHEEGAY INUU XIRAN YAHAY AJNABIGII LAGU QABTAY GAROONKA MUQDISHO

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/ll aahi Salaad (Oomar) ayaa ka hadlay wararka la xiriira Nin Ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo boorsadiisa laga helay walxo laga shakiyay, xilli uu raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines.

Wasiir Oomaar ayaa xaqiijiyay in Ninkan loo xiray shaki laga muujiyay waxyaabo laga helay boorsadiisa, Isagoo sheegay iney haatan socoto baaritaano lagu ogaanayo waxa uu ka damacsanaa waxyaabahaas.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/ll aahi Salaad (Oomar) ayaa daboolka ka qaaday in waxyaabaha laga shakisan yahay ay u muuqdaan waxyaabaha dadka ka ilmeysiisa, wuxuuna hadalkiisa intaasi ku sii daray in boorsada lagu qabtay goobta u horeysay ee lagu baaro boorsooyinka waaweyn ee dadka qaataan.

Ninkan ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Ingiriiska, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in nin kan uu u shaqeynayay Shirkad Ajnabi ah oo xarunteeda tahay yahay Xeyndaabka Garoonka diyaara daha.

Mr. Oomaar ayaa dadka ugu laab qaboojiyay in amniga garoonka Muqdisho uu yahay mid la isku haleyn karo, isagoo ku amaanay shaqaalaha amniga kaalinta ay ka qaateen qabashada Ninkan Ajnabiga ah, si gaar ah waxa uu arintan ugu bogaadiyay Shirkada maamusho garoonka Muqdihso ee FAVORI.

Diyaaradda Ethipian Airlines ayaa si KMG ah u hakisay duulimaadkeeda Muqdisho, sababo la xiriira ninka ka midka ahaa rakaabka diyaaradda ee boorsadiisa laga helay walxaha Gaaska ee laga shakisanyahay.

"maadaama uu baaris socdo xaqiiqda u horeysay ee noo sheegeen waxey eheyd ma aha wax qarxa, waxey kaloo inoo sheegeen in ey eheyd waxa dadka ka ilmeysiiya, Ninkanna uu ahaa shaqaale ka shaqeynayay wadanka gudihiisa, Wadankana ka tagayay oo hore u qaadanayay bahashaas oo ho re u heystay” ayuu yiri Oomaar.

Ilo ku dhow dhow Garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in Maamulka Shirkadda ay soo wey diisatay Maamulka Garoonka Muqdisho inay faah faahiso ninka watay walxaha qarxa ee la qabtay sab abtiisa iyo waxa uu damacsanaa, inkastoo ninkaas gacanta ugu jiro ciidamo aan aheyn kuwa Ammaan ka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) ayaa ugu danbeyn sheegay in socdaalka Ninka la qabtay ay eheyd Yurub, waloow diyaarada uu raacayay ay eheyd Ethiopian Airlines.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeeda Muqdisho bilowday bishii November ee sanadkii hora ayaa isbuucii timaadaa afar jeer maalmaha Sabti, Isniin, Arbaco iyo Jimco.

DOWLADDAOO KU DHAWAAQDAY QORSHAHA KA FALCELINTA BAAHIYAHA BINI’AADAMNIMADA EE 2019KA

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya shalay waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019. Dowladda iyo Hay’adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado.

Qorshaha shalay la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad nafbadbaadis ah iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4 milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello dhanka cimilada ah iyo barakac.

Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii Guga ee 2018 oo si wanaagsan u da’ay iyo gargaarka bini’aadamnimada ee 2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tir ada dadka u baahan kaalmo bini’aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu u dego 4.2 milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u dhigma boqolkiiba %32. Si kastaba ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas habac uu ku yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha bini’aadamnimadu waxay weli ka sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban mashaqooyinka bini’aadamnimada la xiriira. In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari oo aad u adag (IPC 3) waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si naftooda loo caymiyo. Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dal ka ku barakacsan oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aadayay u nugulyihiin waxayna u baahan yihiin adeegyada aasaasiga ah iyo daryeel.

"Haddii aysan hay’aduhu sii wadin gargaarka bini’aadmnimada oo aysan sara u qaadin howlaha caaw inaadda sannadkan horraantiisa waxaa halis loogu jiraa in guulihii la gaaray la xajin waayo, maadaama Soomaaliya ay tahay waddan ay soo daashadeen aafooyin iyo colaado socday waqti dheer. Mashaak ilka ay keentay is bedelka cimilada sida xilliroobaadka deyrtii dhoweyd oo aan wanaagsanayn oo ay wehliso colaado iyo barakac mudo lugu soo jiray ayaa sababi kara natiijooyin aan la mahadin, burburinna kara hab nololeedka dadka” ayuu yiri Peter de Clerq, xiriiriyaha arrimaha bini’aadamnimada ee Soomaaliya. "waxaan ugu yeerayaa beesha caalamka iney bixiyaan deeqo deg deg ah oo wax loo ga qaban karo baahiyaha jira. Mashaariicda maalgashiga iyo in la dhiso u adkeysiga aafooyinka ee dadka ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro si ugu danbeyn loo cirib tiro baahiyahan dadkuna ugu noolaadaan si sharaf leh”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa dadaallada hay’adaha gargaarka ee lugu badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed, baahiyahana lagu yareynayo ayadoo loo maraayo in la dhiso adkaysiga dadka. "Qorshaha sannadkan wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha bini’aadam nimada la cirib tiri karin ayadoo aan lugu barbar wedin mashaariicda horumarinta, sidaas daraadeed waxaa loogu baaqayaa hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka qaataan arrintan” ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masi ibooyinka xukuumadda Federaalka ah. "Waxaan ka codsaneynaa deeq bixiyeyaasha in mudnaan la siiyo mashaariicda lagula tacaalayo caqabadaha ku gudban horumarinta. Waxaan diyaar u nahay ina aan la shaqeyno dhammaan saaxiibada caalamka si loo gaaro xal waara ayadoo la dhaqan gelinayo hannaanka kasoo kabashada nugeylka (Recovery and Resilience Framework)

Ayadoo ay jirto caqabadaha amniga, hay’adaha gargaarku waxa ay kaalmo gaarsiinayeen celcelis ah aan saddex milyan oo qof bishiiba sannadkii 2018. Qorshaha (HRP) ee 2019 waxaa lagu talo galay in la gaaro 3.4 milyan oo qof (oo boqolkiiba %81 ka ah 4.2ka milyan ee kaalmada u baahan), halka dala bka qorshaha HRP uu hoos uga soo dhacay 1.5 bilyan oo doolar 2018kii sannadkanna uu yahay 1.08 bilyan oo doolar. Howlaha gargaarka wuxuu sanadkan xoogga saarayaa naf badbaadinta, nafaqaynta, daryeelka iyo soo kabashada dadka nugul.

BOGGA CAYAARAHA

RASMI:XAAJI SHIRWAC SANDHOOL AYAA LOO DOORTAY XOGAHAYAHA KOOXDA ELMAN FC

Rasmi:xaaji shirwac sandhool ayaa loo doortay xogahayaha kooxda kubbda cagta ELMAN FC .

Macllin Shirwac Sandhool ayaa ka mid ah ciyaartoydii ugu wanaagsaneed ee soo marta dalkeen xilligii barisamaadka

Macllin Shirwac Sandhool ayaa ka mid ahaa macllimiimtii xulka qaranka da’doodu ka yar tahay 17 sano ee u amba baxay caasimada dalka Burundi ee Bujanbuura una suuro galiyay inay finaal ka garaan CECAFA UNDER 17 allow uusan asiga safarkaa ka mid ahayn.

Macllinka ayaa maanta maamulka kooxda kubbda cagta ELMAN FC u gartayn in loo dhiibo xogahayaha kooxda Elman Maadama uu Aabe sports iyo qabiir Sport intaba uu yahay Macalin shirwac.

RAALI NOQO MUDANE !’ MILNER WAXAA CASAANKA AMA ROOSAHA SIISAY KULANKII PALACE MACALINKIISII…( AQRI SHEEKADAN )

Macalimiinta Jirdhiska ayaa inta badan bilaaba xirfada cayaariyahanada laakiin James Milner malaha ma uusan muujin amarada macalinkiisii hore. Xiddiga Liverpool wuxuu ahaa mid laga saaray kulankii Crystal Palace kaddib casaan uu siiyay garsoore Jon Moss, kasoo ahaa macalinkii Jirdhiska Milner waqtigii iskuulka hoose Westbrook Lane ee Leeds.

_105266350_milner_moss_split_getty

Laacibka qadka dhexe ee 33-jiraa, ayaa ahaa mid waqti dambe laga ceyriyay dheesha markii uu qaatay jaalihii labaad kaddib qalad uu ku galay Wilfried Zaha.

Yeelkeede, Reds ayaa kulankaa ku adkaatay 4-3 iyagoona weli ah hog aanka horyaalka.

Milner ayaa si dhiig joojin ah uga cayaarayay kulankii Palace dambe edka midig ee daafaca madaama uu booskiisa saxdaa yahay qadka dhexe sababo dhaawac awgii aya ana loogu xushay daafaca dambe.

Wuxuu ka baxay kanaalka laga soo galo garoonka kaddib qaladkii uu ku galay Zaha isagoo u muuqada mid og amarada macalinkii hore.

Intaa kaddib, baraha bulshada ayaa waxaa si deg deg ah u qabsaday sawir ay ka muuqdaan Moss iyo koox da’yar ah uu kamid yahay Milner. Waxayna Premier League xaqiijiyeen in Sawirku uu run yahay.

Moss ayaa waxbaray Milner 20-sano kahor wuxuuna dib u xasuusinayaa inuu yahay xirfadle macalin cayaariyahan iyo mid sido kale ku wanaagsan cayaarta cricket.

Milner ayaa seegi doona kulanka Liverpool ay la qaad-aneyso horyaalka Leicester City kaddib casaankii uu qaatay





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip