Wararkii ugu dambeeyay weerarka caawa lagu qaaday Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

0
Thursday January 21, 2016 - 23:48:27 in Wararka by
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay weerarka caawa lagu qaaday Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

    Xoogag hubeysan oo lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, ayaa caawa weeraray laba maqaaxi oo ku yaala Xeebta Liido, oo ku taala Degmada C/casiis Ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan oo lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, ayaa caawa weeraray laba maqaaxi oo ku yaala Xeebta Liido, oo ku taala Degmada C/casiis Ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho. Maqaaxiyadaha la weeraray, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Liido Sea Food iyo Beach View, waxayna labaduba ka mid yihiin maqaaxidaha casriga ah ee sanadihii ugu dambeeyay laga hirgeliyay Xeebta Liido.

Xoogaga weerarka soo qaaday oo tiradoodu lagu sheegay illaa 10 xubnood, ayaa waxay weerarka ka soo qaadeen dhinaca badda, iyagoona rasaas xoogan oodda kaga qaaday dadkii ku sugnaa labadaasi maqaaxi.

Maqaaxida Beach View, ayaa xilligii uu weerarku dhacaayay waxaa ka socday aroos. Dadkii arooska lagu soo casuumay, ayaa intoodu badan la sheegay inay halkaasi ku sugnaayeen.

Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Gobolka Banaadir, ayaa dagaal kula jira raggii weerarka soo qaaday, kuwaa oo la tuhunsan yahay inay xiran yihiin suumanka ka sameysan walxaha qarxa. Illaa saddex qarax ayaa laga maqlay Xeebta Liido, oo uu ku jiro gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la soo dhigay goob aan ka fogayn maqaaxiyadaha. Beach View iyo Liido Sea Food ayaa ah kuwo isku dhow.

Saraakiisha ammaanka, ayaa waxay sheegeen inay wadaan hawlgal ay ku soo afjarayaan weerarka, balse waxay diideen inay faah faahin ka bixiyaan, qaabka uu weerarku ku bilowday.

Dadka reer Muqdisho, ayaa xafladaha iyo aroosyada ku qabsada maqaaxiyadaha Xeebta Liido. Maalmaha Jimcaha iyo Khamiista way ka duwan yihiin maalmaha kale, oo si aad ah ayaa loo taggaa, maadaama ay dadka ku jiraan maalmaha fasaxa.

Maqaaxiyadahan, ayaa waxaa inta badan fariista siyaasiyiin, Qurbojoog, Suxufiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada rayidka ah ee degan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana looga kala yimaadaa dhammaan 17 degmo ee Gobolkaasi.

Xilliyada galbihii iyo habeenkii, ayay camiran yihiin maqaaxiyadaha casriga ah ee laga dhisay Xeebta Liido, tan iyo markii Magaalada Muqdisho si buuxdo looga saaray Ururka Al Shabaab.

Weerarkan, ayaa la rumeysan yahay inuu hoos u dhiggi karo dadkii faraha badnaa, ee waqtiyada nasashada ku qaadan jiray maqaaxiyadaha, sida saf maraynka ah looga dhisay Xeebtaasi.

Weerarkan, ayaa inta la’ogyahay wuxuu sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh, iyadoo ay jiraan gawaari ku burburtay qaraxyada. Sidoo kalana waxaa wadooyinka soo gala Xeebta Liido laga maqlayaa dhawaaqa gaadiidka gurmadka deg degga, inkastoo aanay gudaha u geli karin goobaha la weeraray.

Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka. Wariyaha waxa uu ka dhaawacmay madaxa iyo wejiga, waxaana dhaawaciisa lagu sheegay mid muuqdo.

Goobjooge, ayaa sheegay inuu arkay meydad go’go’ay iyo dad kaloo dhaawacyo culus qaba oo yaala hareeraha wadooyinka, isla-markaana ay adag tahay in dadkaasi loo gurmado, xaaladda goobta oo ah mid aad u cakiran.

Goobjoogaha oo sida uu sheegay inuu si adag kaga soo badbaaday weerarkaasi, ayaa dhanka kale sheegay inaanay gaadiidka gurmadka deg degga ah geli karin Xeebta Liido, sababo ku aadan weerarka oo aan weli la soo gaba gabeen.

Khasaaraha ugu badan, ayaa ka dhashay gaarigii qarxay, sida uu Dhacdo.com u sheegay goobjoogahan, oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Ammaanka Xeebta Liido oo si wayn loo ilaaliyo, ayaa waxaa wax la’iska weydiin karaa, qaabka ay Xoogagaasi ugu suurtagashay inay weerar ceynkaasi oo kala ah ku qaadaan halkaasi.

Daba-yaaqadii sanadkii 2013-ka, ayaa waxaa Xeebta Liido loo sameeyay ciidan gaar ah oo ammaanka sugga, ka dib markii ay Shabaabku sheegeen in fusuq uu ka jiro Xeebta Liido, digniino adagna ay ka soo saareen inay dadku taggaan.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qaado maqaaxiyadaha casriga ah, ee afartii sano ee ugu dambeysay ka shaqo bilaabay Xeebta Leebto welina gudah waxaa ka dhex dhacaya rasaas iyadoo haatan ay tahay saqda dhexe

XIGASHO:-DHACDO.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip