
Ra'iisul Wasaaraha oo B/weyne uga qaybgalay Munaasabad lagu sagootinayay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Jabuuti"Sawirro"
Qaar ka mid ah wax garadka iyo odasha dhaqanka iyo dhalinyaradda reer hiraan oo ka qayb galay munasabadda ayaa amaan u soo jeediyey wada shaqaynta kala dhaxaysa Ciidanka hiil walal iyo shacabka gobolka.
Yusuf Axmed Xagar Guddoomiyeaha gobolka Hiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dadka ku nool gobolka heraan aysan ilaawi doonin abaalka ay u galeen ciidanka reer jabuuti.
Xildhibaan Qadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah gollaha shacabka Soomaaiya ayaa ka hadashay munasabada ayaa ka soo jeedisay kaalimo sugaan oo ay ku amaanayso madaxweynaha dalka walalaha jabuuti, kaalinta kuu ku leeyahay Soo kabasha dowladda nimada Soomaaliya.
Wasiirka gashan dhiga dalka an walalaha nahay ee jabuuti Mudane Xasan dharaar Hufane aya sheegay in dowladdisia ay ka go’an tahay tageero walaltimo ee ay la garab tagan tahay Soomaaliya , isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay marba marka ka danabysa uu soo hagaagayo Guud ahaan amniga oo sal dhig u ah dowladnimadda dalkasta.
Gen Cabdulqaadir Shekh Cali diini wasirka difaac jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xusay in Cidaanka wiil walaal ay gacan ka siyeen Cidanka Soomaliya ka xoraynta maleeshiyaadka Argaxisada ah ee al-shabab deegano badan oo katirsan gobolka hiraan.
Ra’isalwasaaraha xukumadad federaalka Soomaaliya Mudane Cumar cabdirashid oo ka hadlay munasabadda lagu Sagootinayey Ciidanka hiil walal ee jabuuti ayaa tilmaamay in Ciidanka hiil walal aysan ku egkeyn oo kaliyaha ladagalanka alshabab , balse ay gacan ka gaysteen gurmadka loo samaynayo dadka jilicsan iyo dayactirka garoomadda diyaaradeed oo ku yaalla gobolka hiraan, isago xusay in dowldadd Soomaliya dhidgeeda ajbuuti ka codsan doonto in la dalacsiiyo hogaanka ciidanka hiil walal.















Ra'iisul Wasaaraha oo B/weyne uga qaybgalay Munaasabad lagu sagootinayay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Jabuuti"Sawirro"
Munasabadan oo lagu sagootinanyey cutubyo ka tirsan ciidanka hiil waalal ee jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee jabuuti, kana howl gala gobolka hiraan kuwaas oo dhamaaday waqtigigii joogitaan koodda Soomaaliya isla markaana lagu badalay ciidamo cusu