
FAAHFAAHIN: Qaraxyada lagu qaaday xeebta Liido oo sii xoogeystay iyo is rasaaseyn socota
Xaaladda xeebta Liido ayaa caawa aad u kacsan, ka dib markii ay ka dhaceen qaraxyo is miidaamin iyo kuwo gaari loo adeegsaday, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inuu dhacay qaraxii saddexaad. Qaraxaan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa la sheegayaa inuu ahaa gaari miineysan oo la dhigay meel aan ka fogeyn maqaayadda Beach View ee ku taala xeebta Liido.
Rag ka tirsan kooxihii weerarka ka dambeeyay ayaa gudaha u galay maqaayadda, isla markaana ku dilaya qof kasta oo ka mid ahaa dadkii gudaha ku jiray.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Alfa Group ayaa gaaray maqaayadda, kuwaasoo bilaabay inay howlgallo lagula dagaallamayo kooxaha weerarka soo qaaday.
Warar hordhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxyada caawa ka dhacay xeebta Liido ay ku geeriyoodeen in ka badan 8 ruux iyo tiro intaasi ka badan oo ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale ciidamada ayaa xiray gebi ahaanba waddooyinka laga soo galo xeebta Liido, iyadoo ay socoto is rasaaseyn xoogan iyo qaraxyo yaryar.
La soco wararkeena dambe anagoo idiin soo gudbineyna hadba wixii soo kordha oo wararka caawa ah haddii uu alle inoo saamaxo insha allaah.
WWW..mogadishu times.com
Rag ka tirsan kooxihii weerarka ka dambeeyay ayaa gudaha u galay maqaayadda, isla markaana ku dilaya qof kasta oo ka mid ahaa dadkii gudaha ku jiray.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Alfa Group ayaa gaaray maqaayadda, kuwaasoo bilaabay inay howlgallo lagula dagaallamayo kooxaha weerarka soo qaaday.
Warar hordhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxyada caawa ka dhacay xeebta Liido ay ku geeriyoodeen in ka badan 8 ruux iyo tiro intaasi ka badan oo ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale ciidamada ayaa xiray gebi ahaanba waddooyinka laga soo galo xeebta Liido, iyadoo ay socoto is rasaaseyn xoogan iyo qaraxyo yaryar.
La soco wararkeena dambe anagoo idiin soo gudbineyna hadba wixii soo kordha oo wararka caawa ah haddii uu alle inoo saamaxo insha allaah.
WWW..mogadishu times.com
FAAHFAAHIN: Qaraxyada lagu qaaday xeebta Liido oo sii xoogeystay iyo is rasaaseyn socota
Xaaladda xeebta Liido ayaa caawa aad u kacsan, ka dib markii ay ka dhaceen qaraxyo is miidaamin iyo kuwo gaari loo adeegsaday, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inuu dhacay qaraxii saddexaad.