Ex.Ciyaaryahanad Xaawo Taako "Caatanimada ayey iigu baxday Xaawo Taako" wareysi

0
Thursday January 21, 2016 - 11:03:19 in Wararka by
  • Visits: 1415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex.Ciyaaryahanad Xaawo Taako "Caatanimada ayey iigu baxday Xaawo Taako" wareysi

    Waxaa inoo suurta gashay inaan Wareysi la yeelano Laacibadii caanka aheyd ee Gabdhaha Kubada Koleyga LLPP iyo Xulkii Qaranka Soomaaliya Xaawo sheekh Axmed oo lagu naynaasi jiray Xaawo Taako ama Iron Lady Markaad Maqshid Waxaad soo xasuusaneysaa Gabad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa inoo suurta gashay inaan Wareysi la yeelano Laacibadii caanka aheyd ee Gabdhaha Kubada Koleyga LLPP iyo Xulkii Qaranka Soomaaliya Xaawo sheekh Axmed oo lagu naynaasi jiray Xaawo Taako ama Iron Lady Markaad Maqshid Waxaad soo xasuusaneysaa Gabadhii caanka ku aheyd Barisamaadkii Kubada Koleyga Soomaaliya magacna u soo jiiday Soomaaliya,Hadaba halyeeyadaasi ku gaamurtay Dhinaca isboortiga Gaar ahaan Kubada Koleyga 25 sano ee u dambeysana Door weyn oo muuqda ka soo qaadatay Dhiirigalinta Ciyaaraha ayaan Maanta idiin soo gudbineynaa Wareysi aanu la yeelanay waxaana Wareysigii uu u dhacay sidatan.
image (2)
1s. Xaawo taako Halkee ku dhalatay,Xiligee iyo maxay kugu baxday Naynaasta Xaawo Taako
1j- Waxaan ku dhashay Gobolka hiiraan Magaalo madaxdiisa B/weyne oo xiligaasi uu madax ka ahaa AUN Aabaheey,waxaana magaalada noogu yiilay Guryaheenii iyo Beertii Awoowgeey,waxaana ku koray waxbarashadana aan ku qaatay Magaalada Muqdisho
Neynaasta Xaawo taako waxa ay iigu baxday anigoo dhiganaya Dugsigii Hoose dhese ee alfalaax oo ku yiilay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir,waxaan ahaa qof aad u dhuuban oo caato ah waxa la igu mitaali jiray 1 taako marka la eegay sida aan caatada u ahaa
2s Waxaa nagu maqaala ah inaad yaraantaadii xisiseyn jirtay Ciyaaraha hadaba Goorma ayaad ku soo biirtay Ciyaarta Kubada Koleyga yaana kugu gacan siiyay Bilowgaagii Ciyaarta kubada Koleyga oo aad magac weyn ku laheyd Barisamaadkii
2j- waa runtaa waxaan jeclaa Ciyaaraha si gaar ah orodada,kubada Cagta waxaan ku soo baxay orodka a oo aan u ordi jiray Dugsiga shibis waxaan oradayay 100 m,400m 800m,isla marka waxaan ciyaalka xaafada la ciyaari jiray kubada Cagta waqti yar ka dib waxaan u lexday kubada kolayga oo aan u saftay iskuulka shibis,isla sanadkaasi waxaan ka mid noqday ciyaartoydii Degmada yaaqshiid waxaan la ii qatay ciyaartoydii ku ciyaaraysay magaca Gobolka Banaadir, cid igu gacan siisay ma jirin aniga waxaan ahaa qof ilaahay haybad igu siiyay jeclaana k.kolyga ama isboortiga
3s.maxasuusataa Ciyaartii kuugu faraxada badneyd iyo tii kuugu naxdinta badneyd mudadii aad u ciyaareysay Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Kooxdaadi gabdhaha Kubada Koleyga LLLPP
3j-waxaan ka mid noqoday oo aan ka mid ahaa Gabdhihii lagu aasaasay Naadigii LLPP ama Howlaha Guud,waxaa igu farxad badanayd intii aan ka tirsanaa LLPP ciyaaro faro badan oo aan soo koobi karin sababtoo ah waxaan ahaa qof isku kalsoon ciyaar walba oo aan safanayo waxaan jeclaa in aan mujiyo ciyaar wanaag oo dadka aan ku soo jiito kalsoonidooda anoo og in la kala badin karo Lakiin aan dadka tuso ciyaar wacdaro leh oo aan magaca ku yeeshay.
4s Ciyaarhan kasta marka uu Garoonka ku jiro cid buu xiiseeyaa inay ka garab ciyaaraan,adiga yaad jecleyd inay kula galaan Garoonka markaad u ciyaareysay Xulka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya iyo Naadiga Howlaha guud ee jeenyo
4j- ciyaartii aan ka naxo ama aan ka xumaado waxay ahayd ciyaar aan ku soo bixi lahayn final ka anaga iyo Masar Lakiin dagaal naga dhax dhacay ayaa madaxdeenii ay ka baxeen cayaartii sidaasi ay masarna kaga baxeen ayagana sidaasi waa malintii iyo naxdin badnayd meesha waxaa ku qaatay koobkii lubnaan iyo suuriya ,sorry markaan soo xusuusato waan ka xumaadaa.
5s. Ciyaaryahan kasta marka uu Garoonka ku jiro cid buu xiiseeyaa inay ka garab ciyaaraan,adiga yaad jecleyd inay kula galaan Garoonka markaad u ciyaareysay Xulka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya iyo naadiga Howlaha guud ee jeenyo
5j- Waa Runtaa waxaan jeclaa in ay garabkeyga igala ciyaaraan Walaashay Hindiyo,afeey hodan,markay noqoto qarankana waxaan jeclaa in ay garabakayga ka ciyaaraan Wariiri AUN Saharo gurey iyo gabdho kale oo aan ku soo koobki karin halkaan .
sida qaalibka ah jeenyo intii xasuusata waxay ahaayeen kooxaha ka dhisan dalka kuwa ugu fiicnaa marka isweydiin uma baahna inta koob ama munaasabado aan qaadanay
6s.markii uu dhacay Burburka qaar badan ooa ad ka mid aheyd ciyaaryahanadii Soomaaliya dibada ayey u baqooleen adiga Markiia a d tagatay Dibada kama seexan dhiiraginta Ciyaaraha maxaa sababa
6j-walaal waa runtaa aniga waxaan dalka ka tagay burburkii dalka ka dhacay 1991 waxaan aaday Yurub waxaana tagay dalka iswiserland magaalada Geneva oo aan ka bilaabay in aan koox u ciyaaro caruurtayadana aan ku barbaariyo in ay ciyaaraan kubada kolayga,ilaahay mahadii Geneva ku noolaa mudo ku dhawaad toban sano kadibna waxaan aaday London oo aan deganahay
,markaan imid London sidaasi kuma dhaafin ciyaaraha ee waxaan bilaabay in aan caruurtayda iyo caruurta somaliyeedba a in aan meshaasi uga bilaabo abaabul xoogan isagoo garab aan ka helayo sowjekga Dr Osman Shiis oo ka mid ah isagana ciyaartoydii Horseed iyo qaranka somaliya qayb muhiim ah igala qaatay,waxaan diyaariyay caruur badan oo ka qayb gali jiray ciyaaro Lagu qaban jiray yurub qaybaheeda kala duwan,isla markaana aan ka qayb qaatay markii laga soo bilaabo 2009 aan imid dalka ilaa iyo mantadan aan ahay gudoomiye kuxigeen XSKK in aan garb tagnaado isboortiga si kastoo ay noqoto wixii aan tari karo in aan ku taakuleeyo ayaa iga qo an dalkeyga xaq ayuu igu leeyahay wixii.aan ugu abaal gudi karana cid ugama hibaysanayo
7j sidee ua aragtaa dib u soo nooleynta Isboortiga Soomaaliya Xiligaan
.
7j- waxaan aad iyo aad ugu farxsanahay horumarka laga gaaray tan iyo xiligii uu burburkii ka dhacay dalkeena dib loo soo celiyay hanaankii kubada kolyga oo ah habeen la ciyaaro, taasina waxaa iska leh XSKK madaxadooda howsha ay iska wax uqabso ugu shaqeeyaan dal kooda waan ku amaanayaa inta noo dhimana ilaaheey hanla qabto
image (1)
8s…..Ugu dambeyntii Xaawo Sheekh Axmed maxaad ugu baaqeysaa bahda isboortiga
8j- waad ku mahadsanatahay fursadaan qaaliga aad I siisay walaalkay waxaan ugu baaqayaa Bahweynta isboortiga jecel kuwii hore iyo Kuwa cusbuba marka hore qof walboow waxaad ogaataa in aad dalkaan aad adiga leedahay cidina aan ka xigin dib u dhiskiisa,tan labaad qabiil ma laha waa adi iyo dadimadaada inaan is kaashano oo aan meel ka soo wada jeedsano oo qof walba uu geestiisa ka qabta XSKK qof ma laha sida aad ku arkeysaan magaciisa somaaliya ayaa leh marka qofkii ku abtirsda dhiniciisa ha ka qabto waxa loo dadaalayo waa Dalkeena oo mudo ka maqnaa hawada caalmka ee ha loo istaago axya somaaliya axya wadani.
image (3)
Waxaa Wareystay
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip