Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Caawa Saxaafada Kubada Cagta Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. Waxaa Qoray: Saed Balaleti Taariikh: 20-Jan-16

0
Wednesday January 20, 2016 - 11:01:59 in Sports News by
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Caawa Saxaafada Kubada Cagta Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. Waxaa Qoray: Saed Balaleti Taariikh: 20-Jan-16

    Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa furan taasoo la micno ah inaysan joogsaneynin xanta suuqa, waxaana saacad walba soo baxaya war cusub oo suuqa kala iibsiga ku saabsan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa furan taasoo la micno ah inaysan joogsaneynin xanta suuqa, waxaana saacad walba soo baxaya war cusub oo suuqa kala iibsiga ku saabsan,

hadaba laacib.net ayaa kaa saacidi doonta inay wararka xanta suuqa oo dhan hal meel kuugu soo koobto. Iyadoo subax walba aan idiin soo qorno wararkii ugu danbeeyay ee ay wargeysyada Ingariiska qoreen ayaa caawa idiin soo gudbineynaa waxyaabihii la qoray caawa fiidkii ee suuqa kala iibsiga.

Haddii Liverpool ay ku guuleysato dalabkooda 60ka milyan euro ee Alvaro Morata, Juventus ayaa u dhaqaaqi doonta xiddiga kooxda Paris Saint-Germain. Juve ayaanse dooneynin inay iska iibiso xiddiga reer Spain. (La Gazzetta dello Sport)

Marseille ayaa heshii shaqsi ah la gaartay Florian Thauvin inuu dib ugu soo laabto Stade Velodrome, laakiin waxaa heshiiska hakadgelisay Newcastle kuwaasoo doonaya inay bedelkiisa la soo wareegaan ka hor inta aysan ogolaanin inay fasaxaan xiddiga reer France. Xiddiga Tottenham Andros Townsend ayaa ah xiddiga diirada u saaran. (L’Equipe)

Atletico Madrid ayaa iska diiday dalab 30 milyan ginni ah oo ay Tottenham ka soo gudbisay weeraryahankooda Jackson Martinez, kaasoo ku dhibtooday inuu la qabsado Spain ka dib markii uu xagaagii ka soo wareegay FC Porto. (A Bola)

Benfica ayaa rajeyneysay inay la soo wareegto xiddiga Red Star Belgrade Luka Jovic iyo Andrija Zivkovic oo u ciyaarta kooxda Partizan, laakiin heshiiskooda waa la adkeeyay madaama ay Dortmund soo gashay tartanka. (A Bola)

Chelseaayaa la wareegi karta weeraryahanka Gonzalo Higuain laakiin Napoli ayaa ku fasaxeysa xiddiga reer Argentina kaliya 100 milyan euro oo u dhiganta 76 milyan ginni. (Fichajes.net)

Iyadoo Andrea Ranochhia ayaa ku dhow inuu u dhaqaaqo Milan, Inter Milan ayaase u baahan daafac kale, waxaana ay aaminsan yihiin Cristian Zapata oo deriskooda u ciyaara inuu ku haboon yahay sidaasi darteed waxaa macquul ah heshiis isku bedelesho. (Corriere dello Sport)

Wolfsburg ayaa dalab ku aadan Simone Zaza u soo bandhigtay Juventus laakiin kooxda Talyaaniga ayaa soo diiday dalabkaan. Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa ku dooneysa weeraryahanka 35 milyan euro. (Tuttosport)

Iyadoo Neymar uu ka fiirsanayo inuu ka dhaqaaqo Camp Nou ka dib markii lagu dheereeyay dacwada la xiriirta wax isdabamarintii dhacday markii uu Santos ka soo wareegayay, ayaa Barcelona waxa ay raadineysaa bedelkiisa macquulka ah waxaana ay u arkaan xiddiga Chelsea Eden Hazard. (Buzz Sport)

Wakiilka Marouane Fellaini ayaa ku dhow inuu la kulmo wakiilo ka socda AC Milan si ay uga hadlaan inuu ka soo wareego Old Trafford. Milan waxa ay dooneysaa heshiis amaah ah laakiin Man United ayaa kaliya rabta inay 20 milyan ginni si joogta ah ugu iibiso. (Calciomercato.com)

Dhibaatada dhaawac ee Daniel Sturridge ee Liverpool ayaa weli socota, waxaana lagu xamanayaa West Brom inay dalab 18 milyan ginni ah ka gudbineyso si ay uga soo kaxeeyaan Anfield. (Brentwood Gazzette)

Daafaca Papa Djilobodji ayaa kaliya hal daqiiqo u ciyaaray Chelsea tan iyo markii uu yimid xagaagii, waxaana uu haatan u dhaqaaqi karaa Jarmalka. 27 jirkaan oo lagala soo wareegay kooxda Nantes ayaa amaah ugu biiri kara kooxda Werder Bremen. (Bild)

RASMI: NorwichCity ayaa ayaa la soo wareegtay weeraryahanka Everton Naismith heshiis aan lacagtiisa la sheegin balse lagu qiyaasay 8.5 milyan ginni.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip