Hordhaca Liverpool v Exeter City Ee Ku Celiska Wareega 3aad Ee FA Cup, Waqtiga La Ciyaarayo, Shaxda Macquulk Ah Iyo Waxa Ka Cusub.

0
Wednesday January 20, 2016 - 10:59:46 in Sports News by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Liverpool v Exeter City Ee Ku Celiska Wareega 3aad Ee FA Cup, Waqtiga La Ciyaarayo, Shaxda Macquulk Ah Iyo Waxa Ka Cusub.

    Kulanka:Liverpool v Exeter City Garoonka: Anfield Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka:Liverpool v Exeter City Garoonka: Anfield Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika


Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa la filayaa inuu soo safo kooxdiisa labaad kulanka caawa ee ku celiska ee wareega 3aad ee FA Cup ee ay la ciyaarayaan kooxda heerka afaraad ee Exeter City.

Tababaraha Jarmalka ayaa qorsheynaya inuu magacaabo koox la mid ah kooxdii barbaraha 2-2 la gashay Exeter City kulankii hore, inkastoo daafaca Jon Flanagan uu soo laaban karo ka dib 18 bilood oo uu dhaawac ku maqnaa.

MAXAA KA CUSUB:

Jon Flanagan ayaa la filayaa inuu ku soo laabto kooxda ka dib dhaawaciisa jilibka iyadoo Klopp uu xaqiijiyay inuu ugu yaraan boos ka heli doono kursiga keydka, laakiin hal ciyaaryahan oo seegaya kulankaan waa Daniel Sturridge kaasoo dib u dhac uu soo wajahay soo kabsashadiisa.

Si kastaba, qaar ka mid ah ciyaartoyda koowaad sida Adam Lallana, Joe Allen iyo Jordan Ibe ayaa la filayaa inay ciyaaraan caawa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool: Ward; Smith, Toure, Enrique, Randall; Brannagan, Allen; Teixeira, Lallana, Ibe; Sinclair.

Exeter: Olejnik; McAllister, Brown, Moore-Taylor, Ribeiro; Tillson, Nicholls, Holmes, Noble; Nichols, Reid.

MA OGTAHAY?

  • Ka hor kulankii barbaraha ee 2-2 ee St James Park, Liverpool ayaa badisay kulankii kaliya ee FA Cup ee ay labada kooxood ciyaareen, waxaana ay ku badiyeen 3-1 ciyaar ka dhacday Anfield bishii Janaayo 1950.
  • Liverpool waligeed guuldarro kama aysan soo gaarin koox heer afaraad ah, 14 kulan oo ay la ciyaareen FA Cup.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip