Hordhac: Athletic Bilbao v Barcelona – Bilbao Caawa Maka Aargudan Doontaa Barcelona Guuldaradii 6-0 Ee Isbuucaan.

0
Wednesday January 20, 2016 - 10:57:28 in Sports News by
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Athletic Bilbao v Barcelona – Bilbao Caawa Maka Aargudan Doontaa Barcelona Guuldaradii 6-0 Ee Isbuucaan.

    Kulanka: Athletic Bilbao v Barcelona Garoonka: San Mames Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Athletic Bilbao v Barcelona Garoonka: San Mames Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika

Iyadoo Barcelona ay isku diyaarineyso inay Athletic Bilbao la ciyaarto markii labaad seddex maalmood gudaheed iyo markii shanaad xilli ciyaareedkan, waa laga cafin karaa qof walba oo ka sheeganaya inuu kulankaan ku daalay gaar ahaan seddexdii kulan ee ay Barcelona sannadkan 2013 la ciyaartay Espanyol.

Barcelona ayaa ciyaartay sideed kulan sannadkan 2016, waxaana ay la ciyaartay kaliya afar kooxood, intaas ayaan kuugu filan faahfaahin. Barca ayaa caawa u safreysa San Mames iyadoo lugta hore ee wareega 8da Copa del Rey la ciyaareysa kooxdii ay isbuucaan 6-0 kaga soo badiyeen horyaalka La Liga ee Athletic Bilbao.

MAXAA KA CUSUB?

Lionel Messi tababar lama uusan qaadanin kooxda Barcelona shalayto, waxaana uu weli ka shaqeynayaa inuu ka soo kabsado dhaawacii muruqa ee u diiday inuu sii wato kulankii axada. Xiddiga reer Argentin ayaa xanuun ka dareemay muruqa bowdada kulankii ay Catalans ka badisay Athletic. Waxaa jira suurtogalnimo uu ku ciyaaro Messi caawa laakiin xaalka sidaasi uma badna.



Luis Suarez ayaa isna ganaax ku seegaya kulanka caawa, madaama labo kulan la ganaaxay lugtii hore ee wareega 16ka ee Copa del Rey markii lagu eedeeyay inuu kiciyay dagaal labada kooxood ku dhexmaray wadiiqada loo maro qolalka labiska.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona (4-2-3-1): ter Stegen; Alves, Pique, Vermaelen, Roberto; Busquets, Iniesta; Vidal, Munir El Hadadi, Arda Turan; Neymar

Athletic (4-2-3-1): Iago; Lekue, Laporte, Etxeita, Balenziaga; San Jose, Benat; de Marcos, Susaeta, Williams; Aduriz


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip