
Tedros Adhanom oo Baydhaba kulan gaar ah kula qaatay ciidamada Itoobiya + Sawirro
Tallaabadaan ammaanka lagu adkeynayo ayaa ka dambeysay iyadoo magaalada Baydhaba uu soo gaaray wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirkeeda arrimaha dibadda Tedros Adhanom, isla markaana ka qeyb galay munaasabadda lagu caleema saarayay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa khudbad ka jeediyay xafladda caleema saarka guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed, isagoona halkaasi ka ballanqaaday in dowladiisu kordhineyso taageerada maamul goboleedyada dalka iyo dagaalka ay kula jirto ururka Al-Shabaab.
"Dowladda Itoobiya waxay ballanqaadeysaa inay laba laabeyso taageerada Dowladda Federaalka, waana guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliya arrinta aan maanta halkaan u fadhino waana mid sare u qaadeysa maamul wanaagga iyo nabadda” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.
Tedros Adhanom ayaa waxa uu booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baydhaba, isagoona halkaasi khudbad ugu jeediyay saraakiisha iyo ciidamada dalkiisa ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
"Dhammaan ciidamada ka socda dalka Itoobiya ee ka midka ah howlgalka AMISOM waxaan ugu hambalyeynayaa sida ay isku garab taageen walaalahooda Soomaaliya, iyagoo ku garab taagan in dalkooda laga cirib tiro kooxaha argagixisada ah” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.









0 


Tedros Adhanom oo Baydhaba kulan gaar ah kula qaatay ciidamada Itoobiya + Sawirro
Ammaanka magaalada Baydhaba ayaa shalay si aan horay loo adkeeyay, kaddib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM la soo dhoobay gudaha iyo hareeraha magaaladaasi, kuwaasi oo iyagu baaritaano xoogan ka sameynayay dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ma