
BEESHA CAALAMKA: Ma jirayso Wax muddo ah oo loo kordhinayo dowladda federaalka Somaliya
Sidoo kale, Warbixinta UNSOM ayaa lagu Xusay inay ka filayaan Mas’uuliyiinta Somalia qorshe cad iyo qariidad siyaasadeed oo Somalia loo dajiyo Sannadaha 2016-ka illaa 2020-ka, taasoo ah waxay Hoggaamiyayaasha Soomaalida isku raaceen intii uu socday kulankii madasha wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka dhacay 16-kii bishii December ee sannadkii hore.
Xubnaha Beesha Caalamka ayaa intaas ku daray inay soo dhaweynayso Wadahadalladii ka dhacay Kismaayo iyo farqiga u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee sii yaraanaya, markay timaaddo habka doorashada ee sannadka 2016-ka.
"Arrin wanaagsan ayay ahayd in Hoggaamiyayaasha Soomaalida ay dhawr Maalmood ku bixiyeen ka hadalka habka doorasho ugu wanaagsan; uguna habboon ee Somalia ka dhacda sannadkaan,” ayaa lagu yiri warbixinta xafiiska UNSOM.
Dhanka kale, Beesha Calamaka ayaa sheegtay in inkasta oo ay ka niyad jabsan tahay inaan wax heshiis ah lagu gaarin Shirkii Kismaayo, haddana waxay soo dhaweneyso in Horumar laga sameeyay wada-hadallada.
Kulankii xubnaha Beesha Caalamka ay la yeesheen Hoggaamiyayaasha Somalia, waxay ku cadeeyeen inuusan jiri dooonin wax waqti ah oo hay’adaha dowladda ee hadda shaqeynaya loo kordhiyo, sida golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta.
Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Somalia inay danta Qaranka ka hormariyaan wax walba; isla markaana ay ka rajeynaynaan hogaanka dalka inay go’aan ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, ka hor kulanka Golaha Amaanka ee QM oo dhacaya 28-ka bishan Jannaayo iyo shirka Midowga Afrika ee oo Maalmaha kaddib ka dhici doona Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.


0 



BEESHA CAALAMKA: Ma jirayso Wax muddo ah oo loo kordhinayo dowladda federaalka Somaliya
Beesha Caalamka ayaa shaacisay inay Mas'uuliyiinta Somalia ka filayso inay si deg-deg ah ugu soo Gudbiyaan go'aan ku saabsan hab Doorasho oo la isku raacsan yahay oo ka dhacda Soomaaliya; isla markaana aanu xilli loo kordhinayo Dowladda Fed