Ciidamo badan oo saaka lagu arkaayo Wadooyinka Muqdisho iyo wadooyinka Qaar oo xiran

0
Wednesday January 20, 2016 - 09:40:34 in Wararka by
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo badan oo saaka lagu arkaayo Wadooyinka Muqdisho iyo wadooyinka Qaar oo xiran

    Dadka reer Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay ciidamo badan oo taag taagan wadooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Boolis iyo Nabad Suggida, waxaana jirta wadooyinka qaar oo gaadiidka laga mamnuucay inay maraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka reer Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay ciidamo badan oo taag taagan wadooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Boolis iyo Nabad Suggida, waxaana jirta wadooyinka qaar oo gaadiidka laga mamnuucay inay maraan.

Ciidamadan oo Booliska iyo Nabad Suggida isugu jira ayaa taag taagan wadooyinka ku dhaw Madaxtooyada Villa Somaliya, iyaga oo wadooyinka qaarna xiray oo u diiday inay maraan gaadiidka rayidka.

Wadooyinka qaar waxaa ku go’an gaadiidka Ciidanka, lamana ogola gaadiid aanan aheyn kuwa Dowladda inay maraan halkaasi.

Wadada horumarta Madaxtooyada Somaliya ayaa la xiray, waxaana xiritaanka wadada ay ka soo bilaabataa taaladii hore ee S.Y.L ilaa Isgoyska Sayidka waa ay xiran tahay oo looma ogola gaadiid aanan aheyn kuwa Dowladda inay halkaasi maraan.

Sidoo kale ciidamada ayaa gaadiidka u diidaya inay maraan wadada ka timaada Ceelgaabta ee dhanka Madaxtooyada aada, waxaa sidoo kale ciidamo Nabad Suggida ka tirsan lagu arkayaa Isgoyska KM4, halkaasi oo wadooyinka qaar ciidanka ay xireen oo gaadiidka loo diiday.

Lama oga marxalada soo korodhay, waxaana dadka ay isweydiinayaan waxa saaka ka jira Magaalada Muqdisho, maadaama gaadiidkii biel-ka ee Bulshada ay raaci jirtay wadooyinka laga xirtay dadkana ay yihiin kuwa lugeynaya.

Dadka reer Muqdisho oo xirnaanshaha wadooyinka dhibaato ku qaba, ayaa inta badan hadal haaya sababta wadada loo xirtay oo ay isweydiinayaan, inkastoo xilliyada sidan oo kale wadooyinka loo xiro Madax ay soo degayso ama Madaxda Dowladda ay meelo booqanayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip